Nabadoon caan ah oo lagu dilay Gaalkacyo

0
Saturday November 28, 2020 - 15:23:56 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabadoon caan ah oo lagu dilay Gaalkacyo

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in magaaladaasi maanta lagu diley Mid kamid ah nabadoonada caanka ah ee kunoolaa Waqooyiga Galkacyo oo ay Puntland ka arrimiso.

              Koox baastoolado ku hubaysan ayaa la sheegay inay nabadoon Nadiir Sheekh Maxamed dileen xili uu ku sugnaa xaafad ka tirsan Gaalkacyo, isla markaana qeybaha sare ee jirka looga dhuftay rasaas dhowr ah oo markii dambe u geeriyooday.

             Dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa aagga wax ka dheceen ayaa sheegay in raggii dilka geystey ay ku baxsadeen luuq ka agdhowaa halkii ay dilka ka fuliyeen, waxaana diiqiiqdo kadib tegay goobta Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Puntland oo Meydka qaaday.

              Ciidamada ayaa xaafadaha ku teedsan halka uu dilku ka dhacay ka sameeyay howlgal lagu baadi goobayay ragii hubeysnaa, in kastoo aysan faahfaahin ka bixin dilkaasi iyo haddii ay jiraan dad loo soo qaqabtay mudadii howlgalladu socdeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip