
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 5-TA FEBARAAYO 2017-KA
Musharax kasta oo khubadiisa jeedinaya ayaa waxa uu xaq u heli doonaa 30-daqiiqo, si la mid ah Musharaxiintii horey u jeedisay khudbadaha.
Khudbadaha Musharaxiinta ayaa waxa ay si toos ah u bilaaban doontaa 09:30 subaxnimo, sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).
Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha ayaa waxa ay sheegeen maanta oo Axad ah in ay khudbado jeedin doonaan ilaa 8 Musharax, kuwaas oo kala ah:-
1.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
2.Dr. Maxamuud Maxamed Culusow
3.Maxamed Axmed Jabarti
4.Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
5.Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
6.Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
7.Maxamed C/risaaq
8. Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil
Sidoo kale maanta waxaa laga yaabaa in khudbadjeedinta uu ku soo biiro Axmed Maxamed Cabdi oo qorshuhu uu ahaa in Khamiistii uu jeediyo khudbadiisa, balse cudur daar uu soo gudbiyay darteed dib loogu dhigay.
Maanta ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo khudbad jeedinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, maadaama horey khudbadahooda loo soo dhageystay 14 Musharax.
OLOLAHA MUSHARAX C/QAADIR COSOBLE OO XOOGEYSTAY (WARBIXIN)
Ololaha Musharax C/qaadir Cosoble Cali ayaa maalmihii la soo dhaafay si aad ah u xoogeyst ay, ka dib markii Musharaxa bilaabay kulamo iyo abaabullo xooggan oo uu ku kasbanaayo Xildhiba annada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
Musharax C/qaadir Cosoble Cali ayaa la sheegay in rajadiisa xilka Madaxtinimada ay sare u kacday, ka dib markii xubnaha ololihiisa ay ku soo biireen xubno waayo arag ah oo u badan siyaasi yiin ruug caddaa ah.
Hoyga uu ka deggan yahay Muqdisho iyo xarumihiisa ololaha ayaa laga dareemay saxmad aad u weyn, iyadoo kulamada ay ahaayeen habeen iyo maalin mid aan kala go’ laheyn.
Saadaal horu dhac ah oo la sameeyay ayaa sheegeysa in Musharax C/qaadir Cosoble Caliuu ku jiro, saddexda Musharax ee ugu cad cad xilka Madaxweynaha.
Xeeldheeriyaasha waxa ay tilmaameen in Mudane Cabdulqaadir Cosoble Cali uu safka hore kaga jiro doorashada la abaabulayo (frontrunner in Somalia’s 2017 presidential election), waxaana xilligan loo filan karaa inuu hanto Xilka Madaxtinimada dalka.
Khudbada uu shalay ka hor-jeedin doona Baarlamaanka ayaa ah mid si aad ah isha loogu ha ayo, maadaama uu ku jiro dadka ugu cad cad xilka Madaxweynaha
Dad badan ayaa aaminsan in Musharax C/qaadir Cosoble Cali uu mar kale dhigi doono rikoor cajiib ah, maadaama la xusuusto in doorashadii sannadkii 2012 inuu kaalin wanaagsan ka galay.
waxaan uu yahay musrraxa daacada ah ee xilligaan ballanqaadyadiisa ka dhabeyn karo ma adaam uu warbaahinta had iyo jeer ka muuqdo waxaana dadweynaha soomaaliyeed ay hadal ahayaan in ninkaa loo codeeyo waayoo wuxuu yahay nin mu'min ah oo hadalkiisa qanciya buslahda dhageysnayesa ama daawaneysay habeen hore TV-UNIVERSAL Dood TOOS AH UGU JIRAY Wa xaan uu yahay id halqabsigiisa jawabta haduu bixinaayo dhahayey insha allaah hadii aan qabto x lk aa waxaan ku dadaalayaa inaan arrimaha aan hortiina ka shegay aan fulin doono si caddaalad ah oo siman, nabadgayo taam ah ,dhaqaalha dalka ka soo baxo oo lagu cleinaayo dhismaha iyo horum arka bulshada iyo ilaalinta dalka diinta iyo dadka soomaaliyeed,
WASIIR NUUX OO MAR KALE KU GUULEYSTAY XUBINNIMADA GOLLAHA SHACABKA
Waxaa shalay ku soo dhashalay magaalada Muqdisho door ashada mid ka mid ah 5tii kursi ee gudiga doorashada heer federaal dib ugu celiyeen dowlad gobolleedyada, kadib markii lagu eedeeyay in ay ku soo baxeen hab aan waafaqsaneyn nidaamka doorashada.
Kursiga oo ka mid ah xubnaha laga soo doorto maamulka Hir shabeelle laakiin marka doorashadiisa lagu qabtay magaalada Muq disho ayaa waxaa mar kale ku soo baxay wasiir Max’ed C/llaahi Xa ssan Nuux oo ku guuleystay 43 cod halka Hinda Cabdullaahi oo la tartantay ay heshay 1 cod, waxaana uu qorshuhu ahaa in kursiga ay ku tartamaa ilaa 6 mus-harax.
Kursiga ayaa marar badan oo hore lagu murmay, waxaana xusid mudan sanadkii hore muran ka dhashay doorashada kursigan iska horimaad ka dhacay ay ku dhaawacmeen 4 ruux magaalada Jowhar, taasoo keentay in wasiir Nuux laga joojiyay ka qeybgalka doorashada.
Hasse ahaatee isla magaalada Jowhar doorasho ka dhacday ayaa la sheegay in uu ku soo ba xay wasiir Nuux, balse waxaa mar kale ka biyo diiday isla gudiga doorashada heer federaalka oo ku soo daray shan kursi oo dib loogu celiyay dowlad gobolleedyada.
Kulankii ugu danbeeyay ee gollaha madasha wada tashiga ayaa la ogolaaday in uu ka qeyb-gallo doorashada kursigan, taasoo keentay in mar kale uu shalay ku soo baxo.
Qaramada Madoobay ayaa warbixin ay horay u soo saartay uga mamnuucday wasiir Nuux in uu ka mid noqdo xildhibaannada gollaha shacabka, madaama gudiga doorashada heer federaaal ay iska hortaageen in uu u tartamo kursiga beesha.
HAWEENEY SOMALI-MARAYKAN U TARTAMAYSA GOLAHA DEEGAANKA EE MAGAALLADDA BOSTON.
Murashax Deeqo Jibriil oo 28-jir ah ayaa ka soo jeeda dal ka Somalia oo ka mid ah 7-dii dal ee uu Madaxweyne Donald ku soo rogay Xayiraadda Socdaalka, waxayna u tartamaysaa Xilka Golaha Deegaanka ee magaalladda Boston ee Gobalka Massachusetts ee Maraykanka.
Deeqo Jibriil oo dalka Maraykanka tegtay iyadoo 12-jir ah ayaa sheegtay inay doorasho Adag u geli doonto Kursiga Golaha Deegaanka ee Boston, waxayna intaasi ku dartay inaysan Bos ton marnaba soo marin Murashax iyada oo kale.
"Ka Qaxooti ahaan ka yimid Somalia, Doorashadda waa dagaal aad muhiim u ah haatan sidii uu horey u ahaa” ayey tiri Deeqa Jibriil oo xustay inay Fursad u tahay Doorashadaasi.
Deeqa Jibriil waxay noqotay U doode Bulshadda Qaxootiga, waxayna ku guuleysatay sidii ay Qoysaska ugu dhiiri gelin lahayd inay Ganacsi bilaabaan.
"Ganacsiga Soomaalida waa mid ka mid ah kuwo sida aadka ugu koraysa magaalladda Bost on, iyadoo ay 17 ku yaallaan Fagaaraha Dudley” ayey tiri.
Degmadda Roxbury oo ay doonayso inay matasho, iyadoo Go’aanka inay Qaxootiga tartama an tahay mid dhiirigelin mudan, inakstoo Codbixiyaal kale sheegayaan inay aad uga walaacsan yihiin waxa ay Murashax Deeqa Jibriil u qaban doonto Bulshadda, marka loo eego Diinteeda ama Asaaskeeda Hore.
Murashixiinta waxaa la filayaa inay codkooda si rasmi ahaan u hdiibtaan Bartamaha bisha April ee soo socota.
WAJIGII LABAAD KHUDBADAHA ILAA 7 MUSHARAX MADAXWEYNE OO SHALAY LA SOO GABAGABEEYAY
Waxaa shalay galab lagu soo gabagabeeyay xarunta gollaha shacabka dhageysiga khudbad aha ilaa 7 musharax madaxweyne oo dhamaantood soo bandhigay wax qabadkooda haddii ay ku guuleystaan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Musharixiinta shalay baarlamaanka hor hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Dr C/naasir Max’ed Cabdulle, C/raxmaan Cabdishakuur Warsame, C/raxmaan Sheekh Max’ed Max’uud Faroole, Cadoow Cali Gees, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, Cali Caaji Warsame, iyo Cabduqaadir Cosoble Cali.
Dhamaan marka la eego musharixiintan waxaa ay khudbadahooda ahaayeen kuwo ku saleys an wax ka qabashada arrimaha amniga, dhaqaallaha, wax ka qabashada musuqmaasuqa iyo tayeey nta hay’addaha dowladda, sida garsoorka iyo waliba sharci dajinta.
Maalinta beri oo ah Axad taarii-khdu ku beegan tahay 5 February ayaa lagu waddaa in la soo gabageeyo khudbadaha musharixiinta, iyadoo maalinta Isniinta ahna loo balansan yahay dood ay yeelan doonaan xubnaha u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Ugu danbeyntii, Arbacada soo socota oo ah 8 bishan ayaa sidoo kale ah maalinta loo ballans an yahay doorashada madaxweynaha.
GENERAL INDHA CADDE OO KA DIGAY FARA GELINTA
General Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, ayaa uga digay dowladaha fara gelinta ku haya arrimaha Soomaaliya inay muhiim tahay inay kala baxaan faraha Soomaaliya, maadaama ay tahay Soomaaliya dal madax banaan.
Indha Cadde, ayaa sheegay dadka Soomaaliyed weli inay nool yihiin oo aysan aheyn dad dhintay sida uu yiri, waxaana uu intaasi ku daray hadalkiisa Soomaalida inaysan ilaawi waxyaabaha dhibaatada ah ee loo geysto.
Fariinta uu u diray dowladaha faragelinta ku haya Soomaaliya ayaa wuxuu ku sheegay in Soo maaliya abaal weyn ay gashatay qaar ka tirsan dowladaha deriska la’ah, balse Soomaaliya loogu ab aal guday xumaan muuqata oo fara gelin ay ku dheehan tahay.
Somaliya oo xilligaan marxalad xasaasi ah ku jirta, ayaa waxaa jira fara gelin dowladaha deris ka la’ah ay ku hayaan arimaha Soomaaliya, islamarkaana digniino kala duwan laga bixinaayo farag elintaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid ayaa Arbacadii si adag uga digay faragelinta la gu haayo siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan wuxuu sheegay dowladaha deriska qaarkood inay dab ada ka riixayaan Musharax gaar ah oo han siyaasadeed leh.
Musharaxiinta qaar ee Khamiistii Khudbadaha ka jeediyay xarunta Baarlamaanka, ayaa ku eedeeyay dowladaha Ethiopia iyo Kenya inaysan dooneyn dowlad waarta oo Soomaaliya ka dhal ata.
CULIMADA OO BAAQ U DIRAY XILDHIBAANADA DF
Culimada Soomaaliyeed ayaa baaq u jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee soo dooran doona Madaxweynaha Soomaaliya, oo Doorashadiisa la filayo in ay dhacdo 8-da Febra ayo.
Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan kuna no ol dalka Dibaddiisa ayaa sheegay in Doorahsada lagu wado in ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho ay noqoto mid cadaalad ah.
Sheekha ayaa Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ee dooran doona Madaxweynaha ugu baaqay in ay ku doortaan karti iyo cadaalad.
Waxa uu sheegay Sheekh Maxamed Idiris in danta gaar ay ka weyn tahay danta guud, isago ona Baarlamaanka ku booriyay in si xaq ah ay ku doortaan Madaxweynaha Soomaaliya.
GOLAHA AMMAANKA OO KA DIGAY KHATARTA GO’AANKII TRUMP
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay yeesheen waxa ay kaga hadleen xaalada hada ay ku sugan yihiin wadamada qaar ee ku yaalla Qaarada Afrika.
Kulanka oo intiisa badan diirada lagu saarayay amniga dalalka Afrika ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday go’aankii Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump, kaas oo ku aadanaa in 7 dal oo Islaam ah dadkooda uu ka mamnuucay tagista dalka Mareykanka.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegeen go’aanka Trump in uu ya hay mid aan loo meyl dayin, loona baahan yahay in gacan la siiyo dadka dalalkooda ka soo cararaya ee aan ku heysan nabad gelyo buuxda.
Sidoo kale Golaha ammaanka ayaa waxa ay ka digeen khatarta ka dhalan karta go’aanka Don ald Trump, oo ah mid isugu jira midab takoor, Islaam naceyb, iyo waxyaao kale, iyagoo sidoo kale sheegay in hada ay sii badan karaan falaka la xiriira amni darada.
Donald Trump Madaxweynaha cusub ee dalka Mareyklanka ayay ugu baaqeen in uu ka laabto go’aankan oo uu dib u eegis ku sameeyo, si dadka hakadka uu galay ay u gaaraan Mareykanka, ku wa joogana walaaca haya uu u daayo.
Madaxweyne Donald Trump ayaa dalalka Iran, Iraq, Libya, Somalia, Sudan, Syria iyo Yemen dadkooda dhowaan ka mamnuucay gaar ahaan Qaxooyiga iyo kuwa aan heysan sharciga in ay gud aha galaan dalka Mareykanka, taas oo uu mar marsiyo uga dhigay in ay yihiin kuwo abuuriya Arga gixisanimo iyo amni daro.
RA’ISUL-WAASARAHA ETHIOPIA OO DOOR-BIDAYA IN MADAXDA HAATAN HAYSA TALADA SOMALIA DIB LOO SOO DOORTO .
Ra’isulwasaaraha Ethiopia, ayaa wareysi uu siiyey Universal TV kaga hadlay xaaladaha dalka Somaliya, sida Doorashooyinka, dibuukabshada dalka, ciidamadooda ku sugan Somaliya iyo farage lintooda dalka. Waxa uu sheegay in xukuumaddiisa ay saaxib dhow la tahay Madaxweynaha tal ada haya oo mar labaad xafiiska u tartmaya ee Xasan Sheekh.
`Waxa uu bogaadiyay waxqabadka dowladda Xasan Sheekh Maxamud ee afartii sano ee la soo dhaafay iyo Hoggaanka maamulgoboleedyada Somaliya.
Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn,ayaa hoosta ka xarriiqay in hoggaanka feder aalka iyo dowladgoboleedyada Somaliya dadkooda ku hageen hab taageeraya.
"Waxay ila tahay oo aan ku amaanayaa hoggaanka Somalida,ee haatan, guud ahaan hogg aanka federaalka iyo maamulgoboleedyada, maxaa yeelay waa iyaga kuwa hoggaaminaya hannaan ka, waxay ku horkaceen hab gacansiinaya Somalida.”
Geesta kale, Ra’iisul wasaare Desalin, oo la weydiiyay in hadalkiisa loo qaadan karo inaysan lahayn Murashax gaar ah, ayaa yiri.
"Hagaag, kuwa annaga nala shaqeeya iminka waxaanu nahay saaxiibo isu dhow, haddii arrim ahu ku sii socdaan sidaas, waanu doorbidi lahayn, taasi kama dhigna mid naga reebeysa dadka ka le, sababtoo ah mid waloo ka mid ah waanu la soo shaqeynay oo xiriir ayaan leenahay. Marka taas laga tagana waxaanu la soo shaqeynay maaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, waxaa kaloo aan la shaqeyn karnaa madaxweyne iyo ra’iisul wasaare cusub.”
Hadalka Ra’isul wasaaraha Ethiopia, ayaa ku soo aadaya iyadoo Arbacadii aan ka soo gudu bnay, oo ay bisha February kow ahayd, ra’iisul wasaaraha xilliga ka dhacay ee Somaliya Cumar Cab di Rashiid, uu ka digay faragelin uu sheegay in dowladaha dariska ku hayaan doorashada Somaliya.
SHABAAB OO KU HANJABAY QARAXYO TANKOODA CULUS YAHAY INAY KA FULINAYAAN MUQDISHO
Ururka Al Shabaab oo waayahan kordhiyay awooda qaraxyada ay ka geystaan Magaalada Mu qdisho, ayaa ku sii hanjabaya inay fulinayaan qaraxyo kale oo tankooda uu culus yahay oo ay ku wax eelaynayaan Bul-shada Somaliyed.
Sarkaalka Shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) ayaa sheegay inay kordhinayaan weerarada ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay muddooyinkii dambe in aad loola yaabanaa awooda qaraxyada Shabaab ay ka geystaan Muqdisho, taasi oo uu sheegay inay la yaabanayeen Saraakiisha dowladda iyo Ami som, balse wuxuu cadeeyay inay sii wadayaan qaraxyada awoodooda culus yihiin ee Muqdisho ay ka fulinayaan.
Cali Jabal ayaanan isweydiin qaraxyada ay ka geystaan Shabaab Muqdisho rayidka ku dham aanaya, balse wuxuu diirada saaray kaliya xubnaha dowladda ku jira iyo ciidamada Amisom ee joo ga Somaliya.
"Runtii waxaan dhihi karnaa, cadowga hadba si kastood u naafeyn karto iyo si kastood ula dag aalami karto ayaad u la dagaalamaysaa, hadii maalintii hore ay ahaayeen qaraxyo intaas ka yar sh alay waxa ay marayaan wax ay ka naxsan yihiin oo ay la cajabsan yihiin, intaas iyo kuwa kale oo ka sii xoog badan waan rajeynaynaa, cadowgaas dalka jooga anaga waxaa naga go’an inta ay la eegat aba inaan ku weerarno oo aan fara maroojino.” Ayuu yiri Cali Jabal.
Qaraxii ugu dambeeyay ee Shabaab ay ka fuliyeen Hotelka Dayax ee Magaalada Muqdisho, wuxuu ahaa mid aad u culus oo bur buriyay dhismooyin kala duwan oo Hotelka ka agdhawaa, taasi oo muujinaysa awooda iyo baaxada qaraxyada Shabaab.
Tani ayaa fariin waxa ay u tahay Bulshada Somaliyed, maadaama Shabaab aysan shacab iyo dowlad u kala saareyn qaraxyada ay geystaan oo inta badan ay ku dhintaan dad shacab ah oo ka agdhaw goobaha ay qaraxyada ka geystaan Shabaabka.
XOGHEYAGA GUUD EE JAAMACADDA CARABTA OO SOO DHAWEEYAY GO’AANKA MAXKAMADDA CADLIGA
Ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadd Cadaaladda ICJ , kaasoo ay qaadatay ka dib fadhi ay ka yeelatay maalintii Khamiista aheyd iyadoo aqbashay inay kala saarto arrinta badda oo ay calaamayso xaduud badeedka u dhaxeeya labada waddan Soom aaliya iyo Kenya.
Axmed Abuu Geys oo ah xogheyaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu ama anay tallaabadaan muhiimka ah taasoo ay maxkamaddu ay ku xalinayso dacwadda u taagneed Somaaliya laga soo bailaabo bishii Augest sanadkii 201-4kii si loo calaameeyo xaduudka ay badda Kenya ay kala leedahay badweynta Hindiya iyo in la xadido biyo goboleedka iyo meelaha ganac siga ah uu waddan kasta uu leeyahy.
Axmed Abuu Qeys oo shir jaraaid qabtay maalintii jimcaha ayaa waxa uu tilmaamay, in labada dowladood ay waajib ku tahay Soomalia iyo Kenya inay ilaaliyaan sharciyada caalamiga ah si loo xalliyo khilaafka ka dhex taagan labada dowladood oo ku saabsan arrintaani badda ah, isagoo hoos ta ka xariiqay in Soomaalia iyo Kenya ay yihiin labo dowladood oo darisa oo saaxiibo ah iskuna xira xariiro taariikhi ah ,isagoo ku adkeystay inay wanaajiyaan deris wanaagga,waxa uu cabiray rajadiisa ah in xilliga soo socda ay labada dal ay kordhin doonaan xagga horumarinta xariirada labo geesood ka ah oo u dhaxeeya labada dowladood,taasoo ay ka mid yihiin dhinaca xoojinta iskaashiga dhaqaa laha iyo in laga faaideysto ilahooda dabiiciga ah.
Afhayeenka Xoghaya guud ee Ururka Jaamaccda Carabta ayaa waxa uu cadeeyay in Abuu Qeys uu munaasabadda uu ka sheegay qadarinta iyo taageerada ay siisay Dowladda Isku taga Ima araadka Carabata ay Soomalia ee ku saabsan arrinta badda, isagoo tilmaamay inay sii wadayaan ururka Jaamacadda Carabta kaalinteeda isku duba ridka taageerada carbeed ee Soomalia la siina-ayo, iyo in la taageero dowladda Soomaalia iyo Hay’adaheeda dastuuriga.
XARUNTA LAGU QABANAYO DOORASHADA MADAXWEYNAHA OO LA BEDELAY
Sida uu qorshuhu ahaa Doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa lagu waday in lagu qabto xar unta General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho, balse hada waxaa soo baxaya warar sheegaya in loo bedelay xarun kale.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Beyle Ducaale, oo warey si siiyay VOA ayaa sheegey in Doorashada ay ka dhici doonto dhismo ku yaalla inta u dhaxeysa Gar oonka Diyaaradaha iyo xarunta Afisyooni ee Muqdisho.
Beyle, ayaa sheegay 18 ka mid ah Musharrixiinta Madaxtinnimada in ay dalbadeen in goobta laga badalo Doorashada halka lagu qabanaayo, iyagoo walaac ka muujiyay xarunta General Kaah iye oo ay sheegeen in la musuq maasuqayo.
Saraakiil ka agdhow Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashada ayaa sheegay in fikr adaha lasoo jeediyey ay u badan tahay in lagu qaban doono xerada Ciidamada cirka Afisyoone ee Garoonka Diyaaradaha.
QARAX CULUS OO KA DHACAY DULEEDKA MAGAALADA KISMAAYO ..
Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Qarax miino lagu beegsaday Maqaaxi ku taalla Degaanka Goobweyn ee Duleedka Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Qaraxan oo u muuqday mid meesha lagu diyaariyay ayaa waxuu khasaaro dhaawac ah ka soo gaaray Hal Ruux oo Shacab ah, sida Dadka Degaanka ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.
Maqaaxida Qaraxan lagu beegsaday ayaa qiyaas ahaan 13Km waxey u jirtaa Magaalada Kis maayo, waxaana inta badan fariista Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubaland.
Ciidamada Maamulka Jubaland ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen howlgallo ku aadan Qaraxaasi balse weli lama soo sheegin hadii ay Dad u soo qab qabteen.
Ilaa iyo hada majiro cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi miino oo ka dhacay Degaanka Goo bweyn ee Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
DAD KU SUMOOBAY RAASHIIN AY CUNEEN
Bukaannadaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 11 qof ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyey la gaarsi iyey isbitaalka guud ee magaalada Cadaado, kuwaas oo la aaminsanyahay inay ku sumoobeen raashiin ay cuneen, waxayna dadkaasi ku noolaayeen degaanka Qaradhi oo hoos yimaada magaa lada Cadaado.
Maxamed Maxamuud Cali oo ka mid ah howl wadeennada isbitaalka Guud ee magaalada Cadaado ayaa warbaahinta Qaran ka Soomaaliyeed uga warbixiyey xaaladda mukaannadaan oo uu sheegay in ay ku sumoobeen raashin ay cuneen.
"Dadkaan sadexdii waqti ee lasoo dhaafay ayaa la keenay isbitaalka Cadaado,waana dad ku sumoobay raashin ay cuneen, waxaana laga keenay deegaanka Qaradhi, dadka tiradoodu waa 11 qof, waxay isugu jiraan sadex carruur ah, qof dumar ah iyo tod obo qof oo kale oo rag ah, dadkaas hal qoys kaliya ma ahan ee waa qoysas kala dudan, intooda badanna xaaladdoodu way wanaagsantahay”ayuu yiri
SOOMAALI WALAAC KA MUUJISAY DILALKA K/AFRIKA
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika gaar ahaan Magaalada Cape Town oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay walaac ka muujinayaan dilal ka dhalinyarada Soomaaliyeed loogu geysto dalkaasi.
Waxa ay sheegeen mar walba in ay ku nool yihiin cabsi iyo cakirnaan la xiriirta dhanka nolo sha, maadaama burcada Koonfur Afrikaanka ah dilalka ay Soomaalida u geysanayaan sii kordhay aan.
Sidoo kale waxa ay sheegeen cabsidooda in ay sii xoogeysatay, kadib markii Todobaadkii ay nu soo dhaafnay dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan baadiyaha lagu dilay Saddex dhalinyaro Soom aaliyeed, inkastoo Booliska ay arrintaasi baaritaano ku hayaan.
Anikow Zakaria waxa uu ka mid yahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku ganacsata Koonfur Afrika, waxa uu ka hadlayaa dhibaatada ay ku nool yihiin.
"Waqti kasta aan ma ahan halkan, nolosha had iyo jeer waa khatar, sababtoo ah Soomaali aan wala-alo nahay ayaa halkan lagu dilay, shaqada halkan aad ayaay u dhib badan tahay waayo mar walba waa dareen ku joog”.
Ali Hassan oo Muwaadin Soomaaliyeed ah kana mid ah dhalinyarada ku ganacsatata Koonfur Afri-ka waa 18 sano jira, Saddex sano ka hor ayuu yimid Koonfur Afrika, waxa uu ka hadlayaa nolo sha ay ku nool yihiin isaga iyo Soomaalida kale.
"Halkan ayaan ku nool nahay ma lihin dooq, maxaa yeelay waxaan joognaa dal halistiisa ay ba dan tahay, maadaama la bartilmaameedsado da-dka soo galootiga ah gaar ahaan Soomaalida,
Soomaali fara badan oo intooda badan ah dhalinyaro wiilal ah ayaa ku nool Koonfur Afrka, ku waasi oo halkaasi u tagay ganacsi, waxaana ay la kulmaan midab takoor iyo sidoo kale dilal, oo ay geysanayaan burcada madow ee Koonfur Afrikanka ah.
QODOBBADA UGU MUHIIMSANAA KHUDBADIHII CIILMOOGE, COSOBLE IYO CALI X. WARSAME
CABDULAHI CIILMOOGE XIRSI
Cabdulahi Ciilmooge, waxaa uu sheegey in uu sameyn doono system, taasi uu sheegey in aaney ka jirin Soomaaliya, waxaa uu tusaale u soo qaatey labo magaalo oo daris ah oo ku yaallo dalalka Mareykanka iyo Mexico oo midi ay tahay magaalo barwaaqo ah midna ay dhimanayaan farqigana uu yahay nidaamka u dhaxeeya.
Ciilmooge waxaa ballan qaadey in AMISOM uu kala hadli doono joogitaankeeda, ku dadaali doono midnimada dalka, sugi dda ammaanka, dalka in uu ka fulin doono dib u dhis, waxaa uu sidoo kale sheegey in uu shacabka hubka ka dhigi doono iyo in uu mamnuuci doono shirkadaha gaarka ah ee hubka sita.
CABDIQADIR COSOBLE CALI:
Cabdiqadir Cosoble oo Xildhibaannada la hadley waxaa uu u sheegey in uu dalka ku hoggaamin doono horumar oo ka mar an hoggaan xumi iyo jahawareer.
Cosoble waxaa uu qabaa in dalka u baahan yahay hogg aan karti leh, la dagaalama musuqa iyo boobka hantida shacab ka, isagoo tusaale u soo qaatey dhibaatooyin jirey mudadii la soo dhaafey.
Haddii uu guuleysto waxaa uu sheegey in uu wax badan ka qabandoono adeegga bulshada, amniga iyo cadaaladda, sameynta garsoor qaran, daryeel ciid an, dhalinyrada iney qeyb ka noqdaan maamulka, dhismaha guddi garsoor qaran, dhismaha dhaq aale adag iyo wax ka qabashada bey’ada, sharciyo in uu u sameyn doono maalgeshiga, wax soo saar iyo warshado, waxaa kaloo uu ballanqaadey dhismaha guddi run sheeg ee dib u heshiisiin, arrimaha dibadana wixii dan ugu jirto dalka, dadka iyo diinta.
