Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo abaabul dagaal ka bilaabay Shabeellaha Hoose

0
Wednesday January 13, 2021 - 22:28:34 in Wararka by
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo abaabul dagaal ka bilaabay Shabeellaha Hoose

    Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil ciidan oo la socota ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay. Taliye Odawaa oo safar dhinaca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil ciidan oo la socota ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay. Taliye Odawaa oo safar dhinaca dhulka kusoo maray degaano ka tirsan gobolka Shabeellalaha, waxaana uu la kulmay saraakiisha Ciidamada dowladda ee ku sugan degmooyinka Gobolkaas. Sidoo kale taliye Odawaa ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidamada Guutada 14-ka Octoober ee ku sugan Magaalada Marka, isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah. Saraakiisha Ciidamada uu la kulmay taliyaha xoogga ayaa waxaa uu kala hadlay sidiii Ciidamada ay howlgallo kala duwan uga sameyn lahaayeen degaannada hoostaga Magaalada Marka oo qaarkood ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab. Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa la filayaa in uu booqdo xerooyin Ciidan oo ku yaal Shabeellaha Hoose, isaga oo saraakiisha Ciidamada kala hadli doona dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Degaano & degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Ciidamada dowladda ay ka wadaan howlgallo kala duwan, iyaga oo horay ula wareegay degaano ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip