Wax kabaro Taariikhda aan la'iloobi karin oo horay u dhacay!!! Maxaa dhacay???

0
Thursday December 17, 2020 - 23:36:55 in Wararka by
  • Visits: 1582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax kabaro Taariikhda aan la'iloobi karin oo horay u dhacay!!! Maxaa dhacay???

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

26 Janaayo 1991 waxaa layska dulqaadey rajiim kelitalis ah oo Soomaalida u diidey nolol iyo deganaasho. Dad baa ka dhigaya taariikh mugdi ah oo been ka sheegayaya wixii dhacey iyo sababta loo dagaalamey.

1991 in qoryaha la qaado oo nafta la huro waa lagu qasbanaa maxaa yeeley dadkii Soomaaliyeed adoomo la gumeysto oo xaquuq lahayn ayuu ka dhigey rajiimkii milatariga ahaa ee dalka xoogga ku haystey.

Xarig sharci darro ah, cabburin, dil, eex, qaraabo-kiil, musuqmaasuq, dadkii xitaa in ay si xor ah u ganacsadaan baa loo diidey ilaa la gaaro in sokortii iyo saliidii saf loo galo oo suuqii maciishadii daruuruga ahayd ay gabaabsi noqoto.

70% Soomaalida maanta nool waxey dhasheen 1991 kadib ma oga ama fikrad fiican kama haystaan xukun kalitalis wuxuu yahay iyo in lagu hoos noolaado koox manaxayaal ah.

Kelitalis waa nidaam ay awoodda oo dhammi gacanta ugu jirto hal qof ama hal koox, awooddaas oo aanay jirin qawaaniin iyo hay’addo xakameeya. 21 sano ayaa Soomaaliya lagu xukumayey dastuur la’aan mana jirin Baarlamaan awood leh oo rajiimka saxi karey.

Hal raadiyo iyo hal jaraa’id baa dalka ka soo baxayey kasoo afka rajiimka ku hadley. Ciddii ka hortimaada ama laga shakiyo in uu ka soo horjeedo rajiimka xabsi adag ayuu muteysan jirin haddii uusan naftiisa la cararin.

Maalmaha soo socda waxaan soo gudbin doonaa qoraallo taxane ah oo dhalinya da’da yar u iftiiminaya wixii dhacey 1978 ilaa 1991 iyo sababtii keentey in hubka la qaato.

Ilyas Mohamud Hussein



Xigasho:somaliweyn.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip