Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyay Musharaxiintii u tartamaysay xilka Madaxweynaha{Daawo:-Sawirrdada kulanka

0
Friday February 10, 2017 - 10:08:48 in Wararka by
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyay Musharaxiintii u tartamaysay xilka Madaxweynaha{Daawo:-Sawirrdada kulanka

    Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Musharaxiintii u tartameysay xilka Madaxweynaha, kuwaasoo intooda cododka helay ku taageeray inuu ku guuleysto xilka Madaxweynaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Musharaxiintii u tartameysay xilka Madaxweynaha, kuwaasoo intooda cododka helay ku taageeray inuu ku guuleysto xilka Madaxweynaha.

Kulanka casha sharafta ayaa lagu soo dhoweeyay guushii laga gaaray doorashada Madaxweynaha, iyo in fikirkii Musharaxiinta ee is bedel doonka ahaa inuu mira dhalay. waxaa wararka qaar sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uga mahad celiyay Musharaxiinta, taageeradii ay siiyeen, markii uu noqday Musharaxii ugu codka badnaa ee ku xigay Xasan Sheekh, taasna ay u suura gelisay inuu guuleysto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Musharaxiinta qaar ay soo jeediyeen heshiiskii horay u gaareen oo ka mid ahaa in Musharaxiinta qaar uu ku soo daro Xukuumadda la soo dhisayo.

Heshiiskii Jazeera ee horay u gaareen ayaa ahaa in Musharaxiinta ay helaan xilal ay ka mid yihiin Wasiir, waxaana kulanka caawa waxyaabaha la isku afgartay, inkastoo ahaa soo dhoweyn guusha la gaaray, waxaana jiri doona kulamo gaar gaar ah oo uu la yeesho Madaxweynaha iyo Musharaxiintii hore.

Qaar ka mid ah Musharaxiintii Madaxweynaha ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa durba bilaabay inay galaan-gal u galaan xilka Ra’iisul Wasaaraha oo lagu wado in Madaxweynuhu soo magacaabo marka la caleemo saaro.

Dhinaca kale waxaa ka socda Hotelada Muqdisho, kulamo iyo wada tashiyo ay leeyihiin qaar ka mid ah Beelaha Hawiye, waxaana caawa Hotelka Pan Afric ka dhacay kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen Beesha H/gidir oo xusul duub ugu jirta in loo magacaabo xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Siyaasiyiin qaar oo ka soo jeeda Beesha H/gidir ayaa durba bilaabay inay olole u galaan in loo magacaabo xilka, inkastoo aan la ogeyn sida uu uga jawaabi doono Madaxweyne cusub iyo Beesha uu siin doono.

Caqabada ugu horeysay ee hor-taala Madaxweyne Farmaajo ayaa ah magacaabida xilka Ra’iisul Wasaaraha iyo shaqsiga uu u soo magacaabo doono, maadaama qaabka ay ku dhisan tahay dowladda Federaalka ay tahay mid awood qeybsi ah, iyadoo isha lagu wada haayo beelaha uu ka soo magacaabi doono beelweynta Hawiye.

IMG_0184IMG_0185IMG_0186IMG_0187IMG_0188IMG_0189IMG_0190

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip