RW Rooble Oo Ka Hadlay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

0
Saturday November 28, 2020 - 08:30:49 in Wararka by
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Rooble Oo Ka Hadlay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Qarax xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah gaystay.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah, waxaana fuliyay Qof isku soo xiray waxyaabaah qarxa, kaasi oo isku qarxiyay Maqaayad lagu Magacaabo Gelato Divino oo ahayd mid aad u mashquul badan goorta u qaraxu dhacayay.

     Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxaasi ismiidaaminta ah, waxaana uu Alle uga baryay in uu si deg deg ah u bogsiiyo inta ku dhaawacan tay.

      "Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxii argagixisadu xalay la beegsadeen maqaaxi ay dad shacab ahi ku sugnaayeen magaalada Muqdisho. 

      Eebbe ha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan u midownaa la dagaallanka argagixisada si aan dalkeenna iyo dadkeenna uga badbaadinno” ayuu RW Rooble.

SAWIRRADA DHALIYARADII KU GEERIYOOTAY QAXII XALAY EE MUQDISHO KA DHACAY





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip