
Saddex arrin oo Al-Shabaab ay dalbadeen oo qasbay barakac ka socda Mudug
Deegaanada Wasil iyo Bacaadweyn oo ka tirsan bariga gobalka Mudug ayaa waxaa ka socda barakac xoog leh oo ay sameynayaan dadka degaanka, kadib markii Al-Shabaab ugu hanjabeen in ay soo weerari doonaan.
Al-Shabaab ayaa dadkaan u sheegay in ay ka guuraan degaanadooda, haddii aysan bixin doonin lacag ay dul dhigeen Al-Shabaab, islamarkaana aysan keeni karin dhallinyaro u dagaalanta Al-Shabaab.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa dadkan ku amray in la shaqeeyaan maamulkooda, islamarkaana ay u ogolaadaan in dugsiyada Qur'aanka ay macalimiin ka noqdaan xubno Al-Shabaab ah, si carruurta loo baro caqiidada ay aaminsan yihiin Al-Shabaab.
Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in boqolaal qoys ay saacadihii la soo dhaafay ka baxeen Bacaadweyn iyo Wasil, islamarkaana ay geereen degaano ku dhow Gaalkacyo si ay u helaan amni.
Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa u muuqda in ay ku guul dareysteen in Al-Shabaab laga qabto dadka ku nool degaanadaas maadaama ay shacabka awoodi waayeen in ay iska difaacaan qatarta Al-Shabaab ee degaanadaas.
Al-Shabaab ayaa subaxii Axadda weerar culus ku qaaday deegaanka Wisil, waxaana dagaal ka dhacay ku dhintay in ka badan 30 qof. Waxay sidoo kale marar badan horey u weerareen deegaanka Bacaadweyne.


0 



Saddex arrin oo Al-Shabaab ay dalbadeen oo qasbay barakac ka socda Mudug
Deegaanada Wasil iyo Bacaadweyn oo ka tirsan bariga gobalka Mudug ayaa waxaa ka socda barakac xoog leh oo ay sameynayaan dadka degaanka, kadib markii Al-Shabaab ugu hanjabeen in ay soo weerari doonaan. Al-Shabaab ayaa dadkaan u sheegay in ay ka guur