CALI XAAJI WARSAME:
Ugu dambeyntii, waxaa Xildhibaannada la hadley murashax Cali Xaaji Warsame, murashaxan waxaa uu ku dheeraaday khibradda uu u leeyahay maamulka iyo maareynta, sida uu u soo hoga amiyey dhaqaalaha Imaaraadka, shirkadda Golis iyo xitaa wasaaradda waxbarashada maamulka Puntland oo uu sheegey in uu kacdoonka ka dheereeyay, waxaa uu kala saarey mas’uuliyadda mad axweynaha iyo wasiirka koowaad, waxaa uu balla-qaadey haddii la doorto in uu ilaalin doono shar ciga, dastuurka, dhexdhexaadin siyaasadeedm, dhismaha dalka lin uu a kaashan doono dadka aqo onta leh, soo celinta xuquuqda iyo uruurinta maamullada.
Cali Xaaji waxaa uu xukuumadda fulin doontaa sida uu sheegey dhismaha ciidan ku dadaala in AMISOM ay dalka uga baxdo 2 sano gudahood, adeegga bulshada, in dhalinyarada laga hor ista ago iney baxaan, waxbarasho, dhismaha guddi la dagaalo musuqa, iney awood yeeshaan hanta dhowrka iyo xisaabiyaha guud.
Ugu dambeyntii waxaa Cali Xaaji Warsame kula dardaarmaey Xildhibaannada iney doortaan qofkii ay u arkaan in uu dalka anfacaayo, ee aan qofka lagu dooran lacagta uu heysto, waxaa uu ka Hadley maqaamka caasimadda iyo in uu ka dhigi doono magaalo bilicsan oo dadka oo dhan ka dhax eysa isagoo ballan-qaadey in haddii la doorto aanu isa soo sharixi doono mar kale.
BOGGA CAYAARAHA
KULLAMADA U HARSAN BANAADIR OO AY CIYAAREYSO WAREEGA KOOWAAD EE HORYAALKA SOOMAALIYA
Kooxda Banaadir S.Club oo ah naadga difaacaneysa horyaalka heer-ka koowaad ee Soomaa liya ayaa isku diyaarineyso horyaalka kaaso dib loo amba qaadi doono 13-ka bishaan.
Kooxda uu hoggaamiyo macallinka reer Uganda ee Mbalangu Hussein ayaa kasoo badisay kooxaha Mu-qdisho United iyo Elman, iyadoo lix dhibcood ku hoggaamineysa horyaalka.
BSC ayaa kullanka soo aadan waxa ay la ciyaari doontaa kooxda Heegan, waxaana u sii xigi doono kullamo kale oo aad u adag.
Sikastba Banaadir ayaana laga badin 24 kullan oo xiriir ah oo ay ciyaarta horyaalka Sooma aliya xilli ciyaareedkii soo dhamaaday iyo kii kasii horeeyay,waxaana guuldarro horyaalka ah oo soo gaarta BSC u dambeysay 13/05/2015.
AKHRISO KULLAMADA U HARSAN HEEGAN OO AY CIYAAREYSO WAREEGA KOOWAAD EE HORYAALKA SOOMAALIYA
Kooxda ciidanka Booliska ee Heegan ayaa kullamo adag dib ugu furan doonta horyaalka heerka koowaad kaasoo dhawaan dib loo amba qaadi doono.
Sida ku xusan jadwalka kasoo baxay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, kooxda Heegan ayaa kullamada ay ciyaari doonto waxaa ay yihiin kuwo is xig xiga, waxaana u dhaxeysa kaliya min afar maalin
Kullanka ugu soo horeeya kooxda Gadaamoow uu hoggaamiyo waxa ay wajihi doontaa naad iga horyaalka difaacaneysa ee Banaadir S.Club.
England - Premier League
Chelsea 3 - 1 Arsenal
Crystal Palace 0 - 4 Sunderland
Everton 6 - 3 AFC Bournemouth
Hull City 2 - 0 Liverpool
Southampton 1 - 3 West Ham United
Watford 2 - 1 Burnley
West Bromwich Albion 1 - 0 Stoke City
Tottenham Hotspur 1 - 0 Middlesbrough
ENGLAND - PREMIER LEAGUE
4:30 Manchester City ?
7:00 Leicester City ?
Italy - Serie A
Pescara 1 - 2 Fiorentina
Bologna 1 - 7 SSC Napoli
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 5-TA FEBARAAYO 2017-KA
MAGACYADA MUSHARAXIINTA KHUDBADAHA JEEDIN DOONA Maanta oo Axad ah xildhibaanada Labada Gole ee Dowladda Federaalka waxaa khudbado ka horjeedin doona 8 Musharax oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.