Somalidu hadda, waxay raadinayaan Madaxweyne aan Qabiil aaminsaneyn=Nasashada Jimcaha.Q-236=

0
Friday January 22, 2021 - 22:21:45 in Wararka by
  • Visits: 2740
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalidu hadda, waxay raadinayaan Madaxweyne aan Qabiil aaminsaneyn=Nasashada Jimcaha.Q-236=

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

1. Nin weligii daawan jiray Kubbadda Cagta ee Wiilasha ayaa markii ugu horeeysay isaga oo Daawanayo Ciyaarta Kubbadda kolayga ee Gabdhaha ayaa lagu yiri : Ciyaartii Labada kooxood waa dhamaatay ee maxaad sugee, soo bax. waxa uu yiri: waxaan sugaa inta ey Funaanadaha is dhaafsanayaan 



Gabdhuhu. Shaxaaaaa…( F.S: 1& 2aad).

(Musharax ayaa lagu yiri: Doorashadii Madaxweynuhu waa dhamaatay ee maxaad sugee, waxa uu yiri: waxaan sugaa, inta laga dhaarinayo Madaxweynaha cudub, si wasiir la iigu magacaabo. Markii horeba Madaxweynenimo ma rabin ee Wasiirnimuu rabay ama waxa uu ahaa Minxiis Siyaasadeed. Maxaa jab ku dhacay Taagerayaashiisii !! ).

2. Gurigaga markii aad ku soo noqotay ayaad la kulantay Aabahaa oo Nin Adiga kaa xoog yar uu si xun u garaacayo. Ninku waxa uu wataa Ul, Adiga ayaana ka xoog badan Ninka Aabahaa garaacayo, weliba Adiguna waxaad wadataa Ul iyo Midi. Maxaad Sameeyn leheyd?. ma Ushaad ku bilaabi leheeyd Ninka Aabahaa hortaada ku jirdilayo, ma Midida, mise Adna waad iska carari leheyd? ( F.S: 3aad)

Jooji Akhriska, Marka hore, Jawaabta na sii. Ma heshay? noo sheeg?

( Maxaad sameysay? Ninka Aabahaa garaacayo waxaa laga yaabaa inuu yahay Aabahaa Aabihiis. Abkoowgaa maxaad ku sameysay? weligaa ha fududaan)

3. weeydii Naag inay kuu tilmaanto, sifooyinka Ninka ey dooneyso in ey Guursato, isku geey dhamaan sifooyinka ey kuu sheegtay, waxaad ogaanee in ey raadinee Nin aan Aduunkaba joogin. ( F.S: 4)

(Somalidu hadda, waxay raadinayaan Madaxweyne aan Qabiil aaminsaneyn)

4. Xalimo ayaa Saaxiibkeed ku tiri: Faaraxoow, Aniga Aabaheey ayaa igu yiri: 10 daqiiqo oo Raaxo Luq luuq ah, ayaa ku filan in ey baabiso Mustaqbalkaaga oo dhan. Faarax ayaa ku yiri: Aabahaa waa runtii, 10 Daqiiqo waa khatar, waxaan ka dhigeynaa Raaxadda 5 Daqiiqo oo kaliya. Xaliimo ayaa tiri: Ok. ….yac.

(Siyaasi Somali ah oo Dibadda Heshiis kula saxiixanayay Shirkado Shidaal ayaa yiri:
Dowladeydu waxa ey igu tiri: Labada Warqadood ee Adiga iyo Shirkaddu aad kala saxiixaneeysiin waa khatar. waxaa Shirkaddii ku tiri: Hal warqad ayaan labadeenuba wada saxiixeeynaa. waxa uu yiri: OK. yac. Tirada warqadaha ha fiirin ee waxa aad saxiixee iska fiiri Siyaasiyoow ).( F.S: 5aad)

5. waxaa jiro, Dad Ookiyaalaha "Muraayada Aragga” isticmaalo mar kasta, laakin Habeenka Jimcaha iyo waqtiga Baashaalka Sariirta iska bixiyo Ookiyaalaha, taa macnaheedu ma waxaa waaye, in wixii Qaawan oo kaliya ey arkaan?. ( F.S: 6aad)
( waxaa jiro Masuuliyiin……………………..)

6. Walaasheey, Haddii Saaxiibkaa uu Hadiyad kuugu keeno, Kastuumo iyo Rajabeeto ” Candha celis” wax hubso yaan lagu gaadin, Dan kale ayuu leeyahay, waxa uu Rabaa in uu ku yiraa: Ma labisatay ? Size kaaga miyaa? i tus ,sida uu kugu yahay ?. walaahi qiyaaskeeygu ma xumo, waxaan keenay cabirkaaga oo sax ah. yuuna ku shuufin Shaxaarigu.

( Walaalkeey, Adiguna Haweenka Da’dooda ha weydiin, ma taqaan sida Da’da Haweenka lagu ogaado:

Haadii ey jecashay oo macaamil ey la leedahay, Dukaamanka Modelka cusub ee Dharka lagu gado. Da,deedu kama weyno 30 jir. ( F.S: 7aad)

Haddii Macaamilkeedu yahay Dukaanka lagu gado, waxyaabaha la isku qurxiyo, Da’da lagu yareeyo ama la isku cadeeyo, Da’deedo 40 jir kama yaro. ( F.S: 8aad)

Haddii Macaamilkeedu u badan yahay Farmashiyaha da’deedu 50 jir kama yaro). ( F.S: 9aad)

Qore:- Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip