Daawo: Muuse Suudi: "Reer Ow-Xasan iyo Reer Waqooyi waa naga ceshan waayeen Fahad iyo Mahdi, balse…"

0
Monday November 23, 2020 - 23:12:56 in Wararka by
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Muuse Suudi: "Reer Ow-Xasan iyo Reer Waqooyi waa naga ceshan waayeen Fahad iyo Mahdi, balse…"

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Daawo: Muuse Suudi:

 

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay arrimaha doorashada dalka, isagoo aad u eedeeyey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Waxa uu sheegay in labadaas nin uu mudo dheer ka xishoonayey, balse hadda kadib aan loo dul waadan doonin, isagoo ku eedeeyey inay siyaasadda dalka ku cayaarayaan.

"Mahdi Guuleed reer waqooyi waa naga celi waayeen, hadii Amxaaro leedahana waa naga celi weysay, anagu inaan sii dhowranana af-maaha,” ayuu yiri Muuse Suudi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, "Fahad Yaasiin reer Ow-Xasan waa naga cesha waayeen, waxa dalkeenna ku cayaarayana waa isagaa la leeyahay, anigoo og in labaduba aysan eeda laheyn ee uu Farmaajo yahay ninka dalka ku cayaaraya, balse jecel in eeda hoostiisa laga qaado,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi.

 

Senatorka ayaa sheegay in musharaxiinta uu Muqdisho shirku uga socdo ee diidan sida ay wax u socdaan ay uga damqasho badanyihiin sida wax loo maamulayo.

"Dadka shiraaya waa ka qandho badanahay, waxaana uga qandho badanahay, dalka lagu cayaaraayo iyo dadka tirada badan ee aamusan, deeqdoodana la cunaayo ayaan ka qandhanahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka Qaranka la beeleeyey, isla markaana la beegsaday kuwii ka soo jeeday hal beel, sidoo kale waxa uu sheegay in si loo dhimo awooda ciidankaas marar badan loo diray meelo khatar ah oo miinooyin lagu laayey, sida uu hadalka u dhigay.

Ragga xukumada booliska iyo Nabad sugidda yaa waaye, ciidanka Qaranka meeqa ayey ku leeyihiin, shilin ayaan kugu gumeysanaa wax soconaaya maaha, sababtoo ah canshuurta dadkoodaa laga qaadaa, gobolkiisii ciidan ayuu leeyahay oo talis u gooni ah ayuu leeyahay, kaagana isagaa xukumaaya, wax la qaadan karo maaha” ayuu yiri Senator Muuse Suudi oo ka tirsan golaha Aqalka Sare.

Hoos ka Daawo



 
Xigasho:-casimadda.net


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip