Xi Jinping ayaa sidoo kale sheegay inuu dhimi doono illaa 300, 000 oo ciidamada Shiinaha ka mid ah, inkastoo aanu sheegin waqtiga la dhimi doono ciidamadaas.
Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaal caalamka ka
socday, inkastoo aanay qeyb ka aheyn Madaxda Reer Galbeedka, waxaana
madaxda lagu casuumay ka mid ahaa Madaxweynaha Ruushka, Koofur Kuuriya
iyo madax kale oo Afrikaan ah.
Awooda ciidan ee sii koreysa dalka Shiinaha ayaa isha lagu haayo, xilli ay xiisad ka jirto Gobolka, waxaana horay u jiray walaac laga qabay awoodaha milateri ee Shiinaha ku leeyahay gobolka.
Shiinaha oo u dabaal degay 70-guuradii ka soo wareegatay dagaalkii labaad ee Aduunka (Sawirro)
Shiinaha ayaa u dabaal degay 70-guuradii ka soo wareegatay markii uu ka adkaaday Japan dagaalkii labaad ee adduunka, waxaana munaasabad lagu soo bandhigay dhoolatus milateri ay ka dhacday fagaaraha Tianmen ee magaalada Beijing.