Bangiga Aduunka oo ka digay isbedalka Cimilada Dunida Sheegay inuu dalagu hoos u dhacayo

0
Monday November 09, 2015 - 12:01:07 in Wararka by
  • Visits: 946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangiga Aduunka oo ka digay isbedalka Cimilada Dunida Sheegay inuu dalagu hoos u dhacayo

    Bangiga Adduunka ayaa shaaciyay in is-bedalka ku imaanayacimilada Dunida ay sababi karto in dad ka badan Boqol milyan oo qof ay 15-ka sano kaddib ku noolaadaan saboolnimo xad-dhaaf ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bangiga Adduunka ayaa shaaciyay in is-bedalka ku imaanayacimilada Dunida ay sababi karto in dad ka badan Boqol milyan oo qof ay 15-ka sano kaddib ku noolaadaan saboolnimo xad-dhaaf ah.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in dunida sii kululaaneysa ay yareyn doonto dalagga, ayna sare u qaadi doonto faafida cudurrada sida ba’a dadka u laaya oo ay ka mid tahay duumada ama mallaariyada.

Sidoo kale, Bangiga Adduunka ayaa sheegay in isbedelka cimilada adduunka uu durbaba saameyn ku yeeshay dadka adduunka ugu saboolsan, kuwaasoo la daalaa-dhacaya inay beertaan dalagga roob yari awgeed.

Warbixinta Bangiga Adduunka ayaa lagu xusay in dadka saboolka ah ay u nugul yihiin saameynta isbedalka cimilada, isla markaana aanay u diyaarsanayn dhibaatooyin dheeraad ah sida abaaraha ba’an.

Bangiga Adduunka ayaa ku baaqay in taageero badan loo fidiyo dadka saboolka ah, madaxda caalamkana ay dhimmaan qiiqa hawada wasaqeysan, taasoo ay uu ku tilmaamay bangigu inay tahay tan sababi karta caalamka oo kululaada.

Ugu dambeyn, warbixinta ayaa la baahiyay toddobaadyo yar ka hor inta aanu magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska ka furmin shirka Qaramada Midoobay ee Cimilada Adduunka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip