HALKAAN-KA-AKHRISO-W.W.MOGTIMES-EE-MAANTA OO SABTI 13KA FEBARAAYO 2021-KA

0
Saturday February 13, 2021 - 12:08:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN-KA-AKHRISO-W.W.MOGTIMES-EE-MAANTA OO SABTI 13KA FEBARAAYO 2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

 

 

 

 

DF OO DAAH-FURTAY DIIWAAN GELINTA DIYAARAD AHA IYO RUQSAD-SIINTA XIRFADLAYAASHA

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Shalay daah-furtay diiwaan-gelinta Diyaarad aha iyo Rusqad-siinta Xirfadleyaasha, taasi oo muddooyinkii dambe ay wadeen Wasaarada duulista iyo Hay’adda duulista rayidka Soom aliya.

Munaasibadan oo uu daah-furay Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada dowl adda federaalka Sooma aliya, Maxamed Cabdul laahi Salaad, isagoona ku bogaadiyay dadaalka hey’adda duulista rayid ka Soomaaliyeed iyo howl-wadeenada wasaara da.

Wasiirka ayaa waxa uu ku amaanay shaq aalaha Wasaaradda gaadiidka iyo duulista haw ada shaqada adag ee ay ka qabteen nidaamka duulimadka dalka iyo hirgelinta nidaamkan cus ub. Munaasibaddan ayaa sidoo kale waxa go objoog ka ahaa qaar ka mid ah Safiirada dow ladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, milkiileyaasha So omaaliyeed ee leh Shirkadaha diyaaradaha Iyo hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Du ulista Hawada iyo Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina waxa Wasiirka uu guddo onsiiyay ogolaansho shaqo iyo ruqsado ka marag kacaya aqoontooda shirkadaha duullim aayadda iyo Duuliyayaal Soomaaliyeed.

PROF. JAWAARI OO SHEEGAY ‘WAXA AY TAHAY IN HADDA KADIB LOOGU YEERO’ FARMAAJO

Gudoomiyahii hore Baarlamaanka Fed eraalka Prof. Maxamed Shiekh Cusmaan (Jaw aari) ayaa sheegay in madaxweynaha wakhtigi isa dhamaado loogu yeerayo (ku-sime ama sii-haye).

Md.Jawaari oo ka qeyb galaya barnaamij do od wadaag ah oo ka baxayay warbaahinta ma xaliga ah ayaa la weydiiyay madaxweynaha mu ddo xileedkiisa dhamaado waxa loogu yeeri ka ro, wuxuuna sheegay inuu yahay Ku-sime, si doo kalana awoodaha uu leeyahay ay noqona yaan kuwa aan sidii hore u awood badneyn.

"Madaxweyne waa madaxweyne, wakhtigiisa afarta sano wuxuu ahaa madaxweyne, balse ha dda wuxuu noqonaa sii haye, laakiin lama she eg sheego, waxaa xadidmaaya hawlaha uu qab an karo, tusaale: heshiisyo caalami ah ma gali karo, waxyaalo waaweyn ma sameyn karo, laa kiin madaxweyne waa madaxweyne,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Mar kale ayaa su’aal lagu celiyay aheyd, er ayga qaanuuniga ah ee loogu yeeri karo maxey tahay? wuxuuna wariyaha ugu jawaabay jawa abay: "Hadda waa ku sime, waana sii haye, lab adaba waad dhihi kartaa, laakiin madaxweyne inaad tiraahdo ayaa la qaatay, asagana ha fah mo adna faham inuu xadidan yahay.”

Warbaahinta ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu yeertay madaxweynaha muddo xi leedkiisa dhamaaday markii la gaaray 8-da Febr uary iyadoo musharaxiinta mucaaradka ay diide en iney madaxweyne u aqoonsadaan.

Sidoo kale maamul goboleedka Puntland ay aa diiday madal uu dhigay Garowe iyagoo ku sif eynaya inuu muddo xileedkiisa dhamaaday, wa xeyna ku baaqeen in shirka laga dhigo Muqdi sho, waxaana ku taageeray Jubbaland iyo gud oomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdul laahi.

Si kastaba Prof. Jawaari wuxuu sheegay in Farmaajo loogu yeeri karo sii hayaha xilka ma daxweynaha Soomaaliya tan iyo inta laga hel aayo madaxweynaha badalaya.

KHUBARO MAGACYO SOOMAALI AH U BIXIYAY MAALMAHA IYO BILAHA SANADKA

Waxaa magaalada Jabuuti shirk u yeeshay khubaro ka soo tala bixisa sidii loo bedali lahaa magacyada tirsiga maalmaha iyo bilaha isla mar kaana looga dhigi lahaa Af-Soomaali.

Guuddi arrintan loo xilsaaray oo ka kala soc day deegaannada Soomaalida ayaa soo saaray kal-tirsi cusub oo ay Soomaalidu gaar u lee da hay. Kal-tirsiga ay khubaradani soo saareen ay aa ka kooban 7 maalmood ee todobaadka iyo 12-ka bilood ee sanadka.

Ibraahim Axmed Cali oo ka mid ah guddiga asi ayaa sheegay in arrintan ay dood badan ka yeesheen khubaradii ka qeyb galeysay.

Ibraahim ayaa intaa ku daray in guddiga lafa-gu rayay arrintan ay ahaayeen kuwa ka kala socd ay dhammaan dhulalka Soomaalida ee Bariga Afrika.

"Guddigani oo ka kala yimid dhammaan dee gaanada Soomaalida amaba shanta Soomaali yeed sida uu gumeysigu u baxshay, kolka hore waxaa la gorfeeyay oo laga dooday todobada ayaamood magacyadooda, waxaa la soo ban dhigay illaa wax ka badan 30 siyaabood oo todo bada ayaamood loogu kala dhawaaqo oo ay ka mid yihiin tan ugu caansa ee imika la tirsado ee Islaamka ee afka Carabta", ayuu yir Ibraahim.

Magacyada loo bixiyay maalmaha

Ibraahim Axmed Cali ayaa shaaca ka qaad ay in ugu dambeyntii ay guddiga ku heshiiyeen magacyo cuusb oo lagu bedalayo kuwii hore ee maalmaha loo garan jiray.

"MAALMAHA CUSUB EE AF-SOOMAALIGA LA ISKU RAAC AY EE LA ANSIXIYAY WAA:-

Cadceeda (Axadda),

Hobala (Isniin),

Wableey (Talaado),

Dabra (Arbaco),

Fabeeleey (Khamiis),

Dusa (Jimce) iyo

Diimiley (Sabti)," .

ayuu yiri Waxaa sidoo kale khubarada ay ka doodeen 12-ka bilood iyo magacyada loo bixin doono. "Waxaa laga dooday 12-ka bilood, gu ddiga way ansixisay oo waa la isku raacay 12 bi lood , waayo awal waxaa la tirsan jiray uun bila ha magacyada Carabiga , bilaha magacyada Fa ransiiska, bilaha magacyada Ingiriiska iyo bilaha magacyada Taliyaaniga, marka bilo magacyo Soomaalidu leedahay oo cadceedda asal ku leh ayaa la isku raacay," ayuu yiri Ibraahim.

Ibraahim ayaa si loo dhaqangaliyo go'aan nada la isku raacay ee lagu bedalayay magacya da maalmaha iyo bilaha waxaa uu sheegay inay u yeere en jaamacadaha ku yaalla dhulalka Soo maalida.

"Guddiyo degmooyiinka Soomaalida ku dhan ayaan u wada yeernay kadib shirkaas waxaa loo bandhigay jaamacadihii Soomaalida ee Ge eska Afrika ka jiray oo dhan, iyaguna arrintaas way ansixyeen marka qolo waliba in ay xageeda ka faafiso ayaa lagu heshiiyay," ayuu yiri.

Ibraahim ayaan shaacin magacyada la isla qaatay ee loo isticmaalayo bilaha sanadkan.

Magacyada maalmaha todobaadka ayaa imika waxaa lagu tirsadaa magacyo Caraabi ah oo ay dadka u yaqaanaan.

Af-Soomaaliga ayaa waxaa ku jira erayo ba dan oo laga soo ammaahday luuqado kala duw an. Waxaa kamdi ah luuqadaha ay Soomaalida ka soo ammaahdeen Taliyaaniga, Carabiga, Ing iriiska iyo Faransiiska.

Erayadan la soo ammaahday ayaa intooda badan noqday kuwa dhaqangala oo qaar kamid ah xitaa aan Af-Soomali sax ah loo hayn.

SOOMAALIYA OO LAGA XUSTAY MAALINTA CAALAMIGA AH EE KA HORTAGGA ASKAREYNTA CARRUURTA.

Kulanka xuskaan oo lagu qabtay M/Muqdisho, waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin ka tirsan wasa aradda Gaashaandhigga XFS ,Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Ururada Bulshada rayidka iyo Xubno ka Socday ,UNSOM iyo xu bno ka socday safaarada mar eykanka.

Agaasimaha Guud Ee wasa aradda gaa shaandhigga XFS Ax med Cabdi Kooshin oo Fu ritaan kii Munaasabadan ka hadlay ay aa she egay in Wasaaradda Gaa shandhigga ay kala shaqeysay taliska Ciidanka Xoogga ka hortagga askareynta Caruurta , Sidoo kale waxa uu she egay in Wacyi-galin, tababarro iyo Kormeer ba llaaranWasaaraddu ka sameysay qaar ka mid ah gobalada dalka , isagoo Xusay in DFS ay u hogaansantahay Sharciyada iyo qawaaniinta Ca alamiga ah ee la Xiriira ka hortagga askareynta Caruurta .

Dhanka kale Taliye Xigeenka Ciidanka Xoo gga Dalka Jeneraal cabaas aamiin oo munaas abadda ka hadlay ayaa sheegay in ciidmada Xoogga aan laga heynin qof da’diisu ka yartay 18 sanno jir , balse kooxaha nabad-diidka al-shabaab ayuu sheegay in caruurta ay askar ah aan u adeegsadaan , qaar badan oo ka mid ah Caruur waalidiintooda laga soo qafaashayna ay soo badbaadiyeen.

Xafiiska ka hortagga askareynta carrurta ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa wada qorshe ballaaran oo lagu wacyi-galinayo Shac abka si ay ugu wada –qeybqaataan ka kortagga askareynta Caruurta

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA SULDAAN MAXAMED SULDAAN CABDULQAADIR.

Muqdisho:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, dhaqanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cabdullaahi oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa

Madaxweynaha oo tilmaamay in Marxuumku uu door muuqda kasoo qaatay dib u heshiisiinta, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada Soomaa liyeed ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey Isimada iyo guud ahaan hoggaanka dhaqanka Soomaaliland geerida ku timid Marxuumka oo ahaa Suldaankii Guud ee Soomaaliland.

"Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir waxa uu ka soo qeyb qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed. Waxa uu ka mid ahaa hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey dib u yagleelidda Qarannimada dalkeenna iyo wadajirka shacabkeenna, isaga oo si gaar ah uga qeyb qaatay Shirkii Carta 2000, kana mid noqday Xildhibaannadii Dowladdii Kumeelgaarka ahayd.”

MadaxweyneFarmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Somaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DOOD KALE OO KU SOO KORORTAY DOORASHO OYINKA DALKA

Iyadoo muddooyinkiii ugu dambeysay uu khil aaf raggaadiyay arrimaha doorashooyinka ee dalka ayaa waxaa muuqata in dood kale ku soo korortay, taa oo ka dhalatay goobta ay tahay in lagu qabto shirkii ugu dambeeyay, ee madaxda kaga arrinsaneyso halka looga gudbayo isgoy ska la taagan yah ay.

Madaxweyne Max amed Cabdullaahi Far maajo ayaa Talaadadii shir isugu yeeray Mad axda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, shirkaas oo uu iclaamiyay in 15-ka bishan ka furmi doono Magaalada Gar oowe.

Maamulka Puntland ayaa markale ka hor yimid in shirka wadatashiga DF iyo D/Gobole edyada lagu qabto Magaalada Garoowe.

Dr. Xasan Cabdi Xayle oo fallanqeeya arr imaha gobolka ayaa ka hadlay sababta keeni karta in Puntland cusleysato in shir ceynkani ah lagu qabto Garoowe.

"Maadaama doodaha ay qayb xoog badan ka yihiin khilaafaadkan hadda ugu dambeeyay ee shirkii Dhuusamareeb lagu qabtay, Madax weyne Farmaajo iyo ayaga laba dhinac ayay ka la ahaayeen, haddana waa dhici kartaa inay ar kayn in aysan ku habooneyn, maadaama arrinta oo weli taagan in ayagu ay martigeliyaan, waa yo haddaad martigelido waxyaabo badanaa ka xishooneysaa ama tallaabo badanaa aad gad aal u qaadeysaa, way dhici kartaa dhinacaas in ay tahay.” Ayuu yiri Dr. Xasan Cabdi S.Xayle.

Xayle ayaa yiri "Way dhici kartaa sida ay ay aga wax u arkaan oo ah in Xamar shirka lagu qabto oo leeskugu yimaado, qaybaha kale ee illaa hadda aan shirka laga soo qaybgelin, lag ama maarmaankana ay tahay in sida loo heshi inayo ay qayb ka noqdaan, waxaan u jeedaa xo ogag kaloo siyaasadeed, mucaaradka, bulsha da rayidka ama waxgaradka kale ha noqdaan ama Labada Gudoomiye ee Baarlamaanka, qa ybo badanoo dowladda, mucaaradka iyo bul shada rayidka ka mid ah inay isugu yimaadaan shirkaas.”

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Ab okar Dubbe ayaa Arbacadii sheegay in diid mada Puntland ay u arkayaan mid markale lagu curyaaminayo dadaalada xalka loogu raadinayo in dalka ay doorasho ka dhacdo.

"Waxaan is leenahay runtii inaanay Shalay u baahneyn in lugta la jiido, waxaanu u fahmey naa 6-dii bilood ee soo socotay, sidii lugta loo jii dayay doorashada in illaa hadda loo jiidayo lug ta, laakiin Dowladda Federaalka iyo madaxdee da waxaa ka go’an in shir leeskugu yimaado oo Garoowe leeskugu yimaado 15-ka bishan, si loo fuliyo heshiisyadii 17-kii September, dalkuna uu doorasho u aado.” Ayuu yiri Wasiirku.Maamulka Jubbaland iyo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa taageeray soo jeedintii Puntland ee ahayd in shirka uu ku baaqay Madaxweynuhu lagu qabto Magaalada Muqdisho, kana soo qaybgalaan dhammaanba dhinacyada siyaasadda.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale taageeray in shirka wadatashiga lagu qabto Caasimadda Muqdisho, waxa kaloo ay sheegeen in Farmaajo uu shirka kaga qaybgeli karo oo keliya, isagoo musharax ah, maadaama muddo xileedkiisu dhammaaday 8-dii bishan.

Si rasmi ah looma oga sababta ay Dowl adda Federaalka iyo darafka kale uu midba mid ka kale u diidan yahay in shirka lagu qabto Gar oowe ama Muqdisho, waxaase loo fasirtay mid salka ku haysa arrimo siyaasadeed.

GABAR TIX KA TIRISAY IS MARI-WAAGA KA TAAGAN DOORASHOOYINKA DALKA

Falastiin Khaliif oo ah gabar dhalinyaro ah ayaa tix gaaban, balse macno xambaarsan ka tirisay is mari-waaga ka taagan geedi-socodka doorashooyinka dalka.

Falastiin Khaliif ayaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka raje yneysa in ay xal ka gaaraan doodda dhexdooda ah, si looga gudbo bay tiri xaaladan siyaasa deed ee cakiran.

FALASTIIN WAXAY LEEDAHAY:-

Dalka waynu leenahay

Dirirtiyo colaaduna

Daruuf bay na badayaan

Kama daahna ruux kale

Intaan diir wadaagniyo

Dadku waa ogsoon yahay

Daal iyo culeys jira

Duleed lagama helin qaran

Dibna yaa naloo celin

Damac yaanu isu kayn dirin

Darajiyo xal baan rabay

Dunidaa na aragtee

Farriinta ay gudbineyso tixdan ayaa ah in dhinacyadu isu tanaasul muujiyaan, lagana foggaado wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara dalka.

WAA MAXAY SABABTA AY KENYA MARKII 3AAD DIB UGU DHIGTAY DACWADDA BADDA?

Dowladda Kenya ayaa mar kale jawaab ka bixisay hadalkii wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe kaas oo warbaahinta Muqdisho u sheegay hadal uu ku durayo dowladda Kenya.

Cismaan Abuukar Dubbe wuxuu she egay in Kenya ay ku doodeyso iney san dowlad sharci ah ka jirin Soomaaliya, sidaas darteedna ay mar kii saddexaad dib ugu dhigeen kiiska dacwadda badda ee labada dowladood ka dhaxeeya.

"Waxay doonayaan inay buriyaan kiiskeena [iyagoo ku doodaya] Soomaaliya dowlad kama jirto,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale wasiirka wuxuu sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ay arinkaas lug ku leeyahiin, isagoo arrimahaas ka hadlaya wuxuu yiri:"[Kenya] oo ka faa’iideysanaysa ha dallo aan ka fiirsi lahayn oo siyaasiyiinta qaar ay ugu loogayaan ama ugu gawracayaan qarannim ada Soomaaliyeed, ayaa go’aankaas qaadatay”

Iyadoo ay taasi jirto ayey Dowladda Kenya gaashaanka ku dhufatay arrimaha uu ka hadlay wasiir Dubbe oo tilmaamaya iney arrimo la xiriira sharci ahaanshada dowladda Soomaaliya dib ugu dhigeen kiiska badda.

Ilo wareedyo ku dhaw wasaaradda arrimaha dib adda dowladda Kenya ayaa beeniyay, waxeyna sheegeen ineysan wax dood ah ka qabin sharci ahaanshaha dowladda Soomaaliya.

Kenya waxey sheegeen in arrimo la xiriira CO VID19 dartiis ay isugu diyaarin waayeen kiiska badda, isla markaana ay sidoo kale ka cab sanayaan iney dhacdo qatar dhanka amniga ah, waxeyna garsooraha maxkamadda ku warg aliyeen in dib loogu dhigo kiiska.

Dhinaca kale wasiir Cismaan Abuukar Du bbe wuxuu sheegay hadii kiiska oo loo ballan san yahay 15-ka Maarso dib loo dhigo ay sum cad xumo ku noqoneyso maxkamadda cadaa ladda adduunka ICJ.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SHAACISAY IN AYSAN AQB ALEYN IN DIB LOO DHIGO DACWADDA BADDA

Xilli dowladda Kenya Maxkamadda Cad aaladda Adduunka ee ICJ ka codsatay in makii Afaraad dib loo dhigo dacwadda Badda oo kala dhaxeeysa Soomaaliya ayaa waxaa kasoo horj eestay dalabkaas dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuu madda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuu kar Dubbe ayaa sheegay in Kenya u gudbisay Maxkamadda ICJ in dib loo dhigo kiiska badda, balse marnaba aqbaleyn Dowladda Soomaal iya in kiiska badda dib loo dhigo.

Wasiirka oo Shir jaraa’id Wa rbaahinta ugu qabtay Muqdi sho waxaa uu sheegay in Do wladda Soomaaliya ay Max kamadda ICJ u gudbisay qoraal ay ku cade yneyso inay diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho dacwadda badda, isla markaana aysan aqba leyn in dib loo digo kiiska badda.

Waxaa uu sheegay in Kenya ay dhowr jeer ki iska Badda codsatay in dib loo dhigo, waxaana uu ku eedeeyay in aysan dooneyn in kiiskaas la qaado ayna dooneyn inay cadaaladda hort agaan.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu sheegay in Ke nya si ay mar marsiiyo ugu hesho ay dhamaan shaqadii ka ceyrisay qareenadii u doodayay, wa xaana uu markale ku celiyay in Dowladda Soo maaliya uu go’ankeedu yahay in kiiskaasi la qa ado waqtigii Maxkamadda iclaamisay.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Warfa afinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cu smaan Abuukar Dubbe waxaa uu ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaalida inay hal meel uga soo wada jeestaan cadowga Soomaaliya una diyaar garoobaan difaaca dalka

Kiiska dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya ayaa Soomaaliya waxaa ay Maxkamadda ICJ u gudbisay Bishii Agoosto sa nadkii 2014-kii, waxaana ay soo martay heerar kala duwan.

JUBBALAND & PUNTLAND OO MOWQIF KA QAATAY KHILAAFKA DOORASHADA

Madaxweynaha Dowlad GoboleedkaJubal and Axmed Maxamed Islaam ayaa Shalay shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Maam ulkaas oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn waxaa golahu uu falanqayn iyo dood dheer ka yeeshay Xaalada Siyaasada dal ka iyo mudo xileedka Do wlada Federaalka ah ee dha maaday iyadoo la isku raacay in Jubal and ay sii wado dadaalka la xiriira sidii heshiis rasmi ah lo oga gaari lahaa arimaha Doorasha da.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada Puntland ayaa Shalay yeeshay Kulan uu guddoomiyey Madaxweyne Deni oo uu wehlinayay kuxigeen kiisa, waxaana todobaadkan looga hadlay Doo rashada Soomaaliya, Amniga deegaannada Puntland, xaaladda Gobollada iyo Degmooyin ka, horumarinta Waxbarashada iyo ansixinta Hi ndise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland.

Madaxweynaha PuntlandSiciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha uga warbixiyay xaaladda dal ku marayo iyo dadaalka Dowladdu gelisay in la xaliyo oo laga heshiiyo tabashooyinka ka dha shay hirgelinta heshiiskii 17-ka Sept. 2020.

AGAASIMAHA MACHADKA HERITAGE OO XILKA IS-CASILAY

Agaasimaha Machadka Heritage Cabdirashi id Khaliif Xaashi ayaa xilkaas iska casilay kadib lix sano oo uu haye, sida lagu sheegay qoraal Shalay kasoo baxay Machadka, wax aana xil kaas si ku-meel gaar ah loogu dhiibay agaasime ku-xigeenka Mursal Maxamuud San eyn.

HOOS KA AQRISO QORAALKA MACHADKA KASOO BAXAY.

Ujeeddo: Is-beddel Hoggaanka Machadka Heritage Muqdisho, 11 Febraayo 2021: Guddiga Hoggaaminta ee Machadka Heritage ayaa aqba lay iscasilaadda Cabdirashiid Khaliif Xaa shi oo lixdii sano ee la soo dhaafay ahaa Agaa simaha Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage. Md.Cabdirashiid waxa uu muddo-xile edkiisu ku eg yahay 28 Febraayo 2021. Sida uu dhig ayo han naanka maamulka ee Mach adka Heritage, Agaasime-kuxigeenka Machad ka oo ah Mursal Maxamuud Saney ay aa noq onaya sii hayaha xilka Agaasimaha Fuli nta, la ga bilaabo 01 Maarso 2021.

Md. Cabdirashiid Khaliif oo wax ka aasaasay Machadka Heritage ayaa Guddida Hoggaamin ta ee Machadka Heritage ku wargeliyey go’aan kiisa is-casilaadda muddadii lagu guda jiray ku lan sannadeedkii Guddida Hoggaaminya ee qa bsoomay bishii Janaayo 2021. Mudane Cabdira shiid, intii aanu noqon Agaasimaha Fulinta, wa xa uu muddo saddex sano ah soo ahaa agaa si me kuxigeenka koowaad ee machadka Herit age. Intii aanu ku soo biirin Machadka, Cabdira shiid waxa uu la soo shaqeeyay hay’adda ICG, isaga oo u qaabilsanaa falanqaynta Soomaali ya. Taa horteedna waxa uu Cabdirashiid xilal ho ggaamineed oo kala duwan ka soo qabtay da wladda Soomaaliya, isaga oo soo noqday Was iirka Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska iyo Agaas imaha Warfaafinta ee Xafiiska Madaxwe ynaha. In kasta oo aannu ka murugeysannahay tegit aanka Cabdirashiid, haddana Golaha Hog gaa minta waa uu ixtiraamayaa rabitaankiisa ah in uu hoggaaminta wareejiyo.

Intii uu Cabdirashiid xilka hayey waxa uu ma chadku kor u qaaday tayada wax soo saarkiisa iyo saameynta uu Machadku ku leeyahay xal u raadinta arrimaha murugsan ee Soomaaliya. Md. Cabdirashiid, waxa uu hormuud ka ahaa hir-gelinta Madasha Aragti Wadaagga Sannad laha ah taas oo ah madal ay aragtida ku wada agaan dadka siyaasadda dejiya ee Soomaaliy eed iyo hoggaamiyeyaasha fikirka.

Dhinaca cilmi-baarista, Cabdirashiid intii uu Machadka hoggaaminayey waxa uu laba-jibba arey soo saaradda daraasadaha, isaag oo Ma chadka Heritage uu soo saaray in ka badan 40 cilmi-baaris, kuwaas oo qaar ka mid ah ay diira dda saarayeen arrimaha ugu murugsan siyaas adda Soomaaliya. Mashaariicda ugu caansan ee Machadka uu ka hawl-galay waxa ka mid ah aa mashruucii Horumarinta Karaanka Bulshada, oo ahaa seeska isbeddelka karaanka bulshada ee Soomaaliya, isaga oo ugu dambeyntiina lagu daray Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soo maaliya.

Md. Cabdirashiid, dhidibada ayuu u aasay Machadka Heritage. Muddadii uu hoggaaminay ey, Machadku waxa uu ku guulaystay in uu helo maal-gelin sanado soconaya, kuwaas oo uu ka helay deeq-bixiyeyaal kala duwan, oo taagee rayaal u ah qorshaha istiraatiijiyadeed ee mach adka, oo ay ku jiraan cilmibaarista siyaasadda, doodaha iyo barnaamijyada Madasha Aragti-wadaagga. Shantii sano ee la soo dhaafay Ja amacadda Pennsylvania oo qiimaysa xarumaha cilmi-baarista adduunka waxa ay Machadka Heritage u aqoonsatay in uu yahay mid ka mid ah xarumaha ugu sareya cilmi-baarista eeAfrika

Doorka Guddiga Hoggaaminta ee Machadka Heritage waa in ay kormeer iyo hagitaan istiraat iiji ah ku biiriyaan hoggaaminta iyo maaraynta Machadka. Inta lagu jiro xilligan kala guurka ah, guddidu waxa ay ku taageeri doonaan Agaas imaha ku meelgaarka ah in uu si habsami leh u guto waajibaadkiisa. Guddida Hoggaamintu, fur saddan waxa ay uga faa’iidaysanayaan in ay Md. Cabdirashiid Khalif si kal iyo laab ah uga mahad-celiyaan hiigsigiisa sare iyo hoggaamin tiisii, waxa aanay u rajaynayaan mustaqbal ifaya iyo nasiib wanaagsan.

Ilhaan Cumar oo loo magacaabay xil muhiim ah

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqa lka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay gudoomiye kuxigeenka guddi hoosaadka awoodda u leh arrimaha Afrika iyo arima ha xuquuqul insaanka caa lamka.

War ka soo baxay xafii ska xildhibaan Ilhan ayaa lagu sheegay in xilkan cusub maalintii Khamiista ahayd looga dhawaa qay Washing ton. Magaca guddigan ayaa ah Guddi-hoosaad ka Afrika, Caafimaadka Adduun ka, Xuquuqda Aadanaha ah iyo Urur rada Caalamiga ah. Dowrkeeda cusub, Ilhan waxay sheegt ay inay si gaar ah u danaynayso "inay kormeer to arrimaha gargaarka caalamiga ah iyo siyaas adda dibadda” ee Afrika.

Ilhan ayaa horay uga mid ahayd guddiga arr imaha dibedda ee aqalka Kongareska inkasta oo dadka dhaleeceeya ay horay ugu baaqeen in laga saarayo kadib hadalo si weyn loo dhaliil ayoo ay jeedisay sanadkii 2019-kii oo ku saabsa naa saameynta siyaasadeed ee Isra’iil ku lee dahay Maraykanka.

Ilhan ayaa waxa uu horay dagaal afka ah u dhexmaray Madaxweynihii doorashada looga guulaystay ee Donald Trump, waxaana ay had allo kulul isu marin jireen hawada.

Mar ayuu sheegay in Ilhaan ay tahay qof mus uq-maasuq badan, isla markaana warbixinadee da uu la socday muddo labo sano ah.

Ilahn Cumar, oo Mareykanka tagtay iyadoo yar oo qaxooti ah, sannadkii 1995-tii, waa xildhiba annada matasha gobolka Minnesota, oo magaa lada Minneapolis ka tirsan tahay.

Ka hor inta aan xilkaan loo magacaabin Ilhan Cumar ayey samaysay dadaalado ku aadan bin i’aadannada kuwaas oo kamid ah xilli ay hogga amineysay xildhibaanno ka tirsan Aqalka Wakii llada Mareykanka, oo warqad u qoray Waaxda Amniga Gudaha, iyagoo ka dalbaday in baarita an lagu sameeyo dhacdo ku saabsan dad Musli miin ah oo xabsiga dhexdiisa lagu siiyay hilib doofaar.

Falkan waxaa ku kacay ciidamada ka hortag ga qaxootiga ee magacooda loo soo gaabiyo ICE, sida lagu qeexay war-saxaafadeed ay si wadajir ah ugu saxiixnaayeen wakiillada Aqalka Kongress-ka ee kala ah Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Andre Carson.

AFHAYEENKA BOOLISKA OO FAAHFAAHIN KA BIXIY AY QARAX KA DHACAY MUQDISHO

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaal iyeed Sadiiq Aadan Cali Duudishe ayaa faa hfaahin ka bixiyay qarax Xalay ka dhacay mag aalada Muqdisho.

Sadiiq Aadan Cali afhayeenka ciidamada Booliska ayaa sheegay in ciidanka booliska Soo maaliya ay fashiliyeen qarax miino oo Al-shab aab oo lagu tuuray waaxda Kacaan ee degm ada Hodan.

"Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa fas hiliyay qarax miino oo ay argagixisadu ku tuur een deg mada Hodon, gaar ahaan waaxda Kac aan dhabarka dambe ee Kaalinka Shidaalka ee HAAS, mana jiro wax qasaaraha oo ka dhashay qaraxan."ayuu yiri afhayeenka.

Qaraxyada miinooyinka ka dhasha ayaa ah kuwo ku sii kordhaya caasimada dalka iyadoo qaraxyadana ay ka dhashaan qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

CORONAVIRUS UU KUSOO LABA KACLEEYEY SOOMAALIYA IYO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Wasaaradda caafimaadka dowladda fed eraalka Soomaaliya ayaa Shalay shaacisay kii sas cusub oo la xiriir cudurka safmarka ah ee Coronavirus, kaasi oo muddooyinkii dambe ho os u dhacayay.

Kiisaska cusub ee wasaaradda ay diiwaan-gelisay ayaa waxay gaarayeen 28-qof, kuwaasi oo ku kala sugnaa magaalada Muqdisho iyo maamulka Hir shabeelle, iyada oo tirada u badan laga diiwaan-geliyaya caasimada dalka.

Cudurka Koronaha ayaa u muuqda mid mar kale si tartiib tartiib ah ugu soo labo kacleynay ay Soomaaliya, midaasi oo laga dheehan ka rayo kiisaska marba marka kasii dambeysa kor usii kacaya.

Wasaaradda ayaa bulshada kula talisay in ay ka fogaadaan dhaq-dhaqaaqyada aan da ruu riga aheyn, isla markaana ay muujiyaan taxad ar dheeri ah, maadama uu weli dalka kusii fida yo cudurka.

Hoos ka aqriso warbixinta wasaaradda;

Laga Helay: 28

Banaadir: 27

HirShabelle: 1

Lab: 22

Dhedig: 6

Dhimasho: 2

Tirada Guud ee Laga Helay: 5,013

Bogsashada Guud: 3,733

Dhimashada Guud: 144

MUWAADIN SOOMAALI AH OO LAGU DILAY TUULA DA DELFT EE WADANKA SOUTH AFRIKA

Tuulada Delft ee ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka South Afrika waxaa Habeen hore lagu di lay allaha u naxariistee C/llaahi Maxamed Xus een oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee halkaas ka shaqeys ta.

Wariye ku sugan Cape Town ayaa noo warrama y, wuxuun sheegay in muwaadinka la too gtay isla markaana kooxo aan heybtooda la garan eyn oo madow ah ay ku dhufteen 9 xabadood.

Dableyda dilka geystay goobta ayey ka ba xsadeen, Booliska ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno arrinkaan la xiriira, waxaana soo ba danaya dilalka loo geysanayo dhalinyarada Soo maaliyeed ee ku ganacsata dalka Koonfur Afrika.

Waxaa la sheegay in Marxuumka Shalay la gu aasi doono qabuuraha Muslimiinta ee ku ya alla magaalada Cape Town.

Inta badan dilalka ka dhaca Koonfur Afrika ee loo geysto Soomaalida, ma ahan kuwa lasii hadal qaado, mana jirto cid isku hawsha iney wax ka qabato.


JAMES SWAN OO WARBIXIN LA XARIIRTA SOO MAA LIYA SIIYEY KU-XIGEENKA ABIY AXMED

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ay aa war kasoo saartay wadahadal Shalay qadka talefanka ku dhex maray Ra’iisul wasaare ku xig eenka Itoobiya ahna wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Demeke Mekonnen iyo wakiilka Qar amada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Labada dhican ayaa si qota dheer uga wadaha dlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, iyagoo is dha fsaday macluumaad iyo aragtiyo ku saab san xaaladda hadda ka taagan Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka.

James Swan ayaa ugu horeyn warbixin ka siiyay Mr. Demeke geedi socodka doorashada Soomaaliya, rajooyinka iyo caqabadaha jira, xa alada siyaasadeed ee hada taagan, khataraha dhanka ammaanka ah, gaar ahaan Al-Shabaab oo ah kooxda ugu dhaqdhaqaaqa badan gob olka. Sidoo kale labada dhinac oo kala metelaya Itoobiya iyo Qaramada Midoobey, waxay bog aadiyeen dadaallada ay wadaan dowladda fede raalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah, si xal looga gaaro khilaafka doorashada.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay aa ah saaxiibka ugu dhow ee madaxweyne Far maajo oo haatan wajahaya fashil doorasho kii ugu xumaa, waxaana dhamaaday mudo xileed kii xukuumadiisa, iyadoo aan la heyn wax qor she doorasho ah.

Khilaafkii ugu adkaa ayaa ka taagan qab ashada doorashada Soomaaliya, waxuuna ha dda xaalku marayaa in Puntland iyo dowladda dhexe ay isku tuur-tuuraan, halka la dhigayo go gosha shirka uu iclaamiyey madaxweynaha waq tiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Puntland, Jubbaland, guddoomiyaha Aqalka Sare iyo golaha midowga musharaxiinta ayaa ku mideysan soo jeedinta ah in shirkaas lagu qa bto magaalada Muqdisho, isla markaana la ba laariyo oo ay ka soo qeyb galaan dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo beesha caalamka, balse dowladda federaalka ayaa weli diidan taas, kuna adkeysatay in 15-ka Febraayo la isugu tago Garowe.

WIIL 9 JIR AH OO LAGA SOO BAD-BAADIYEY KOOX AFDUUBATAY OO KU RABTAY $7,000

Ciidamada booliska magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa Shalay soo badba adiyey wiil uu afduubtay nin burcad ah, kaas oo lacag madax-furasho ah we ydiistay qoyska wiilka.

Wiilkan oo da’diisa lagu sheegay 9-sano jir ayaa lagu magacaabaa Saalax Cabdu lqaadir Maxamuud, waxaana markii la afduuban ayey laga soo daayey Schoolka.

Ninka afduubtay wiilkan oo magaciisa lagu soo koobay Seyad-Cali ayaa watay mooto Baja aj, waxuuna wiilkan yar ka dalbaday inuu soo tu so dukaanka Aabihiis, isagoo markii uu raacay la aaday jiho kale.

Ninkan ayaa sawirro iyo muuqaallo uu ka du ubay wiilka yar uu u xirxiran waxa uu la wadaa gay qoyskiisa, isagoo ugu goodiyey inuu dili do ono haddii aan lasiin kharashka uu dalbaday.

Guri ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee ma gaalada Beledweyne ayuu ninkaasi geeyey wiil kan yar, waxuuna Aabihiis weydiistay $7,000 oo madax furasho ah, iyadoo mar ay gor gortan wa da galena uu ka reebay $2,000, sida uu sheeg ayo Aabbe Cabdulqaadir Maxamuud.

Ciidamada booliska magaalada Beldweyne ayaa soo xiray ninka afduubtay wiilka, waxuuna taliyaha saldhigga galbeed ee Beledweyne warbaahinta u sheegay in cadaaladda la hor geyn doono ninkan.

XILDHIBAAN MAXAMED CALI OO HUB LA GALAY BAARLAMAANKA KENYA

Waxaa maalintii Khamiista ahayd baarlamaanka dalka Kenya ka dhashay cabsi weyn kaddib markii gudaha baarlamaanka lagu arkay xildhibaan hubaysan.

Xildhibaan Elisha Odhiambo ayaa ku wargaliyay afhayeenka baarlamaanka in uu arkay wax u eg hub kuna jira jaakada xildhibaan Maxamed Cali oo ah xildhibaan laga soo doorto degmada Nyali ee magaalo xeebeedka Mombasa.

Afhayeenka baarlamaanka, Justin Muturi, ayaa Mr Cali ka codsaday inuu xaqiijiyo inuu hub wato iyo inkale."Iga raali ahaada, waan hilmaamay inaan hubkeyga banaanka uga soo tago, waxaan ahay bini'aadam," ayuu yiri Mr Ali.

"Mudane Guddoomiye, ii oggolow inaan is dhiibo," ayuu yidhi Mr Cali kaddib markii qaybta warbaahinta ee baarlamaanka ay kaamarooyinka ka fogeysay xildhibaanka.

Waxaa isla markiiba Mr Cali la waydiiyey inuu hubkiisa geeyo banaanka qaybta keydka hubka, sida uu sharcigu qabo.Afayeenka ayaa ku booriyay sarkaalkiisha ammaanka inay feejignaadan oo ay dhaqangaliyaan shuruucda isaga oo arrinkan ku tilmaamtay "kormeer xun".

Mudane Cali wuxuu ku dhaleeceeyay xildhibaan Odhiambo inuu arrintan si khaldan u faafiyay, wuxuuna sheegay inay tahay mid siyaasadeysan, maadaama ay labaduba taageerayaan dhinacyo kala duwan.

Xildhibaanad kale oo lagu magacaabo Millie Odhiambo ayaa sheegtay in wadanku siyaasad ahaan isbadal badan ka jiro, waxayna ku talisay in la qaado tallaabooyin badan oo dhanka amaanka ah.

Sharci-dajiyayaasha Kenya waxay ku kala qaybsan yihiin baaqyada socda ee ku saabsan wax ka beddelka dastuurka ee la soo jeediyay.

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa sidoo kale ku kala jira dhinacyo kala duwan, marka ay timaado mowqifka aftida lagu raadinayo.

SHIL GAARI OO QASAARO BADAN GEYSTAY AYAA KA DHACAY DALKA MAREYKANKA.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dad kale oo badana waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay magaalada Fort Worth ee gobalka Taxes ee dalka Mareykanka.

Shilkan ayaa waxaa ku lug leh in ka badan boqol gaari ku waas oo marayay wado weyn oo dhowr jiho isku dhaafta.

Gaadiidka oo isugu jiray xamuul iyo kuwo yar yar ayaa isdul barkaday oo isku dhacay iyadoo sababta lagu sheegay baraf surinka ka dhigay mid lagu sibqado.

Booliska iyo shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in qasaaraha uu kordhi karo maadaama uu wali gurm adku socdo.

Booliska waxay sidoo kale sheegeen in ay waqti qaadan doonto kala gurida gaadiidka isku riiqmay taana ay sababi doonto in dhabaha oo muhiim ah uu xirnaado

Tuugo barta Instagram ka raacdo dadka caanka ah si ay u dhacaan hantidooda

Koox tuugo ah oo ka hawlgasho magaalada Milaano ayaa la ogaaday in dadka caanka ah iyo kuwa dhaqaale ahaan ladan ay ka soo raacaan barta Instagram, si ay ugu dhacaan guryahooda oo ay u bililiqeystaan hantidooda.

Tuugadani ayaa daalacda sawirrada dadka caanka ah si ay u helaan meelaha ay deggan yihiin iyo xilliyada ay bannaanka u soo baxaan.

Muuqaallo ay baahiyeen saraakiisha dalkaasi Talyaaniga ayaa muujinaya tuugadaasi oo fuulaya dabaqyo dhaadheer.

Dhibbanayaasha kooxdani waxaa ka mid ah gabadha caanka ah ee Diletta Leotta iyo ciyaaryahan kubadda cagta ee Achraf Hakimi.

Mid ka mid ah kooxdaasi tuugada ahi ayaa la soo qabtay bishii Jannaayo, halka saddex kalena la soo qabtay Arbacadii dhaweyd, kuwaa oo mid ka mid ah uu ahaa wiil 17-sano jir ah oo dhawaan la soo taagi doono maxkamad.

Dhacii ugu horreyay ayaa dhacay 6-dii Juun ee sanadkii hore, xilligaasi oo tuugadaasi ay u dhaceen guriga Leotta, isla markaana ay ka qaateen alaabo qiimahoodu lagu qiyaasay 160,000 oo doolar.

Alaabtaasi ay tuugadani dhacday waxaa ka mid ah dahab, boorsooyinka garabka iyo dhawr saacadood oo ah nooca Rolex.

Lix bilood kaddib, isla xeeladdii ay ku dhaceen Leotta ayay adeegsadeen, si ay ugu dhacaan guriga gabar kale oo caan ah oo lagu magacaabo Eleonora Incardona.

Tuugadani ayaa khibrad dheeri ah u leh in ay dibadda ka soo fuulaan dabaqayda dhaadheer ee ku yaal magaalada Milaano.

Sida ay baahisay warbaahinta Talyaaniga, guriga Eleonora Incardona ayaa waxa ay tuugadani ka dhaceen sagaal shandadood, laba suun, shan fasaleeti, laba xabbo oo dhega-dhega ah, silsilad, jijin, boorasada jeebka, shandad iyo lacag dhan 1,212 oo doolar.

Guud ahaan hantidaasi ay gurigaasi ka dhaceen ayaa lagu qiyaasay tobanaan kun oo Yuuro.

Booliisku waxay rumeysan yihiin in kooxdani ay muddo dheer darsaan sawirrada ay soo geliyaan Instagram-ka shakhsiyaadka caanka ahi, si ay u ogaadaan nooca ay hiyiin daaqadaha guryaha shakhsiyaadkani, arrintaa oo u fududeynayso qorshahooda ah in ay guryahaasi u dhacaan.

Muuqaallo ay bishii Diseembar duubeen kaamerooyinka qarsoodiga ahi ee CCTV-da loo yaqaan ayaa muujinaya mid ka mid ah tuugadani oo fuulaya gidaarka dhismo dabaq ah, halka mid kale uu hoos u taagnaa oo uu ilaalo ka hayay.

Francesca Crupi oo ka tirsan xafiiska xeer-ilaalinta Talyaaniga ayaa sheegay in sidoo kale laba nin oo kale ay gudaha ku sugayeen ninkaasi dabaqa fuulayay.

GUDDIGA KACDOONKA SINNAANTA JINSIGA OO WAR KA SOO SAARAY KHILAAFKA DOORA SHADA SOOMAALIYA

Guddiga Kacdoonka Sinnaanta Jinsiga Soo maaliyeed ayaa muujiyay walaacooda la xiriira waqtiga hay'addaha Dastuuri ga ee dowladda Soomaaliya ee dhamaaday iyadoo wali a an isfaham buuxa laga gaarin khilaafka doorashada oo bilihii ugu danbeyay soo jiita mayay Guddiga ayaa soo saa ray qoddobo dhowr ah oo dham aantood salka ku ha ya marxalada xil iggan ee Soomaaliya iyadoo la ilaalinayo xasil oonida iyo degenaashi yaha Soo maaliya.

HOOS KA AKHRISO Description: https://hiiraan.com/2021/images/Feb/2021212637486942104836262.jpg

SADDEX BIL GUDAHOOD AYAA SHAQSIYAADKAN MUQDISHO LAGULA EEGTAY QARAXYO HAL NUUC AH + MAGACYADA Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhay qaraxyo miino oo wadada dhinaceeda la dhigo, taasoo lagu beegsanayo qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda iyo shakhsiyaad gaar ah.

Tirada dhimashada ma badna marka laga hadlo 10-ka masuul ee 3-dii bilood ee lasoo dhaafay lala beegsaday qaraxyadaan cusub ee isku nuuca ah, balse qatar badan ayey galeen.

Intii u dhaxeysay bilaha November ilaa January, waxaa qaraxyo lala beegsaday 10 masuul oo qaarkood ka tirsan yahiin dowladda Soomaaliya, waxaana ku dhex jira hal qarax oo dhacay qiimeynta la sameeyay bil ka hor.

20 Oktoobar 2020: Maxamed Aadan Koofi

Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi ayaa qarax lagula beegsaday meel u dhaw isgoyska KM4, wuu ka badbaaday, wuxuuna kasoo baxay Hotel-ka ay Shabaab weerareen ee Afrik dhamaadka bishii lasoo dhaafay.

5 November 2020 Durraan Axmed Faarax

Isgoyska KM4 waxaa mar kale ka dhacay qarax lala beegsaday wasiirka shaqada iyo shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya Durraan Axmed Faarax, qaar ka mid ah ilaaladiisa ayey khasaaro soo gaartay, balse wuu ka badbaaday.

7 November 2020 Dr. Cismaan Maxamuud Dufle

Inkastoo aysan dhibaato soo gaarin, hadana Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan golaha aqalka sare ee Baarlamaanka.

12 Novembar 2020 Cabdixakiim Dhagajuun

Waxaa Wadadda 21 Oktoobar lagu qarxiyey Guddoomiyihii Degmada Hododon C/xakiin oo ku dhaawacmay qaraxa, kadibna xaalad caafimaad u aaday Turkiga isgaooo markii uu Muqdsho kusoo laabtay ay toogasho ku dlee cidamada dowladda.

28 November 2020 Axmed Washington

Agaasimaha Dekadda Muqdisho Axmed Washington ayaa qarax miino lala eegtay, xilli uu gaarigiisa mareyay agagaarka Isgoyska Mariinada, wuu ka badbaaday, waxaana qasaare soo gaaray ilaaladiisa.

5 Janaayo 2020 Saadaq Doodishe

Waxa Qarax miino lala beegaday Gaariga Afhayeenka ciidamada Booliska Sadiq Dodishe oo xilligaasi aan la socon Gaariga qaraxa haleelay.

Magaalada Muqdisho waxey ku jirtaa marxalad cakiran iyadoo dalka oo dhami uu ku jiro marxalad kala guur ah, waxaana wali heshiis laga gaarin arrimaha la isku mari la’yahay ee la xiriira doorashooyinka.

7 Janaayo 2021 Taliyaha Asluubta Mahad Cabdiraxmaan

Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaalyeed Mahad Cabdiraxmaan ayaa qarax lagula eegtay Muqdisho, Qaraxa oo ka dhacay agagaarka isgoyska KM 4, waxaa ku dhintay ilaalada Taliyaha, isna wuu ka badbaaday.

19 Janaayo 2021 Deegaanka Garasbaaley

Waxaa degaanka Garasbaaley ee Muqdisho Qarax Miino lagu qaaday Gaari ay wateen mas’uuliyiin ka tirsan degaankaasi, waxaana ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii Maxamed Macalin iyo guddoomiyihii dhalinyarrada degaakaasi C/rashiid Dubbad.

20 Janaayo 2021 Maxamed Cabdullaahi Cariif

Gudoomiyaha dagmada Yaaqshiid Maxamed Cabdullaahi Cariif ayaa ka badbaaday qarax miino oo loo dhigay gaarigiisa, wuuna ka badbaaday

23 Janaayo 2021 Muxiyadiin Xasan Afrax

Nabadoon iyo xildhibaan hore Muxyadiin Xasan Aafrax iyo xildhibaan hore Xuseen Carraale Caddaan ayaa Gaari ay wateen Miino lagu qarxiyey Jidka Beexaani dhinaca degmada Kaaraan, ilaaladooda ayaa ku geeriyooday, iyadoo uu ku dhaawacmay Xuseen Carraalle, waxayna ahayd markii labaad Qarax Miino lala beegsado Muxyadiin Xasan Afrax. XIGASHO:-CAASIMADA.NET

ADAXDU IN LA AMAANANA WAA RABA AN, WI XII LAGU AMAANI LAHAANA SAMEEN MAAY AAN =NASASHADA JIMCAHA. Q- 239AAD= 1. Haweeneey Xildhibaanad ah, ayaa la weeydii yay, Maxaad ku jawaabee haddii Aakiro lagu weydi iyo, kitaab ayaad ku dhaaratay ee ballantii maxaad uga baxday.

Waxay tiri: Waan is waalayaa, waxaana leeyahay Dunida ayaan ku waalnaa.

Sheydaan Meesha marayay, ayaa ka sii Cowdibi leystay, isaga oo leh tanaa iga daran weligeey sidaa uma fikirin. (Xildhiba anadaa Magaceeda ha sheegin)

2. Gabar ayaa tiri: Wakhtigii Covid 19 Aniga oo dukaan saf ugu jiro ayaa Nin iga horeeyay Dhuuso ka fakat ay. intii aanan hadal, ayuu igu yiri: Haddii aad wax maqashay, Khalad ayaad gashay, Ma dhowrin Nid aamkii kala fogaanshaha ” Social Distancing”.

Haddii wax kuu soo ureen khalad ayaad gashay. Ma xiran ” Face Mask”. Haddii ey aad kuugu soo uraty Nasiib ayaad leedhay Covid 19 ma qabtid, Qofka Covid 19 qabo wax uma uraan…..waxa ey tiri: Maxaad ka rabtaa Anna waan u jawaabaye. ( F.S: 1aad).

(Siyaasiyiinta Somalidu inta Siyaasada ku dhuus aan, ayey inta uuna Shacabku hadal Dambiga u saariyaan. Shacabkuna waa ka xishoonaa in uu u jawaabo, Haddise laga Badbadiyo….).

3. Aabbe ayaa lagu yiri: maxaad u garaacee wii lkaaga. waxa uu yiri: wiilkeeygu waa damiin, imtixaan kii waxa uu keenay EBER, xataa hadduu wada ist icmaalay jawaabihii qishka ahaa ee aan Anigu u qoray.( F.S: 2aad)

(Waxaa jiro Taliye, Talada ey ku siiyaan oo dhan haddii aad u raacdo sidii ey kuu siiyeen, lagu khas aarayo ,eedana Adigu aad yeelanee).

4. Nin ayaa yiri: Xaaskeega cusub ayaan Dalxiis u qaaday, intii aan Gaariga saarneen ayey aragtay 2 Dameer oo waddada dhax tagan . dameeradii ayey farta ku taagtay oo igu tiri: Fiiri Qaraabadaadii ayaa wadada dhax taagane.

Markii aan dhinac mareeynay Dameeradii, ay aan Dameeradii ku iri: waa idin salaamay qarabo, Sodogeey iyo Dumaashi. xaaskii xanaaq ,yaa gar dharan?.

(Waxaa jiro Dad Dadka caayo, Jawaabtana aan Xamili karin)

5. Nin sheikh ah oo Dad ku wacdinayay Masjidka ayaa yiri: Sannadihii Nolosheyda Ugu Wanaagsanaa Waxa ey ahaayeen Markaan Nolol macaan oo naxa riis leh la soo qaatay Haweeney aan Xaaskeyga aheeyn.

Dadkii ayaa la yaabay in Shiikhu uu sidaa Dad ka ula hadlo, Dadkii qaarna way ka caroodeen. Shiikhii oo hadalkii sii wato ayaa yiri: Qofkaa Dumar ka aheyd ee waqtiga fiican ee Naxariista leh aan la qaatay waxa ey aheyd Hooyadeey.

Dadkii oo neeftu ka soo fuqday ayaa yiri: waa Run waqtiga Hooyo lala qaato wax ka fiican male.

Nin Jaamacadii ka mid ahaa ayaa markuu Gurig iisa tagay isku dayay in uu Xaaskiisa uga yaabiyo sidii Shiikha oo kale, Xaaskii oo Kijinka Casho ku karinee ayuu ku yiri: Sannadihii ugu Wanaagsana Nolosheydu Waxa ey ahaayeen Markan la joogay Haweeney aan Xaaskeyga aheeyn !

Waxaa warkiisa noogu dambeeysay Markii Dha khtarkii nagu yiri: Mididii Hilibka lagu jarjarayay Calo oshiisa waan ka soo saarnay, qaliinkiisa oo qaatay 7 Saacadoodna waan ku guuleysanay.( F.S: 3aad

(Ogoow Hadal kasta Munaasabad lagu sheego ayuu leeyahay).

6. Haddii saaxiibtaa aad u keentay Hadiyad qaali ah 2021 oo iyada oo aad u faraxsan ey ku tiraa: kal mad aan kuugu mahad celiyo ma aqaan. Hadiyada Labaad ee 2022 aad u keeni doonto, ha noqoto dictionary.( F.S: 4aad)

(Madaxdu in la Amaanana waa rabaan, wixii lagu Amaani lahaana sameen maayaan)

QORE YAHYA AMIR

Dowladda Shiinaha oo mamnuucday mid ka mid ah Warbaahinta ugu weyn caalamka

Dowladda Shiinaha ayaa mamnuucday BBC qeybta dibadaha la hadasho inay ka howlgasho dalkaaasi, waxaa sidaasi shaacisya hay’adda u qaabilsan dhanka telefishinada iyo Idaacadaha.

Xukuumadda Shiinaha ayaa cambaareysay BBC qaabkii ay u tabisay wararka la xiriira feyriska Corona iyo dhibaatada lagu hayo Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighurs.

Madaxda BBC ayaa dhankooda sheegay in go’aankaasi uu yahay mid”laga xumaado”.

Arrintan ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii waaxda dowladda Britain u qaabilsan xadeynta warbaahinta ee loo soo gaabiyo Ofcom ay shatigii ay uga howlgalayeen UK kala noqodtay Telefishinka Shiinaha ee (CGTN).

Go’aanka dowladda Shiinaha ay dalkeeda kaga mamnuucday BBC, waxaa hay’adda maamusha Idaacadaha iyo Teleshinada ee Shiinaha ay sheegtay in BBC lagu helay "ku tumasho shuruucda warbaahinta” taasi oo ay ka mid tahay "in warku noqdo mid run ah oo xaq ku dhisan, balse uusan noqon mid dhaawacaya danaha Shiinaha”.

Sheeko layaab leh: Coronavirus oo dhan waxaa qaada gasaca Coca Cola

Khubaro dhanka xisaabta oo ka tirsan Jaamacadda Bath ee dalka Ingiriiska ayaa bilaabay inay baaritaan ku sameeyaan fayriska dunidii oo idil kala xir xiray ee Corona, waxayna baaritaankooda ku ogaadeen waxa dhib ee intaasi le’eg dadka u gaysanaya inuuba ku cabir yahay gasaca cabitaanka Coca Cola, oo tankiisu yahay 330ml.

Kit Yates oo hoggaamina yay baaritaan kan ayaa sheegay in waxa fayris ee dunida ku wareegaya oo dhan, haddii meel la isugu geeyo uu qaadayo gasaca Coca Cola. Xanuunkan ayaa dunida oo idil ku dilay dad tiradooda lagu sheegay 2,347,015, sida ku cad jadwalka maalinlaha ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Khamiistii Dorraad.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip