Lix ka mid ah waddamada IGAD ee Jabuuti ku shiray oo labo-labo isku heysta!!!

0
Tuesday December 22, 2020 - 09:23:45 in Wararka by
  • Visits: 1900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lix ka mid ah waddamada IGAD ee Jabuuti ku shiray oo labo-labo isku heysta!!!

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Waxaa jira Muranno dhanaka xudduudaha ah oo u dhaxeeya dalalka geeska Afrika ee ka wada tirsan urur goboleedka IGAD.

Murannadan qaarkood ayaa waxaa ka dhashay gacan ka hadal ay dad ku dhinteen, kuwo kalana ku dhawaacmeen.

      Haddaba waxaan qormadan ku eegi doonnaa muranka u dhaxeeya dhowr dal oo IGAD ka wada tirsan.

Dalalkaas waxaa ka mid ah Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Suudaan, Eritrea iyo Jabuuti. Dhammaan waddamadan waxay ka wada qeyb galeen shirkii urur goboleedka IGAD ee dhawaan lagu soo gabogabeeyay waddanka Jabuuti.



Jabuuti iyo Eretria


.

      Dalalka jabuuti iyo Eretria ayaa waxaa u dhaxeeya muran dhanka xudduuda ah oo muddo dheer soo taagnaa.

              Jabuuti waxay ku doodaysaa inay dhulka Doumeira iyadu leedahay, halka Eritrea ay qabto fakarka kaas kasoo hor jeeda, xadka labada dalna ilaa haatan waxaa jooga ciidamo xoogan oo labada dhinac ah.

        Iskudayo hore oo dhacay laguma guulaysan in xal looga gaaro muranka xuduudda ee labada wadan u dhaxeeya.

Khariirad
 

               Waxaa la sheegay in dagaalkii dhacay sanadkii 2008-dii ee labada waddan dhex maray ay Jabuuti gacan ka heshay dowladda Faranasiiska oo ah dalka Jabuuti horay usoo gumaystay, heshiis milateri oo taariikhi ahna ay leeyihiin.

Balse Faransiisku wuxuu sheegay in ciidankiisa aysan dagaalka ka qayb qaadanin.

Jabuuti waxaa dagaalkii u horreeyey looga dilay sagaal askari lixdan kalena waa laga dhaawacay.

Doumeira waa goob sidee ah?

           Doumeira waa deegaan jasiirad yar ah oo badda ku yaalla, waxaana dega qowmiyada Canfarta oo ku nool wadammada Jabuuti, Itoobiya iyo Ereteriyaba. Waa meel muhiim ah, gaar ahaan dhinaca marinka badda.

          Muranka labada dal wali wax xal ah lagama gaarin islamarkana waxaa labada dhinac-ba xudduuda ka jooga ciidamo badan.

Suudaan iyo Itoobiya

Ra'iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk iyo dhiggiisa Itoobiya, Abiy Axmed
 

            Dalalka Sudan iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa in toddobaadkan ay madaxdooda kulmaan si loo qeexo xudduuda labada dal u dhaxeeysa, waxaa sidaasi shalay sheegay Cabdalla Hamdok, oo ah Ra’iisul Wasaaraha Sudan.

              Wadahadallada ayaa lagu wadaa inay qabsoomaan maalinta Talaadada ah, toddobaad uun ka dib markii xaduudda labada dal ay ciidamada Itoobiy weerar gaadmo ah ku dileen ciidamo ka tirsan militariga Sudan.

Weerarka ayaa ka dhacay goobta lagu magacaabo Gadarif.

                 Dalalka Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya muran dhanka xudduuda ah oo muddo dheer soo jiitamayay.

Labada dal ayaa waxay ku muransa yihiin gobolka lagu magacabo Al-Fashaqa.

Dowladda Sudan ayaa sanadkan goobta xudduuda labada dal u daadgureysay militari badan.

             Al-Fashaqa, oo ku fadhida dhul dhan 600 kiilo mitir ayaa ah dhul ku fiican dhanka beeraha.

Waxaa marar badan goobtan uu dagaal ku dhexmaray beeraleyda labada dal.

Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya xuduud aad u dheer taasi oo dhan 1,600 km.

Xudduuda ayaa waxa horey u calaamadiyay dowladihii gumesyiga ee taliyaaniga iyo Ingiriiska.

Madaxda Suudaan iyo Itoobiya ayaa marar badan ka wadahadlay sidii loo xalin lahaa muranka labada dhinac.

Dhanka kale waxaa sudan iyo Itobiya khilaaf ka dhex abuuray biya xireenka wayn ee ay Itoobiya ka dhisayso webiga Nile, kaasoo sidoo kale saameynaya Masar.

Webigan Nile ayaa waxaa uu maraa dalalka sudan Masar iyo dalka Itoobiya.

Suudaan iyo Masar oo daris ah ayaa ka wada tirsan ururka Jaamacadda Carabta, waxaana muuqata inay isku fakar ka yihiin arrintaas.

Dadka dalka Sudaan ayaa inta badan ku tiirsan biyaha webiga Nile oo beeraha iyo dadkaba ay isticmaalaan.

Kenya iyo Soomaaliya

.
 

               Soomaaliya ayaa 15-kii bishan December ku dhawaaqday inay xiriirkii diblamaasiyadeed gabi ahaanba u jartay Kenya ka dib markii ay cirka isku shareertay xiisadda labada dal ee dariska ah u dhaxeeyso oo muddo dheer soo taagnayd.

              Waxaa arrintan xuddun u ah Muran dhanka badda ah oo u dhaxeeya labada dal islamarkana ay imika kiiskiisa gacanta ku hayso maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda, oo magaceeda loo soo gaabiyo ICJ .

           Muranka Kenya iyo Soomaaliya ee xadka badda waxaa uu haatan socdaa ku dhawaad 10 sano, wuxuuna ku saleysan yahay sida loo cabirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac.

Waa goob istiraatiiji ah oo uu dhex ceegaago kheyraad dabiici ah oo aad u badan.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda ay ku fadhido badda lagu muransan yahay waxaa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

               28-kii August 2014: Waxay Soomaalliya kiis dacwadeed u gudbisya maxkamada caddaalada caalamiga ah ee (ICJ), iyada oo ka codsatay inay go’aan ka gaarto muranka dhanka badda ah ee kala dhaxeeya Kenya.

Balse Kenya ayaa dhankeeda marar badan isku dayday in arrintan lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda.

               Qodobka labaad ee ay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya isku hayaan ayaa ah arrinta Jubbaland oo ay dowladda madaxwayne Farmaajo u aragto inay Kenya faragalin ku hayso.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki
 

               Ciidamada Kenya waxay Al-Shabab kala wareegeen magaalo xeebeedka Kismaayo 28-kii bishii September ee sanadkii 2012-kii.

          Waxaa ciidamada Kenya howlgalka kula jiray oo gacan siinayay maleeshiyaadka Ras Kamboni, ee uu xilligaasi hogaaminayay Axmed Maxamed Islam, oo loo yaqaano Axmed Madoobe, kaasi oo markii dambe noqday madaxwaynaha maamulka Jubbaland.

               Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Amisom ayaa waxay ka howlgalaan gobolada Jubaland.

            Muranka labada dal ayaa muddooyiinkii u dambeeyay gaaray heerkii ugu xumaa.

Waxaa hadda socda dadaalo lagu xalinayo muranka labada dal.

Xigasho:-BBCSomali




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip