Hooyo iyo Caruurteed oo haraad ugu dhintay Gobolka Sh.Hoose.

0
Saturday January 28, 2017 - 15:12:59 in Wararka by
  • Visits: 696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo iyo Caruurteed oo haraad ugu dhintay Gobolka Sh.Hoose.

    Nuur Ibraahin Cali, Guddoomiyaha Degmada Sablaale ee Gobolka Sh.Hoose oo la hadlay warbaahintaayaa waxuu xaqiijiyay in haraad iyo gaajo darteed ay u geeriyoodeen hooyo iyo labo caruur ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuur Ibraahin Cali, Guddoomiyaha Degmada Sablaale ee Gobolka Sh.Hoose oo la hadlay warbaahintaayaa waxuu xaqiijiyay in haraad iyo gaajo darteed ay u geeriyoodeen hooyo iyo labo caruur ah.
Guddoomiye Nuur ayaa waxuu sheegay in qoyskan ay ka barakaceen Degmada Sablaale, kuna sii jeedeen Degmada Baraawe ee Gobolka Sh.Hoose, balse dhex ay ku dhinteen.

Isagoo hadalkiis sii wata ayaa Guddoomiyaha waxuu tilmaamay in cudaro ay ka dilaaceen Degmada Sablaale, kuwaasi oo haatan ay la ildaran yihiin qaar ka mid ah Dadka halkaasi ku dhaqan.

Qeybo ka mid ah Degaanada Gobolka Sh.Hoose waxaa ka jira abaaro xoogan oo saameyn ku yeeshay Dadka iyo Duunyada halkaasi ku dhaqan, iyadoo Guddiga Abaaraha ay ku dhawaaqeen todobaadkii la soo dhaafay in ay gargaar bini’aadanimo ay geyn doonaan Degaanada ay abaaraha ku dhufteen.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip