Adeegsiga badan ee Telefonada gacanta waxay ay keeni karaan kansarka maskaxda, DARAASAD.

0
Tuesday August 18, 2015 - 07:19:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Adeegsiga badan ee Telefonada gacanta waxay ay keeni karaan kansarka maskaxda, DARAASAD.

    Cilmi baaris cusub oo ey sameeyeen qubarro mareykan iyo yurub ah oo lagu daabacay wargeeska lagu magacaabo Electromagnetic Biology & Medicine oo ka hadla xiriirka elekterooniga iyo caafimaadka ayaa sheegeysa in adeegsiga telefanada gacanta ey saa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cilmi baaris cusub oo ey sameeyeen qubarro mareykan iyo yurub ah oo lagu daabacay wargeeska lagu magacaabo Electromagnetic Biology & Medicine oo ka hadla xiriirka elekterooniga iyo caafimaadka ayaa sheegeysa in adeegsiga telefanada gacanta ey saameyn aan wanaagsaneyn ku leedahay caafimaadka, iyadoo sara u qaada noocya badan oo kansarrada ku dhaca maskaxda.
Daraasadda ayaa caddeysay in shucaaca ka soo baxa telefannada ey saameyn aan wanaagsaneyn oo mudda fog ah ey leedahay, waxaana ka mid ah xasaasiyadda jirka, daal fara badan oo mudda jira,cudurka ilaawshaha keena ee ALZHEIMER ka loo yaqaano, madax xanuun iyo ugu danbeyn kansarka maskaxda.

Wax yaabahaas aan soo sheegnay ayaa ka dhala kara isku dhex yaac ey  shucaaca ka soo baxa telafanada ey ku sameeyaan shaqada maskaxda ka dibne dhimashada unugyada maskaxda iyo hidda sidayaasha.


Ugu danbeyntii ayaa cilmibaarayaashu ey sheegeen in isticmaalka telefanka 20 daqiiqo maalin waliba mudda 5 sanadood ah ey sara u qaadi karto nisbada kansar ku dhaca maskaxda 3 jeer, iyadoo halistu ey sii badaneyso haddii hal saac maalin waliba la isticmaalo.

Sidaa awgeed cilmibarayaashu waxa ey tilmaameen in la yareeyo muddada isticmaalka telefannada gacan qaadka, gaar ahaan caruurta waayo dhibaattada waa sii badanee dhanka ilmaha.

Dr. ibraahim Addow


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip