Sidee Lagaga Hortagaa Dhididka Badan?

0
Saturday December 26, 2020 - 23:14:57 in Wararka by
  • Visits: 2442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Lagaga Hortagaa Dhididka Badan?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

         Dhididka ka yimaada jidhka waa hab dabiici ah isla markaana qaboojiya jidhka laf ahaantiisa,waana hannaanka cusbo-saarka dheeriga ah ee jidhka aadanaha.

             Dhididku waa dhibaato dadka qaar ay qabaan marka loo eego caafimaad ahaan,waa xaalad saameysa malaayiin ruux. Dhididka inta badan waxa uu ku badanyahay calaacalaha, cagaha, kilkilaha iyo meelo kale oo ka mid ah oogada.

                Dadka qaarkii ayaa dhidida marka ay waxyar socdaan ama jaranjaro fuulaan amaba howl aan sidaasi u weyneyn qabtaan isla markaana dhididkii ayaa isu beddela shiir amaba siifad walow dadku aanay isku si u shiir kululeyn halka kuwa kalena dantu kugu qasabto in aad goobta uu ruuxaasi jooga ka cararto.

              Dadka nuucaas ah iyaguna dhib ayey qabaan bulshaduna dhib ayey ku qabaan. tusaale hadii ruuxaasi uu yahay qof aan nadaafadiisa fiicneyn ama dharka uu xidho aanay ahayn kuwa badan oo uu mid ama laba uu isbuuc wato, waa hubaal in ruuxaasi loo adkeysan karin siifaddiisa.

      

Hadaba waxaa              jira habab badan oo aad isaga ilaalin karto dhidadka faraha badan hadiii aad raacdo talooyinkan:

Waa lagama maarmaan hadaad dhidid badan tahay in aad maalinti labada gelin aad dharka kala badalato haddii aad awooddo.

              Markasta in aad gacmaha iska meydho oo aad heysato maro yar ama wax uun aad gacmaha isaga tirtirto, kana fogaato wax kasta oo aad isleedahay dhididku wuu kaaga imanayaa.

             90% dadka qaba xaaladahan waxey ku beeraan walaac iyo feker joogto ah oo saameyn ku yeesha noloshooda.

            Dhididka xad dhaafka ah ee ka dhasha heerkulka jidhka ayaa keena in uu sarreeyo walwal dareemeedka qofka . Waxa kale oo sabab u noqon kara in aanu isu dheeli tirnayn nidaamyada hormoonada iyo habdhiska jidhaakada. Laakiin guud ahaan dhaqaatiirta qaar ayaa qora in qofka isticmaalo waxyaabaha uduga ah ama cadarka la marsado.

               Dhakhaatiirta qaarkoodna waxay ku taliyaan in la isticmaalo waxyaabo alkol ku badan yahay marka hore wuxuu kuula muuqanayaa in aad caraf badan dareemeyso laakiin marka dhididkaada iyo wixii aad marsatay isku milmaan waxaa soo baxa siifad si xun u urta.

               Hadaba waxaan kuu soo gudbinayaa talooyin laga yaabo in ay wax kuu taraan markii aad tijaabiso kadib.

Waxaa jira siyaabo caadi xuub-hagaajinta hyperhidrosis, iyo marmarka qaarkood si buuxda lagaga bogsanayo.

               Sababta weyn looma eego hawl weyn tani waxaa la cunaa cunto uu jidhkaada dulqaadan karo. Tusaale ahaan, marka aad wax cuneyso habdhiska jidhkaada ayaa qaarkood shaqo adag qabta dabadeed wad dhididaa kadib siifad aya timaada, marka aad cadhooto sidaas oo kale qeyb jidhka ah ayaa shaqo adag qabata misana dhidid ayaa kaa yimaada, marka aad naxdo iyana waa la mid dhididka wuu yimaadaa, haddaba qaad dhowrkan tallaabo si aad uga nasato dhididka iyo culeyska kaa heysta

                1- Ka fogow basbaaska iyo cuntooyinka caffeinka uu ku jiro: Kaffeinka iyo basbaaska waa kuwa markiiba dhaga fudud oo si toos ah ayey markiiba makaxda ula falgalaan waxeyna kordhiyaan.

             2- Cab shaah loo yaqaan sage tea: Shaahan oo aad maalintii afar jeer cabtaa waxuu jidhka ka yareeyaa in uu dhidid badan keeno. Marka cab hadaad heli karto.

              3-Cun khudaarta laga helo B complex: Xabxabka, Tufaaxa,liinta,shamaamka iyo saladhka oo aad cunto inta u dhaxeysa quraacda iyo qadada iyo cashada dhexdooda jidhka ayay ka caawiyaan in jidhku helo fitimiinno isu dheellitiran sidoo kalena dhanka Brotiinka waxaa kaa caawin kara cunista Kalluunka,Ukunta, digir, iyo cuntada diirka leh oo u wanaagsan yareynta dhdididka xad dhaafka ah

               4- Ku meydho biyo qabow: Marka aad ku qubeysato biyo qabow waa dhab jidhka wuxuu galaa xaalad ka duwan kii uu ahaa wuxuu dareemaa deganaan mana dhacdo in aad dhidido marka aad ka soo baxdo meydhashada, haddaba joogtee biyaha qabow meydhashadooda.

              5- Iska xiir hareeraha meelaha timaha leh sida kilkilaha: Tani waa mid ka mid ah hababka dabiiciga ah ugu waxtarka badan si uusan u gudbin dhidid xad-dhaaf ah. Sababta waa mid fudud, dhididka ka socda meelaha timaha ku yaalaan sida kilkilaha. waxaa dhaqso uga dhalata bakteeriyo keenta Ur qudhmuun oo qofka ka soo hadada.

              6- Dhimista miisaanka jidhka: Xaqiiqdii 90% dadka ay soo wajahdo dhididka faraha badan haddii aad tahay qof buuran waa dhab waad ka dhidid badan tahay sida caadiga ah weyna keentaa buurnida in aad yeelato dhidid xad dhaaf ah marka taladu waa in miisaanka aad yareyso oo uu miisaankaagu meel dhexe noqodo.

           7- Ka fogow isticmaalka deodorantaha iyo saabuunaha qaarkood: Ma wanaagsana in aad isticmaasho waxyaabo kasta oo leysku buufiyo macnaheedu maaha in aad ka fogaato udgoonka, hasa yeeshee kiimikada qaarkood jidhka waxey ku yeeshaan waxyeelo sunta ku jirta deodarantaha qaarkodo waxey sameeyaan isbadal ku yimaada meelaha huurka ah taasi oo keenta Ur ama siifad qudhmuun oo aan wanaagsaneyn. Kuwaa beddelkoodana waxaad isticmaali kartaa si aad u xakameyso Urka xad dhaafka ah kareem dabiici ah oo aan wayeelo laheyn. Iyo meydhasho joogto ah. Ku dadaal nadaafada.

Xigasho:-geesguud.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip