Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Dhacay Magaalada Muqdisho Oo La Shaaciyay

0
Saturday November 28, 2020 - 08:25:25 in Wararka by
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Dhacay Magaalada Muqdisho Oo La Shaaciyay

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

 
         Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo Is-miidaamin ahaa oo xalay ka dhacay Maqaayad ku taalla wadada aada dhinaca Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.

        Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa gudaha u galay Maqaayada lagu magacaabo Jalaato Devino oo ku taalla kasoo horjeeda howlka Sahal, xili dad u badan dhalinyaro ay fadhiyeen markii uu qaraxaas dhacaayay, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray dhalinyaro farabadan oo Maqaayada fadhiyay, waxaana ku jira Wiil dhalinyaro ah oo gelinkii dambe ee shalay soo gaaray Muqdisho, isagoo ka yimid dalka Itoobiya.

     Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 7 ruux oo dhalinyaro ah, halka dad dhow 10 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

           Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa goobta looga daad-gureyay dadkii ku dhaawacmay qaraxii xalay ka dhacay maqaayada Devino oo ah goob lagu iibiyo Jalaatada iyo waxyaabo kale oo macmacaan ah, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Muqdisho, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

            Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay qaraxaas Is-miidaaminta ahaa, waxaana Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta lagu sheegay in Dowladda ay ka xuntay wixii dhacay, iyagoona tacsi u diray qoyska dadkii goobta ku naf-waayay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip