HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 20 FEB 2021

1
Saturday February 20, 2021 - 10:26:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 20 FEB 2021

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

Sheekh Shariif: "Weerarka nalagu soo qaaday waxaa amray Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in weerar Xalay lagu soo qaaday Hotel ay degan yihiin isaga iyo Xasan Sheekh uu amray madaxweynaha Soom aaliya ee waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shariif oo qoraal soo dhigay Twitter-ka ayaa yiri "Waxaan umadda Sooma aliyeed u caddeynayaa in weerar gardarro ah ay na gu soo qaaday dowladda, iyagoo ku soo duulay Hoteelka Maa’ida oo ani ga madaxweyne hore Xasan Sheekh iyo xubno kamid ah midowga murashaxiinta aan degan ahay.

Waxa uu intaas ku daray " Weerarka waxaa amray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Maxamed Farmaajo isagoo doonaya in uu na caburiyo. xoogna uu ku muquuniyo shacb iga Soomaaliyeed ee doonaayo in aragtidooda udhiibtaan si nabad ah.”

Hadalka Shariif ayaa waafaqsan mid isna ka soo baxay Xasan Sheekh oo uu ku yiri "Ciid anka dowladda ayaa Xalay weerar ku soo qaa day hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dha maaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaa rinayo bannaan baxaya nabadeed oo ay aragt idooda ku cabbirayaan.”

Dhinaca kale, wararkii ugu dambeeyey ee na ga soo gaaraya agagaarka Daljirka Dahsoon ayaa sheegaya inuu istaagay Iska hor-imaad xo og leh oo halkaas ka qarxay goor sii horreysay, una dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa sugaya amniga musharaxiinta.

Dowladda Oo Ka Hadashay Dagaalkii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saa rtay dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo Ciidamada Mushariinta Madaxweynaha, waxaana Xalay muqdisho mar qura is qabsaday dhawaqa rasa as ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Wasiirka amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale oo soo saa ray Qoraal ayaa sheegay in wee rarka ay soo qaadeen Ciidanka Musharixiinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saar tay dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo Ciidamada Mushariinta Madaxweynaha, waxaana Xalay muqdisho mar qura is qabsaday dhawaqa ras aas ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Wasiirka aminiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale oo soo saaray Qoraal ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Ciidanka Musharixiinta. Dowladda waxaa ay sheegtay Xalay saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am) ay Ciidanka Mu sharixiinta soo weerareen baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku lahaayeen qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho. Waxaa ay intaa ku dar een in Sarkaal u hadlay Ciidanka Musharixiinta uu Xalay fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla ma rkaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdi sho, balse ay ka hortageen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirka amniga waxaa uu intaa ku daray in Ciidamada Dowladdu ay iska difaaceen weerar kaas lagu soo qaaday.

Xasan Cali Kheyre: "Waxaan ka badbaadnay isku day dil oo lasoo qorsheeyey”

Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in isaga iyo mush arixiin kale ay ka badbaaden isku day dil kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ras aas ku furen banaanbaxayaal ay horkacayeen.

Xasan Cali Kheyre oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in talla abadaan ay muujineyso aragtida siyaasadeed ee ku dhisan kali-tali snim da iyo xukun-isku dhajinta.

Kheyre ayaa tilmaamay inuu ho rey uga digay natiijada siyaasada ku dhisan xuk un isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo.

Waxaan aniga iyo dhowr musharax oo u taa gan xilka Madaxweynaha, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, masuuliyiin kale iyo shacab badan ka badbaadnay isku dey dil ah oo toos ah oo lagu qorsheeyay in nalagu khaarijiyo.

Habeen hore saqdii dhexe waxaa weerar lagu qaa day madaxweynayaashii hore ee dalka, waxa ana kasii digay natiijada siyaasada ku dhisan xu kun isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo.

Haddii uu harsanaa qof uu shaki uga jiray ara gtida siyaasadeed ee ku dhisan kali-talisnimda iyo xukun-isku dhajinta ,weerarkii Habeen hore iyo isku deygii dilka musharaxiinta aan kamid ahaa ee Shalay haku cibri-qaateen.

Waxaa laga talaabsaday dastuurkii dalka, wa xaa la jabiyay dhaqankii dowladnimada iyo xee rarkii bulshada ka dhaxeeyay, waxaana loo bar eeray dilka madax hore iyo musharaxiin mada xweyne, Xildhibaanno iyo Muwaadiniin aan wax bo Shalaysan, dadkana waxaa loo diiday inay dar eenkooda cabiraan, maxaa harsan oo xiga?

C/C/ Shakuur Oo Si Kulul Uga Hadlay Ras aas Ay Ciidanka Dowladdu Ku Fureen Dad Bannaanbaxayay

Siyaaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa si kulul uga hadlay rasaas ay Ciidanka Dowladdu ay ku fureen dad bannaanb axayaal ah oo ay hog gaminayeen qaar ka mid ah midowga mu sharixiinta.

Cabdiraxmaan Ca bdi Shakuur ayaa sheegay in xabado oodda lo oga qaaday shacab iyo hogaamiyayaal ka kid ah midowga musharixiinta, kuwaasi oo uu shee gay in ay si nabad ah u mudaaharaadayeen. Waxaana intaa uu ku daray in Ciidankaasi ay ah aayeen kuwao ka amar qaata madaxweyne fa rmaajo.

"Maleeshiyaadka xabadda oodda uga qaaday shacabka iyo hogaamiyayaalka sida nabadda ah u mudaaharaadayey ee ka amar qaataan ka li taliska xilligiisa dhamaaday ee ina Farmaajo danbiga ayey isku sii badinayaan.

Way dhowdahay maalintii marinkooda la ma rin lahaa. Reer Muqdisho waxaan leeyahay dhii gya cabka waad aragteen, waxaa idiin dhiman in aad iska dhicisaan” ayuu yiri CC Shakuur

Xigasho:radiodalsan.com

Muxuu Nabaddoon Xaad ka yiri weerarkii lagu qaaday shacab dibad-baxayey?

Nabadoon Maxamed Xaad ayaa si kulul uga hadlay rasaastii ay ciidamada dowladda Shalay ku fureen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta, xilli ay mar ayeen waddada garoon ka diyaaradaha magaalada Muqdisho

Nabadoon Xaad ayaa nas iib darro ummadda Soomaal iyeed soo wajahday ku tilm aamay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ciidama da dowladda ku beegsanayeen Midowga Mu shar axiinta iyo dibad-baxayaasha, wuxuuna ka tacs iyadeeyay umadda Soomaaliyeed.

"Waxaan cambaareeyen dusha uga tuureyn weerarka bahalnimada ah oo gardarada ah oo aan waafaqsaneyn sharciga oo amarkeeda leey ahay madaxweyinihii hore ee xiligiisu dhamm aa day ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taari ikh xumadaas inay ku dambeysana waa nasiib darro,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xaad.

Waxa uu si weyn u cambaareeyay weerarkii ay Habeen hore ciidamada Gorgor ku qaadeen Madaxw eynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Max amuud iyo Sheekh Shariif oo ku sugnaa hotel ka Hotelka Maa’ida (Ex.Nasahablod) ee u dhow Daljirka Dahsoon.

Nabadoonka ayaa sheegay in Farmaajo uu ku dambeyn doono meeshii ay mareen kali-talis yadii ka horeysay, isagoona usoo jeediyay inuu is-daba qabto islamarkaana uu eedi doono tall aabooyinkii u dambeeyay ee uu ku bartilmaa meedsanayay Musharaxiinta iyo dadweynaha c abirayay afkaartooda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu wax laga xumaado ku til maamay in Beesha caalamka ay weli aqoonsan tahay madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaad ay, wuxuuna uga digay wakiilada beesha caal amka inay sii joogteyaan taageerada Villa Soma lia, maadama lagu caburinayo shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaa uga digeyna inaysan kusii wadin taa geerada ay taageerayaan iyo la shaqeynta ay la shaqeynayaan, Labadaas hadey sii wadaan da mbiga uu asiga galay ayey galayaan, umadda Soomaaliyeedna baal madow ayay ka gali do onaan wakiilada dalka jooga,” ayuu yiri Nabad oonka.

Hadalkan ayaa imanaya, saacado un kadib markii Ciidamada dowlada ay rasaas huwiyeen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar kamid ah Musharaxiinta Mucaaridka iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, taasi oo keentay iska hor-imaad labada dhinac ah, waxaana weli ka

Taagan magaalada xiisad xooggan.


Thaabit Cabdi "Cidna Kama Farxin Wixii Ka Dhacay Muqdisho 24kii Saac Ee Tagay”

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxmed ayaa war kasoo saaray dagaalkii Habeen hore iyo Shalay ka dhacay Muqdisho ee u dhexeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Musharixiinta Mucaarad ka ah. Duqii hore ee Muqdisho ayaa sheeg ay in wixii dhacay ka Muqdisho 24kii saac ee tagay aysan Cid na kama farxin, Wa x aana uu tilmaamay in meel looga dhacay, sharafkii, badqabka shac abka iyo dowl adnima da Somalia.

"Cidna kama farxin wixii ka dhacay Muqdi sho 24kii saac ee tagay. Waxaa meel looga dha cay, sharafkii, badqabka shacabka iyo dowladni mada Somalia.Kalabeyrkan waxaa looga gudbi karaa oo kaliya; xilkasnimo, wadahadal iyo isu-tanaasul dhab ah.Meel ka sii hooseysa oo loo dhaadhaco ma harin, ee ha la is daba qabto” ayuu yiri Duqii hore Muqdisho Thaabit Cabdi.

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ka guu ray hotelkii u dhowaa Daljirka

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ka guur ay hotelkii u dhowaa Daljirka Muqdisho Madax weynayaa shii hore ee dalka, Xasan Sheekh Ma xamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Shalayeyd iskaga guuray hotelka Hotelka Maa’ida (Ex.Nasahablod) ee u dhow Taalada Daljirka Dahsoon,

Sheekh Shariif iyo Xasan ayaa dib ugu lab tay xarumihii ay ka deganaayen magaalada Mu qdisho, ayada oo sii galbiyeen ciidamada ilaa lada u ah, kadib markii ay ciidamada xoog ku hor istaagtay banaanbax ay iclaamiyeen inuu Shalay ka dhacayo Taalada Daljirka Dahsoon.

u sheegen ilo ka ag-dhow Labada madaxwey ne, waxay galinka dambee Shalay ka qeyb gali doonaan kulan ay iskugu imanayaan Midowga Musharaxiinta Mucaaridka oo Shalay qaarkood la rasaaseeyay xili ay horkacayeen dibad-baxa yaal.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay Habeen hore weerar ku qaadeen ciidamada Gorgor huteelka ay ka soo guureen Labada Madaxweyne, kadib markii ay la wareegen gacan ku haynta Fagaaraha Dal jirka Dahsoon, waxayna iska caabin xoogan ka la kulmeen ilaalada madaxweynayaashii hore.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa weli kacsan, waxaana weli laga dareemaya xiisada ka dhalatay tallaabooyinkii u dambeeyay ee Habeen hore iyo Shalay ciidamada dowladda ku beegs anayeen Midowga Musharaxiinta oo iyagu u ba lansanaa in Shalay ay hogaamiyaan banana bax weyn oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Rooble oo si yaab leh uga hadlay weerar kii lagu qaaday dibad-baxayaasha

Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay xiisadda xoog gan ee ka taagan magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada dowladda ay weerareen Musharaxiinta Mucaaradka iyo shacab dibad-baxayey.Rooble ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay rabshadihii Habeen hore iyo Shalay ka dhacay magaa lada Muqdisho, hase yee shee waxaa yaab laheyd inuu eedo ka leexiyey ciidamada dowladda, isaga oo sheegay in ayaga lasoo weera ray.

Rooble ayaa shee gay "inay nasiib darro ta hay in xilligan la yiraah do dalka dowladi kama jirto, weerarna la gu qaado saldhigiyada ciidan ka qaranka ee difaaca dalka u soo dhintay,” si da uu hadalka u dhig ay.

Waxa uu shacabka ugu baaqay inaysan aq balin in dagaal laga rido magaaladooda oo la burburiyo hantidooda, guryahooda iyo nabaddii ay u soo dhibtoodeen, sida uu yiri.

"Soddon sanno ayey nagu qaadatay meesha aan Shalay taaganahay in aan soo gaarno, ha ka yeelin, aniga ha iga yeelin, cid kalena ha ka yeelina, anigana diyaar uma ihi, soo dhawaada oo ciidamada amnigiina la shaqeeya,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in uu dadaal aad u weyn ku bix iyay sidii looga baaqsan lahaa dhibkii dhacay ba lse laga dhaga adeygay, sida uu yiri.

Rooble ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la fariisto Midowga Musharaxiinta oo iyagu bananabaxa Shalay ku dalbanayay in dalka ka dhacdo doorasho wada-ogol ah, wuxuuna bala n-qaaday in tabashada ay qabaan mas’uuliyiinta mucaaridka uu xalin doono.

"Siyaasiyiinta walaalahay ah ee Muqdisho jo oga diyaar ayaa idiin ahay, waxaan diyaar idin kula ahay in aan idinla fariisto geed dheer iyo mid gaabanba oo aan waxa aad tabaneysaan aan xaliyo, Soo dhawaada, xasiloonida hala mu ujiyo,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa uu mar kale ku cel iyay in doorashadii lagu ballamay ay dhaceyso, guulana laga gaaray sidii ay u qabsoomi laha yd, isagoo muujiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu la fariisto oo qanciyo cid kasta oo tabasho qabta.Xigasho:Caasimadda.Net

30-sano ka dib diyaaradii ugu horraysay ee laga diiwaan galiyey Soomaaliya oo duulimaad bilowday.

Diyaaraddii ugu horeysay oo ku duushay taa rgada Soomaaliya ayaa Shalay rakaab ka qaa day garoonka diyaaradaha Mu qdisho, iyadoo si nabad gelyo ah ku geysay G

aalkacyo.

Waa diyaaradii ugu horeysay ka duusha ga roonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaala da Muqdisho, iyadoo heysata ruqsadda Soom aaliya, maadaama la bilaabay diwangalinta diy aaradaha caalamiga ah, waxaana Shalay ay u duushay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Diyaaradaan oo ah kuwa sida gaarka ah loo yeelayay ayay shirkadda diyaaradaha freedom ku guuleysatay in rakaab ay ka qaaddo magaa lada Muqdisho, maadaama todobaadkii hore la siiyay diwaan gelinta ruqsadda diyaaradaha ee Soomaaliya.

Mukhtaar Xaamud oo ah maamulaha shirk adda diyaaradaha Freedom ayaa sheegay in shirkaddoodu ay noqotay tii ugu horeysay ee qa adata Ruqsadda ay bixiso dowladda Soomaali ya, isagoo intaa ku daray inay ku faraxsanyihiin adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliy eed.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka So omaaliya Mudane Axmed Macalin Xasan ayaa u gu hambaleeyay shirkadda diyaaradaha freed om dadaalka ay gelisay iyo dhaqangelinta hab raaca ay dowladda ku diwaangalineyso diyaara daha caalamiga ah ee ka howlgala dalka.

Diyaarado Caalami Ah Oo Hakiyay Duulim aadyadoodii Muqdisho Iyo Sababta

Diyaaradaha caalamiga ee Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ayaa baajiyay duulimaadyadoodii Maanta oo sabti ah ku imaan lahaayeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Warar la helayo ayaa sheegaya in sababta ay u joojiyeen Shirkaddaha diyaaradahaas duulimaadyada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay mid la xiriirta rabshadihii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Caasimadda dalka.

Dadka rakaabka ah ee goorsii horeysay goostay tkidhada diyaaradaha caalamiga ee Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ayaa lagu wargeliyay in la hakiyay duulimaad yadii Muqdisho ay ku tigi lahaayeen.

Qaar kamid ah shaqaalaha Shirkaddaha duuli maadyada Caalamiga ah ayaa sheegay in saba bta loo joojiyay duuliyada diyaaradahaas ay tahay rabshadaha dhexmaray Ciidanka dowlad da Federaalka iyo kuwa Musharaxiinta Madaxw eynaha, wallow aysan sheegin waqtiga dib loo bilaabayo duulimaadyada.

Shalay ayey aheyd markii qeyb kamid ah Garo onka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho uu ku dhacay Madfac, kadib markii la rasaasee yay banaanbaxayaal ay hoggaaminayeen Mu sharaxiinta kala ah C/raxmaan C/Shakuur, RW hore Kheyre iyo Musharaxiin kale oo banaanbax ka waday meel ku dhow Garoonka.

Si kastaba Dowladda ayaa is hor istaag ku sa meeysay banaanbax looga soo horjeeday Mad axweynaha muddo xileedkiisa dhammaa day ee Farmaajo oo soo qabana qaabiyeen Mushar axiinta Madaxweynaha, kaasi oo la filayay inuu dhaco shalay Daljirka daahsoon.

Ururka Midowga Afrika Oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Muqdisho, Baaqna U Diray AMISOM

Ururka Midowga Afrika ayaa war kasoo saa ray dagaalkii Habeen hore ka dhacay muqdisho iyo si doo kale guud ahaan xaaladda dalka, waxaana Qoraal ka soo baxay Midowga Afrika lagu shee gay inay si dhow ula socdaan in dagaal uu Mu qdisho ku dhex maray labo ciidan oo ka wada tir san xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa la faray ciidamada Amisom in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha ka socda Muqdisho, isla markaasna ay ilaaliyaan hantida iyo nafta; Mid owga Afrika, Qaramada Midoo bey iyo Villa So omaaliya.

Midowga Afrika waxay sheegeen in dagaalka Xamar ka dhacay uu dhexeeyey laba ciidan oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed


Imaamka oo xog badan ka bixiyay kulamo uu la qaatay Farmaajo iyo Musharaxiinta

Imaamka oo xog badan ka bixiyay kulamo uu la qaatay Farmaajo iyo Musharaxiinta Imaamka Mudullood, Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo banaa nbaxa ay mucaaradka ka dhigeen magaalada Muqdisho, kaa si oo lagu rasaaseeyay qa ar ka mid ah Midowga Musharaxiinta oo hor kacayay.

Imaamka ayaa ugu horeyntii sheegay in da daal badan uu ka galay dejinta xiisada ka dhal atay Banaanbaxa ay mucaaradka shaaciyeen horaantii toddobaadkan, isagoona u tagay mad axda dowladda iyo mas’uuliyiinta Musharaxiinta mucaaradka.

Waxa uu sheegay inuu u tagay Farmaajo oo uu kala hadlay banaanabxa mucaaradka, ay adoo Farmaajo uu uu u sheegay ‘inuu wal-wal badan ka qabo amaanka goobta banaanbaxa oo u dhow madaxtooyada dalka’, maadama ay ku soo dhex dhuuman karaa nabad diidka, sida uu sheegay.

Imaamka ayaa waxa kale oo uu xusay in Mu sharaxiinta mucaaradka ay u balan-qaadeen in banaanbaxa Shalay loo balansanaa uu u dhac ayo qaab nabadeed, islamarkaana aysan jiri do onin wax lidi ku ah amaanka, halka taasi bada lkeed uu muujiyay ra’iisal wasaaraha dalka oo uu la kulmay.

"Madaxweynaha waxa uu yiri waxa jira Coro navirus, waxaa soo geli kara Shabaab, meesha nabad-galyadeed aad uga wal-walsanahay, wax aana u sheegay in Musharaxiinta ay sheegen in banaanbax nabadeed yahay, markaas waxa uu nagu yiri Aniga halkeyga waxba ka imaan ma ayo ee Ra’iisal wasaaraha is-war

sada,” ayuu yiri Imaamka Muddulood.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kulan uu la qa atay Ra’iisal wasaaraha xilka sii-haya uu uga co dsaday in la baajiyo banaanbaxa, hase yeeshe uu taasi ka diiday inkasta oo walaac uga muuji yay in banaanbaxa mucaaradka uu nabad-galyo darro abuuro, ayada oo goobta loo asteeyayna ay tahay meel u dhow madaxtooyada.

Imaamka ayaa xusay in dhinacyada uu la ku lmay ay u balan-qaadeen inaysan ku kaceyn wax lidi ku ah amaanka, balse arrintan dhacday ay ka war-doonayaan, maadama ay dhaceen wax ka baxsan wixii uu waan-waanta ka galay saacadihii u dambeeyay.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay Imaam ka inuu ka howl-galayo xiisada ka dhalatay ban anabaxa, islamarkaana uu dib uga warbixin doo no warbaahinta, oo iyadu wax ka weydiisay sab abta keentay in rasaas ka dhacdo banaanbaxa, ayada oo dhinacyada uu la kulmay u balan-qaa deen in nabad-gelyo ku dhamaanayaan wax-walba.

Si kastaba, waxaa weli taagan xiisada ka dhalatay rasaastii ay Shalay ciidamada dow ladda ku fureen banaanbaxayaal ay hogaam inayeen qaar kamid ah Musharaxiinta Mucaarad ka, taasi oo dhalisay iska hor-imaad dhexmara ciidamada dowladda iyo kuwa Musharaxiinta.

Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saar tay Dagaalkii Ka Dhacay Muqdisho

Beesha Caalamka ayaa ka hadashay dagaal kii Habeen hore ka dhacay M/Muqdisho iyo sidoo kale Bannaanbax Shalay ka dhacay qaybo ka mid ah M/Muqdisho, waxaana Beesha caalamku ay si kulul uga hadashay xaaladda dalku marayo.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ay aa lagu sheegay in Beesha Caalamku ay ka wa laacsan tahay xaaladda kasoo cusboonaatay dalka, gaar ahaan dagaalkii Habeen hore dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa musharxiinta Madaxweynaha.

Beesha caalamku waxaa ay intaa ku dartay in dhinacyada isku haaya siyaasadda dalka ay u gu baaqayaan in dajiyo xaaladda, xiligaanna aan loo baahnayn dagaal.

"Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horim aadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca Habeen hore iyo Shalay oo jimco ah, waxa ayna ugu ba aqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay fu rnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xi isadaha.Waxa ay muujinayaan isku dhacyada ka dhacay caasimadda sida loogu baahan ya hay in degdeg loogu qabto kulan ay isugu yim aadaan Madaxda DFiyo kuwa Dowladaha xub naha ka ah DF si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebteembar”ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Beesha caalamka.

Ciidanka dowladda ayaa horay waxaa ay u xireen qaar ka mid ah waddooyinka muqdisho, iyadoo tallada daljirka daahsoon oo loogu ballan sanaa in Shalay uu bannaanbaxu ka dhaco ay joogaan Ciidanka D/Soomaaliya.

Safarkii madaxda maamul goboleedyada ee Muqdisho oo baaqday + Sababta

Shirkii uu ku dhawaaqay madaxweynaha mu ddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdulla ahi Farmaajo ayaa qabsoomi waayay, mana la dareemayo in madaxda maamul goboleedyada ay isku diyaarinayaan imaatinka Muqdisho.

Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in laba maalm ood oo shir ah la isugu yimaado magaalada Mu qdisho si loo saxiixo is fahamkii ay magaalada Baydhaba kusoo gaareen guddigii farsamada ee halkaas ku shiray.

Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday wux uu asteeyay in 18-ka iyo 19-ka bisha la isugu yi maado caasimadda, waxaana la sugayay iney madaxda maamul goboleedyada soo xaadiraan si shirka u qabsoomo.

Kaliya madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Lafta-gareen ayaa Dorraad soo gaaray, sidoo kale mad axda kale ee maamul goboleedyada ayaan soo gaarin.

Sida muuqata shirka ma qabsoomi doono ma adaama labada maalmood ee la qabtay ay Shalay ugu dambeyso, wuxuuna wakhtigi ku soo aadayaa xilli Muqdisho ay ku jirto xaalad cakiran.

in ay u baaqdeen Madax Goboleedyada sa bab la xiriirta xaaladda cakiran ee Caasimadda ka jirta, kadib markii Dowladda Federaalka aw ood u adeegsatay dibadbaxyada Musharixiinta ku baaqeen.

Magaalada Muqdisho ayaa inteeda badan Shalay lagu arkayaa Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Federaalka oo xiray waddooyinka, waxaana ay joojiyeen isu socodka Gaadiidka Dadweynaha, halka meelaha qaar Shacabka laga celinayo.

Isku Socodka Waddooyinka Muqdisho Oo

Waxaa dib loo furay isku socodka waddooyin ka Muqdisho, iyadoo Taallada Daljirka Daa hsoon oo ahayd halka dowladdu ay gaysay Ciid anka ugu badnaa haatan ay tahay mid furan oo dib loo fasaxay isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Waxaa la arkayaa dad shacab ah oo isticma alaya waddada, isla markaana ay hadda ay xaaladdda guud tahay mid sidii hore kusoo laa batay, maaddama waddadau ay 24kii saac ee aynu soo dhaafnay ay ahayd mid xiran.

Ciidankii iyo gaadiidkii Dowladdu soo dhoob tay Daljirka ayaa laga qaaday, waxaana ku har ay oo kaliya Ciidan ka yar oo ammaanka goobta sugaya, waxaana hadda u muuqataa in Dowla ddu ay yareeysay cadaadiskii ay ku haysay aag ga-daljirla iyo iskgooysyo kale oo dhowr ah, iyadoo dani ay ka dambeysayxaalad hubinti la’ aan amni ah oo Muqdisho ka jirtay xalay ilaa Shalay.

Sidoo kale Madaxweynayaashii hore ee So omaaliya Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Ax med ayaa isaga guuray aga-gaarka Tallada Dal jirka oo xalay lagu weeraray, waxaana 48-kii sa ac ee la soo dhaafay ay daganaayeen hoteelka Maa’ida oo aan sidaa kaga fogayn Madaxt ooyada.

Ururada Bulshada Rayidka Oo Baaq U Diray Dhinacyada Isku Haysta Muqdisho

Ururada bulshada rayidka ayaa war ka soo saaray xaaladda dalka si gaar ah dagaaladii sa acadihii u danbeyay ka dhacay magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay Bulshada Ray idka ayaa lagu cambaareeyay weeraradii ka dhacay Muqdusho.

Qoraalka ka soo baxay Ururada Bulshada rayidka ayaa sidoo kale Musharixiinta iyo Dow ladda loogu baaqay in wada hadal lagu dham eeyo khilaafaadka jira.


Jubaland: "Farmaajo wuxuu Muqdisho ka bil laabay arrin u horey u sameeyey oo kale

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa war ka soo saartay falalkii u dambeeyay ee ciidamada dowladda ka gey steen M/ Mu qdisho, kuwaasi oo sabab ay khasaaro kala du wan.

Jubaland ayaa u gu hore yntii ka tac siyadeysay dad kii ku geeriyooday rab shadihii ka dhacay Muqdisho, kadib markii ciidamada do wladda ay rasaas ku fureen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen Musharaxiinta mucaaradka.

Waxay si adag uga hadashay arrintaas, ay ada oo nasiib darro ku tilmaamtay in madaxda dowladda ee waqtigooda uu dhamaaday ay ci idamada u adeegsadaan waxyeelada shacabka, kuwaasi oo loogu tala-galay la dagaalanka ar gagixisada iyo Al-Shabaab.

"Dowladda Jubaland waxay nasiib darro u ar agtaa in ciidamada dalka ee loogu talo galay in ay la dagaalamaan cadowga umadda Soomaali yeed, sida Al-Shabaab, loo isticmaalay in lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed oo aanan hubeysneyn, islamarkaana lagu weeraray mas’ uuliyiin ka tirsan saamileyda siyaasadeed ee dal ka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madax tooyada Jubaland.

Sidoo kale waxay tallaabooyinka qalafsan ee dowladda u aragta Jubaland mid xagal daacinay sa dadaalada loogu jiray xal ka gaarista xasara daha siyaasadeed ee dalka iyo is-mari-waaga doorashada, sida lagu yiri qoraalka.

"Dowlada Jubaland waxay nasiib daro u aragtaa in DFS uu wakhtigeedu dhamaaday, iyadoo aw oodi kartay in ay ka shaqayso sidii xal siyaasad eed looga gaari lahaa kala duwanaanshaha af kaaraha, inay qaaday tallaabooyin gurracan oo ay ciidankii dalka u isticmaashay si ka baxsan sharciga, si lamid ah siday ka samaysay Go bolka Gedo”.

Ugu dambeyntii waxa maamulka Jubaland ugu baaqay madaxda dowladda uu xiligeedu dhamaaday ilaalinta dastuurka iyo ka shaqeynta is-faham guud oo la xiriira arrimaha la isku ha yo, iyo weliba xoojinta amniga.

Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle: "Waxa Xamar ka dhacay lama aqbali karo.”

Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle: "Waxa Xamar ka dhacay lama aqbali karo.”

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray dhacdadii Shalay ee ciidamada dowladda ku rasaaseeyen banaanbaxayaashii ay hogaaminayeen qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta.

Jabriil Cabdulle ayaa ugu horeyntii wax laga xumaado ku tilmaamay iska hor-imaadkii hubeysnaa ee Habeen hore iyo Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur-bur hanti.

"Waxaa nasiib xumo ah in dhiig Soomaaliyeed la daadiyo iyada oo shacabka Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliyeed guud ahaan ay xiligaan u jiheysteen in ay qaadaan waddada nabadda iyo dib u yegleelida dimoqoraadiyadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan.

Waxa kale oo lagu yiri "Baaqa Dastuurka JFS ayaa si cad u qeexaya xuquuqda qofka Soomaaliga, ‘Alle ka sokoow awoodda oo dhan waxaa leh shacabka, wuxuuna ugu isticmaalayaa si toos ah isagoo u adeegsanaaya hay’adihiisa uu u xilsaartay’. Marnaba gor-gortan lama gelin karo gobonimada iyo xoriyada qofka Soomaaliga.”

Musharaxa ayaa si adag u sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay fikirkooda ka dhiibtaan mustaqbalka dalkooda, isagoona wax aan loo sii dulqaadan karin ku tilmaamay wixii Habeen hore ilaa Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

"Waxaa burburaya waa hanti shacab, waxaa qaxaya waa hooyooyin iyo biri-mageydo ah, waxa la argagax gelinayo waa waalidiin da’ ah oo nolol maameelkooda halgan ugu jira,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntiina waxa Musharaxa uu ku baaqay degenaansho iyo xasilooni dhinacyada hubaysan ee isaga soo horjeeda waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo loo turaayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimada dalka.


OGEYSIISKA GUUD- DIGNIINTA GANACSIGA

(Gudaha Dhulka SOOMAALIYA)

 

HALKAAN waxaa lagu siinayaa ogeysiis ah: ETI GIDA SANAYI VE TICARET ANONIM SIRKETI,a Turkish company with head office at: Organize Sanayi Bölgesi 11. Cadde Eskisehir TURKEY

Miyuu yahay milkiilaha iyo milkiileha milkiile ee summaddan soo socota

 

Calaamadda kor ku xusan waxaa loo isticmaalaa fasalka 30 ee caalamiga ah marka la eego alaabooyinka soo socda

 

Fasalka 30: Biskut; shukulaatada; keega; buskudka; canjeero; moofo; tarts; macmacaanka, oo ah, macmacaanka rootiga, macmacaanka ku saleysan bur iyo shukulaatada; rootiyada; badarka barar leh; boorash; badarka quraacda; Jalaato; baraf la cuni karo

Sido kale ogeysiis ayaa lasiiyay in dacwad sharciyeed lagaqaadan doono qof ama shirkad isticmaasha isla calaamado ama kudayasho, ama cidkasta oo ku xad gudubta xuquuqdan lahaansha ganacsi

For further information, please contact: Inventa International
Email: info@inventa.com


Information Management (IM) Analyst

Job categories IT

Vacancy code VA/2021/B5001/21260

LevelICS-8

Department/office NYSC, Peace and Security Cluster

Duty station Mogadishu, Somalia

Contract type International ICA

Contract level IICA-1

Duration Ongoing contract (Open-ended, subject to organizational

requirements, availability of funds and satisfactory

performance)

Application period 17-Feb-2021 to 03-Mar-2021

.


Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing

date of the announcement.

.

Background Information - PSC

 

Peace and Security Cluster

 

The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mine-affected countries and other mine action partners. It is led by the Director, who has overall authority and accountability for the performance PSC on behalf of its clients. TheDirector is responsible for administering and providing oversight of the day-to-day management of the Project Field offices, both according to the client requirements and in line with UNOPS rules and regulations.
.
UNMAS

United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.

UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Non-lethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”).As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor.

.

Functional Responsibilities


*CANDIDATES WITH NO UN OR UNOPS EXPERIENCE ARE ENCOURAGED TO APPLY *Qualified fe...

Competencies

.
Treats all individuals with respect; responds sensitively to differences and enc...

Education/Experience/Language requirements

.
Education A First level university degree (Bachelor’s degree or e...

Contract type, level and duration


Contract type: International Individual Contractor Agreement (IICA) Contract lev...

Additional Considerations

.
Please note that the closing date is midnight Copenhagen time Applications ...

Background Information - UNOPS

.
UNOPS is an operational arm of the United Nations, supporting the successful imp...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip