C/Raxmaan C/Shakuur "Muqdisho Maalmo Xanuun Badan Ayaa Ku Soo Wajahan"

0
Monday February 22, 2021 - 21:45:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/Raxmaan C/Shakuur "Muqdisho Maalmo Xanuun Badan Ayaa Ku Soo Wajahan"

    Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa Qoraal kasoo saaray khudbadii xalay uu jeediyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee uu uga hadlayay xaaladda siyaasadeed dalka Soomaaliya iyo doorashooyinka. C/raxmaan C/Shakuur aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa Qoraal kasoo saaray khudbadii xalay uu jeediyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee uu uga hadlayay xaaladda siyaasadeed dalka Soomaaliya iyo doorashooyinka. C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in khudbada Madaxweyne Deni ay banaanka soo dhigtay xaqiiqooyin badan oo la xariiran dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo. Siyaasiga ayaa sheegay in Deni uu uga duwanaa in dareenka tebineed ee khudbaddiisa xalay ee ku sharaxayay shirarkii kala duwanaa ee looga hadlay hannaanka doorashooyinka dalka, sababaha keenay in ay fashil ku dhammaadaan, wuxuuna C/raxmaan khudbadaas ku tilmaamay mid waayo-aragnimo leh. "Saciid wuxuu garaacay gambaleel digniin ah kana turjumaya halista uu dalku marayo. Waxaa lagaa yabaa in qolada Xamar joogta ay horay u yareysaneysay khatarta Farmaajo ka imaan karta ama ay isku haleynayaan beesha Caalamka, halka in kale ay is leedahay waqtigiisii waa dhammaaday oo doorasho ayuu ku baxayaa" ayuu yiri CC Shakuur. Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa uu intaas kusii daray in Farmaajo uu tijaabiyay falceliska ka imaan kara weerarkii lagu qaaday Gurigiisa 17-kii Dec 2017 iyo weerarkii lagu qaaday Madaxweyneyaashii hore ee dalka oo ku sugnaa Hotel Maa'idda. "Saciid wuxuu fashiliyey shirqoolka Farmaajo ee doorasho beenaadka. Farmaajana wuxuu ku qasban yahay in uu xawligii uu xukunka xoog ugu joogi lahaa sii labanlaabo. Muqdisho maalmo xanuun badan ayaa ku soo wajahan, haddii in aysan bararaarugin inta Farmaajo u shaqeysa ama la shaqaysata ee reer Muqdisho ah" ayuu sii racsiiyay Qoraalkiisa CC Shakuur oo ka hadlaayay khudbadii Deni uu ka jeediyay Garoowe.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip