Ma ogtahay Taajir Faqiiroow?

0
Tuesday December 29, 2020 - 15:17:13 in Wararka by
  • Visits: 2686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma ogtahay Taajir Faqiiroow?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Inay jireen Lacago Shillin Somali ah oo Dahab iyo Qalin ka sameeysnaa. Ma ahan Lacag loogu tala galay in Suuqa wax looga iibsado ee waa Lacago waxa ey ka sameeysanyihiin oo qaaliya Darteed loo keeydsado si aad uga badbaado Sicir bararka, haddii .Shillinka caadigaa ee ka sameeysan Macdanta Raqiista ahi uu qiima dhaco, in aad sarifatid tan Dahabka iyo Qalinka ah.

 
           Ma ogtahay in waqtigaa Shillin Somaligu uu qiima sare lahaa.Tusaale 500 Sh.So. ee jirtay 1965 waxa ey kuu gooyneysay Lacgtaa Dahabka ka sameysan ee Adan Cade ku sawiraa, taa oo haddii aad doonto aad dib uga dhigan kartay Faraanti ama dhaga dhago Dahab ah, ( F.S:1-14)……. ku weeydii maayo, maanta 500 Sh.So. ahi Dahabka ey kuu gooyso.
              Ma ogtahay Taajirka faqriga ahoow, in dhaqaalaheena hoos u dhacii ugu weynaa uu bilaanay Sannadkii 1978 markii aan ka soo noqonay Dagaalkii 77, mise ogtahay in halkii ugu hooseeysay uu gaaray 1984tii Markii aan qaadanay taladii Bangiga Aduunka.( F.S: 15aad)
Ma ogtahay Taajirka Faqriga ahoow, in weli Dalka Dibadiisa ey noo taal keyd Lacageed oo Dowladihii hore ee Somalidu ey noo dhigeen oo ka badan 300 Million Dollar, laakin habkii lagu soo qaadi lahaa aan lagu heshiin.
 
Ma ogtahay Taajir Faqiiroow, in weli Dahab keyd ah oo uu leeyahay Bangiga dhexe ee Somaliya, isaga oo ah Dahab caadiya uu noo yaal Federal Reserve Bank US. Dahabkaa looxaanta ah oo qiima ahaan u dhigma 20 Million oo Dollar. ( F.S: 16 & 17aad).
Gunaanad.
 
            Inkasta oo aanan leheyn Aqoon sare oo wax lagu cabri karo, haddana waxaa ii muuqato, haddii xataa la iska dhaafo Shidaalka iyo Macdanta ku keeydsan Dhulka Somalida hoostiisa , in Somaliya 10 Sanno gudahood looga dhigi karo Dalka Afrika ugu taajirsan. waa aragti shakhsi ah.
 
FG: Waxaan Saaxiibadeyda FB qaarkood ku ogahay: Madax adeeyg, in ogaal la’aan wax la iska inkiro, Comment aan laga fekerin, naceeyb Qoraalada dhaadheer iyo in Runta la sheego ee yaanan qoraalka kugu badine, xaalku waa sidaa.


 
             FG: Wixii iga khaldan iga sax , wixii ka dhimanna ku dar, Arragtidaadu waa muhim waana soo dhaweynaa.
 
Qore : Yahya Amir.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip