Ex.Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo weerarkii Jannaale sabab uga dhigay wada shaqeyn la'aan ka dhaxeysa Amisom iyo ciidammada Dowladda

0
Thursday September 03, 2015 - 10:38:09 in Wararka by
  • Visits: 1059
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex.Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo weerarkii Jannaale sabab uga dhigay wada shaqeyn la'aan ka dhaxeysa Amisom iyo ciidammada Dowladda

    SiyaasigaEx- Xil.Salaad Cali Jeelle oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii dalka soo maray, ayaa ka hadlay weerarkii Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SiyaasigaEx- Xil.Salaad Cali Jeelle oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii dalka soo maray, ayaa ka hadlay weerarkii Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellaha hoose. Salaad Cali Jeelle, ayaa sheegay sababta weerarkaasi inay tahay wada shaqeyn la'aan ka dhaxeysa ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Amisom, wuxuuna taasi ku micneeyay xerada la weeraray kaliya inay ku sugnaayeen ciidamada Amisom.

ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Amisom, wuxuuna taasi ku micneeyay xerada la weeraray kaliya inay ku sugnaayeen ciidamada Amisom.     
  "Dagaal ay la galeen Al-Qaacidada oo ay markaasi hadanna dhowr mar Amisom dhibaato loo geystay arrintaasi waa arrin iska muuqata oo waadax ah inaan wada shaqeyni jirin, hadda ka dhaxeysa, mar hore ayeeyna soo dhacday arrintaan oo ay soo jirtay, marka hadda waxaad ka garanaysaa Xerada ciidamada Amisom kaliya ayaa lagu weeraray waa muuqataa inaan wadashaqeyn ka dhaxeyn.” Ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho.

        Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, ayaa sheegay ka adkaanshaha Shabaab inay noqotay arin mashruuc ah oo la dheereystay, taasina ay dhibaato ku tahay Umadda Somaliyed.

Ciidamada Amisom, maadaama ay yihiin ciidan Ajaanib ah oo dalka aanan u dhalin, ayuu sheegay Salaad Cali Jeelle muhiim inay tahay meel waliba oo ay joogaan inay ka horeeyaan ciidamada Amisom oo haddii lasoo weeraro ay iskaashadaan labada ciidan si ay uga hortagaan Cadowga.

Weerarka Amisom qabsaday 1-dii Bishan ayaa ah kii labaad oo noociisa ah oo ku qabsada Gobolka Shabeellaha hoose, xilli lawada xusuusto Amisom, gaar ahaan ciidanka Burundi Askar gaaraysa 70 Askari in looga dilay weerar Leego lagula helay.

Weerarkii Jannaale, ayaa lagu soo beegsay sannad guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii Mareykanka ay dileen Hogaamiyihii Ururka Al Shabaab oo Gobolka Shabeellaha hoose lagu dilay 2014-kii Bishii September 1-deedii





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip