Yaa,yaa, ma Baddeenii ayaa qeyb ka qaladay?

0
Saturday November 28, 2020 - 15:21:07 in Wararka by
  • Visits: 1396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa,yaa, ma Baddeenii ayaa qeyb ka qaladay?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Waxaa soo Baxaya Su’aal ah: Manhajkii wax Barashada ee hore waxaa ku qornaa oo Ardayda la bari jiray in Xeebaha Somalida dhererkoodu yahay 3333 Km.

 
              Manhajka cusub ee 2020-2021 Maadada Joqorafiga Fadalka 12aad, waxaa ku qoran oo Ardaydu bartaan in Xeebaha Somalida dhererkoodu yahay 2800 Km. (F.S: 1aad).
 
              Xatta haddii aad Google ka raadiso, Wikipedia, waxaa kuu soo baxayo Coatline of Somalia 3333Km. ( F.S: 2 & 3aad). ma Baddeenii ayaa Gurtay?. ( F.S: 4 & 5aad). ma gurin Annigaaba Subaxaan tagay waaba soo fideeysay, Mowjadahaa kacsanaa oo karkaarada ayeey jabineeysay, sidi iyada oo ka xanaaqsan in dhererkeeda la yareeyay ( F.S: 6 &7aad).
 
              Waxaa maqan 3333-2800= 533 Km. waa dhul xeebeed weyn 533 km. intaaba waddama badan ayaan heeysan, wadamada Caalamka ee Xeebtoodu ka yartahay 533 Km waa 109 waddan, kuwa aan Xeeb oo dhanba leheyna waa 49 Waddan.
 
               Annagu inteen ku dhuminay Hanti xeebeedka intaa la eg 533 Km. Ma Baddii ayaa qalashay ?.ma Dal kale ayaa qaatay oo ka saara Khariidada ayaa nalagu Amray?.ma khalad Farsamaa?.
 
           FG: Waxaan si naxariis leh uga codsanayaa waaxada Manaahijta ee Wasaaraddda Waxbarashadu in ey hubiso oo Saxdo Qoraalkaa, haddii laga been sheegayna ey noo caseeyso.
 
           Wixii iga khaldan ka sax ,wixii iga dhimanna ku dar.
 
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip