Ummad wada halyeey ah, Tusaale 22 Halyeey!!!.

0
Friday December 18, 2020 - 15:23:35 in Wararka by
  • Visits: 1992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ummad wada halyeey ah, Tusaale 22 Halyeey!!!.

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

1. Kii dilay kumanyaal Shacab soomaaliyeed ah, waa in Taalo loo dhiso, waa halyeey.

 
2. Kii Danaha gumeysiga ka shaqeyn jirey, waa in Waddo iyo Dugsi loogu magac daro, waa halyey.
 
3. Kii Basaaska u ahaa Cadawga ee Sirta Dalka gudbin jiray, waa in uu dalcaa, waa halyeey.
 
4. Kii Dalka u horseeday burburka ee Diiday Xuriyadda Asaasiga ah ee Qofka, Billad ha la siiyo, waa halyeey.
 
5. kii Badda beeciyay iyo kii Dekadaha Cadaw ugu deeqay, Shahaada Sharaf ha la siiyo, waa Halyeey.
 
6. Kii Gobal kasta ku duulay ee Dadka qixiyay, Ha la amaano, waa halyeey.
 
7. Kii Dambiilaha ahaa ee Dakanooyinka badan geystay, waa halyeey.
 
8. kii Shidaalka Shillimaad siistay, hala xushmeeyo, waa halyey.
 
9. kii Reer Hebel Geeloodii dhacay, Geesigaa ha loo abaal gudo, waa halyeey.
 
10. kii Diinta Dadab u macneeyay ee Dadka isku diray, waa halyeey.
 
11. Kii Qaadicu Dariiqa ahaa ee Jidadka Dhagxo ku xiray, Ha la doowrto, waa halyeey.
 
12. kii Cimaamadaha Carabta Nagu Cabsii jiray, Ha la ciseeyo, waa halyeey.
 
13. kii Banaanbaxa Bambo ku tuuray, ha la dalacsiiyo, waa halyeey.
 
14. Kii Goofkii Abootadeey Geedaha ka guray ee Guriga ka dhistay, Xalaal Quutuhu, waa halyeey.
 
15. kii waa Xujoowday waranka kuugu muday, Gobanima Doonkaasi, waa halyeey.
 
16.kii Dalka kala gooyay, Gudoomiye ha laga dhigo, waa halyeey.
 
17. kii wax xaday ee Xafiisyada xaalufiyay, Aaminkaasi, waa halyeey.
 
18. kii Amxaaro xeeryaansan Xamar iigu keenay, Taariikhda ha lagu xuso, waa halyeey.
 
19. kii ahaa, Abaanduuliye Arxan laawe ah, Airport ha lagu magacaabo, waa halyey.
 
20. kii lahaa, NGO-gii Abaaraha ku duceeysan jiray waa samatabixiye, waana Haliyeey.
 
21. kii ahaa, Ganacsade aan Gargaarka aqoon ha loo duceeyo, waa Halyey.
 
22. Sug , Sug, kii aan Anniga qaraabada aheyn iyo kii Adiga Adeerkaa ahaa ee Ummadda kadeedayna, Tolku ha wada Amaano, waa Labo Halyeey. ha lilmaamin Tii iyada aheydna, waa halyeeyad.
 
Mid kasta oo ummadda dhibaato u geeysto waa halyeey, aan lala xisaabtamin, Mudnaan iyo Magac ayuuna leeyahay. Ma jiro Qof dambiile ah oo la isku raacaan yahay in uu Dambiile yahay.
 
Taariikhdooda Runta ha laga sheego, Halgamayaasha Taalo madoowna ha loo dhiso, miyaad tiri? ( F.S: 1 -6aad)
 
Ma jiraa isla xisaabtan Aakhiro ka hor?.
 
Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip