Maamul Goboleedkii Ugu Horreeyay Oo War Kasoo Saaray Qaraxii Muqdisho

0
Saturday November 28, 2020 - 14:29:19 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamul Goboleedkii Ugu Horreeyay Oo War Kasoo Saaray Qaraxii Muqdisho

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeedn Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen War kasoo saaray Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee fiidnimadii xalay ka dhacay Maqaayad ku taalla wadada aadan dhinaca Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

           Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa uu sheegay inuu ka xun yahay uuna Cambaareynayo qaraxaas oo uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, kaasi oo ka dhacay gudaha Maqaayada Gelato Divino oo ay dad badan fadhiyeen.

Qoraal uu soo saaray Madaxweyaha Koonfur Galbeed ayuu tacsi ugu diray qoyska dadkii ku geeriyooday qaraxa oo dhammaantood ahaa dhalinyaro, wuxuuna kuwa ku dhaawacmay uu Alle u weydiiyay Caafimaad buuxa inuu siiyo.

           "Waxaan ka tacsiyeynayaa musiibadii xanuunka badneyd ee ka dhacday Muqdisho. Waxaan Alle uga baryayaa intii ku dhimatay qaraxaas uu naxariistii jano ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna u booga dhayo. Shacabka Soomaaliyeed Alle haka qabto arxanlaawayaasha argagixisada ah” ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.

        8 Ruux oo dhalinyaro ah ayaa ku geeriyooday Qaraxii xalay, halka dad ku dhow 8 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo xiligii uu qaraxu ka dhacaayay fadhiyay Maqaayada Gelato Divino iyo hareeraheeda.

          Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay inay bartilmaameedsadeen Saraakii isugu jiray Sirdoon iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib Qoraal ay ku faafiyeen barahooda dhinaca Internet-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip