Turkiga oo si kulul u cambaareeyay qaraxii Muqdisho ee lagu laayay dhalinyarada

0
Saturday November 28, 2020 - 09:01:21 in Wararka by
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo si kulul u cambaareeyay qaraxii Muqdisho ee lagu laayay dhalinyarada

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii xalay ka dhacay maqaayad ku taal wadada aada garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen 8 qof oo dhalinyaro ahaa, halka 10 kalena ku dhaawacmeen.

      War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin geerida 8 qof oo ku naf waayay weerarkii argagixiso ee ka dhacay xalay Muqdosho.

            "Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan argagixiso waxaana u tacsiyeyneynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha. Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe kuwa naftooda ku waayey, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo ehelada dhibanayaasha waxaanan u rajeynaynaa caafimaad deg-deg ah kuwa dhaawacmay”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Turkiga.

       Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay qaraxaas oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay Kooxda Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip