
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 30-KA JANNAAYO 2017-KA
Kulanka oo ahaa Casho Sharaf ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay Xildhibaano dhowr ah, wax aana kamid ahaa Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo sheegay in ay dib u noqosho tahay haddii Qof kale oo Madaxweyne Xasan aheyn la doorto islamarkaana ay Taageersan in Xasan Sheekh Mar kale la doorto.
Sidoo kale Xildhibaan Aadan Madoobe oo Kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay Codka siinay aan 180 Mudane ee Xalay la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha uu waqtigiisa sii dhamaanayo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dham aan uga Mahad celiyay Xildhibaanada Labada Aqal sida ay Taageerada ugu fidiyeen.
TALISKA TARAAFIKADA "DHIBAATO AYAAN KU QABNAA GAADIIDKA DOWLADDA”
Ciidamada Taraafikada ee qaabilsan ilaalada wadooyinka ee Magaalada Muqdisho ayaa shee gay in ay dhibaato ku qabaan Gaadiidka Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Askarta aan u hogaans amin sharciga marista wadooyinka.
Cali Maxamed Cali oo ah Taliyaha Ciidamada ilaalada wadooyinka ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay dhibaato ku hayaan Ciidamada Taraafikada, xilliga ay marayaan wadooyinka.
Wuxuu sheegay Ciidamada Taraafikada qaarkood in la xiray oo la jirdilay, dhibaatadaasna ay geysteen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamada ilaalada wadooyinka oo wadoouyinka Muqdisho taag taagan ayaa dhibaatooyin kala duwan kala kulma Howlaha hubinta sharciyada Gaadiidka wadooyinka Muqdisho mara.
DOORASHADA AQALKA HOOSE EE BFS EE GOBOLLADA WAQOOYI OO LASOO GABAGABEEYAY, 32% WAA HAWEEN
Doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shalay la soo dham eystiray kadib markii la doortay kursigii ugu dambeeyay ee ka harsanaa xubnaha gobollada Waqooyi ee Dalka.
Doorashadan oo shalay ka dhacday xarunta guddiga doorashooyinka Muqdisho ayaa waxaa ku soo baxday Huda Axmed Cali oo heshay codod gaaraya 45 cod, taas oo ah in gabi ahaanba lasoo afj aray doorashadii Aqalka Hoose ee xubnaha gobollada Waqooyi.
Xubnaha aqalka Hoose ee gobollada Waqooyi oo 46 xubnood ah ayaa 15 ka mid ah ay yihiin ha ween, iyadoo taasina ay ka dhigan tahay in 32% ay kootadii haweenka xaqiijiyeen, waana markii ugu horreysay oo ay hawoonku in kabadan 30% ay ka helaan doorashada dowlad goboleedyada Soomaa liya.
DIIWAANGELINTA MUSHARAXIINTA MADAXWEYNAHA OO LA SOO GABA GABEEYAY..
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxay shalay soo gaba gabeeyeen diiw aangelinta musharaxiinta u taagan jegada madaxtinimada dalka.
Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha, ayaa she egay in la soo gaba gabeeyay diiwaangelinta xubnaha u tartamaya xilka ugu sareeya dalka.
Gudoomiyaha, ayaa tilmaamay illaa iyo hadda in ay diiwaangeliyeen 18 musharax, tan iyo 26kii bishan. Diiwaangelinta musharaxiinta ayaa si rasmi ah u bilaabatay Khamiistii la soo dhaafay.
Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo fadhigoodu uu yahay Villa Hargeisa, ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku qaabilaayay musharaxiinta. Villa Hargeisa waxay ku dhex taallaa Xar unta Madaxtooyada Somaliya (Villa Somalia).
DOONI AY LA SOCDEEN DALXIISAYAAL U DHASHAY SHIINAHA OO LAGU LA’ YAHAY XEEBTA DALKA MALAYSIA.
Sarkaal u hadlay Ciiddanka Badda Malaysia ayaa sheegay in Doonidaasi oo ay la socdeen 31qof oo 28 ka mid Dalxiisayaal ahaayeen lagu waayey meel ka baxsan Xeebta Borneo Doonidaasi ay aa la sheegay inay ka shiraacatay Xeebta Degmadda Kota Kinabalu, waxayna ku sii jeeday Jesiiradda loo dalxiis tago ee Mengalum, ka hor intaysan deign.
Kooxaha Gurmadka ayaa baadigoob ugu jira Dalxiisayaasha la la’ yahay, balse dadaalka gur madka ayaa la sheegay inuu gaabis ku socdo sababo la xiriira Cimilada oo xun iyo Badda oo kacsan.
Qunsuliyadda Shiinaha ku leeyihiin Degmadda Kota Kinabalu ayaa ka codsatay Dowladda in la dardar geliyo Dadaalka Baaritaanka Dalxiisayaasha la la’ yahay.
QODOB KA MIDA SHURUUDAHA DOORASHADA MADAXWEYNAHA OO LA ISKU HEYSTO [WARBIXIN]
DOODA MUSHARIXIINTA
Mid ka mida qodobadda shuruudaha looga dhigay Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweyna ha Soomaaliya ayaa muran weyn ka taagan yahay iyadoo la isku qabsaday qaabkal oo dhaqan geli nayo.
Qodobkan oo ah DOODA MUSHARIXIINTA LOO QABANAYO ayaa xog ay heshay Radio Dals an waxay sheegeysaa in mushirixiinta intooda badan diideen inay doodaasi hagaan weriyeyaasha TVga dowladda ee SNTV, iyagoo dalbaday in qof dhexdhexaad ah la soo xulo.
Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha marka laga reebo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar C/rashiid ayaa u arka in weriyayaasha ka howlgala TVga dowladda aanay dhexdhexaad ahayn oo ay u xaglinayaan musharixiinta xilka dowladda weli haya.
MADAXWEYNAHA XILKA SII HAYA EE SOMALIA OO AAN KA QEYB GELI DOONIN SHIRMADAXEEDKA URURKA MIDOWGA AFRIKA EE AUDA.
Shirka 28aad ee caadiga ee Madaxda Dowladaha Afrika ayaa la filayaa inuu maantato ka furmo Xarunta Dhexe ee AUda oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.Shirkaasi oo socon doona muddo 2 maalmood ayaa waxay Madaxda Dowladaha Afrika ku martigelin doonaan Shirweyne kale oo ay ka qeyb geli doonaan Hoggaamiyayaal ka kala socda Dalalka Caalamka iyo Siyaasad same eyayaasha (Policy makers).
Inta badan Madaxweynayaasha Afrika waxay joogaan Addis Abeba, halka kuwo kalena ay ku sii wajahan yihiin, marka laga reebo Madaxweynaha Somalia ee siihayaha xilkaasi, Xasan Sheekh Max amuud oo haatan ah Murashax Madaxweyne.
Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating waxa uu horey u sheegay inuusan Xasan Sheekh ka qeyb geli karin Shirarka Caalamka, balse uu Wasi irka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Somalia, C/salaam Omar Hadliye u matali doono Somalia Shir arka Caalamiga.
Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika waxaa lagu wadaa inay maalinta maantato doortaan Guddoomiyaha cusub ee AUda iyo Kuxigeenkiisa, waxaana xilka Guddoomiyaha u taagan Murashixiin ka kala socda Kenya, Botswana, Equatorial Guinea, Chad, Senegal iyo Uganda.
XARAKADDA ALSHABAAB OO LA SHEEGAY INAY FULIYEEN WEERARKII CIIDDANKA KENYA EE KU SUGNAA KULBIYOW.
Saraakiisha Milliteriga Kenya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Weerarkii Alshabaab jimcihii hore la beegsadeen Xeradda ay ku leeyihiin Deegaanka Kulbiyow ay soo qaadeen Guutadda Saalax Nabhaan.
Guutadaasi ayaa la rumeysan yahay inay horey u fuliyeen Weerarkii bishii Janaayo 15dii ee san nadkii hore lagu qaaday Xeradda ay Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceelcadde ee Gobal ka Gedo, laguna dilay in ka badan 150Askar Kenyan ah. Wargeyska The Nation ayaa qoray inay Guutadda Saalax Cali Nabhaan ka mid yihiin Dagaalamayaasha aadka u tababaran ee Alshabaab, waxaana Guutaddan loogu magac daray Hoggaamiyihii Ururka Alqaacida ugu qaabilsanaa Somalia iyo Geeska Afrika, Saalax Nabhaan oo la dilay sannadkii 2009kii.
Si kastaba ha ahaatee, Weerarki iay Dagaalamayaasha Alshabaab jimcihii ku qaadeen Xeradda Askarta Kenya ee Kulbiyow ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u cuslaa, isla markaana Askarta Ken ya ka soo gaaray dhimasho iyo khasaaro badan.
MAAMULKA SOMAALILAND OO SOO SAARAY AMAR CULUS
War ka soo baxay Wasaarada artimaha gudaha maamulka Somaaliland ayaa lagu sheegay in deegaanada maamulka Somaaliland lagu arki Karin dad isticmaalaya baasaboorka Somaaliya.
Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Somaaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiiray Farotoon. Ayaa sheegay in xiligaan wixii ka dambeeyay aan dhulka Somaaliland algu arkli Karin cid isticmaaleysa Baasaboorka Somaliya cidii lagu arkaana talaabo sharci ah laga qaadi doono.
Warkaan ka soo baxay Maamulka Somaaliland ilaa iyo hada wax War ah kama soo saarin dowl adda Federaalka Somaaliya .
CALI DHEERE OO FARIIN HANJABAAD U DIRAY DOWLADDA IYO SHACABKA KENYA
Iyadoo maalintii Jimcaha todobaadkii aan soo dhaafnay Ururka Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Xerada ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada hoose, ayaa Shab aab weli waxa ay jeedinayaan fariimaha hanjabaada ah ee ku aadan inay sii wadayaan
Dagaalka ka dhanka ah ciidamada Kenya.
Afhayeenka Guud ee Ururka Shabaab Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Ururka Al Shabaab ayaa wuxuu sheegay inay uga digayaan Shacabka Kenya iyo dowladooda inay askartooda kala baxaan Somaliya.
Waxa uu sheegay Kenya inay dhowr mar fariin digniin ah afka ay uga jeediyeen, balse Kenya ay ka dhaga adeegayso qaadashada fariimaha digniinta ah ee loo jeedinaayo.
Cali Dheere ayaa uga digay Bulshada Kenya caruurtooda inaysan ku dhamaan Somaliya, islam arkaana ay ka shaqeeyaan sidii askartooda Somaliya looga saari lahaa.
"Waxa ay farriin u tahay dagaalkii Kulbiyow iyo kuwii ka horeeyay, waxa ay fariin u tahay dowlad da Kenya ee dhabarka laga dhirbaaxay ee dhulka Somaliya soo galay, waxaan leenahay horay waan idiin kugu dignay, iyadoo af ah waan idiin dignay, iyadoo dhiig ahna waan idiin dignay shalayna waxa ay ka mid tahay digniinadii hore ayeey ka mid tahay digniinta markasta waxaan ku qoreynaa dhiiga Wiil ashiina, waxaadna arkeysaan fariimo dhiiga Wiilashiina ku qoran, waxaan leenahay shacabka Kenya, maalin kasta Wiilashiina Somaliya ayeey ku baabi’ doonaan.” Ayuu yiri Cali Dheere.
Al Shabaab ayaa dhowr mar waxa ay fuliyeen weeraro kala duwan ay ku qaadeen Xerooyin ay degan yihiin ciidamada Amisom, waxayna laayeen ciidamo badan oo Amisom ka tirsan. Illaa hadda weerarkii ka dhacay Kulbiyow ma cadda Khasaaraha rasmiga ahee ka dhashay marka laga soo tago sheegashada labada dhinac.
XASSAN SHEEKH’’ WAXAAN BALLANQAADAY IN AAN U HOGAANSAMAYO NIDAAMKA DOORASHADA
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha dowlada Soomaaliya, ayaa sheegay in uu u hogaasamayo nidaamka doorashada.
Xassan Sheekh Max’uud oo maalintii daraad tagay xarunta Villa Hargeysa islamarkana isku diiwaang0aliyay ka qeybgalka doorashada xilka madaxweynaya, ayaa sheegay in gudiga doorashada u sheegay in uu u hogaasamayo nidaamka doorashada.
‘’Waan is diiwaangaliyay shahaadadii diiwaangalintana waan qaatay, gudiga waan la hadlay waxaa u cadeeyay in aan nidaamka doorashooyinka ilaalinayo oo aan u hogaasamayo shaqada ay hayaan gudiga’’ ayuu yiri Xassan Sheekh Max’uud.
Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili doorashada xilka madaxweynaha isku diiwaangaliy een ilaa 15 musharax oo dhamaantood ka qeybgallaya doorashada, waxaana muuqata in musharixi inta qaarkood leeyihiin is baheysiyo hoose oo marka ugu danbeysa doorashada laga yaabo in ay codadkooda isku biiriyaan.
‘’Doorashada waxaan uga qeybgali doonaa si daah furan oo xalaal ah, waxaana ballanqadaya an inaan aqbalayo natiijo kasta oo ka baxda doorashada’’ ayuu yiri madaxweynaha.Wakiilka gaar ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa warbaahinta u sheegay in doorashada loo baa han yahay in ay noqoto mid u dhacda si xor iyo xalaal ah, isaga oo intaa ku darran in aysan aqbali doo nin natiijo kasta aan wafaqsaneyn nidaamka doorashada ama ku dhisan musuq maasuq iyo wax is da ba marin.
R.WASAARE CUMAR CABDIRASHIID OO KORMEER KU TAGEY DHISMAHA CUSUB EE AQALKA SARE.
R/Wasaare Cumar Cabdirashid oo Tacsi u direy Ehellada Taliyihii Ilaalada Xafiiska Ra'iisul Was aaraha.
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa tacsi u direy ehellada iyo qaraabadii uu ka baxay Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Ilaalada R.Wasaaraha Gaashaanle Nuur Xasan Xakaar oo maanta u geeriyooday dhaawac ka soo gaarey Qaraxii Argagixiso ee dhawaan ka dhacay Hoteelka Dayax. Wuxuna marxuumka ALLE uga baryay in uu jannadiisa Fardowso ka waraabiyo.
Mudane Cumar ayaa sheegay in marxuumku u dhintay dhaawac ay u gaysteen kooxahaarxan ka daran ee Alshahaab, isla markaana wuxuu ku sifeeyey marxuumka in mudadii ay wada shaqeynay een ku sifoobay howlkar iyo daacadnimo.
"Waxaan Alle uga baryaynaa in marxuumka uu ka waraabiyo naxariistiisa Janno. Waxaa dishay gacan ka xaqdaran, isagoo ku jira howlaha Qaranka, waxaan rajeynayaa kuwa ka danbeeya dhibaat ada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed in Caddaalad la horkeeni doono".ayuu yiri R.Wasaare Cumar.
XUKUN LAGU RIDAY DHALINYARO GOBOLKA MUDUG KUFSI KA GEYSTAY..
Waxaa shalay degmada Galdogob kadhacay xukun lagu ridey dhalinyaro dhowaan kufsaday ga bar, iyadoona ay goobta ku sugnaayeen mas’uuliyiin kala duwan, culimo iyo dad ehel ah.
Xukunka ayaa waxaa riday Guddiga Culumada iyo Madaxda Maamulka Puntland ee halkaa ku sugan ay si wada jir ah ugu dhawaqeen Xukunka 6 dhalinyaro ah oo lagu helay in ay miyga Deegaan kaasi ay ku kufsadeen Labo gabdhood.
1-Shirwac Jaamac Juunle 10 Sano oo Xarig ah 200 oo Jeedal ah.
2-Yaasir Maahir 8 sano oo Xarig ah iyo 200 oo Jeedal ah,
3-Yaxye Cabdulaahi Awkax 6 Sano oo xarig ah iyo 100 Jeedal ah.
4-Ayaale Wale 7 Sano iyo 100 Jeedal.
5-Cabdirisaaq Xoosh Jabriil 5 Sano oo Xarig 100 jeedal
6-Wiilka Lixaad oo Shalay ka Maqnaa Maxkamadda ayaa asagoo Maqan asna Xukun lagu riday.
BAARLAMAANKA HIRSHABELLE OO EEDEEYAY MADAXDA SARE EE MAAMULKA HIRSHABELLE
Kulan ay Shalay Magaalada Johar ku yeesheen Qaar kamid ah Baarlamaanka Maamul Gobole edka Hirshabelle ayey uga hadleen Arrimo dhowr ah oo ku saabsan Xaaladda Maamulka Hirshabelle.
Xildhibaanada ayaa sheegay in Madaxdii ugu sareysay Hirshabeelle ay hadda si Sharci daro ah ay uga Maqan yihiin Hirshabelle,waxaana ay intaa ku dareen in Hirashabelle aysan hadda laheyn Cid Hogaamisa.
Xildhibaanada Kulanka yeeshay ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamaanka Maamulku uusan hadda shaqeyn,iyagoo intaa ku daray in aysan Xildhibaanadu Fasaxneyn.
Madaxda ugu sareysa Maamulka Hirshabelle ayaa la sheegay in ay joogaan Magaalada Muqdi sho,welina kamey hadlin Eeda uga timid Baarlamaanka.
KACDOON DADWEYNE OO KA BILOWDAY MAGAALADA GAROWE (WAA MAXAY SABABTA?
Kumanaan dadweynaha magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa isu gu soo baxay waddooyinka waaweyn, iyagoona socod dheer ku maray guud ahaan magaalada isla markaana tegay xarunta golaha shacabka Baarlamaanka Puntland.
Dadweynaha Garowe ayaa ka cabanayay sixir barar baahsan oo ku yimid maciishada, sarifka lacagaha iyo qiima dhac ku yimid shilinka Soomaaliga, waxaana shalayy albaabada ka isugu dhuftay gebi ahaanba goobihii ganacsiga ee magaalada Garowe.
Qaar ka mid ah ganacsatada yaryar ee magaalada Garowe ayaa iyagu warbaahinta u sheegay in howlahoodii uu hakad ku yimid kaddib markii ay la jaan qaadi waayeen sarifka lacagaha Dollark iyo Shilinka Soomaaliga.
Dhinaca kale shacabka magaalada Garowe oo ka qeyb galay dibadbaxyada ayaa sheegay in madaxda maamulka Puntland ay wax ka qabtaan arrintaasi, iyagoona sheegay in iminka ay soo food saartay xaalad adag xilli ay daalaa dhacayaan abaaraha ka jira gobolada Puntland.
MUSHARAX DR CABDI NAASIR OO BAHDA SAXAAFADA KA HOR SHEEGAY IN LA XISAABIYO HANTIDIISA HADII LOO DOORTO MADAXWEYNE
Waxaa magaalada muqdisho kulan ku yeeshey musharax dr cabdinaasiir cabdulle maxamed oo ka mid ah musharaxiin u taagan xilka madaxweynaha haatana biixiyey lacagtii doorashada ayaa kul an balaaran la yeeshey qaybaha kala duwan ee saxaafada
Ugu horeyn waxaa hakaas ka hadley dr cabdinaasir maxamed cabdule oo k u dheeraadey taarii khdiisii waxbarasho iyo howlihii uu soo qabtey oo ubadnaa dhinaca caafimaadka maadaama uu yahay nin dhaqtar oo dalka mareykanka wax kuu soo bartey
"hawlaheyga caafimaad waxaa ii dheeraa howlo kale oo laxiiriira dhinaca samafalka iyo weliba dhinaca dib uu heshiisiinta”ayuu yiri dr cabdinaasir oo sheegey in hadii la doorto uu wax badan ka qabanayo arrimaha adeega bulshada iyo la dagaalanka musuqmaasuqa oo ah kan bulshada soomaali yeed dib u dhigey
Dr cabdinaasir waxaa uu sheegey in hadii la doorto uu xooga saari doono daryeelka ciidamada iyo shaqaalaha sidoo kale waxaa uu sheegey in dhailinyarada soomaliyeed u abuuri doono shaqaooy inka mamadaam ay yihiin xoog aan la difiri karin oo u baahan in laga faaiideysto..
Intii uu socdey kulanakaas ayaa bahda saxaafada waxay weydiiyeen su’aalo dhowr ah kuwaa oo ku saabsana waxa uu qabanayo hadii la doorto waxaana ka mid aa sua’aalaha la weydiiyey axa uu ka aamisan yahay federaalka waxaana uu sheegey in federaalka si qaladan loo fasirtey hase yeyeshee go’aanka faderaalka waxaa iska leh bulshahda soomaaliyeed iyaga ayaa diidi kara ogolaan kara
Waxaa kalaoo ka md ahaa su’aalihii la weydiiyey musharax cabdinaasir in uu ogol yahay in la xisaabiyo hantidiisa malinka la doorto waxaana uu ku jawaabey isagoo dhhola cadeynaya "waxaan ba hada saxaafadda horteeda ka balan qaadaya in maalinka la i doorto aan bulshadda soomaaliyeed u soo bandhigayo wixii hanti ah oo aan leeyahay tasoo bahda saxaafada si farxad ah u soo dhahweysey
Sananadkii 2012 ayaa markii uu tartanka ku jirey madaxweyne xasan shiikh waxaa uu kulan sidaan oo kale ah la yeeshey bahada saxaafada waxaana uu halkaa ka balan qaadey in uu si wanaag san ula macaamilayo bahda warbaahinta hase yeeshee wariyayaasha soomaaliiyeed ayaa qaba in bal an qaadkii xasan sheikh uusan waxba ka fulin, waxaan dhowrna waa dr cabdinaasir waxa uu ka fuliyo balan qaadyadiisa ku aadan saxaafada.
Weerar ka dhacay Masjid
Masjid ku yaalla Gobolka Kubec ee Dalka Canada ayaa xalay waxaa weerar ku qaaday Dabley Hubeysan, oo tiro ahaan gaarayay 3 nin oo wajiyada ay u duubnaayeen.
Dableydan ayaa weerarka waxa ay qaadeen xilli fiid ah markaas oo Masjidka ay ku dukanayeen dad fara badan, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen Dad goobjoogayaal ah.
Inta la xaqiijiyay weerarkan ayaa waxaa ku dhintay 5 Qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka.
Booliska Dalka Canada ayaa waxa ay sheegeen weerarkan in ay u soo qabteen 2 nin, kuwaas oo laga shakisan yahay, Boolisku weli ma sheegin magacyada nimankan iyo sidoo kale Dadka weerar ka lagu Qaarijiyay wadamada ay ka soo kala jeedaan.
YAA ILAALIN KARA SHARAFKA GABDHAHA SOOMAALIYEED: MA QABIIL MEEL CALAN SURTAY MISE QARAN XOOG BADAN ?
Inta aanan qormadeyda bilaabin aan marka hore canbaareeyo falkii fooshaxumaa ee ka dhacay deegaanka Galdogob ee gobolka Mudug, halkaasi oo kufsi aad looga naxay loogu geystay labo gabdhood oo Soomaaliyeed oo ka soo jeeda deegaankaasi qiimaha badan. Dhacdadani, ayaa soo jiid atay dareenka dadka Soomaalida ah, gaar ahaan inta ay xanuujineyso dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed.
Waxaan sidoo kale iyana canbaareynayaa hadal dhawaan ka soo yeeray gudoomiyaha deg. B/xaawo, Kaasi oo sheegay in magaaladiisu ay si sharcidarro ah ugu uureysteen gabdho Soomaaliy eed oo gaarayo 155 gabdhood. Hadalkan aan loo fiirsan ee ka soo yeeray gudoomiyahaasi, Ayaa wa xa uu runtii sharaf dhac ku noqday gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaankaasi caanka ku ah diinta iyo dhaqanka wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed.
Oraahdan ka soo yeertay masuulkan ka tirsan Dowladdan Federaalka ee ay Itoobiya taageerto, Ayaa waxaa uu cadeyn u yahay in nimankani (dadka u shaqeeya dowladda federaalka iyo maamulada raacsan) aysan dal iyo dadba ka warqabin, Islamarkaana ay shaqadoodu ku soo uruurtay wax ka she egga Alshabab iyo boobka hantida dadweynaha, halka dadkii ay masuulka ka ahaayeenna ay dayac meen.
Anigu, inkastoo oo aan ka mid ahay dadka taageera waxan loogu yeero Dowladda Federaalka, Hadana waxaan qirayaa in Dowladdani ay maasi’ib badani u horseeday dalkan iyo dadkiisa, Waana sababtaasi sababta ay shalay wax u dhaqaaqi la’yihiin. Sidee u liibaanayaa qof maalin kasta carogelin aayo Rabbigiisa, Islamarkaana ka sii fogaanayo diintiisa iyo dhaqankiisii wanaagsan ? Waxaan kaloo qirayaa in Dowladdani ay dalka u gacan gelisay cadowgii soo jireenka ahaa ee la wada yaqaanay.
Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda ee aan shalay cinwaanka uga dhigay oraahda ah :Yaa ilaalin kara sharafka gabdhaha Soomaaliyeed, Ma qabiil meel calan surtay mise qa ran xoog badan ? Anigu, Waxa ay ila tahay runtii Anigoo wax ku dhisaayo aqoonteyda, caqligeyga iyo waliba tajaaribta aan kasbanno inta aan nool nahay, Waxaan qabaa in gabdhaha Soomaaliyeed sharafkooda lagu ilaalin karo oo kaliya qaran Soomaaliyeed xoog badan wallow aan dib ka faahfaahin doonno.
Sidan soo sheegayba, Waxaa lagu ilaalin karaa sharafka gabdhaha Soomaaliyeed in la helo qaran Soomaaliyeed oo xoog badan, Kaasi oo abuura bay’ad ay ku noolan karto gabadha Soomaalida ah ee shalay nool, Islamarkaana ay ka heli karto wax alaale iyo waxa ay u baahan tahay. Gabadha So omaaliyeed waxa ay u baahan tahay waa qaran xoog leh oo siiya amni ballaaran, Kaasi oo u suurta geliya in ay si caadi ah ugu noolaato deegaankeeda iyo waliba guud ahaan dalkeeda hooyo.
Gabadhani, Waxay u baahan tahay qaran xoog leh u soo saara kheyraadka ceegaaga dalkee da, si ay u hesho noolal raaxo leh oo u daboosha baahideeda caafimaad iyo middeeda waxbarasho si da gabadha Iyada la midka ah oo kale ee ku nool dalalka hormaray sida midka aan hadda ku noolahay oo kale. Dalkani Ayaa waxa uu u abuuray gabadha halkan ku nool bay’ad ay ku noolaan karto, Islamar kaana ay ka heli karto wax alaaliyo iyo waxa ay u baahan tahay sida amni oo kale.
Walaalayaal, Gabdhaha Soomaaliyeed waxa ay u baahan yihin waa dowlad leh hanaan garsoor oo madaxbanaan, Islamarkaana ku dhisan cadaalad iyo sinaan, Kaasi oo uu sharcigu qabanaayo cid kasta oo danbi gasha magacay doontaaba ha wadatee. Sharcigan oo waliba noqonayo sharcigii Alle ee ka koobnaa Al Kitaab waa Sunna. Waa wax lala yaabo runtii in dal Muslim ah maalin kasta lala dul istaago sharciyo iyo qawaaniin laga soo waariday dalal kale oo aan waxba wadaagin.
Hadabo, Arimaha aan soo sheegay ee ay u baahan tahay gabadha Soomaalida ee shalay ku no ol dhulka Jamhuuriyadda ee ka kooban 18ka gobol, Waxa baahidaasi u dabooli kara waa qaran Soo maaliyeed oo awood leh, Islamarkaana abuuri kara bay’ad ama jawi ay ku noolaan karto inantan aan ka warameyno ee zabanka nool. Aan isweydiinne muxuu qabiil u qaban karaa gabar Soomaaliyeed ? Maxaase faa’iido ah oo ku jira calan maran oo meel laga taagay ?
Anigu, Waxaan aaminsanahay in qabiil meel calan ka surtay aanu waxba u qaban Karin gabar Soomaaliyeed oo xiligan nool, Taasina waxaa daliil u ah dhacdadii fooshaxumeyd ee ka dhacday deeg aanka Galdogob, halkaasi oo uu ka jiro maamul beeleed la magacbaxay Butnland, Kaasi oo ku faanay sanadkii la soo dhaafay in uu sideed iyo taban sano jirsaday. Maamulkan daciifka ah ee hoos u sii dhacaayo, Ayaanan horumar badan sameynin marka loo eego da’da uu jiro. ee sided iyo tobanka ah.
Waxaa Buntland la mid ah maamulada kale ee Iyagana ka jira deegaanada kale ee dhulka Jamhuuriyadda sida Somaliland, Khaatumo, Galmudug, HirShabeelle, Suufiland, Koonfur Galbeed, Jub aland iyo waliba deegaanada kale ee ay maamusho Xarakada Alshabab. Dhamaan deegaanadani, Ayaanan ka jirin bay’ad abuuri karta waxa ay u baahan tahay gabar Soomaaliyeed sida waxbarasho free ah, adeeg caafimeed oo heer sare ah iyo waliba dhaqaale ay si fudud u heli karto.
Magaraneysaan sababta ay gabdhaha Soomaaaliyeed uga tahriibaan dalkooda ? Yaase ii sheegi kara waxa gabdhahani ku xanbaarayo in ay shaqo booyaasanimo ah u doontaan dalal sida Sac uudiga oo kale ah oo aad ogtihiin halka uu ka taahan yahay xuquuq insaanka iyo xuquuqda shaqaala ha? War gabadhee ku noolan karto dal sida Soomaaliya oo kale ah, Kaasi oo aan nabad iyo degena anba arag wax ka badan shan iyo labaatan sano !!
Waxaan kaloo aaminsanahay in gabadha Soomaaliyeed aysan dooneynin dowlad magacuyaal ah sida midda hadda ka jirta Villa Soomaaliya oo kale, Taasi oo aanan bixin wax adeeg bulsho ah mar ka laga reebo mucaawinooyinka la soo marsiiyo. Waxaan kaloo rumaysanahay in gabadhani aysan u baahneyn jabhad, urur hubeysan iyo waliba maamul beeleed waqtidumis ah sida kan ka jira deegaana da Waqooyi Galbeed oo kale, Kaasi oo ay waardiyo ka hayso beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.
Runtii, Ragga Soomaaliyeed oo aan Aniguba ka mid ahay waa ku ceeb iyo foolxumo in ay sidan u dhibaatoodaan dumarkoodii sharfta badnaa? Ma garaneysaan inta gabdhood oo Soomaali ah oo shalay ku xiran xabsiyo dalal kale ? Ma qiyaasi kartaa inta hablood ee darxumo u dhimatay, Iyagoo ka cararaayo nolasha adag ee ka jirta dalkeeda hooyo ? Ma weydiiseen badaha Caalamka inta gabdhood ee ay liqeen ?
Tan kale, Sow ceeb ma’ahan in aan maalinta kasta raqda korkeeda ku calaacalno, gaar ahaan marka ay wax dhacaan, ka dibna aan iska kala tagno Anagoon qorshe u dajinin waxa aan ka calaaca leyno ? Anigu, Markan u fiirsadey mujtaceena Soomaaliyeed, Waxaa runtii ii soo baxday in ay yihiin mujtamic emotional ah, Islamarkaana hadal un meesha ku hayo. Waxa kaloo ii soo baxday in inta badan dadka Soomaalida aysan waxba ka baran dhacdooyinka iyo waxa la soo maro.
Ugu danbeyn, Haddii aanan la helin qaran Soomaaliyeed oo xoog leg, Islamarkaana ilaaliya dal kan iyo dadkiisa, Iskadaa in la ilaaliyo sharaf gabdheede, Waxaa la weyn doona {laa samaxa laah} wax alaale iyo waxa gacanteenna ku jira oo ay ugu horeeyaan diinta, dhaqanka, afka iyo waliba kheyraad kan baaxadda leh ee ku jira dhulkan hodanka ah. Ma og tihiin in aysan fogeyn xiligii Ingiriis bixinaayey S/Galbeed iyo NFD ? Mase la socotaan in ay daris idinla yihiin 70,000,000 oo an bad lahay ?
Gabogabadii iyo gunaanudkii, Haddii aan marka kale isweydiino su’aashii qormadeenna ee ahayd: Yaa illaalin kara sharafka gabdhaha Soomaaliyeed, Ma qabiil meel calan surtay mise qaran xoog badan ? Jawaabtu waxaan leenahay, Waxaa ilaalin kara sharafka gabdhaha Soomaaliyeed qaran xoog badan, Kaasi oo abuura bay’ad ama jawi ay ku noolan karaan gabdhahan aan ka warameyno, Islamarkaana u soo saara kheyraadka ku jira dalkooda hooyo.
MAXAMED IBRAHIN (RAGOW) RAGOW1960@HOTMAIL.COM
DIIWAANGELINTA MUSHARAXIINTA MADAXWE-YNAHA OO LA SOO GABA GABEEYAY IYO 24 MUSHARAXIIN IYO QABIILAADKOODA ...
C/qaadir Cali Cosoble {Abgaal Harti Abgaal– Warsangeli} |
BASHIIR RAAGE SHIIRAAR {Abgaal Harti Abgaal– Warsangeli} |
SHARIIF SHEEKH AXMED {Abgaal Harti Abgaal Agoonyar}
|
Maxamed Cali Nuur {Ameeriko} {Abgaal Wacbuudhan Reer Mataan} |
Xasan Shiikh Maxamuud { Abgaal Waceysle Cali Gaaf } |
Jibriil Ibraahim Cabdulle { Abgaal Waceysle Macalin Dhiblaawe } |
C/laahi Cali Gees. { Abgaal Waceysle Macalin Dhiblaawe } |
Cabdullaahi Cali Xasan { Abgaal Waceysle Cali Gaaf }
|
Maxamed Maxamuud Culusow {Habar Gidir Cayr} |
C/naasir Maxamed Cabdulle.. {Habar Gidir Sacad}
|
Saciid Ciise Maxamuud {Habar Gidir Cayr} |
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) {Ujeedeen Mudulood} |
Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke {Majeerteen Cusmaan Maxamuud} |
Cali Xaaji Warsame {Majeerteen Cusmar Maxamuud} |
Saciid C/laahi Dani {Majeerteen} |
C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud {Faroole} {Majeerteen} |
C/laahi Ciilmooge Xersi {Beesha Ogaade } |
Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi {Leelkase} |
1 |
2 |
3 |
4 |
5 |
6 |
7 |
88 |
9 |
11 |
12 |
138 |
13 |
15 |
168 |
19 |
20 |
Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo){ Mareexan Reer Diini} |
88 |
21 |
221 |
18 |
Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil {Majeerteen } |
Leave a comment |
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 30-KA JANNAAYO 2017-KA
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XALAY MUQDISHO KULA KULMAY 180 XILDHIBAAN Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Musharax u taagan Qabashada Xil ka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xalay Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhib aano