HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 13-JANUARY-2021

0
Wednesday January 13, 2021 - 10:33:57 in Wararka by
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 13-JANUARY-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Rooble oo ka hor-yimid kala diristii Rugta Ganacsiga

   R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyey inuusan raali ka aheyn ka la dirista Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo horey wasiirka ganacsiga uu sheegay inuu kala diray.

Rooble oo Habeen hore xafiiskiisa kulan kula yeeshay warbaahinta mad axa bannaan,iyadoo agaasimaya asha warba ahinta ay su’aalo ka wey diiyeen xaal adda dalka, ayaa xubnihii halkaas jo ogay u sheegay in guddigaas aan la kala dirin, is lamarkaana ay saxayaan qala daadkii dhacay.

   "Rugta ganacsiga lama kala dirin waana saxe yna warqaddi kasoo baxday wasiirka,” ayuu yiri R/w. Rooble u sheegay weriyayaasha mar su’a alo laga weydiiyay talabadii laga qaaday gudiga.

    Agaasimayasha qaar ayaa sidoo kale weydiyey R/Wasaaraha arrimo kale oo ay ka mid yihiin doo rashada dalka ka dhaceysa iyo doorka saxaafad da, iyo arrimaha mucaaradka saluugsan xaalada ha doorashooyinka.

    Hadalka R/waaaraaha ayaa imanaya iyadoo dhawaan wasirkiisa Gabacsiga uu sheegay inuu kala diray Rugta Ganacsiga balse dadaalo socd ay ayaa la rumeysan yahay in la doonayo in arrr intaas looga laabto.

    Dhinaca kale Madaxweyne Farmaaja iyo R/ Wasaare Rooble ayaa kulamo la lahaa 7aadyadii lasoo dhaafay hoggaanka sare ee Rugta Ganacs iga, si loo xalliyo tabashooyin la xiriira arrintaasi.

Rugta Gabacsiga ayaa muddo xiriir dhaw la lah eyd dawladda, waxayna ay ka wada shaqeeyeen arrimaha canshuuraha deyn cafinta iyo kobaca dhaqaale ee dalka oo iminka maraya meel wanaa gsan.

Midowga Musharaxiinta oo beesha caalamka u gudbiyey hab cusub oo loo qaban karo doorashada

    Midowga Musharaxiinta madaxweynaha ayaa soo qoraal u diray beesha caalamka, kaasi oo tur jumaya xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo sida xal loogu heli karo is-mari waaga baahsan ee ka jira doorashada Soomaaliya.

    Midowga waxey warqadan ay beesha caalam ka u direen ku faah-faahiyeen qaabka ugu wana agsan ee doorashada loo qaban karo, waxaana ugu horreysa in doorashada lagu qabto kaliya hal magaalo si looga gudbo is qabqabsiga ka taagan qabashada Doorashada Soomaaliya ee 2021.

   Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu xusay in loo baahan yahay guddi do orasho oo dhammaan dhinac yada ay quseyso ay ku qanacsan yihiin iyadoo lagu sheegay qor aalka in goluhu uu diyaariyay xubnaha guddiga farsamo ee laga sa arayo guddiga.

     Sidoo kale M/Musharixiinta ayaa Beesha Caa lamka ka qalbaday in gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/hi loo daayo liiska xubnaha go bollada waqooyi, islamarkaana ay kulmaan gud doomiyaha iyo oday dhaqameedyada kasoo je eda Somaliland ayna soo xulaan guddiga farsam ada ee doorashada xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, laguna qabto doorashada 2da gole ee xildhibaanada Somaliland Xalane iyadoo am maankana ay sugayaan ciidamada AMISOM. Wa xey intaas raaciyeen iney hayaan liiska xubnaha ay doonayaan in laga saaro guddiga lagu murans an yahay oo ay dowladdu soo saartay, waxeyna arrimahaan imaanayaan xilli ay dowladda ku dha waaqday in doorashada la guda gali doono iya doo ay jiraan tabashooyin badan oo doorashada ku gadaaman.

     Ugu dambeynta M/Musharixiinta ayaa ku ba aqay in si looga hortago in doorashada waqtigee da ay dib uga dhacdo la qabto kulan ay isugu yi maadan Dowladda Dhexe, madaxda Maamul Goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda dalka.

Beesha Caalamka Oo War Cusub Kasoo Saar tay Khilaafka Ka Taagan Doorashada 2021

    Beesha Caalamka ayaa War cusub kasoo saa rtay khilaafka weli hor taagan qabsoomida doora shada dalka Soomaaliya ka dhaceysa bilowga sanadkaan 2021 ee heshiiska laga gaaray.

   Qoraal ay soo saareen Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu shee gay in heshiiskii 17 September uu yahay Aasaaska kaliya ee la aqbali karo in loo ma ro doorashooyinka 2021, isla markaana aanu jiri karin dib u furid lagu sameeyo heshiiskaas.

    Beesha Caalamka ayaa caddeysay in loo baa han yahay is faham ballaaran oo loo wada dhan yahay oo laga gaaro hirgelinta heshiiska doora shooyinka, si loo xaqiijiyo kalsooni lagu qabo gee ddi-socodkan.

   Sidoo kale Beesha Caal amka ayaa saamileyda siya asadeed ugu baaqday inay muujiyaan hoga an, iyadoo la tixgelinayo danta umadda iyo inay si dhakhso leh u xalliyaan muranka ka taagan qa bsoomida doorashada.

Hoos ka Akhriso Qoraalka doorashada ee kasoo baxay Beesha Caalamka.

     Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay aad uga walaacsan yihiin is-mari-waaga ka taag an hirgelinta hanaanka doorasho ee 17-kii Sebte mber ku heshiiyeen Madaxweyne Maxamed C/hi Farmaajo iyo madaxda D/G/yada Xubnaha ka ah DF ah. Waxaan ugu baaqaynaa saamilayda siyaa sadeed ee sare inay muujiyaan hogaan iyadoo la tixgelinayo danta umadda iyo inay si dhakhso leh u xalliyaan arrimaha ka taagan hirgelinta iyadoo loo marayo isu-tanaasul, si loosii guda galo geedi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo u dhaca  sida ugu dhakhsiyaha badan.

     Saaxiibadu waxay garwaaqsanyihiin in Heshiis ka 17kii Sebtember ay ansixiyeen DF ah, dham maan D/G/yada Xubnaha ka ah DF ah iyo 2da go le ee Baarlamaanka, waxaana sidoo kale soo dho weeyay musharaxiin badan oo u taagan xilka ma daxweyne. In kasta oo saaxiibada iyo dad badan oo Soomaaliyeed ay ka niyad jabeen in hanaan kan uu aad uga hooseeyo doorashooyinka "qof-&-cod” ah, ayaa haddana heshiiska 17kii Sebte mber wuxuu yahay aasaaska kaliya ee la aqbali karo in loo maro doorashooyinka 2021. Ma jiri ka ro dib-u-furid lagu sameeyo Heshiiska 17-kii Seb tember ama abuuritaanka hanaan kale ama mid barbar-socda.  Waxaa loo baahan yahay in is-fa ham ballaaran oo loo wada dhanyahay laga gaa ro hirgelinta [heshiiskaas] si loo xaqiijiyo kalsooni lagu qabo geeddi-socodkan. Tani waa in ay la ja an-qaaddo ballan-qaadyadii lagu heshiiyay ee shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya. Saaxiib adu waxay soo dhaweynayaan dadaallo dardar-gelin leh oo sida ugu dhakhsiyaha badan loogu xalliyo arrimaha taagan, looguna soo gabagabe eyo is-faham la gaaro maalmaha soo socda, si ay doorashadu u bilaabato dabayaaqada bi shan.

     Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan madaxda Soomaaliyeed inay ixtiraamaan oo ay si buuxda u hirgeliyaan qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ku yeelanayaan baarlamaanka, sidii ay ugu ball anqaadeen heshiiska 17kii Sebtember.

    Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku celi nayaan in hanjabaad kasta ama adeegsiga rabsh ado aan la aqbali karin. Waxay sidoo kale carrab ka ku adkeynayaan ahmiyadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed xor ah oo furan kaas oo musharaxiinta ay awoodaan inay si nabad ah ku soo bandhigaan aragtiyadooda isla markaana ay warbaahintu awood u leedahay inay ku shaqeyso xayiraad la’aan.

    Waa in la joogteeyo jawigii wadahadalka iyo isu-tanaasulka ku salaysnaa ee hor-seeday in la gaaro Heshiiska 17kii Sebtember si geedi-socod ka doorashada horay loogu sii amba qaado.

    Hawlgalka M/ Afrika ee Somaliya (AMISOM), Belgium,Canada,Denmark,Masar,Itoobiya,Midowga Yurub,Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleed ka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, D/ Maraykanka, ee Q/Midoobay.

Waddo Halbowle ah oo Dib Loo Furay

     Dowladda Soomaaliya ayaa Shalay dib u fur tay waddada hormarta xarunta dambi barista ee CID-da ee D/Hodan ee G/Banaadir, taas oo mud do u xirneyd xarunta oo ay u yaaleen koontaroollo iyo dhagxaan waa weyn Waddada an ayaa waxaa ay tahay mid halbo wle ah marka loo eego isku so cod ka dadka iyo gaadiidka, iyo halka ay kaga  taallo Maka Almukarama,  wa xaana xirnaa qeyb ka mid ah laamiga, ah kasoo horjeedka hot el Saxafi.

    Afhayeenka ciidanka B.S. Sidiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay markii la furay waddada ay aa sheegay in si rasmi ah loo furay, dowladdana ay ku howlan tahay furit aanka  waddooyin kale oo xiran gud aha M/Muqdisho.

    Waddadaan ayaa waxaa ay ka mid noqonay saa waddooyin dhowr ah oo sababo amni loo xi ray dibna  loo furay, kuwaas oo gaadiidka ay dhib ku qabeen in ay maraan maadaama uu cariiri ba dan uu ka jiray Koontaroollada la dhigay iyo dhag xaanta.

Warbixin: Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamadiisa oo ku biiraya Kooxda Daacish

     Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu ma gacaabo Cabdulfatah Abubakar Abdi oo loo yaq aano Mousa al Muhajir oo ay wehl iya an 20 ka mid ah dagaa lya han adiisa, ayaa warar ku sheeg ayaan inuu ku biirayo ISIS. Xogta an oo ay baahi yeen illo sirdoon ah ayaa shee gaysa in sarkaalka an uu ahaa taliye ca an ka ah ururka Al-shabaab dhexdiisa, balse la ma garan ayo sababta xilligaan ku soo beegtay inuu ku biirayo ururka Daacish.

    Warbixinta laga qoray oo koobnayd waxay til maamaysaa inuu fadhigiisu ahaa bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in ku biiristiisa Daacish ay muran ka dhex dhal isay taageerayaasha kooxda Daacish dhexdoo da, waxayna arrintaan ku soo aadaysa xilli dhaw aan Daacish ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-shabaab. Dhanka kale 2da koox ayaa daga allo xooggan ku dhexmareen buuralayda gobolka Bari, halkaas oo ay ku leeyihiin saldhigyo qarso odi oo kasoo ab aabulaan weerarada ka dhan ah maamul gobo leedka Puntland.


Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay xubno ka tirsan dowladda iyo mucaaraadka

   Madaxweynaha D/G/Hir-shabeelle, Md.Cali C/hi Xuseen Guudlaawe ayaa Shalay kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan DFS& Musharaxiinta muca  aridka. Md.Cali Guudlaawe oo weli ku sugan M/Muqdisho ayaa kul am adaas la qaatay Wasiirka Amniga gudaha, Xasan Xundubeey Jimca ale, Xildhibaan C/ir Carabow oo ka tirsan Golaha Shacabka.

    Sidoo kale waxaa kulankan qeyb ka ahaa Cali Maxamed Geeddi, oo ka mid ah mucaaradka isl amarkaana ah Musharax madaxweyne, sidoo ka lena hore usoo noqday R/wasaaraha dalka.

    Kulankan ayaa waxa looga wada-hadlay xaala da guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka oo muddooyinkii dambe ay xiisad xoogan ka ta agneyd hanaanka doorashada oo lagu tilmaamay mid hal dhinac ah.

    Waxa kale oo diirada lagu saaray arrimaha ka taagan deegaanada HirShabeelle, gaar ahaan xii sada ka dhalatay doorashadii uu kusoo baxay madaxweynaha maamulkaas, Cali Guudlaawe.

    Kulankan ayaa imanaya xili uu dhawaan mad axweynaha cusub ee maamulka HirShabeelle uu qeyb ka noqday qorshe ay DFS ku rabto doora sho aan loo dhameyn, midaas oo si rasmi ah ugu dhawaaqay R/wasaaraha dalka.

     Xiisada ka taagan hannaanka doorashada da lka ayaa kasii dartay kadib markii DFS oo taage ero ka helaysa maamulada Galmudug, HirShabe elle iyo K/Galbeed ay ku dhawaaqday qabashada doorashada, midaas oo uu muran xoogan ka tag an yahay

Dowlada oo beenisay inay jiraan maleeshiy aad ka soo horjeeda doorashada

     Wasiir ku xigeenka Wwarfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Md. Cabdiraxmaan Yuu suf Cumar (Al-cadaala) ayaa sheegay inay been abuur yihiin muuqaallo maalmahan lagu baahiyey baraha bulshada iyo saxaafadda qaarkeed, kuwa as oo lagu sheegay inay yihiin maleeshiyaad ka soo horjeeda doorashada oo isku abaabulaya  dul eedka Muqdisho.

Al-cadaala ayaa xusay in muuqaal ka la baahiyey uu yahay mid hore oo loo duubay ujeedda ka duwan tan lagu sheegay, ciidamada ka mu uqdana aysan ahayn fallaago u abaabulan inay amni darro abuuraan.

     Waxa uu u jeediyey warbaahinta iyo dadka si da ka fiirsi la’aanta ah u baahinaya muuqaalad aas iyo kuwa la mid ka ah inay ka dhawrsadaan macluumaad aysan hubin inay faafiyaan, kaas oo si sahal ah ku abuuri kara amni darro, taas oo dhaawacaysa amniga Qaranka, sharafta ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

      "Colaad hurintu ma aha dimuquraadiyad, be en sheegistuna maaha madaxbanaan” ayuu yiri Md. Al-cadaala.

     Wasiir ku xigeenka WW/ta dhaqanka iyo dalxi iska dowladda Soomaaliya ayaa qoraalka ku daa bacay Page-ka uu ku leeyahay barta baraha bulshada ay ku xiriiraan ee facebok

W/Gaashaandhigga oo la kulmay Saraakiil ka tirsan ciidamada Milatariga Maraykanka

     Wasiirka W/gaashaandhigga XFS Md. Xasan Xuseen Xaaji oo uu welhiyo taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cab aas Amiin ayaa waxay kulan la qaateen saraakiil ka tirsan hoggaanka taliska ciidamada Mareykan ka ee Soomaaliya.

     Kulanka ayaa waxaa ay ka wada hadleen xooj inta xiriirka 2da dhinac iyo sidii dowladda Marey kanka ay u xoojin leheed tababarada la siiyo Ciid anka xoogga gaar aha an kumaandooska Dan ab iyo dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

    Ciidamada Mareykanka ee ku sugan gudaha Somaliya ayaa dowladda Soomaaliya ka taa gee ra tababarka ciidamada, iyagoona howlgallo duq eyn u badan ka fuliya deegaanada ay maamula an kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhawaan ayay aheyd markii ra’iisul Wasaare Rooble uu booqdy xarunta ciidamada Danab ee Ballidoogle halkaa oo ay ciidamada Maraykanka tababar ku siiyaan ciidamada DANAB.

Waa kuwee 8-da magaalo ee uu Farmaajo doonayo inuu doorashada ka billaabo?

    Iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka doora sha da Soomaaliya ee 2021 ayaa waxaa soo bax ayo xog ku saabsan sideed Magaalo oo uu mad axweyne Farmaajo doonayo inuu ka bilaabo door ashada aqalka sare iyo midda aqalka hoose.

    Sida ay xogta ku heleyso shabakadda Caasim ada Online, madaxweyne Farmaajo ayaa qorshe enayo inuu si deg deg ah howlaha doorashada la ba Aqal uga billaabo 8 magaalo oo ku kala yaalo maamulada Koonfur Galbeed, HirShabelle, Gal mudug iyo Gobolka Banaadir.

     Magaalooyinka la filayo in doorashada uu ku qabto Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farma ajo ayaa kala ah:

Dhuusamareeb, Galkacyo, Jowhar, Baladweyne

Baydhabo,Baraawe,Banaadir & Gedo.

    Arritan ah in doorashada la guda galo ayaa im aaneysa 3 maalin uun kadib markii madaxa fulin ta ee XFS Md.Maxamed Xuseen Rooble uu shee gay iney shadaqa socon-doonto.

     Shir jaraaid uu 9-kii bishan qabtay R/wasaara ha ayaa lagu yiri "XFS Waxaa ay go’aansatay in la gudagalo hirgelinta doorashooyinka si aan wa qti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed, loo gana fogaado wax weliba oo carqaladeyn kara ful inta heshiiskii dorashada lagu gaaray magaalada Muqdisho 17-kii Setembar 2020.”

    Go’aanka kasoo baxay Xukuumadda ayaa wa xaa ka hor yimid Midowga Musharixiinta oo sheeg ay in arrintaan ay dalka u horseedi karto dhibaato siyaasadeed.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqdo inuu ka dhaga adeegayo baaqyada uga imaanayo mu sharixiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ee ah in dalka ay ka dhac do doorasho loo dhan yahay.

Xigasho:-Caasi madda.Net

Garowe: Maxkamad Ciidan oo weriye kilwe ku soo oogtay dacwad la xiriirta isku day dil

    Maxkamadda C/Q/Sida ee D/G/Puntland, ayaa dacwad isku day dil ku soo oogtay weriye Kilwe Aaden Faarax, oo mudda16 maalmood ah u xiran dowladda, sida uu shaaciyay Guddoo miyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP Maxamed Daahir Caynsane.

G/ye Caynsane, oo Shalay shir jara a’id ku qabtay Garoowe, ayaa sheegay in weriye Kilwe Aaden uu mudda 15 maalmood ah u xirnaa hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland PISA, kadib markii ay ka af-duubtay gudaha mag aalada, islamarkaana si sharci-darro ah ugu hay say meel aan xabsi ahayn.  Guddoomiyaha MAP, wuxuu sheegay in weriye Kilwe Dorraad loo wareeji yay Xabsiga weyn ee Garoowe kadib markii xab si-xalaalayn loo jiray, halkaasna ay Shalay ku bo oqdeen mas’uuliyiinta MAP iyo xubno ka tirsan Qoyskiisa.

    Mr. Caynsane, ayaa sidoo kale caddeeyay in suxufi Kilwe Aaden ay u qabteen Qareen, si dac wad loogu oogo hay’adda Nabad-sugidda iyo Sir doonka Puntland, oo uu mudda 15 cisho ah u af-duubnaa.

     Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ururka MAP, wu xu walaac xooggan ka muujiyay hanjabaad iyo ca ga-juglayn xiriir ah oo X/Puntland ku hayso Sux ufiyiinta madaxa-bannaan, waxaana uu dalbaday in lagu dhaqmo Dastuurka iyo sharciga, lana jooji yo ku xad-gudubka weriyaasha.

Mandhera oo qarka u saaran inay hoos tagto Al-Shabaab

     G/G/Mandheera Cali Roba ayaa sheegay in M/Mandheera ee dalka Kenya ay qarka u saaran tahay inay gacanta u gasho kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha oo wareysi siiyey Wargeyska The Standard ee ka soo ka soo baxa Nairobi ayaa she egay in kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku dhigt ay maamul ahaan 50% waqooyi bari ee Kenya is agoo xusay inay qabsadeyn goobo istiraatiiji ah oo ka tirsan Gobolkaas.

     Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in wax laga badalo qaabka loola dhaqmayo Al-Shabaab iyo dagaalka lagu jiro haddii kale ay taas keeni karto qatar weyn oo ka imaato kooxdaan awooda bad an kusii yeelaneyso gudaha Kenya.

    "Waxaa loobaahanyahay in wax laga badalo qa abka aan ula dhaqmeyno xaaladan, hadii kale, dhawaan waxaan hoos imaan doonaa xukunka arg agixisada. Horeba, Al Shabaab waxa ay ku maamushaa in ka badan 60% Mandheera”

    Isagoo sii hadlayo ayuu yiri "Walaalaha reer Ke nya, waxaa laygu qasbay inaan si cad uga hadlo xaalada nabadgelyo xumo ee kajirta W/Bari Ken ya, & gaar ahaan D/Mandhera” ayuu xusay Robo    

    Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in koox da ay Al-Shabaab ay gudaha M/ Mandheera ka sameyso dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aan cabsi la heyn, wuxuuna xusay in ay hadda gaartay heer aan horey loo arag oo xad dhaaf.

    "Dhibaato daran oo xagga amniga ah ayaa ka dhex jirta gudaha G/Mandheera, taas oo ay saba btay dhaq dhaqaaq aan cabsida lahayn oo ay ku hayaan argagixisada gudaha gobolka. Xaaladdaa ni way ka sii xumaaneysay 3dii bilood ee la soo dhaafay laakiin hadda waxay gaartay heerar aan horay loo arag”  ayuu yiri.

   Cali Roba ayaa tilmaamay in  Al-Shabaab ay lacago ay ugu magac dareyn Zakkat ka qaadaan dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool M/Mandhe era iyo deegaanada u dhow dhow.

    Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa xusay in Al-Shabaab weerareen saldhigyo Boolis iyo xuru maha shirkadaha Isgaarsiinta G/Waqooyi Bari, ha ddana ay qarka u saaran yihiin inay xirmaan  dha maan goobaha waxbarashada gobolka maadaa ma macalimiintii ay gobolka uga carareen amaan darro.

.

Galmudug oo sheegtay in ay diyaarisay goob tii la dejin lahaa guddiga doorashooyinka

    Ku simaha madaxweynaha ahna madaxwayne kuxigeenka Galmudug Md.Cali Daahir Ciid ayaa kormeeray xarunta loo diyaariyay inay dagaan Gudiga doorashooyinka.

     Xaruntani ayaa ah mid loo diyaa riyay inay deg aan gudiyada door ashooyinka heer qaran iyo daw la da gobaleed iyo guud ahaan hawl wadeenada doorashada. Madaxwayne kuxigeen ka ayaa dha maanba kor meeray xarunta waxa uuna warbixin ka dhagaystay masuuliyiinta gaca nta ku haysa xa runtani oo la filayo inay dhawaan soo dagaan gu diga doorashooyinka.

    Waxaa uu sheegay in dhawaan halkaasi lagu qaban doono doorashada Aqalka Sare iyo Gol aha Shacabka ee degaanada Galmudug.

Soomaliland oo soo bandhigtay khasaaraha uu geystay dabka sanadkii 2020

      Waaxda dab damiska Soomaaliland, ayaa wa rbixin ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen, in hanti ka badan 7 Million oo dollar ay badbaadiye en, sanadkii tagay ee 2020, kadib markii dab dam iska uu ka gaaray dab ka kacay halkii ay tiillay hantidaas. Taliya ciidanka dabdemiska Soomaalil and, Axmed Maxamed Xasan (Axmed-Sawaaxilli) ayaa BBC u sheegay in shaqada dab damiska ay tahay mid ballaaran oo isugu jirta badbaadinta naf leyda iyo xoolaha marka ay masiibo timaaddo.

     "Dab damisku shaqadiisu wuu ka badan yahay in dabka kaliya ah uu la diriro, waxaa jira ilaalinta nabadgalyada nafleyda oo ay ku jiraan nafleyda iyo wax walba iyo hantidabada in dabka laga nab adgeliyo waa shaqada ugu horreysa”

    Ciidanka dab damiska ayaa sidoo kale shee gay inay badbaadiyeen goobo ganacsi, kadib mar kii ay damiyeen 1010- goobood oo uu dabka kac ay, taasoo celcelis ahaan ka dhigan in maalintiiba uu seddax goobood dab qabsanayay.

     "Sanadkii 2020-kii waxaanu daminay dab dhan 1010..wakhtiga aan dabka kula dirirnay waxay no qotay 50918 daqiiqadood”

     Axmed Sawaaxili wuxuu dhanka kale ka warbi xiyay tirada dadka iyo waxyaabo kale oo ay bad baadiyeen. "Tirada dadka aanu badbaadinyay waa 980 qof, tirada nafleyda aanu badbaadinay waa 90 isugu jira geel, ari , bisad iyo eey, tirada gaadiidka la badbaadiyay waxay noqdeen 135 gawaari”

FAO oo Ka Digtay Ayax Hor leh oo Kusoo Fool leh Bariga Afrika

     Ha’yadda Cunnada Adduunka ee FAO ayaa ka digtay ayax hor leh oo ku fidayo koonfurta Itoobiya iyo waqooyiga Kenya. Ha’yadda waxay sheegtay in ayaxu uu kasoo duulayo goobi hii uu horraan sida ba’an u sa ameeyay ee bariga Itoob iya iyo bartamaha Soomaaliya isla markaana haat an uu ku baahayo gobolka shucuubta koonfureed ee Itoobiya, waqooyiga iyo deegaanada dhaca xee baha Kenya.

     FAO waxay sidoo kale ka digtay in bishan uu ayaxu gaari karo karo gudaha Kenya ilaa Tanza nia, South Sudan iyo Uganda.

     Hay’adda ayaa sheegtay in ayax aad u badan uu ku habsaday deegaanka Mwanga ee waqooyi bari Tanzania. Ayax ayaa sidoo kale laga soo she egayaa ismaamullada kala ah, Wajir, Garissa, Marsabit iyo Isiolo. Soomaaliya ayuu ayaxu si aad ah u saameeyay iyada oo badi dalagyadii dalka ka soo go’I jir ay uu si weyn u kala dhantalay.

    Hay’adda ayaa dhammaan dalalka gobolka u gu baa qday in ay u guntadaan sidii ay ula dagaall ami lah aayeen ayaxa halakeeyay dalaggii gobol ka. Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii uu ayaxa ku habs aday deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Soomaaliya, wuxuuna baabi’iyay dhul be ereed ku yaalla halkaas.

Somaliland” Maxkamad ayaan la tiigsane ynaa Ciyaartooy Muqdisho uga qeyb-galay….

    Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha Soo maa liland ayaa markii ugu horreeysay ka hada shay ciya artoy ka socday degaannada Soomaalil and oo ka qey b-galay tartankii kubbada Cagta ee D/G/ yada & G/Banadir oo lagu qabtay M/Mu qdisho  

   Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee W/Dh/& Ciyaar aha Soomaaliland Cabdi rashiid Ceydiid Yaasiin ayaa sheegay in ay sharciga la tiigsan do onaan Ciyaar tooydii ka tagtay degaannada Soo mailand ee Muqdi sho uga qeyb-gal ay tartankii D/Goboleedyada.

   Waxaa uu sheegay in cidkasta oo Reer Soomaliland ah oo aan ku ciya arin Magaca Reer Soomaliland uu yahay dambiile qaran dumis ah ilaa iyo inta uu caf is uga weeydiisanayo Madaxweynaha somaliland.

   Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ha y’adaha Amniga Soomaaliland iyo Xeer ilaalinta ay u gudbiyeen Ciyaartooydaas, isla markaan ma rkii ay dib ugu soo laabtaan degaannada soom aal iland ay Maxkamad la tiigsan  doonaan.

   Soomaaliland ayaa horay u xirtay dad ka yimid degaannadeeda oo Muqdisho u yimid siyaabo ka la duwan, kuwaas oo u badan fanaaniin uu ku jiro fanaanka Qamar Suugaani.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip