Maxaad Ka Taqaannaa Dalka Malawi Oo Shacabka Somaliland Si Weyn Isu Waydiinayeen Maalmihii U Dambeeyey

0
Wednesday December 23, 2020 - 22:14:34 in Wararka by
  • Visits: 2351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Taqaannaa Dalka Malawi Oo Shacabka Somaliland Si Weyn Isu Waydiinayeen Maalmihii U Dambeeyey

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

In badan shacabka reer Somaliland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxa ay is waydiinayeen bal waxa uu yahay waddanka Malawi ee Qaaradda Afrika iyo in ay xogo dheeraad ah ka helaan, kadib Safarkii taariikhiga ahaa ee uu dorraad Sabtidii Somaliland ku yimid Wasiirka Arrimaha Dibadda Malawi Mudane Eisenhower Nduwa Mkaka oo kulan la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

             Malawi waa dal yar oo ku yaalla koonfur-bari Afrika, oo aan bad lahayn, waxaa uu dhinavcyada ku hayaa oo aan bad uga dhicin Dooxada Weyn ee harada ah ee Malawi. Dhamaadka dhinaca koonfureed ee harada waxaa ku dhex taal seeraha weyn ee qaranka Malawi (Malawi National Park) taasi oo hoy u ah duurjoogta kala duwan laga bilaabo kalluunka midabada leh ilaa daanyeerka, waana mid ka mid ah seerayaasha ugu qurxoon qaaradda Afrika. Waxa ay haradani leedahay biyo nadiif ah oo macaan. Dadka reer Malawi ee haradan yimaaddaa waxa ay caan ku yihiin quusidda iyo doonyaha. Waxa ka mid ah Gacanka loo yaqaano Peninsular Cape Maclear oo ah goob lagu loo dalxiis tago oo ah xeebta harada.

Caasimadda dalkani waaLilongwe

Madaxweynaha:Lazarus Chakwera

Tirada dadka Malawi:18.14 milyan(Tirokoobkii Baanka adduunka ee 2018)

Luuqadaha dalka Malawi ee la aqoonsan yahay waa Yao; Tumbuka; Tonga; Sena; Lomwe; Ngonde; Lambya, waxaana luuqadda koowaad ah Ingiriisida.

Lacagta dalkani isticmaalaa waa Malawian kwacha.

Malawi ayaa weli ah mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan adduunka in kasta oo ay sameysay dib-u-habeyn dhaqaale iyo mid dhisme oo muhiim ah si loo joogteeyo kobaca dhaqaalaha. Dhaqaalaha ayaa si weyn ugu tiirsan beeraha, waxaana tirda dadka Malawi ee ugu badani 80% yihiin kuwo beeraha ka xoogsada. Inkasta oo uu yahay waddan sabool ah haddana waa waddan soo kabanaya oo koboc xawli leh ku socda.

Maxay Caan Ku Yihiin Reer Malawi?

Waxay caan ku yihiin reer Malawi dhoola cadeyn, waa dad saaxiibtinimo leh. Tan ugu muhiimsani waa in ay yihiin dad ku qanacsan dalkooda oo jecel in ay horumar sameeyaan, waxaa lagu yaqaan harada weyn ee biyoaha macaan oo aan caadi ahayn, waana Lake Malawi.

           Waa dadka Kalgacalkoodu badan yahay sidaa darteed ayay kula baxeen "Dadka Qalbiga Diiran ee Afrikaā€¯, dadka ajaanibta ah ee u soo guuraya Malawi waxay ka helaan soo dahweyn diirran, iyo jawi kulul oo qoyan. Dadka ajaanibta ah waxay la kulmaan waddan guud ahaan nabdoon oo qiimo jaban dhinaca nolosha. Arrintaasi ayaa soo jiidatay dad badan oo u soo maalgashi tagay.

               Malawi waa dal aad u kala jaad duwan oo laga helo qaaradda Afrika; kala duwanaanshaheeda ayaa cadeeyay luuqadaha badan ee dalka lagaga hadlo. Luuqadaha badan ee lagaga hadlo, Ingiriisku waa luuqada rasmiga ah ee Malawi halka Chichewa uu yahay luuqada qaranka. Waxa jira luuqado kale oo tiro badan oo ah kuwa aan sare ku soo sheegnay.

             Dadka ugu maalqabeensan ee dalka Malawi wax aka mid ah ninkan lagu magacaabo Aniz Suleman oo la sheego in uu haysto in ka badan K135 bilyan. Waxa isna ka mid ah Nyiombo oo haysta in ka badan K58 billion, Wuxuu leeyahay shirkad ka shaqaysa dhinaca bacriminta beeraha. Waxa isna aan laga tagi Karin Ninkawa oo haysta K52 bilyan, waana nin ka ganacsada in ka badan 350 gawaadhida xamuulka ah, waxaanu leeyahay shirkadda gaadiidka ee caanka ah ee Ninkawa.

Qalinka: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip