
Carruur Biyo la'aan ugu geeriyootay Gobolka Gedo
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Caruurta geeriyootay ay yihiin 2 Caruur ah kuwaas oo ay saameysay Biyo La’aanta ka jirta qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.
Waxaana Deegaanka ay Caruurtaasi ku Geeriyoodeen lagu Magacaabaa Faafaxdhuun oo qiyaastii 84 km u jira Degmada Baardheere.
Iyadoona deegaankaasi ay ka jirto Biyo la’aan baahsan waxaana isa soo tarayay qeylo dhaan aad u xoogan oo ka soo yeereysay Shacabka halkaan ku nool.

Sidoo kale xiriiro aanu la sameynay Maamulka Gobolka Gedo iyo kan degmada Baardheere bal si aan uga xog wareysanno xaaladda Biyo la’aaneed ee halkaas ka jirta ayaa waxaan inoo suura galin inaan qadka Taleefanka ku haleelno.
Xaaladda Abaaraha ee ka taagan deegaanno badan oo ka tirsan Gobollada Dalka ayaa waxaa dhibaatooyin aad u xoogan ay kala soo gudboonaaneysay maalmihii la soo dhaafay Caruurta iyo dadka Da’da ah kuwaas oo noloshooda qaarkood ay ku waayeen Abaaraha daran ee ku dhuftay dalka.
Carruur Biyo la'aan ugu geeriyootay Gobolka Gedo
Wararka Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Deegaanno hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Caruur ay Biyo la'aan ugu geeriyoodeen halkaas.