Daawo: Sheekh Shariif oo su'aal oo cajiib ah weydiiyey madaxweyne FARMAAJO

0
Thursday November 26, 2020 - 23:37:31 in Wararka by
  • Visits: 520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Sheekh Shariif oo su'aal oo cajiib ah weydiiyey madaxweyne FARMAAJO

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayey xirtaanka shirka musharraxiinta ayaa farriin ku aadan doorashada u diray madaxweyne Farmaajo.

        Sheekh Shariif ayaa ka dalbday madaxweynaha Soomaaliya inuu ka shaqeeyo sidii ay dalkan uga dhici laheyd doorasho, si la mid ah sanadihii 2016-kii iyo 2012-kii.

         Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday walaaca ay qabaan ka musharraxiin ahaan, isaga oo ka dalbaday madaxweynaha inuu dhexda u soo dhigo doorashada.

            Shiikha ayaa intaasi ku daray inay madaxweynaha cafinayaan, haddii uu fuliyo codsigaasi ku aadan doorashada, si ay noqoto mid loo galo tartan furan.

"Waxaan ku weydiineynaa madaxweynow wax ku dhibo miyaad aragtay.? Tabeelle miyaa laguu diiday, madaxweyne waxaan ku leenahay doorashada dhexda noo soo dhig,”. ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya.

         Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey "Madaxweynaha wuxuu naga haleeyey waan ka cafineynaa.”

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli uu weli walaac ka taagan yahay doorashada Somalia, gaar ahaan guddiyadeed oo ay isku khilaafsan yihiin dowladda dhexe iyo mucaaradka.

                       Xigasho:-casimadda.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip