Musharaxiinta Madaxweynaha Oo Fariin U Diray Hay'addaha Amniga Dowladda

0
Saturday November 28, 2020 - 13:13:36 in Wararka by
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxiinta Madaxweynaha Oo Fariin U Diray Hay'addaha Amniga Dowladda

    Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxw eynaha Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay Qara xii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan maqaayada Gelato Divino. Qoraalo kala duwan oo ay soo saareen Musharaxii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxw eynaha Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay Qara xii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan maqaayada Gelato Divino. Qoraalo kala duwan oo ay soo saareen Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ayaa waxaa ay tacsi ugu direen dhammaan qoyska, ehelada iyo qaraabadii ay ka geeriyo odeen qaraxii xalay uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaab aha qarxa oo lagu tilmaamay inuu ahaa Odey da' ah oo galay Maqaayada Gelato Divino. Sidoo kale Musharaxiinta ayaa Alle Caafimaad Deg-deg ah uga baryay inuu siiyo dadkii ku dhaawacmay qar ax, iyagoona ku baaqay in si wadajir meel looga soo wa dajeysto la dagaalanka wax loogu yeero Argagixisada.

 
           Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Hay’addaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay labalaabaan dadaalkooda ku aadan sugidda amniga, wuxuuna kula taliyay ineysan ka weecan, kana mashquulin howshii loo igmaday ee sugidda amniga, si gaar ah xilliga kala guurka.

              "Waxaan cambaareynayaa falkii foosha xumaa ee argagixisadu ku weerareen maqaayadda Gelato Divino ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dhalinyaro mustaqbalka dalkeenna muhiim u ahaa. 

            Waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaska Marxuumiinta naga baxay Allaha u naxariistee, anigoo dhaawa cyadana Alle uga rajeynayo caafimaad degdeg ah.

      Ugu dambeyntii waxaan ku boorinaynaa Hay’adaha Amniga ee Dowladda inay labalaabaan dadaalkooda ku aadan sugidda amniga, anigoo ugu baa qaya ineysan ka weecan, kana mashquulin howshii loo igmaday ee sugidda amniga, si gaar ah xilliga kala guurk” ayuu yiri Sheekh Shariif Sh Axmed.

     Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay inay bartilmaameedsadeen Saraakii isugu ji ray Sirdoon iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa maqaaxida uu qaraxu ka dhacay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip