HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 24-NOV-2020

0
Tuesday November 24, 2020 - 11:06:59 in Wararka by
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 24-NOV-2020

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Farmaajo oo abaal mariyay Shaq aalaha Wasaaradda Duulista Hawada

      Madaxweynaha Soomaaliya Md.Maxamed C/hi Farmaajo ayaa billad iyo Shahaado sharaf ku ma

amusay Masuuliyiintii iyo howlwadeennadii ka soo shaqeeyay dib u soo celinta Maamulka Hawada,




isagoo ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay   Xaqiijinta madaxbannaanida dalka, dowladnimada iyo sharafka Qarannimadeenna.

  Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sooyaalka dal keenna ay baal dahab ah ka geli doonaan Muwa adin kasta oo door ku lahaa dib u soo celinta Maa mulka Hawada Dalkeenna, iyada oo jiilalka dambe ay tilmaansan doonaan shaqadaas waddaniga ah ee ay dalkooda iyo dadkooda u qabteen.

     "Soo celinta Maamulka Hawada dalkeenna wax aa ay ahayd arrin aad u adag, madaama welwel badan laga qabay tayada howlwadeennadeenna iyo qalabka aan isticmaaleyno awooddiisa, laakin waxaa fikirkaas beeniyay Masuuliyiinta iyo khubu rada Soomaaliyeed ee Duulista Hawada oo muuji yay karti iyo in ay daacad u yihiin masuuliyaddaas Qaran”.

      Madaxweynaha oo guddoonsiiyay Wasiirka Ga adiidka iyo Duulista Hawada Md.Maxamed C/hi Salaad Billad sharaf ayaa ku bogaadiyey howlw adeennada Duulista Rayidka sida ay muddo ko oban gudohood ugu horseedeen in dalkeennu lagu ammaano dhanka Maamulka iyo Maaraynta Duuli sta Hawada.

      Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa gud doonsiiyay Shahaado Sharaf dhammaan Halyeeya dii ka soo qeyb qaatay Qorshaha Qaran ee Sooce linta Maamulka Hawada Soomaaliyeed, Howlwade ennada Hay’adda Duulista Rayidka ah iyo Wasaar adda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

     Dhankooda, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md Maxamed C/hi Salaad iyo Maareeya ha Guud ee Hey’adda Duulista Rayidka Md. Axm ed Macallin Xasan ayaa ka warbixiyay horumarka dalka ee dhanka Duulimaadyada Rayidka ah iyo Amniga Garoommada Diyaaradaha, waxa ayna ti lmaameen in Shirkado diyaaradeed oo caalami ah ay ku soo dhiirradeen adeegsiga Hawada Sooma aliya.

Senator Muuse Suudi: "Reer Ow-Xasan iyo Reer Waqooyi waa naga ceshan waayeen Fahad iyo Mahdi, balse…”

     Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay arrimaha doorashada dalka, isagoo aad u eedeeyey Ra’iisul wa saare ku xige enka dalka Ma hdi Maxamed Guuleed iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

      Waxa uu sheegay in 2daas nin uu mudo dheer ka xishoonayey, balse hadda kadib aan loo dul Qa adan doon in, isagoo ku eedeeyey inay siya asadda dalka ku cayaaraya an. "Mahdi Guuleed reer waqo oyi waanaga celi waayeen,haddii Amxaaro leeda hana waa naga celi weysay, ann agu inaan sii dho wranana af-maaha,” ayuu yiri Mu use Suudi.

  Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, "Fahad Yaasiin reer Ow-Xasan waa naga cesha waayeen, waxa dalkeenna ku cayaarayana waa isagaa la lee yahay, anigoo og in labaduba aysan eedda laheyn ee uu Farmaajo yahay ninka dalka ku cayaaraya, balse jecel in eeda hoostiisa laga qaado,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi.    Senatorka ayaa sheegay in musharaxiinta uu Muqdisho shirku uga socdo ee diiddan sida ay wax u socdaan ay uga damqasho badanyihiin sida wax loo maamulayo.

      "Dadka shiraaya waa ka qandho badanahay, waxaana uga qandho badanahay, dalka lagu cayaaraayo iyo dadka tirada badan ee aamusan, deeqdoodana la cunaayo ayaan ka qandhanahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Senator Muuse Suudi    

     Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka Qaran ka la beeleeyey, isla markaana la beegsaday kuwii ka soo jeeday hal beel, sidoo kale waxa uu sheeg ay in si loo dhimo awooda ciidankaas marar badan loo diray meelo khatar ah oo miinooyin lagu laa yey, sida uu hadalka u dhigay.

      Ragga xukumada booliska iyo Nabad sugidda yaa waaye, ciidanka Qaranka meeqa ayey ku lee yihiin, shilin ayaan kugu gumeysanaa wax socon aaya maaha, sababtoo ah canshuurta dadkoodaa laga qaadaa, gobolkiisii ciidan ayuu leeyahay oo talis u gooni ah ayuu leeyahay, kaagana isagaa xu kumaaya, wax la qaadan karo maaha” ayuu yiri Senator Muuse Suudi oo ka tirsan golaha Aqalka Sare. Xigasho Caasimadda.net

Musharax Daahir Geelle” Hala joojiyo Colaada laga hurinaayo xafiisyada Dowladda”

     Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle  oo kamid ah musharixiinta shirka uu uga socdo M/Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay sa babaha keenay inay shirkaasi oo galay Maalintii 3xaad isugu yimaadaan, isaga oo dhinaca kale ee deyn u jeediyay Madaxweyne Farmaajo.

      Musharax daahir Geelle oo hadal ka jeediyay shirka musharixiinta Madaxweynaha ayaa sheeg ay in shirkooda kaliya uusan sabab u aheyn arrima ha doorashada, balse dadka Soomaaliyeed ay dar eemeen dimuqraadiya, Amniga iyo isla jirka Bulsh ada oo dhaawacanta.

      Waxaa uu sheegay in iyaga ay wax ku rabaan in doorashada ay si nabad ah ku dhacdo, isla mar kaana wadatashiyada ay qeyb ka ahaayeen Uruur ada Bulshada Rayidka, Culimadda, Dhalinyarada, guddoomiyaha Aqalka sare, dhama antoodna ay qireen in dowladda had da jirta ay si qaldan wax ku wado.

      "Dowladda waxaan u jeediney naa dadaalka nabadeed doorashada xorta ah ee aan halkaan ugu shirey no abaabulka colaadeed ee ka dhanka ah ay wado inay joojiso, waan ka xunahay waxaay aheyd am aanka iyo doorashooyinka inay hormuud ka noqo to ayuu yiri” Musharax Daahir Geelle.

     Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo shirkooda uu galay maalintii 3aad ayaa la filayaa in  la soo geba-gabeeyo, isla markaana laga soo sa aro Warmurtiyeed.Dorraad

Guddoomiye Mursal Iyo Muudey Oo Ku Biiray Shirka Musharaxiinta Madaxweynaha

     Iyadoo M/Muqdisho uu wali ka socdo Shirka Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxa soo bad anaya Mas’uuliyiinta ku biiraya shirka, waxaana Shirku uu galay Maalintiisii 3aad. Shirka ayaa wax aa Xalay ku biiray Guddoomiyaha G/Sh/B/ Soom aaliya Md.Maxamed Mursal Sh.Cabdiraxmaan iyo Ku Xigenkiisa  Cabdi Weli Sh.Ibraahim Muudeey, waxaana hadda ay gaareen Hotelka uu shirku ka socdo.

    Shirka ayaa waxaa horay ugu biiray Guddoom iyaah Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/hi &Mas’uuliyin kale, kuwaas o Shalay qayb ka noqday Shirka.

Shirka Madawga Musharixiita Madaxweynaha ay aa haatan u muuqda inuu galayo Marxalad xasa asi ah, iaydoo ay Musharixiintu si weyn kaga dood ayaan arrimo la xiriira Doorashooyinka dalka ka dhacaya,  waxaana doodad ugu weyn ay ka tag an tahay Guddiyada doorashooyinka.

Musharixiinta garabka mucaaradka oo la kulm ay siyaasiyiinta ka soo jeeda G/da Waqooyi

     Musharixiinta ku shirsan Muqdisho ee garabka mucaaradka ayaa kulan la qaatay siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobollada Waqooyi [Soomaaliland] oo uu horkaca yo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Chi. Kulanka 2da dhinac oo ka dhacay hotelka Jazeera ee lagu waday in Shalay lagu soo gagabeeyo shirka mido wga musharixiinta ayaa siyaasiyiintii tagay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi C/hi,Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxam ed Cabdi Xayir Maareeye, Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda sare Ibraahim Iidle Suleeymaan, Wasiir hore ee Arrrimaha Dibadda Xildhibaa Fows iya Xaaji Aadan iyo mas'uuliyiin kale.

     Xubnaha ayaa shirka la wadaagay walaacood la xiriira sida ay dowladda u maamuleyso guud ah aan doorashada gaar ahaan guddiyada G/da Waq ooyi oo soo magacaabistooda aan loo marin sida ay qabaan dhabihii sharciga ahaa.

      Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa ku eedeeyay DF S inay boobtay guddiyadii gobollada Waqooyi ee doorashooyinka, hase ahaatee waxaa taasi be eniyay xubnaha G/ Waqooyi ee ka tirsan Dowlad da Dhexe oo sheegay in soo  magacaabista gud diyadan loo maray dariiqii saxda ahaa.

     Shirka musharixiinta garabka mucaaradka oo ayaa la Filayey in Shalay lagu soo gabagabeeyo M/Muqdisho lagana soo saaro war-murtiyeed la xiriira hannaanka doorashada dalka. inkastoo maalin lagu daray sii socoshada shirkasi  ka dib markii qeybo badan ay ka soo qeybleen

Guddoomiyaha Aqalka Sare & Wakiilka QM oo ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka

  Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/hi ayaa kulan dhinaca Internetka ah la qaatay Wakiilka Qaramada Midoo bay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan.

Kulanka ayaa labada mas ’uul waxaa ay uga wada hadleen xaalada siyaasa deed ee dalka iyo Arrima ha doorashooyin ka, sida lagu sheegay War kasoo baxay Xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya.

     "Iyadoo qeyb ka ah wadatashiyada bahda Qa ramada Midoobay ee Soomaaliya ay la yeelane yso hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya, ayuu Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaal iya, James Swan, Shalay kulan dhanka Internet-ka ah la yee shay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, iyadoo 2da masuul ay ka wada hadleen dhacdooy inkii ugu dambeeyey ee dalka.

      Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/hi ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu soo sa aray qoraalo uu ku diidan yahay Guddiyada doora shooyinka ay Magacaawday dowladda Soomaal iya, isaga oo sheegay in Guddiyada laga soo xulay Xafiisyada Hay’adda NISA iyo Shaqaalaha DFS.


R/Wasaare Rooble oo kulan wadatashi ah la qaatay duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed

    R/Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Roo ble oo kulamo wadatashi ah kula qaatay M/Bay dhabo odayaasha iyo duubabka dhaqanka K/Galb eed ayaa ku ammaanay

  kaalinta ay ka gaysanayaan nabadeynta isku xirka bulshada.

     Eng. Rooble ayaa dul istaagay sida ay shacab ku ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqan ka, taasoo ay tahay in lagu xoojiyo dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa deegaannadan oo ah bulsho caan ku ah nab adda. RW/asaaraha ayaa ku bogaadiyey odayaa sha dhaqanka ee uu la kulmay kaalinta ay ka qaa teen samata bixinta dalka, iyagoo u soo dhabar ad aygay wax u qabashada dadkooda waqti ay jireen duruufo aad u adag.

     Dhankooda, duubabka dhaqanka Koonfur Galb eed ayaa uga warbixiyey  R/Wasaaraha xaalada ha guud ee deegaannadan iyo duruufaha u baah an in dowladdu ay wax kala qabato.

Md.Mahad Salaad oo Rooble ka dalbaday inuu iska bari yeelo odayaal ‘gef gaystay’

     Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qor aal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku dhaleeceeyey R/wasaare Rooble, isagoo ku eedeynaya hadal ay dhaw aan jeediyeen odayaal u muuqday in ay taageero u yihiin xukuumadiisa.

Md.Mahad Salaad ayaa sheegay in od ayaashaas laga soo abaabulay magaalooyinka Ga alkacyo iyo Muqdisho, isagoo sheegay in hadalkoo dii aan laga faa’iideyn wax aan ceeb iyo foolxumo aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

     "Odoyaasha Gaalkacyo iyo Xamar laga abaab ulay ee hadalada xanafta iyo dhega-hadalka ah wa rbaahinta la soo fariistay ceeb iyo foolxumo in ay soo jiido mooyee faa’iido lagu gaari maayo. Dalka an Madaxweyne iyo R/Wasaare waa soo lahaan jir ay sidaana qaraabadoodu uma qabyaalad hadli jirin,” ayuu yiri.

      Mahad Salaad ayaa sidoo kale R/wasaaraha u gu baaqay in haddii uu wax ka ogaa hadalkii ay jee diyeen odayaashaas uu raali gelin ka bixiyo, haddii kalena uu iska beri-yeelo.

    "Mudane Ra’iisul Wasaare hadii ogaalkaa arinta an lagu sameeyay waxaan codsanayaa dadka loo gafay in aad raali gelin siiso. Hadii aadan waxaba ka ogeyna sharaftaada ayaa meel looga dhacay ee fadlan iska fogeey,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Xigasho:-geesguud,com-

Dad ku dhintay dabeylo ku dhuftay bariga PUNTLAND

 

    Waxaa Shalay deegaanada Puntland ka da’ay roobab dabeylo wata oo ku dhufay xeebaha ku yaalla maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dabeylahaasi oo horey looga digay ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan shan ruux oo kalluumeysato ahaa ay aa ku dhintay roobabka ka da’ay xeebaha ma amulka Puntland, gaar ahaan gobolka Bari.

    Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa shaaciyey in kalluumeysatada geeriyootay ay la rogmatay doonidii ay saarnaayeen, xilli ay ka jalaabayeen xe ebaha maamulkaasi. Guddoomiyaha gobolka Kark aar oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale she egay in haatan ay socdaan gurmad loo fidinayo da dka ay waxyeeladu soo gaartay. Sidoo kale wuuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah ee degan agaarka xeebaha inay muujiyaan fee jignaan dheeri ah. "D/Xaafuun waxaa ka da’ay Ro ob Dabayla wata oo aan ka dignay maalmihii lasoo dhaafay, xaaladdu ma wanaagsano, maadaama is gaarsiintu aan la heli Karin, balse baadi-goob ayaa socda si gurmad loo gaarsiiyo dadka halkaas ku sugan ay u nugul yihiin Roobabka laga digay,” ayuu yiri waxaa yiri guddoomiyaha gobolka Karka ar.

    Dorraad ayey aheyd markii ay digniin ku aadan dabeylahan soo saartay DFS oo farriin u dirtay dad ka degan xeebaha Puntland.

Xog: Sababta ay A/Madoobe iyo Saciid Deni uga aamusan yihiin xiisada siyaasadeed

 Madaxweynayaasha Maamul G/da Puntland& Ju bbaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Max amed Islaam ayaa maalmahan ka aamusan siyaa sada cakiran ee Soomaaliya, iyo muranka ka dha shay guddiyada doorashada ee dowladda ay magacowday.

2daan Madaxweyne ayaa la sheegay in aysan wali soo magacaabin guddiyada doorashada ee heer D/Goboleed, waxaana sababta lagu sheegay in ay san ku qancin sida ay DFS wax u wado.

    Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheega ysa in2daan mas’uul ay la dhacsan yihiin dhaq dha qaaqa mucaaradka islamarkaana ay ku biiriyeen talooyin iyo aragti muhiim ah.

  Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa kula heshiiyey mucaaradka in ay dib u dhigaan soo magacaabista guddiyadooda heer gobol, islamArk aana marka ay mucaaradka soo saaraan go’aano kadib ay si rasmi ah u diidi doonaan inay guddiyo soo magacaabaan..

     Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeyso in madaxda Puntland & Jubbaland ay hadli doonaan markii la soo gaba gabeeyo shirka Muqdisho wax eyna u badan tahay inay taageeri doonaan natiija da shirka.

    DS  oo damacsan in ay howl geliso guddiyada doorashada oo ay doodaha badan ka taagan tah ay ayaa la sheegay in kaliya ay u xayiran tahay dhameestirka guddiyada 2da maamul Musharax iinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Dorraad ka codsaday madaxweynayaasha Puntland iyo Jubba land inay dib u eegis ku sameeyaan, oo ay soo be delaan xubnaha ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee ku jira guddiyadii ay soo magacaabeen.

Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibad da oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey.

    Wasiirka magacaaban ee W/Arrimaha Dibadda XFS Md.Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuu bakar ayaa soo gaaray M/Muqdisho waxaana gar oonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweey ay Wasiirkii hore ee W/Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, W/kalluumeysiga Sooma aliya C/hi Bidhaan warsame, wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda Ma xamuud Xayir Ibraahim iyo xuno kale oo ka tirsanaa W/ Arrimaha Dibadda.

     Wasiirkii hore ee W/Arr/Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad  ayaa sheegay inuu ku farax sanyahay soo dhaweynta wasiirka cusub isagoo u rajeeyay inuu Alle u fududeeyo Mas’uliyada culus.

    "Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan Haatan soo eeyo Wasiirka cusub ee W/A/D. Mdane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuukar, waana kula sha qeynayaa si uu uguto waajibaadka culus ee loo igmaday” ayuu yiri wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda.Wasiirka magacaaban ee W/ Ar/Ddibadda XFS Md.M.Cabdirisaaq M. Abuubak ar ayaa uga mahadceliyay xubnaha soo dhaw eeyay, waxaana sidoo kale uu madaxweyna ha dal ka iyo R/w/XFS  uga maha dceliy ay magacaabista isagoo xusay in uu halkeeda kasii wadayo shaqa da loo igmaday.

"Waxaana marka hore uga mahadnaqayaa Mada xweynaha iyo R/wasaaraha dalka fursada ay isiiy een inaan ka mid noqdo xukumadda si aan qeyb-u ga noqdo hannanka lagu xoojinayo dowladnimada,    sidoo kale waxaan u mahadcelinayaan wasiirkii ho re wasaaradda arrimaha dibadda Axmed Ciise Ca wad shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay.

R/ Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa 20-kii bishaan isbeddel uu ku sameeyay W/arrimaha di badda ugu magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar inuu noqdo wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

R/Wasaare Rooble Oo Xariga Ka Jaray Mashru ucyo Kala Duwan Oo La Hirgeliyay

R/Wasaaraha XFS. Maxamed Xuseen Rooble ay aa xarigga ka jaray mashuuriic horumarineed oo dhinacyo badan, taasoo ay hay’adda Qatar Charity ka hirgalisay magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

     Mashaariicdan ayaa ka kooban Iskuul hoose, dhexe iyo sare, xarun qaabilsan Caafimaadka hoo yada iyo dhallaanka, Foorno laga quudiiyo dadka danyarta ah iyo qeyb ganacsi iyo ceel biyo nadiif ah siiya da dka xaafadaha laga hirgaliyay mashruuca. RW/XFS ayaa u ga mahadceliyey Dowladda Qatar fulinta masha ariicdan kala duwan ee waxtar ka u leh bulshada, gaar ahaan taakuleynta dadka danyarta ah ee aw oodin helidda mashaariicda loo sameeyey.

     "Mashaariicdan aan Shalay xariga ka jarnay waxay isugu jiraan goobo Waxbarasho, Caafim aad, Ceel biyood iyo goobo lagu quudiyo danyarta, waxaan uga mahadcelinayaa dowladda Qatar tag eeradeeda ku qotonta baahiyaha bulshada, ka dowlad ahaana waa naga go’an tahay gacan siinta bulshada”.munaasabadda furitaanka Mashaarii cdan ayaa waxaa ka qeybgalay Danjiraha D/Qatar Hasan Hamza Asad Hashem Madaxweynaha Maa mulka K/ Galbeed Md.C/casiis Laftagareen , Was irro iyo masuuliyiin heer federaal iyo heer gobol.

Taabit Cabdi "Shacabku Ma Xamili Karaan Fadqalado Iyo Awood Isku Baacsasho”

     Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi maxamed ayaa DFS ugu baaqay inay  dib isugu laabto oo ay saxaan qaladaadka dastuuriga ah ee Guddiga doorashada, muujiyaanna daah furnaan. Waxaa uu sheegay in umadda Somaliyed ay baahan tah ay aragti qaran oo ku dhisan tanaasul iyo rajogelin.

Hoos ka Aqriso Qoraalka uu soo saar ay Duqii hore ee Muqdisho

 Dadka Soomaaliyeed waxa ay Shalay heystaan muraayad yar oo aan meel si man saarneyn. Haddii qof damco in kaligii isku ee go muraayadda yar ee malaayiinta ka dhaxeysa waa mid dhibke eda leh, waxaase ka sii daran ha ddii la yiraahdo gacanta hala dhufto si looga dhigo.

    Sidaa darteed, aayaha ummadda Soomaaliyeed ayaa ku xiran in hoggaanka dalka dib isugu laabto oo ay saxaan qaladaadka dastuuriga ah ee Gudd iga doorashada, muujiyaanna daah furnaan.

DFS& shacab-ba ma xamili karaan fadqalado & awood isku baacsasho balse, waxa ay u baahan ta hay aragti qaran oo ku dhisan tanaasul iyo rajoge lin ummadeed oo aan ku dabraneyn caqabaddaha Shalay.Ugu dambeyn, waa in laga fogaadaa adee gsiga awood, cunfi iyo colaad hurin, mar kastana hortabinta la siiyaa in dooddaha lagu maareeyo

xeyndaabka dowladnimada.

Wasiir Xundubey” Siyaasiyiinta xildoonka ah waa inay amniga ilaaliyaan”

    W/W/Amniga XFS Md.Xasan Xundubey Jimc aale ayaa sheegay in DFS ay guud xaqiijineyso amniga dalka maadaama la galaayo waqti adag oo doorasho.

     Waxaa uu sheegay in sugida Amniga kaliya aan qoray loo adeegsan doonin,sidoo kale ay wa cyigelin ku maareyn doonaan, waxaana uu Bulsha da ugu baqay inay Ciidamada Amniga kala Shaq eeyaan sugida dhinaca Amniga.

    Wasiirka oo ka hadlayay munaasab ad ka dhacday mudisho ayaa sheegay in mas’uuliyiinta xilka haaya & kuwa ha dda doonaya ay jecel yihiin in qof wal ba waqtiga uu joogo uu amniga haga agsanaado,sidaas daraadeedna ay muhiim tahay in laga wada Shaqeeyo.

    " Magaaladaan & magaalooyin kale oo badan waxaa ay galayaan doorashooyin anaga amniga ayaa naga quseeyo, waxaana ogahay mas’uuliyii nta xilka haaya iyo kuwa doonaya intaba waxaa ay ka mideysan yihiin dad mas’uuliyiin soo noqday oo mas’uuliayda dareesan oo maalintii ay joogeen jeclaa inay waxwalba isku toosnaadaan, walaala hooda hadda jooga ragga wax raadinaya u jeclaa yeen maalintaas ayay mas’uuliyiinta hadda jooga u jeel yihiin ayuu yiri” Wasiir Xundubeey.

     Sidoo kale wasiirka waxaa uu sheegay in Am niga uusan laheyn mucaarad iyo muxaafid, waxa na uu ugu baaqay mas’uul kasta ee dalka jooga a ma xildoon ah inay amniga wada ilaaliyaan.

Hadalka  Wasiirka W/Amniga XFS.  Xasan Xundu bey Jimcaale ayaa ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay ku shirsan yihiin Muqdisho, iyaga oo kasoo horjee stay Guddiga doorashooyinka oo ay XFS maga caawday.

Askari Qoyskiisa Ku Qarxiyay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaro Ka Dhashay

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xalay fiidnimadii hore ee xalay ka dhex dhacay Guri ku yaalla xaafadda Cali Kamiin ee D/Wa rta-nabadda ee M/Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

     Qaraxaas oo ahaa Bam gacmeed ayaa wax aa la sheegay inuu Bamka la galay guriga Ask ari ka tirsan Ciidanka DFS, waxaana inta uusan qarxin Bamka uu muran soo kala dhex-galay As kariga iyo qoyskiisa oo xiligaas intooda badan ku sugnaa guriga.

    Dad deris la ah guriga uu qaraxu ka dhacay ayaa ku warramay in Askariga oo isticmaalay waxyaaba ha maanka dooriya uu isaga oo care ysay guriga galay, daqiiqado kadibna ayla maq lay jugta qaraxa, isla markaana waxaa ka dha shay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray qoyskiisa oo ku sugnaa hal Qol.

       2 Caruur ah ayaa ku geeriyootay qaraxaas oo mid kamid ah Askariga falkaas geystay uu dhalay, wax aana ku dhaawacmay lix ruux oo ku jirtay hooyada dhashay Askariga, wallaalihiis, Caruur uu Abti u ahaa iyo adeerkiisa, kuwaasi oo ku sugnaa Guriga.

     Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska DFS iyo qaar kamid dadkii deriska la ahaa qoyska dhiba atada gaar tay ayaa tegay guriga, iyagoona gur mad xoogGan ay u fidiyeen dadkii waxyeelada kasoo gaartay qara xaas, waxaana la geeyay xa run Caafimaad.

    Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga DFS oo ku aaddan Qaraxii Xalay ka dhacay D/Wa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip