Dhalin yarooy ama Caruus iyo Caruusad noqda ama Hoolka Aroosyada noqda=Nasashada Jimcaha.Q- 228=

0
Friday November 27, 2020 - 20:23:23 in Wararka by
  • Visits: 1419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalin yarooy ama Caruus iyo Caruusad noqda ama Hoolka Aroosyada noqda=Nasashada Jimcaha.Q- 228=

    ,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,,

      1.waxaa jira wax marka aad heeysato iyo marka aad weeysaba aad ka naxdo. waxa ey ku xirantahay waqtiga iyo xaaladda jito. xaaskaagu marka ey yartahay Habeenka Jimcadaha haddii ey ku tiraa , Dhiig Caado ayaa ii joogo waad ka naxee.waxaad leedahay dhiigaan bil kasta iska imaanaa, moow 3dii Bilba mar iska yimaado sida Mushaarka Ciidamada. Xaaskaagu haddii ey weynaato, oo ey ku tiraa Diigii ayaan iska waayay dhowr bilood haddana waad ka nexee.

 
          ( Haddii Hunguri Qaade, walaalkaa ahi ku yiraa muddo ma shaqeeyn xilna la iima dhiibin, Mas’uul horena waan ahaa, waad ka naxee, Haddii Xil loo magacaabo ee uu ku yiraa Walaalo ma nihinna waad ka naxee. Xil la’aantiisa iyo hadduu Xil helaba waad ka nexee..dhowr jeer talo aad siisayna hadduu qaadan waayo, shib ka dheh. ha isku daalin horaa loo yiri: ” Nin Daacuun qabo looma darab qaado” Masuul wadadii aad kala talisay ku socdana lalama taliyo,)
 
            2. Xamar waxaa ka jiro Dhaqan ah in Raga iskaabolada ahi ey Aroosaan Bisha Shacbaan, isaga oo ku leh ma heeysto Bisha Ramadaan cid Saxuurta ii kariso, Maalinta Ciiddana waa iska furaa. Arooskaasi caan ayuu ku yahay Magaalada, waxaana loo yaqaan ” Faadumo Suunqaad”. lama yaabani lamaanahaa is aroosay oo sababta ey isku arooseen muddada gaaban iyagaa yaqaan, waxaanse la yaabaa kuwa Aroos ahaan kuugu casuumayo.
( Lama yaabani, kuwa ogolaaday Dowlad Faaumo Soonqaad ah, ee waxaan la yaabaa, kuwa kugu casuumayo).
 
            3. Shaati Tuuta ahaa oo Qurux badan oo Qaali ah ayaa laga qaatay Gurigii C/rahmaan C/ shakuur. Qaraabadu waa xoola Jeceshahaye Oday Nabadoon ah ayaa Shaarkii ka samri waayay, waxa uu ka raadiyay Suuqyada Dharka "second handiga” ah lagu gado, meel kasta wuu ka raadiyay mana helin. Odaygii ayaa u tagay Nin Howl gab ah oo hore uga tirsanaa Ciidanka CID. arrintii ayuu u sheegay.
 
            Ninkii ayaa ku yiri: Shaarkaa qaaliga ah haka raadin Suuqa, ka raadi Guryaha Dadka Muxaafidka ah. Hal qof oo Muxaafad ah oo kaliya ayuuna u galaa. laakin Magaciisa kuu sheegi maayo. Odaygii ilaa hadda magacii ayuu raadinaa. ( F.S: 1aad).
 
(Odayga ku dheh ha raadin, horaa loogu maahmaahay : Ninkii Qumbe liqay, Dabadiisuu ku kalsoon yahay. ( F.S: 2aad).
 
            4. Caasha Gaabo ayaa Saaxiibteed ku tiri: Haddii Ninkaagu habeenkii oo kaliya uu kuu sheekeeyo oo uu hurda la’aan ku dhigo, kadibna aad maqasho isaga oo khuurinayo, Nin ma ahan kaasi ee waa kaneeco . Cilmi Baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dhaqankaas ey u badan yihiin Ganacsadata iyo Siyaasiyltiintu. Sabab?.
 
( Haddii Tuug ku dhunkado ilkahaaga tirso)
 
             5 . Nin Dhoobeey Degan oo Mudulkiisa hor taagan oo aan weligii arag Rati Qooqan oo Doobinaayo oo Bood boodayo, ayaa Markii uu arkay Ratigaa, ayuu Ooyin la dhacay. waxaa lagu yiri: Maxaa kugu dhacay?. waxa uu yiri: Haddii Geelaan Ninka ahi uu Baalal lahaan lahaa oo uu Gurigeeyga ku soo kor dagi lagaa, soow Mudulkeeygu igama Dumeen. Alla mahadii, Allahii, Dooorana Baalal u yeelay Ratigaana Baalal la’aan dhigay. ( F.S: 3aad)
( Alla mahadii, Madax aan arkay haduu iimaan la’aan iyo ogaal la’aan isagu daray, Laakin aan Awood la siin).
 
           6. Waxaa jira Dhalin yaro Aroos kasta ka qeyb gasho welina "Single” ah. kuwaasi waxa ey la mid yihiin, Hoolka Aroosyada lagu dhigo oo isagu aan weligii aroosin, aroos kastana lagu qabto.( F.S: 4aad).
 
( Dhalin yarooy ama Caruus iyo Caruusad noqda ama Hoolka Aroosyada noqda)
Qore: ‘Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip