Door Noocee Ah Ayey Dowladda Ku Leedahay Abuuritaanka Nidaam Mideysan Oo Jiheeya Ganacsiyada Yaryar?

0
Monday December 28, 2020 - 16:12:02 in Wararka by
  • Visits: 859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Door Noocee Ah Ayey Dowladda Ku Leedahay Abuuritaanka Nidaam Mideysan Oo Jiheeya Ganacsiyada Yaryar?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

         Dawladdu markasta door weyn ayey ku leedahay abuurista nidaam mideysan oo lagu jiheeyo ganacsiyada yaryar, haba ugu badnaato sameynta sharciyo iyo siyaasado fududeeya habsami u socodka horumarka ganacsiyada. Soomaaliya, gaar ahaan, waxay waayihii dambe ku talaabsaneysay horumaro farabadan oo dhanka shuruucda iyo siyaasadaha taageera ganacsiyada, in kasta oo ay gaabisyo jireen.

        Haddaba barnaamijkaan gaarka oo aan ku eegeyno Doorka ay Dowladdu Ku Leedahay Abuuritaanka Nidaam Mideysan oo Jiheeya Ganacsiyada Yaryar ayaan qodobadaas ku faaqidi doonaa. Barnaamijkan waxaa taabogeliyey barnaamijkaThe Next Economyoo ah mashruuc ka shaqeeya shaqo-abuurka iyo taageerida ganacsiyada yaryar ee dalalka Mali, Nigeria iyo Soomaaliya. Waxaana barnaamijkan Soomaaliya ka hirgelinaya Machadka Hal-abuurka, Tiknoolojiyada iyo Ganacsiga (IITE Institute) ee Jaamacadda SIMAD.

              Barnmaajikaan arrintaas looga hadlayo waxaa ka soo qeybgalaya martida kala ah;

           1-Axmed Sheikh Cabdullaahi oo Agaasimaha Ganacsiga & Suuqgeynta ee Wasaarada Ganacsiga & Warshadaha,

         2-Iqra Cabdi Xaashi oo ah Milkiilaha Xarunta Ganacsiga Dhool sidoo kalena ah Agaasimaha Madasha SWIB, iyo

          3-Mohamed Okash oo ah Madaxa Hal-abuurka Machadka Hal-abuurka, Tiknoolojiyada & Ganacsiga ee Jaamacadda SIMAD.



Barnaamijkaan oo dhameystiran halkaan ka dhageyso.

 

 

 

 
Xigasho:-radiodalsan.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip