FIIRSO SAWIRO: Maamulka Gobolka Banaadir oo shacabka ugu baaqay iney la shaqeeyaan Dowladda Farmaajo..

0
Saturday February 11, 2017 - 13:21:50 in Wararka by
  • Visits: 696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FIIRSO SAWIRO: Maamulka Gobolka Banaadir oo shacabka ugu baaqay iney la shaqeeyaan Dowladda Farmaajo..

    Madaxweynaha lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay,waxaana ka qeyb galay shacab aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir,kuwaasi oo sitay boorar ay ku dhegan yihiin sawirada madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheikh Osmaan Jawaari.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ku yimaaday rabitaan shacbiyadeed,isagoo shacabka ugu baaqay iney la shaqeeyaan Dowladda cusub.

Tan iyo doorashadii Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa socday dabaal degyo lagu taageeryo hogaanka cusub ee Soomaaliya.

  •  



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip