Ma awoodaa daqiiqado ka mid ah waqtigaaga qaaliga ah inaad bixiso, aan kula wadaage maqaal Cilmi & Cibroba xambaarsan?
waxaa ku xiga lambarka سبعة todobo(7) oo ah lambarka labaad ee ugu soo
noqonoqda badan Quraanka.
Dhinaca lambarada(numberada) Quraanka lagu xusay hadii aan eegno , oo aan si
qota dheer aan u darisno, waxaan shaki ku jirin in Alle wayne lambarkaas
ka fadilay kuwa kale. Waxaa hadaba su’aal ah sirta u qarsoon lambarka (7)
maxay tahay? Maxaa meela badan tusaale ahaan loogu soo qaatay Quraanka
Kariimka?Aan ku bilowno dhinaca Koonka.
Lambarka 7 iyo koonka
___________________
1) Markuu Alle(SWC) uu bilaabay abuurida Samooyinka iyo Dhulka wuxuu doortay qawaaninta xisaabaadka. Waxa uu doortay lambarka todobo(7.) waxuu Alle abuuray todobo Samo iyo todobo Dhul.
يقول عزَّ وجلَّ: (اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ وَمِنَ الْأَرْضِ مِثْلَهُنَّ يَتَنَزَّلُ الْأَمْرُ بَيْنَهُنَّ لِتَعْلَمُوا
أَنَّ اللَّهَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ وَأَنَّ اللَّهَ قَدْ أَحَاطَ بِكُلِّ شَيْءٍ عِلْماً) [الطلاق: 12/ 65
2) Culimada Saynisyahanada waxay ogaadeen in lakabyada dhulka( Earth layers) ka koobanyahay ay yihiin todobo(7) lakab, sida sawirka aad ku aragto.
Quraanka Kariimka ayaa inoo sheegay 1437 sano hor iyadoo cid ogaan kartay xilligaa aysan jirin sida ku cad Aayada kor ku xusan [الطلاق: 65/12
3) Saynisyahana waxay soo ogaadeen noocyada xidkaha(stars) ee asaasiga ah inay yihiin todobo(7) nooc sida sawirka aad ka aragto.
4) Tirada badaha(seas) waa todobo(7) qaaradaha( continents ) aduunka waa todobo(7) qaaradoo.
5) Tirada Maalmaha waa todobo(7). Maalinta qiyaamaha ay dhacayso waa maalinta 7aad ee isbuuca(Jimcaha)
6) Midabada Qaansa roobaadka(Visible spectrum) waa todobo(7) midab.
Midabadaas waxaa loo soo gaabiyaa ROYGBIV(Red, Orange, Yellow, Blue, Indigo iyo Violet.)
7) Waxaa cajiib ah tirade samooyinka waa todobo(7) . Quraanka Kariimkana todoba(7) jeer ayaa lagu xusay Quraanka kalmada ‘Samooyinka. Albaabada Naarta waa todobo(7)
Lambarka 7 iyo Quraanka & Sunnada Nabiga (NNKH)
____________________________________________
1) Kalimada لا اله الا الله محمد رسول الله
todobo(7) eray ayay ka koobantahay.
2) Suurada ugu wayn Quraanka waa Suurada Al-fatixa. Todobo(7) Aayadood ayay ka
koobantahay.
وَلَقَدْ آتَيْنَاكَ سَبْعًا مِّنَ الْمَثَانِي وَالْقُرْآنَ الْعَظِيمَ) (87)
سورة الحجر)
3) Nabiga waxa laga wariayay xadiiskan
(إن هذا القرآن أُنزل على سبعة أحرف) [البخاري ومسلم]
Oo macnihiisu yahay ‘ Quraankan waxaa lagu soo dejiyay todobo qiro( luuqad)
4) Dhinaca caafimaadka markuu
ka hadlayay Nabiga (NNKHA) waxuu yiri:
(من تصبَّح كلَّ يوم بسبع تَمرات عجوة لم يضرَّه في ذلك اليوم سمٌّ ولا سِحْرٌ)
[البخاري ومسلم]
(Timirta Madiina ee Cajwaan loo yaqaano oo timiraha kale ka duwan in qofkii
cunaa subuxii 7 xabo , inuu maalintaas uu cunay ka badbaadayo sun, sixir iyo
waxkasta oo caafimaadkaaga khalkhalin kara.) Tirada uu isticmaalay fiiri waa
todobo.
5) Nabigeena suubanaa (NNKHA) waxaa kaloo laga wariyay:
(أُمرت أن أسْجُدَ على سَبْعَةِ أَعْظُم) [البخاري ومسلم]
(Waxaa la i faray inaan ku sujuudo todobo xubin.)
6) Waxa kaloo ka mid ah xadiiska laga wariyay nabiga
(NNKHA)
(سبعة يُظلّهم الله في ظلِّه يوم لا ظلَّ إلا ظلُّه…) [البخاري ومسلم].
(Todobo ayuu Alle( SWC) u haraynayaa maalinta qiyaamaha….)
7)Dawaafka kacbada waa toboda jeer. Sidoo kale, socodka labada buur ee Safa iyo
Marwana waa todobo jeer.
Gunaanud
Suurada 1aad ee Quraanka( Al-fatixa) waxay ka koobantahay 7 Aayadood.
Suurada u dambaysa Quraanka( Al-Naas) waa Suurada 114aad.
Lambarka Suurada koowaad Lambarka Suurada u
dambaysa
1
114
1 + 1+ 1+ 4 = 7
Sidoo kale,
1141 = 163 x 7
Aqristow naftaada ma waydiisay Alle arimahaas aan ka soo sheekaynay maxu ugu doortay
lambarka todobo. Sir u qarsoon oo Aadanuhu garan wili ayaa jirta, Alle weyna
kaliya ayaa og. Lakiin waxaan orankarnaa in xikmada loo soo celceliyay looguna
doortay in koonkan ka samaysmo xisaabta 7 ay leedahay ahmiyad gaar ah. Waa
mucjiso Alle wayne(SWC) ku tusayo adoomadiisa in koonkan iyo waxa ku dhex nool
iyo kuwa aan nooleynba isagu uumay uuna maamulo. Waa fariin Alle inagu
tusinayao mid ka mid ah mucjisooyinka Quraanka Kariimka ah, loona
baahanyahay inaan wax ka barano. Dhinaca kale waxay fariin u tahay
dhiirigelinta barashada qawaaniinta xisaabaadka koonka ku shaqeyo.
Waxaan ku soo koobay siraha ku qarsoon lambar todobo dhinaca Diinta iyo
dhinaca Sayniska 7 qodob mid walba. Khahriida SOOMAALIYA waxay u samaysantahay
sida 7. Soomaaliya astaantaas wadan lama wadaago dunidan majiro. Allow Soomaali
Kitaabkaaga Quraanka ah fahansii dhibkay ku jirana ka saar.
________
Ibrahim Abdulkadir
794545@gmail.com
Ma awoodaa daqiiqado ka mid ah waqtigaaga qaaliga ah inaad bixiso, aan kula wadaage maqaal Cilmi & Cibroba xambaarsan?
Alle(SWC) waxuu inoo sheegay in Rusushiisa qaarkood ka fadilay qaarka kale, bisha 'Ramadaan' ka fadilay bilaha kale, habeenka 'Laylatul Qadar' ka fadilay habeenada kale, masaajidyada dhulka ku yaala ka fadilay labada Masaajid ee &