Dowlada wadanka Iran oo markii ugu horeysay Taariikhda haweeney u magacowday safiir

0
Monday November 09, 2015 - 12:51:24 in Wararka by
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada wadanka Iran oo markii ugu horeysay Taariikhda haweeney u magacowday safiir

    Iran ayaa markii ugu horeysay xilka Safiir u magacowday Haweenay muddo dheer kasoo shaqeenaysay Wasaarada Arrimaha Dibada wadankaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iran ayaa markii ugu horeysay xilka Safiir u magacowday Haweenay muddo dheer kasoo shaqeenaysay Wasaarada Arrimaha Dibada wadankaas.

Marzieh Afkham oo ah 50 sano jir ayaa la sheegay in muddo 30 sano ah kasoo shaqeynaysay Wasaarada Arrimaha Dibada ee wadankaas isla markaana ahayd afhayeenka Wasaarada muddooyinkii lasoo dhaafay.

Waxaa Axadii dorraad loo magacaabay danjiraha cusub ee dowlada Iran u fadhiya magaalada Kuala-lampur ee dalka Maleysiya.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iran Maxamed Javas Sharif ayaa ku tilmaamay diblomaasiyadan qof si hufan uga soo baxda hawsheeda looguna abaalmariyey xilkan kartideeda ay muujisay.

Waa markii ugu horeysay oo dowlada Iran xil sare u magacawdo qof dumar ah tan iyo 1979 markii uu xukunka dalkaas la wareegay kacaanka islaamiga ah ee illaa hadda maamula.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip