Sanad kadib geeridii Hogaamiyihii Al-Shabaab Axmed Godane. =Warbixin Xasaasi ah=

0
Thursday September 03, 2015 - 11:28:00 in Maqaallo by
  • Visits: 1381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanad kadib geeridii Hogaamiyihii Al-Shabaab Axmed Godane. =Warbixin Xasaasi ah=

    Inkastoo Al-Shabab ay qirteen in la dilay hogaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane ayaguse u yaqaaneen Sh, Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr 6 bishii September haddana waxaa la aaminsan yahay in Axmed Godane uu ku geeriyooday duqeyn diyaaradaha dagaalka Maray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo Al-Shabab ay qirteen in la dilay hogaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane ayaguse u yaqaaneen Sh, Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr 6 bishii September haddana waxaa la aaminsan yahay in Axmed Godane uu ku geeriyooday duqeyn diyaaradaha dagaalka Maraykanka ka geysteen inta u dhaxaysa degmada Sablaale iyo degaanka Haawaay oo Sh/hoose ka tirsan
Waxay u aheyd waqti u adag Al-Shabab sababtoo markaas waxay Shababku wajahayeen duulaan xoog leh oo kaga imaanayay dawlada Soomaaliya oo garabsanaysa ciidamada AMISOM.

Axmed Godane oo is qarin jiray inta badana soo diri jiray fariimo guubaabo u badan waxaa uu Al-Shabab u ahaa Udub-dhexaad asaga ayaana ahaa shaqsiga diyaariya weerarada ay dagaalamaashiisu fuliyaan.

Weerarada uu diyaariyay waxaa ka mid ahaa weerarkii lagu qaaday suuqa Westgate ee Nairobi ku yaala ku yaala oo galaaftay nolosha in ka badan 100 ruux iyo weeraro kale oo ka dhacay gudaha Soomaaliya Kenya iyo Uganda.


Markii uu soo shaac baxay warka la xariira geerida hogaamiyihii Al-Shabab dad badan ayay ka dhaadhacday inay jab weyn ku noqonayso oo ay ugu yaraan bu rburi doonaan sadaashaa noocaas ahna dad badan ayaa bixiyay.

Geeridii Godane kadib Al-Shabab waxaa gacantooda ka baxay magaalooyin badan oo muhiim u ahaa sida Baraawe, Baardheere, Diinsoor Jalalaqsi iyo magaalooyin kale oo ay muddo gacanta ku hayeen.

Taasi waxay keentay in sidoo kale dad badan aaminaan aragtida ah inuu soo dhawaaday dhamaanshaha Al-Shabab.

Sidoo kale geeridii Axmed Godane Al-Shabab waxay qaadeen weeraro uu dhiig badan ku daatay waxaana ka mid ah weerarkii Leego oo lagu dilay Askar aan tiro yareyn oo u dhashay dalka Burundi kana tirsanaa howlgalka AMISOM, weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo ay dad badan ku laayeen weeraro lagu qaaday hoteelo Muqdisho ku yaala oo saacado ka dhex dagaalameen dhismaha wasaaradda wax barashada hidaha iyo tacliinta sarre, weerarkii madaxtooyadda Baydhabo Cadaado oo la weeraray xarun uu ka socday shirkii lagu dhisay maamulka Galmudug iyo qaraxyo iyo weeraro kale ka dhacay gudaha Soomaaliya iyo dalka Kenya.

Sidoo kale Al-Shabab waxay fuliyeen dilal qorshaysnaa oo ay ku qaarajiyeen shaqsiyaad dawlada Soomaaliya u shaqaynayay, xildhibaano iyo shaqaalo dawlada u shaqaynayay.

Shaqsiyaadka gacanta Al-Shabab ku baxay waxaa ka mid ah danjire Yuusuf Bari Bari oo lagu dilay weerar ay dabley hubeysan oo Al-Shabab ka tirsan ku qaadeen hotelka Maka Al-Mukarama Gudoomiye ku xigeenkii G.Baanadir Max’ed Aadan Guuleed Caano-Geel oo asna ku geeriyooday qarax ka dhacay hotelka Central waxaana sidoo kale weerarkaas oo maalin Jimco ah dhacay ku dhaawacmay R/wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Cumar Carte.

Sidoo kale tirada dadka rayidka ah ee naftooda ku waayay weerarada ay Al-Shabab geysteen ayaan tiro iyo cadad midna laheyn.

Weerarka maanta ee xalay soo bilowday ee ka dhacay degaanka Janaalle ka dhacay ayaana ka mid ah weerarada ay awoodooda kusoo bandhigayaan Al-Shabab.

Dhamaan weeraradaas waxay muujinayaan in Xarakaddu ay willi awood muuqata leeyhiin inkastoo haddana ay luminayaan awoodii ay ku diifacan lahaayeen magaalooyinka ay maaamulaan.

W/Diyaarshay Burhaan Diini Faarax.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip