HALKAAN KA AQRISO W.MOGTIMES EE SAAKAY OO ISNIIN AH 8-FEBARAAYO 2021-KA

0
Monday February 08, 2021 - 10:33:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.MOGTIMES EE SAAKAY OO ISNIIN AH 8-FEBARAAYO 2021-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

FARMAAJO oo war ka soo saaray dib u doorashada hogaanka Midowga Afrika

Madaxweynaha DDFS Md.Maxamed C/hi (Farmaajo) ayaa Shalay dhambaal hambalyo ah u diray guddoomiya ha Ururka Midowga Af rika Mudane Mo us sa Faki & Ku-xigeen kiisa Marwo Dr.Moni que Nsanzabaganwa oo dib loogu doortay hog gaanka ururka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska mad axweynaha ayaa waxaa lagu sheegay in mad axweynaha uu ku bogaadiyey Moussa Faki door ka uu weyn ee uu ka qaatay dadaallada ciribtir ka saboolnimada iyo xagjirnimada oo caqabad ku ah horumarka shucuubta Afrika.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu sii adkeynayo muhiima da ay leedahay in hoggaamiyeyaasha Qaarad da Afrika ay si wadajir ah uga shaqeeyaan arrim aha horumarka, ilaalinta nabadda iyo xasiloon ida guud ahaan gobolka.

Madaxweyne Maxamed C/hi Farmaajo oo ha atan waqtigiisu sii dhammaanayo ayaa sidoo ka le tilmaamay inay ka go’an tahay dowladdiisa xo ojinta doorka ay ka qaadaneyso adkenta nab adda Geeska Afrika, xasilloonida, horumarinta dhaqaalaha & daris wanaaga.

Si kastaba Soomaaiya ayaa door fifircoon ku leh ururka Midowga Afrika oo ciidamo ay ka jog aan gudaha dalka, kuwaas oo ka qeyb-qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Cumar Finish "Shacabka G/Banaadir Waa Inay Helaan Metalaad Siyaasadeed”

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muq disho Cumar Maxamuud Maxamed Finish oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacd ay Muqdisho waxaa uu sheegay in mu hiim ay tahay in G/Banaadir uu helo dhamaan Metaaladaha siyaas adeed ee Gobolada dalku leeyihiin.

G/Cumar Finish ayaa sheegay in Gobolka lagu haleeyay DFS, maadaama uu Xarun u yahay do wladda, hayeeshee lagama maar-maan ay tah ay in Bulshada Caasimadda helaan Matelaad si yaasadeed. Waxaa uu sheegay Duqa Muqdisho in dadaal dheer kadib ay sameeyeen lagu guul eystay in G/Banaadir 13 kursi ku yeesho Aqalka Sare, isla markaana Xildhibaanada Baarlamaan ka ansixiyeen go’aanka, kadibna uu saxiixay Ma daxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Cumar Finish ayaa tilmaamay in Ujeedka laga leeyahay Metelaad siyaasadeed yeesho G/Banaadir ay tahay in shacabka Caasi madda dalka ee Muqdisho arrimooda loo gudbi yo Madaxda dowladda Federaalka.

Hadalka G/G/Banaadir Cumar Finish ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo dhawaan uu M/Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug uga qeyb galay Shirkii Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ee fashilmay

Musharaxiinta dhex-dhexaadka ah oo Farmaajo usoo jeediyey inuu hal mid sameeyo

Musharaxiinta ku midoobay "Kudladda Mu sharaxiinta Madaxweyne ee dhex-dhexaadka ah” ayaa Sha lay ka hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, oo ay ka harsan tahay saacado kooban. Musharaxiintan ayaa sheegay in uusan diyaarsaneyn hanaan badela madax weyne Farmaajo kadib marka uu Xalay kala war eega saacada uu ka dhamaado muddo xileed kiisa dastuuriga ah, isla markaana loo baahan yahay in dalka laga bad-baadiyo firaaq dastuuri ah oo ka dhaca dalka.Waxay ugu baaqeen madaxweyne Faarmaa jo in uu is casilo, maadama ay muddo saacado ah ka hartay muddo xileedkiisa, kuna wareejiyo xilkaas guddoomiyaha golaha shacabka oo ay sheegen inuu yahay shaqsiga xiligan sharciyad u helaya inuu xilkaas sii hayo.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in muddo ku siman 3 bilood gudahoo da ah lagu qabto doo ra sho wada-ogol ah, taasi oo ay ku sheegen in ay tahay muddada u yar ee lagu qa ban karo do orasho wada-ogol ah oo dalka ka dhacda.

"Dolwaddu ma hayso sharciyad ay ku shaqe yso, si uusan firaaq u dhicin waa in guddoomiya ha baarlamaanka uu la wareego xilka, madax weynuhuna uu is casilaa Xalay labo iyo toban saac ka hor (12:00AM) haddii uu is casili waaya na uu si awtamatikali ah uu la wareega guddo omiyaha baarlamaanka, uuna noqdaa madaxwe ynaha kumeel gaarka ah” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Kudlada musharaxiinta madaxweyne ee dhex-dhexaadka ah.

Waxa uu intaas kusii daray "Waa in aan u di yaar garowna saddexda bilood ee soo socda in doorashadii u qabsoomto si dowlad sharci ah loo helo. Waa in gaabkii dhici lahaa uu meesha ka baxom doorashadiina ay qabsoomto muddo gaaban oo saddex bilood gudahooda ah, tallada as ayaa soo jeedinayna waayo majiro waqti kale oo lagu qabto howlo kale”.

Ugu dambeyntiina waxay uga digeen baarla maanka waqtigiisu dhamaaday inuu caqabad ku noqon oo aysan soo saarin wax sharciyad ah, kuwaasi oo keeni kara dhibaato, isla markaana ay ka fogaadan waxkasta oo sii durkin kara, isla markaana sii fogeyn kara arrinta taagan ee khil aafka doorashada.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Lagu Wareejiyay Maamulida Adeegyada Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa waxa ay maamulka gobolka Banaadir ku wareejisay maamulka adeegyada caafimaadka ee M/ Mu qdisho ee caasimadda dalka.

Munaasabada ay W/Caafimaadka Adeegga caaf imaad lagu wareejinayay maamulka gob olka Banaadir ayaa waxa ka qey bgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Max amed, Wasiirka Caafimaadka Fowzia Abiikar Nuur iyo mas’uuliyiin ka socotay DF iyo xubno kale. W/Ca afimaadka XF ka ay aa maalmihii lasoo dhaafay wad ay qorshe ay maamulada dalka ugu daadejineyso adeegyada caafimaadka ee ay shacabka u baahan yihiin.

Howlaha wareejinta Maamulka Adeegyada Caaf imaadka ee M/Muqdisho ayaa waxaa loo xil saaray Guddiyo, kuwaasi oo ka shaqeeyay si da lagu war eejin karo Maamulka Adeegyada Caafimaadka

Xog: Sidee lagu fashiliyey qorshihii muddo kororsiga ee kulankii BF ee Shalay?

Kulankii baarlamanka Soomaaliya ee Shalay ee uu khudbadda ka jeediyey madaxweyne Max amed C/hi Farmaajo ayaa noqday mid aan macno badan sam eyn, kadib markii qor shihii madax weynaha iyo xidlhib aanada taageer san ee muddo kordhinta ay fashili yeen xildhiba anada mucaaradka, sida ay ogaatay Caasi mada Online.

Qorshaha muddo kordhinta lo ogu sameyna yo madaxweynaha, oo ay horey uga digtay beesha caal amka, ayaa socday dhowrkii maalm ood ee ugu dambeeyey, hase yeeshee awoodd a xildhibaano isb aheystay ayaa ku qasabtay GBFS Maxamed Mursal inuu meesha ka saaro, sida ay dhowr xildhibaan u xaqiijiyeen Caasima da Online.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Mur sal ayaa waxaa Habeen hore u tegay xildhib aanada mucaaradka oo aad u tiro badan, waxay na ku war geliyeen inaysan ogolaaneyn in kula nkaas uu qab soomo, hase yeeshee Mursal ay aa codsaday inay ogolaadaan kulanka balse bal lan-qaaday inaan aje ndaha shirka lagu soo dari doonin wax muddo kor dhin ah.

Xildhibaanada oo aan kalsooni buuxda ku qabin Mursal ayaa ku xiray saddex shardi, si kulanka loo qabto, kuwaas oo kala ahaa.

1 – Inuu si shaacsan u shaaciyo in ajendaha ku lanka aanu qeyb ka aheyn wax muddo kordhin ah, kuna kooban yahay khudbadda madaxwey naha kaliya.

2 – Inuu kulanka ka saarao xildhibaanada Aq alka Sa re, maadaama kuwa la ogaa inay imana yaan ay ahaayeen kuwa taageersan madaxw eynaha.

3 – In warbaahinta loo ogolaado kulanka, si ay u duu baan wax kasta oo ka dhacaya xarunta.

Guddoomiye Mursal ayaa fuliyey dhammaan 3da qodob, wuxuuna madaxweynaha ku wargeli yey in qo rshihiisa uusan socon karin sababo la xiriira cadaad iska xildhibaanada mucaaradka oo tiro badan iyo kan beesha caalamka oo horey u jiray.Madaxweynaha ayaa kadib qorshihiisa bedelay wuxuuna kulanka ka jeediyey khudbad aan wax badan soo kordhin, ayada sidaas ku fashilmay qorshihii muddo kororsiga.

Madax goboleedyada oo sii joogaya Dhuusamareeb

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee hadda ku sugan Dhuusamareeb ayaa sii joogaya gu daha magaaladaasi, iyaga oo weli wada-tashiyo ballaaran oo ku aadan xaaladda si yaasadeed iyo doorashooyinka da lka.Madaxda maamullada, Jubbal and, Puntland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa illaa & muddo labo cisho sii joogaya Dhuusamareeb, iyaga oo ka qeyb-galaya munaasabadda sanad guurada koowaad ee doorashadii Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor.

Sidoo kale madaxweynayaasha dowlad gobo leedyada dalka ayaa Habeen hore yeeshay kulan uu albaabada u xirnaa oo looga hadlayey xaaladda dalka iyo khilaafka doorashada 2021-ka.

Shirkan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa diira dda lagu saaray, sida laga yeelayo dalka, hadii la gaaro 8-da Febraayo oo ah maalinka u dambeysa ee mudo xileedka madaxweynaha dowladda federa alka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farm aajo.Waxaa sidoo kale la filayaa in madaxda maa mullada shirarkooda ay kasoo saaraan war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ka wada-hadlayaan iyo waxa ay la tahay xaaladda dalka.

Si kastaba kulamadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu natiijo la’aan kusoo dhammaaday shirkii wada-tashiga ee ka socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

RASAAS LAGA MAQLAY MUQDISHO KA DIB MARKII UU DHAMAADAY MUDDO XILEEDKII FARMAAJO

Rasaas ayaa goordhow ka bilaabatay qeybo ka mid magaalada Muqdisho, marka ay saacada ku dha cday 12-ka saq dhexe, wararka qaar ayaa sheegaya in rasaasta u muuqato mid lagu soo aadiyay dhammaadka muddo xileedka Madaxweynihii hore Farmaajo oo caawa ku beegan.

Waxaa la xusuustaa in Madaxweyne Farmaajo si weyn loogu dabaal degay markii la doortay 8 Febr uary 2017, xilligaasoo magaalada is qabsadeen ras aas dabaal degyo ah.Hase ahaatee rasaasta caawa dhaceysa 8 February 2021 ayaa ah mid cagsigeeda ah tii sanadkii 2017.

Waxaa iyadoo ay tahay saqdii dhexe magaalada Muqdisho ka socda kulamo siyaasadeed iyadoo aysan jirin illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay kulamadaas. Qaar ka mid ah midowga musharaxiinta madaxweynaha ayaa ku sugan guriga uu Muqdisho ka degen yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxa med Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyadoo halkaa wadahadalo ay ka socdaan.

Kulan xasaasi ah oo u socda Shariif, Xasan iyo Cali Mahdi

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa Shalay guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore

ee Soomaaliya Cali Mah di, xili ay xaalad cakiran ka taagan tahay dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweynayaashii hore ayaa waxaa sii galbiyay soddameeyo kolonyo isugu jirta gaadiidka dagaalka iyo kuwa aan xabadaha karin, xiliga ay tagayeen guriga Cali Mahdi, waxaana hadda u socda shir ay albaabadu u xiran yihiin.

Madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa ka wada-hadlaya xaalka cakiran ee dalka, xili ay muddo saacado ah ka harsan yihiin muddo xileedkii sharciga ahaa ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo ay xusid mudan tahay inuusan jirin heshiis siyaasadeed looga gudbi karo xaaladan cakiran.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa sidoo kale waxa uu u muuqda dhoolatus nooc cusub ah, maadama uu kusoo aaday iyada oo saacada un ka harsan tahay muddo xileedka Farmaajo, oo ay si weyn isku hayaan Musharaxiintan.

Midowga Musharaxiinta mucaaridka oo qeyb ka yihiin madaxweynayaashii hore ayaa waxay hore uga digeen firaaq dastuuri ah, iyaga oo kal hore shaaciyey guddiyo doorasho, lamana oga tallaabada ay qaadi doonaan xiligan xasaasiga ah, oo laga cabsi qabo in amaanka guud uu faraha ka baxo.

Caasimada Online ayaa fahamsan in wixii ka dambeeya Xalay marka ay saacaddu tahay 11:59 PM aysan Musharaxiinta Mucaaradka u aqoonsan doonin Farmaajo inuu dalka madaxweyne ka yahay, maadaama aanu jirin heshiis doorasho lagu aadi karo.

Guddiga doorashada oo si adag uga hadlay fashilka shirkii Dhuusamareeb 4

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga lagu muransan yahay ee doorashada Soomaaliya ayaa waxay ku sheegeen in wax laga xumaado ay tahay in is afgaran waa uu ku soo dhamaado, shirkii madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay ku yeesheen Dhuusamareeb.

Arrinta guddigan ayaa ka mid ah seddax qodob oo khilaaf culus uu ka taaganyahay, isla markaana sababtay in illaa hadda la isku fahmi waayo heshiiskii laga gaaray doorashada dalka 17-kii bishii September ee sanadkii hore.

"Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), waxuu wax laga xumaado ku tilmaamay is afgaran waagii uu ku soo dhamaaday shirkii Samareeb, wuxuuse muujinayaa inay jirto rejo wanaagsan oo weli lagu xallin karo is mariwaaga taagan, wuxuuna

dhinacyada ugu baaqayaa in aysan quusan, una istaagaan masuuliyadda ka saaran dalka, ayna hirgeliyaan heshiiskii doorasho ee 17 Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddigan lagu muransan yahay.

Qoraalka ayaa intaas ku daray, "Guddigu waxuu u soo jeedinayaa bulshada Soomaaliyeed in ay muhiim u tahay xilligaan in laga wada shaqeeyo isu keenidda dhinacyada hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlaha Xubnaha ka ah. Waxuuna guddigu ku boorrinayaa culimada, hoggaanka dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda in ay lagama maarmaan tahay in ay qaataan doorkooda soo jireenka ah ee xalinta khilaafyada lagu xalinayey hab dhaqameedka, kaasi oo ahaa wakhti dheer xalka rasmiga ah ee ay Soomaalidu dhexdeeda isku xalliso.”

Guddiga ayaa qoraalkan ugu mahadceliyey dhammaan dhinacyadii isku howlay xallinta khilaafka doorashada, waxuuna si gaar ah ammaan ugu jeediyey shacabka iyo maamulka Galmudug oo marti geliyey shirarkii Dhuusamareeb 1 illaa 4, sidoo kale beesha calaamka ayuu garab taageeda Soomaaliya uga mahad celiyey.

"Guddigu waxuu xasuusinayaa hogaamiyayaasha in mas’uuliyadda qabsoomidda doorashooyinku ay si wadajir ah u saaran tahay hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaran iyo si ay u gaaraan xal degdeg ah, lagama maarmaanna ay tahay in ay ka shaqeeyaan isu keenidda iyo maslaxada guud ee wadanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka dalka ayaa qoraalkiisa ku yiri, "Si dalku marxaladda uu ku jiro uga gudbo, waxaa uu ku wargelinayaa dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay tahay xalka keli ahi fulinta heshiiskii doorashada ee la gaaray 17 Sebteembar 2020, Isla markaana guddigu u diyaarsanyahay qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah, oo ka dhaca dalka.”

Maxaa laga fahmay khudbaddii uu madax weyne Farmaajo u jeediyey BF?

Marka la eego Khudbadii Dorraad ee Madaxweyne Farmaajo waxaa kuu Iftiimaya in uu taagan yahay madaxweynuhu xaalad quus ah, oo aysan caddeyn sida looga bixi karo, waxaana laga dareemayaa inuu ku daalay xaaladaha jahwareeerka leh ee ku qotanta doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu aad uga qeyla dhaamiyay madaxda Puntland iyo Jubaland oo uu ku sheegay in ay mar kasta furayaan xargaha uu xiro ee xalka doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ka muuqday niyad jab iyo kalsooni la’aan uu ka qabo madaxda kale ee lagu xanto in ay dhankiisa jiraan, sida HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweyne ayaa dhowr jeer tibaaxay inuu tanaasulay isaga oo awoodo inuu ku adkeysto go’aanadiisa saxda ahaa, sida uu yiri

Waxa uu muujiyay in uu jiro faragalin shisheeye oo toos ah, taas oo taabaneysa heshiisyada doorashooyinka waxa uuna ka deyriyay in lafara geliyo dal xur ah oo madaxbannaan.

Waxa uu dowladda uu hoggaamiyo ku sheegay mid diyaar u ah doorasho hufan oo lagu qanci karo balse waxa uu rajo xumo ka qabaa in sidaas lala fahmi waayay oo madaxda Dowlad goboleedyada ku qanci waayeen sida ay Dowladda wax urabto.

Farmaajo waxa uu ku adkeysanayaa in firaaq dastuuri ah aanu dalka geli doonin tusaale ayuuna ka dhigtay baarlamaanka oo uu xasuusiyay in waqti xileedkoodu dhamaaday 27-kii bishii December sanadkii hore. Hadalkan ayaa laga fahmi karaa in isagana uu sidoo kale xukunka sii haysan doono xitaa haddii aanu helin muddo kororsi rasmi ah.

Madaxweynuhu wuxuu ka baaqsaday hadallo suuqa ugu jiray oo ku saabsanaa inuu daneeynayo muddo kordhin, sababta uu golaha u codsadeyna ay tahay ajando waqti dheereysi ah. Qodobkaan waxaa la aaminsan yahay in Madaxweyne Farmaajo isaga daayay cadaadiska beesha caalamka darteed.

Koox hubeysan oo Shalay dil ka fuliyey MUQDISHO

Faah-faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa toogasho ay kooxo hubeysan Shalay ka geysteen gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay jid-cadaha mara dhabarka dambe ee Suuqa Weyn, gaar ahaan dhanka xaafadda Aargada, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in askariga oo marayey waddada dhinaceeda ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen rag ku hubeysnaa bistoolado, waxaana ay rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, taas oo sababtay in isla goobta uu ku geeriyoodo marxuumka.

Sidoo kale waxaa meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo meydka ka qaaday halkaasi, kadibna sameeyey baaritaano kooban.

Xaaladda goobta uu dilku ka dhacay ayaa weli kacsan, waxaana laga maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada ammaanka, iyadoo muddo kooban uu hakad galay dhaq-dhaqaaqa.

Maamulka degmada Wadajir iyo saraakiisha ammaanka dowladda Soomaaliya weli kama hadlin dilka qorsheysan ee loo geystay askarigaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho oo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ay ka socdaan ka dhacayey falal ammaan darri, sida dilal & qaraxyo.

Ciidamadii Ahlu-Sunna oo mar kale soo rogaal celiyey lana wareegay magaalo

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Shalay ciidamadii hore ee Ahlu Sunna Waljamaaca ee la qareemeyey ay la wareegeen guud ahaan gacan ku heynta degmada Matabaan ee gobolkaasi oo dhacay bartamaha Somalia.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka, kana tirsan haatan qeybta 21-aad ee Xoogga dalka ayaa isku fidiyey magaalada, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay qabsadeen baraha koontaroollada ee laga soo galo Matabaan iyo saldhigga Booliska magaaladaasi oo muddooyinkii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen ciidamada milatariga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintaasi, balse wararka qaar ayaa tibaaxaya in ciidamadii hore ee Ahlu Sunna Waljamaaca ee la qarameeyay ay isku dhaceen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha dowladda iyo maamulka magaalada oo ku aadan shaqaaqadaasi.Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in iska hor imaad uu ka dhaco degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Odowaa: "Madaxweynahu hal maalin ma tanaasulin”

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), ahna haatan xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa ka falceliyey khudbadii Dorraad madaxweyynaha ee baarlamaanka.

Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Soomaal iya, mudane Maxamed Cabdullahi Farmaaho uusan hal maalin sameyn wax tanaasul ah, gaar ahaan kiisasii ay la kulantay dowladdiisa muddada 4 sano ah ee ay jirtay, isaga oo tusaale u soo qaatay, dhiibistii Qalbi-Dhagax, ridistii Jawaari, arrinka Gedo & ridistiisii Ra’iisul wasaare Khayre.

Sidoo kale Odowaa ayaa nasiib darro ku tilmaamay in madaxweynuhu xilligan ku faano tanaasul ayaan sameeyey, isaga oo tilmaamay inay tahay arrin marin habaabin ah.

"Madaxweynuhu wax kale oo kasta haba sheegtee waan tanaasulay inuu Ummadda u sheego waa ayaan darro iyo marin habaabin cusub,”. ayuu yiri xildhibaan Odowaa.

Halkan hoose ka aqriso:-Farmaajo iyo Tanaasul: Mashriq iyo Magrib

Dorraad waxaan ku maqanaa meel aan anteeno fiican lahayn.

Waxaan Shalayy dhagaysatay khudbada Madaxweynaha saacaduhu ka harsanyihiin muddo xileedkiisa uu baarlamaanka shaley ka jeediyay

Waxaan la yaabay inta badan madaxweynaha fasaaxad la’aan waa lagu ogaaye laakiin inuu yiraa tanaasul baan sameeyay.

Xukunka madaxweyne Farmaajo iyo tanaasul meel islamaba galaan.

Afar sano oo caga jugleyn, dhago adeyg iyo aamusnaan u badan ayuu muddo xileedkiisii ku dhamaaday.

Hal maalin madaxweynuhu ma tanaasulin, laga bilaabo

– Dhiibistii Qalbi-dhagax

– Ridistii Jawaari

– Boobkii doorashada maamulada dowlad gobleedayada

– Arinka Gedo

– Ridistiisii Raiisul Wasaarishii

– Arimaha la xariira doorashada

Doorashada dhan ee Soomaliya waxa ay u taagantahay madaxweynaha oo diidan inuu mamaulka Jubalanad u madax baneeyo maamulka Gedo.

Madaxweynuhu wax kale oo kasta haba sheegtee waan tanaasulay inuu ummadda u sheego waa ayaan darro iyo marin habaabin cusub.

Q/Midoobay oo ku cadaadisay dowladda Soo maaliya inay mamnuucdo gudniinka Firco oniga ah

Qaramada Midoobay ayaa mar kale ku celisay codsigeeda ah in dowladda Soomaaliya ay soo saarto sharci lagu joojinayo ku dhaqanka gudniinka fircooniga ah ee dumarka waxyeeleeya."Gudniinka Fircooniga ah waa dhaqan waxyeello leh oo cabsi geliya gabdhaha iyo haweenka khatarna geliya caafimaadkooda noloshooda iyadoo laga duudsiinayo xuquuqdooda loona diidayo fursad ay ku gaaraan awooddooda buuxda," ayuu yiri Anders Thomsen, oo ah wakiilka hay’adda Qaramada Midoobay (UNFPA) ee Soomaaliya.

Bayaan ku saabsan Maalinta Caalamiga ah ee Dulqaad la'aanta Gudniinka Fircooniga ayaa dowladda Soomaaliya loogu baaqay inay meel mariso sharciga FGM iyo Hindise Sharciyeedka Xadgudubyada Jinsiga una ilaaliso xuquuqda ay leeyihiin gabdhaha iyo haweenka.

Sida lagu sheegay sahankii ugu dambeeyay ee Caafimaadka iyo Dadka, 99% haweenka da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 49 jir ayaa lagula kacay dhaqanka gudniinka fircooniga.

Hadafkeena koowaad ee waqtigan waa inaan la kulanno waalidiinta Soomaaliyeed oo aan u sheegno halista iyo dhibaatooyinka caafimaad ee gudniinka fircooniga ah, iyo sida dhabta ah ee ay khatar ugu tahay gabdhahooda, ”ayuu Hussein Mohamed, oo ah aasaasaha ururka Stop FGM Somalia, u sheegay Anadolu Agency.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda siyaas adeed ee dalka kadib markii Farmaajo uu waqtigu ka dhacay

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waqtiga uu ka dhacay, mana cadda sharciyadda uu hadda ugu sii fadhiyo kursiga, kadib markii uu dhameystay afartiisa sano oo ku ekeyd 11:59 PM, February 7, 2021.

Farmaajo ayaa waqtigu ka dhamaaday ayada oo aanay kala caddeyn sida xaaladda siyaasadeed ee dalka ay ku dambeyn doonto kadib markii lagu heshiin waayey doorasho lagu soo doorto madaxweynihii isaga beddeli lahaa.

Markii waqtigu uu ka dhacay Farmaajo waxaa magaalada Muqdisho qeyb ka mid ah ka dhacay rasaas xooggan oo illaa hadda qaarkeed la maqlayo, waxaana ridaya ciidan taageersan inuu xilka ka dhamaaday.

QORSHAHA MUCAARADKA

Musharaxiinta mucaaradka ayaa waqtigu Farmaajo ku dhacay, ayaga oo aan wax qorshe ah u diyaarsaneyn oo ku aadan sida ay xaaladda dalka ku wajahayaan. Hase yeeshee taas beddelkeed waxay saacadihii ugu dambeeyey ee 7-dii Febraayo ku bixiyeen inay iska daba ordaan ayaga oo raadinaya tallaabo kursiga looga kiciyo marka uu waqtigu ka dhamaado Farmaajo, sida ay xubno ka tirsan u sheegeen Caasimada Online.

Musharaxiinta mucaaradka iyo xildhibaanada raacsan ayaa galabkii Axadda illaa fiidkii hore ee Axadda yeeshay kulamo kala duwan, waxayna isku raaceen in xalka noqdo in lala hadlo guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, si uu talada dalka isaga ula wareego.

Waxay kadib soo saareen qoraal ay ku sheegeen inaysan Farmaajo u aqoonsaneyn madaxweyne laga billaabo 8-da Febraayo 2021.

GO’AANKA MURSAL

Markii musharaxiinta ay la kulmeen Mursal wuxuu muujiyey inuu diyaar u yahay inuu madaxweyne ku meel gaar ah noqdo, balse wuxuu si cad u sheegay inuusan sameyn karin inuu meel soo istaago oo uu ku dhowaaqo inuu madaxweyne yahay.

Sida ay Caasimada Online xogta ku heshay, Mursal ayaa doonaya inuu helo taageero xooggan si uu sidaas u sameeyo. Taageerada uu raadinayo waxaa ka mid ah in madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle ay ku ra’yi noqdaan kuwa Puntland iyo Jubaland iyo mucaaradka, ama ugu yaraan midkood uu raaco, si uu u dhiirado.

Hase yeeshee, xaqiiqda jirta ayaa ah in mucaaradka aysan labadaasba madaxweyne gacanta ku hayn, inkasta oo rajo ay ka leeyihiin kan HirShabeelle Cali Guudlaawe.

Arrinta kale ee Mursal dhiiri-gelin karta ayaa ah haddii uu maanta oo Isniin ah Muqdisho laga dareemo awood shacab oo Farmaajo looga soo horjeedo. Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa dhankoodana la sheegay inay ku kalsoon yihiin in Mursal uusan qaadi doonin tallaabo ka dhan ah.

BEESHA CAALAMKA

Beesha caalamka waxaa lagu warramay inay kala hadashay mucaaradka inaysan qaadin wax tallaabo ah oo xaalad dagaal gelin karta dalka, ayaga oo u sheegay inay soo saari doonaan qoraal ku aadan xaaladda dalka, kaasi oo la filayo maanta oo Isniin ah. Inkasta oo aysan caddeyn waxa uu yahay qoraalkaas, waxay u badan tahay inay shir deg deg isugu yeeraan dhinacyada isku haya Soomaaliya, shirkaasna uu ka dhaco Muqdisho.

Xog kale oo aan helnay ayaa sheegeysa in beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka ay u sheegeen Mursal inuusan qaadin wax tallaabo ah oo uu ugu dhowaaqayo inuu talada dalka la wareegay.

Dhanka kale, waxaa xalay sidoo kale qadka internetka ee Zoom-ka ku wadahadlay wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Puntland iyo Jubaland oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb. Kulanka ayaa waxaa ka maqnaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo dib ugu laabtaymagaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Xog ay Caasimada Online ka heshay shirka dhex maray wakiillada Beesha Caalamka iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegaysa in laga hadlay arrimaha siyaasadda dalka oo hadda mareysa meel xasaasi ah. Si gaar ah waxaa kulankaas diiradda loogu saaray marxaladda uu dalku geli karo wixii ka dambeeya 8-da Febraayo, marka uu dhamaado muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa inuu socdo qorshe maalmaha soo socda magaalada Muqdisho la isugu keenayo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in xaaladdu sii kala cadaato, ha ka fogaan Caasimada Online wixii soo kordha.

Taliyihii NISA ee magaalada Dhuusama reeb iyo 12 askari oo ilaaladiisa ahaa oo la dilay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in duleedka magaaladaas qarax lagu dilay Taliyaha ciidanka Nabad-Sugida magaalada Dhuusamareeb, Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiiqdoon.

Qaraxa oo ahaa nooca loo yaqaano Miinada ayaa waxa uu haleelay Gaari ay saarnaayeen Taliyaha iyo ilaaladiisa, xili ay marayeen meel u dhow deegaanka Ceel Dheere oo 30-KM u jirta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo ayaa sheegaya in ilaa 12 askari oo ka tirsanaa ciidamada dalka ay ku dhinteen qaraxaas, oo jugtiisa laga maqlay deegaano ka tirsan gobolak Galgaduud.

Gaariga ay la socdeen ciidanka ayaa qaraxu uu ku haleelay duleedka Dhuusamareeb xilli ay ku jireen hawlgallo lagu xaqiiinayey amniga inta u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo degaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud

Waxaa lagu soo waramayaa inuu xiligan socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana xoog u kacsan xaalada deegaanka Ceel Dheere.

Xarakada Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sida ay tebiyaan warbaahinta taageerta maleeshiyadaas.

Xoghayihii Hore Arrimaha Dibbada Maraykanka George Shultz oo geeriyooday

Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka George Shultz oo si weyn u qaabeeyey siyaasaddii arrimaha dibadda dhammaadkii Qarnigii 20-aad, ayaa dhintey isagoo da’diisa ay ahayd 100 sano jir.

Schultz ayaa Sabtidii ku dhintay gurigiisa oo ku yaal Stanford, California, sida uu sheegay Machadka Hoover.

Wuxuu xilal kala duwan ka qabtay xukuumadahii saddex Madaxweyne oo Jamhuuriya – Dwight Eisenhower, Richard Nixon iyo Ronald Reagan

1980-meeyadii Xilligii Mr Reagan, Mr Schultz wuxuu in badan isku dayay inuu hagaajiyo xiriirka dalkiisa la lahaa Midowgii Soofiyeet.

Xarunta daraasadka Hoover Institution, oo Mr Schultz uu si sharaf leh fikradihiisa ku soo bandhigi jiray ayaa sheegtay in ninkan dowliga ah uu kaalin weyn ka qaatay "bedelida jihada taariikhda isagoo adeegsaday diblomaasiyad si loo soo afjaro Dagaalkii Qaboobaa”.

Agaasimaha Mac’hadka Hoover Condoleezza Rice – oo iyadu ahayd xoghayihii hore ee arrimaha dibadda – waxay tiri: "Saaxiibkeen wuxuu ahaa nin weyn oo Mareykan ah oo waddani dhab ah marka dhinac walba laga eego.”

”Taariikhda ayaa lagu xasuusan doonaa inuu yahay nin adduunka ka dhigay meel wanaagsan” , ayay tiri Condeleeza Rice.

Wuxuu ku dhashay magaalada New York sanadkii 1920, Mr Shultz wuxuu bartay cilmiga dhaqaalaha ka hor inta uusan ka mid noqon ciidamada Marines-ka Mareykanka intii lagu guda iray Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Sannadihii 1950-meeyadii wuxuu qabtay jagooyin sare oo tacliimeed wuxuuna ka soo shaqeeyey maamulkii Eisenhower isagoo ahaa la taliye dhaqaale. Markii ay Jamhuurigu Aqalka Cad kula soo noqdeen Richard Nixon 1969, Mr Shultz waxaa loo magacaabay Wasaarada Shaqaalaha.

Markii dambena wuxuu noqday Wasiirka Maaliyadda Mr Nixon iyo ninka hoggaaminaya Golaha Siyaasadda Dhaqaalaha ee Maraykanka.

Sanadkii 1982, Ronald Reagan wuxuu Mr Shultz ka dhigay xoghayaha arrimaha dibadda. Aqalka Cad ee Reagan, waxaa uu waagaas caan ku ahaa is-qab-qabsiga, Mr Shultz wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu muranka yar, wuxuuna marwalba isku dayay in uu kobciyo xiriirka xulafada dalkiisa iyo kuwa cadawga ku ah Maraykanka.

Qeybtii labaad ee 1980-yadii, Mr Shultz wuxuu ka sahqeeyay sidii hoggaamiyihii-Soviet-ka ee xilligaas Mikhail Gorbachev isku dayo inuu dajiyo xiisadaha Dagaalkii Qaboobaa.

Markii la gaaray 1987 Mr Reagan iyo Mr Gorbachev waxay kala saxeexdeen heshiis taariikhi ah oo lagu xakamaynayo hubka. Dhowr sano ka dib, Midowgii Soofiyeeti wuu burburay.

Midowga Musharaxiinta oo go’aan 6 qodob ah kasoo saaray dhammaadka muddo xileedka Farmaajo

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa qoraal kasoo saaray dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna shaaciyeen in laga billaabo 8 Ferbaayo 2021 aysan u aqoonsaneyn Maxamad C/llaahi Maxamad Farmaajo inuu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

CADDAYN DHAMMAADKA MUDDO XILEEDKA MADAXWEYNAHA 9AAD IYO BUUXINTA FIRAAQA DASTUURIGA AH EE XILKA MADAXWEYNENIMO.

Maanta oo taariikhdu tahay 8-da Febaraayo 2021 waxaa ku eg muddo xileedkii Madaxweynaha 9aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Maxamad Farmaajo.

Haddaba Golaha Midowga Murashaxiinta;

Markii uu arkay Qodobadda 91aad iyo 96aad ee Dastuurka KMG ah in muddada xilhaynta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaa-liya ay tahay afar (4) sano oo ka billaabata maalinta xilka loo dhaariyo.

Markii uu arkay in Madaxweynuhu ku fashilmay in uu dalka ka hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku dhacda si waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka Qaranka.

Markii uu arkay in Madaxweynuhu ku fashilmay hirgelinta heshiiskii doorasho ee 17 kii Sebtembar 2020, isla markaasna caqabad ku noqday xal-u-helista tabashooyinka ku gadaaman dhaqangelinta heshiiska.

Markii uu arkay in ay lama huraan tahay in dalka laga badbaadiyo firaaq dastuuri ah sida ku cad Qod. 95aad (1) ee dastuurka KMG ah, kaas oo qeexaya bannaanaanta Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, iyo sii haynta xilkiisa ilaa inta laga soo dooranayo Madaxweyne cusub.

Haddaba, Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu ku caddeynayaa mowqifkiisa ku aaddan dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha 9aad iyo buuxinta firaaqa dastuuriga ah ee xilka madaxweynenimo qodobbada soo socda:

1- Laga billaabo 8 Ferbaayo 2021 Golaha Midowga Murashaxiinta uma aqoonsana Maxamad C/llaahi Maxamad Farmaajo in uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

2- Goluhu wuxuu ka soo horjeedaa muddo kororsi, caburin, gacan ka hadal, iyo dib u dhac kusii yimaada doorashada.

3- Goluhu wuxuu soo jeedinayaa in la dhiso Gole Qaran oo ku meel gaar ah ( Tansinational National Council) oo ay xubno ka yihiin guddoomiyayaasha labada aqal ee Baarlamaanka, Madaxweynayaasha dawlad Goboleedyada, wakiilo ka socda Golaha Midowga Murashaxiinta iyo bulshada rayadka ah

a) Golaha Qaran wuxuu iska dhex dooranayaa guddoomiye xilkiisu meerta yahay.

b) Waa in guddoomiyaha Golaha Qaranka uu shir isugu yeero madaxda dawlad Goboleedyada, Guddoomiyayaasha labada Aqalka, wakiillo ka socda Golaha Midowga Murashaxiinta iyo Bulshada Rayadka ah si loo dhamaystiro hirgelinta heshiiskii 17 ka Sebtembar. c) In si degdeg ah oo aan dib u dhac lahayn loo soo saaro jadwal doorasho oo la meelmariyo muddo cayiman oo la isla oggol yahay.

4- Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in uu Dastuurka iyo sharciga dalka u hoggaansamo, si uusan u lumin xuquuqda uu leeyahay madaxweyne hore, taasoo shardiga ku xiran uu yahay in uu xilka si nabad ah ku wareejiyo.

5- Goluhu wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha dawladda, gaar ahaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka in ay sharciga u hoggaansamaan, wuxuuna Goluhu uga digayaa in ay ka sii amar qaataan shakhsiyaad muddo xileedkoodii Dastuuriga ahaa dhammaaday. Hay’aduhu waa in ay daacad u noqdaan nidaamka Dastuuriga, dawlad wanaagga iyo danta guud ee qaranka.

6- Goluhu wuxuu ugu baaqayaa saamilayda siyaasadeed ee dalka, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in ay taageeraan go’aanka Golaha si ay u fududaato horgelinta heshiiska doorashada, dalkana u helo xasillooni iyo xilli kala guur oo nabad ah.

Masar oo go’aan ka gaartay safiirkii ay dirtay Soomaaliya

Dowladda Masar ayaa go’aan soo jiitamay ku aqbashay Safiirka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya u magacowday dalkaaas, oo sidoo kalena ah Wakiilka Soomaaliya ee dalalka Jaamacada Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar.

Safiirkan ayaa kamid ahaa 12-xubnood oo dhawaan la horgeeyay xukuumadda, isla markaana dib loo soo celiyay, waxaana loogu magacaabay Masar, in uu wanaajiyo xiriirka labada dal, kadib markii xiisad siyaasadeed xoogan ay muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd.

Danjire Ilyaas ayaa Shalay si rasmi ah looga gudoomay waraaqaha Safiirnimo, taasi oo ka dhigeysa in xukuumadda Qaahira ay diyaar u tahay inay dib usoo nooleyso xiriirkii wanaagsana ee dowladda Soomaaliya, kaasi oo uu mad-madow badan soo galay tan iyo markii hogaanka dowladda uu dhinaca saaray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Soomaaliya ayaa dhowr jeer qaaday tallaabooyin ay Itoobiya uga hiilineyso Masar, midaasi oo keentay inuu xumaado xiriirka labada dal, balse hadda waxa muuqda dadaal ay dowladda ku rabto inay dib usoo celiso xiriirkii heerka sarre ahaa ee xukuumadda Qaahira.

Arritan ayaa imaneysa xili ay labada dhinac isku dayayaan soo celinta xiriirkaas, iyada oo ay xusid mudan tahay in horaantii bishan ay dowladda Masar dib u soo celisay dugsigii 15-May, kaasi oo muddo sanad ah waxbarashadiisu hakad u gashay xiriirka sii xumaanayey ee labada dal.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya oo muddo xileedkeedu ka harsan yahay saacado kooban ayaa muddooyinkii dambe isku dayeysay inay hagaajiso xiriiro badan oo ay u lumisay shaqsiyaad ay saaxiib dhow la yihiin hogaanka dalka, halka ay cadaawad cusub ka abuuratay qaar kamid ah dalalka deriska.

Dowladda Mareykanka oo soo dhaweeysay xukun lagu riday dad ka ganacsada Haramcadka

Qoraal ay soo saartay, Waaxda Arimaha Dibada ee Mareykanka, ayaa lagu bogaadiyay xukun ay maxkamada Hargeysa ku riday 4 kamid ah ganacsatada ka ganacsata Haramcadka ee Somaliland.

Qoraalka hambalyada ah ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku, ay u sacaba tumayso xukunka ay maxkamada Hargaysa dhawaan ku riday 4 kamida ganacsatada ka ganacsata Haramcadka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in arintani ay gundhig muhiima u tahay la dagaalanka dhoofinta Haramcadka ee Soomaaliya, kaasi oo si sharci daro ah looga dhoofiya Geeska Africa, loona iib geeyo wadamada Bariga dhexe, qoraalka ayaa lagu yidhi waa in la ilaaliya noocyada xayawanka ee nugul.

Dhinaca kale Wasaarada Deegaanka ee Somaliland, ayaa iyaduna dhinaceeda jawaab celin ka sameysay warbixinta dowladda Mareykanka.

Qoraalka wasaarada ayaa lagu yidhi waanu bogaadinaynaa aqoonsiga aad aqoonsateen shaqada wanaagsan ee Somaliland laga qabtay laakin, Hargeyso maaha meel kamida Soomaaliya sida aad qoraalkiina ku xusteen ee waa caasimada Somaliland.

Xiisadda Itoobiya iyo Sudan ee Wabiga Niil oo sii koradhay

Waxaa sii xoogeynaya muranka ka dhax aloosan labada dowladdood ee Sudan iyo Itoobiya kaasoo salka ku haya Biyo Xireenka Wabiga Niil oo muddo dheerba soo jiitamayay.Wasiirka Kheyraadka Biyaha ee Sudan Yasser Abbas ayaa sheegay in tallaabo kasta oo Ethiopia ay kaligeed u qaaddo inay ku buuxiso mashruuce eda biya xireenka koronta ee bisha Jully inuu si toos halis ugu yahay ammaanka qaranka ee Sudan.

Isaga oo la hadlayay Wakaallada wararka Reuters u sheegay, in Sudan ay soo jeedinayso in door dhexdhaadin ah ay ku yeeshaan dalalka Mareykanka, ururrada midwoga Yurub iyo modwga Africa, si meesha looga saaro ismari waaga wadaxaajoodka ee la xiriira biya xireenka, ee dheexay dalalka Sudan Masar iyo Ethiopia.

Itoobiya ayaa dhinaceeda sheegtay in mashruuca biyo xireenka uu muhiim u yahay horumarka dhaqaalahooda.

Laakiin haddana marka dhinaca kale la eego labada dowladdood Sudan iyo Masar ayaa wadahadallo ilaa iyo hadda aan wax natiijo ah laga gaarin la wadday dowladda Itoobiya tan iyo wixii ka danbeeyay sanadkii 2011ka oo la bilaabay dhismaha biyo xireenka.

Biyo dhiig u eg oo qabsaday dariiqyada tuulo ku taal Induniisiya

Dariiqyada tuulo ku taal dalka Induniisiya ayaa waxaa buux dhaafiyay biyo guduud ah kaddib markii daadad xooggan ay ku dhufteen warshad dharka lagu nakhshadeeyo oo ku taal deegaankaasi.

Biyo leh midab casaan ah ayaa Dorraad oo sabti ahayd ku qulqulay waddada Jenggot ee bartamaha jasiiradda Java.

Deegaankaasi oo ku yaal koonfurta magaalada Pekalongan, ayaa caan ku ah naqshadeynta dharka lagu aslo ama riinjiyeeyo midabbo kala duwan, iyadoo la adeegsanayo farsamo dhaqameed soo jireen ah oo halkaa laga yirahdo Batik.

Kumannaan qof oo ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa wadaagayay sawirro muujinaya biyo guduud ah oo qarqiyay tuuladaasi. Mas'uul ka shaqeeya arrimaha gargaarka ee deegaankaasi ayaa xaqiijiyay in sawirradaasi ay ka turjumayaan xaqiiqada dhabta ah ee halkaasi ka jirto.

"Biyaha guduudka ahi ee ku fatahay tuuladaasi waxay ahaayeen asalka ama rinjiga lagu xardho dharka ee batik oo daad uu ku dhuftay," ayuu yiri, Dimas Arga Yudha, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. Guduudkaasi ayaa xoogaa kaddib baaba'i doono markuu ku da'o roob xooggan. "

Wabiyada ku yaal Pekalongan ayaa marar hore la arkay iyaga oo wado biyo midabbo leh sababtuna waxaa lagu sheegay rinjiga dharka lagu xardho ama aslo oo marka ay roobabku da'aan ku milmo daadadka, waxaana sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuter, bishii la soo dhaafay la arkay biyo cagaaran oo ku fatahay tuulo kale.

Dalka Indonesia ayaa waxaa marar badan ku dhuftay fatahaado xooggan, waxaana horrantii sanadkan magaalada caasimadda ahi ee Jakarta ku dhintay 43 qof kaddib markii ay duufaan ku dhufatay.

Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qaaday tallaabooyin dhawr ah oo looga hortagayo roobabka lixaadka leh ee ka da'o dalkaasi, waxaana ka mid ah in diyaarado ay kiimiko ku daraan daruuraha ka inta uusan roobku soo di'in- iyagoo isku dayaya in ay ka hortagaan roobab xooggan maadaama sanadkii 2013 dalkaasi uu wajahay fatahaadihii ugu ba'naa taariikhda inta la ogyahay.

Carruurta Hong Kong oo la barayo sidii ay daacad ugu noqon lahaayeen Shiinaha

Carruurta yar yar ee da'doodu tahay ilaa lix sano ayay tahay in ay bartaan dambiyada, sida uu dhigayo sharciga amniga qaranka ee Hong Kong.

Iskoollada ayaa laga doonayaa in ay la socdaan dhaqamada carruurta isla markaana ay soo sheegaan wax kastaa oo taageero u noqon karayo kooxaha u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda. Arrintan ayaa qeyb ka ah sharciyada cusub ee waxbarashada Hong Kong.Sharciga amniga qaranka ayaa la soo rogay bishii Juun ee saandkii la soo dhaafay, waxaana xukuumadda Beijing ay ku doodeysaa in loo baahan yahay sharcigaasi in wax looga qabto qalalaasaha ka dhashay dibadbaxyada dimuqraadiyadda loogu ololeynayo ee muddada ka soconayay magaaladaasi.

Kumannaan carruur ah ayaa qeyb ka noqday dibadbaxyadaasi dimuquraadiyad doonak ahi.

Xafiiska waxbarashada ee Hong Kong ayaa Khamiistii dhaweyd gelinkii dambe waxa uu soo saaray sharcigan oo ay la socdaan muuqaallo ardayda u sharxaya waxa uu yahay sharciga amniga qaranka.

Sharcigu wuxuu dambi ka dhigayaa goosashada dhuleed, qaran-dumisnimo iyo iskaashi lala yeesho xoogag shisheeye, iyadoo qofka dambigaasi lagu helo uu muteysanayo xabsi daa'in.

Muuqaalka ayaa waxaa ku jira guumays iyo laba arday oo sharxaya in sharciga amniga qaranka loo soo saaray "danta Hong Kong ee dhanka horumarka joogtada ah iyo barwaaqada muddada fog ah awgeed".

"Dhammaanteen waan ognahay in Hong Kong ay tahay qayb lama taabtaan ah oo ka mid ah dalkeena," ayaa lagu yiri farriin ku jirtay muuqaalkaasi.

Ardayda dugsiyada hoose ayay sidoo kale tahay in la baro heesta calanka iyo sida ixtiraamo iyo sida ciidanka xoreynta dadka uu u ilaaliyo Hong Kong. Ardayda da'da weyn ayay tahay in ay bartaan xadka lagama gudbaanka ah ee xuquuqda iyo xorriyadaha Hong Kong.

Sharcigan ayaa sidoo kale lagu lifaaqi doonaa maadooyinka kale ee sida juquraafiga iyo bayoolajiga.

Maamulka dugsiyada ayaa laga doonayaa in ardayda iyo macallimiinta ay ka joojiyaan heesaha gaarka ak ah - taas oo micnaheedu yahay in laga hortago in carruurtu ay ku heesaan ereyada hal-ku-dhigga u ah kooxaha u ololeeya dimuquraadiaydda Hong Kong.

Dhammaan buugaagta khatarta ku ah amniga qaranka ayay tahay in laga saaro maktabadaha dugsiyada.

Sharcigaasi cusub ayaa waxaa dhaliilay Tin Fong-Chak, oo ah guddoomiye ku xigeenka ururka midowga macallimiinta Hong Kong.

Mr Tin ayaa wargayska Financial Times u sheegay in sharcigani uu yahay mid aan aad looga fiirsan.

"Dowlada kuma kalsoona iskoollada. Sharcigani wuxuu dhaawacayaa xiriirka macallimiinta iyo ardayda," ayuu yiri.

Sharciga amniga qaran ee Hong Kong

Hong Kong ayaa lahayd ismaamul gooni u ah tan iyo markii maamulkeedu uu Ingiriiska ku wareejiyay xukuumadda Shiinaha sanadkii 1997, waxaana dadka magaaladaasi ay haysteen xorriyadda hadalka oo gaarsiisan heer aad ugas arreeyo kan ka jira dal weynaha Shiinaha.Haseyeeshee, sharcigani cusub ayaa waxaa ku jira qodobbo dambi ka dhigaya gooni-u-goosadka, qaran dumisnimada, argagixisonimada iyo la shaqeynta ciidamo shisheeye, waxaana qofkii dambigaasi lagu helo uu muteysanayaa xabsi daa'in.

Sharcigan ayaa sahlaya in la ciqaabo dadka dhigaya muddaaharaadyada, waxa uuna sidoo kale dhimayaa awoodda is-maamulka Hong Kong.

Sharcigan ayaa sidoo kale awood u siinaya Beijing inay u qaabeeyso nolosha magaaladaasi.

Waxaase dadka dhaliilaya sharcigan ay sheegayaan in uu baabi'inayo xorriyadda hadalka isla markaana uu cabburinayo dibadbaxayaasha.

Dowladda Shiinaha ayaa ku doodeysa in sharcigani cusub uu dib soo celinayo

xasilloonida Hong Kong kaddib muddo sanad ah oo ay rabshado ka dhacayeen halkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip