Masjidka Reer Hebel iyo Masjidka Kooxdeena.

0
Monday November 23, 2020 - 20:08:44 in Wararka by
  • Visits: 1391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masjidka Reer Hebel iyo Masjidka Kooxdeena.

    Shirkii 1aad ee Ururka Midawga Islaamka ee Lagu qabtay Magaalada Rabbaad ee Dalka Marooko 9kii Bishii Rajab 1389 kuna beegneed 22 September 1969kii ayaa Boqorka Dalka Marooko Boqor Xassanka 2aad, waxa uu Furay Masjid loogu magac daray Ummadda Somalid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii 1aad ee Ururka Midawga Islaamka ee Lagu qabtay Magaalada Rabbaad ee Dalka Marooko 9kii Bishii Rajab 1389 kuna beegneed 22 September 1969kii ayaa Boqorka Dalka Marooko Boqor Xassanka 2aad, waxa uu Furay Masjid loogu magac daray Ummadda Somalida " Masjidu AL- Somal" iyada oo lagu sharfayo Muslimiinta Somaliyda. ( F.S: 1 – 3aad).

 
Somalida oo Dowr weyn ku leheeyd Caalamka Islaamka, lana ogaa in iyadu ey leheeyd Fikirkii ahaa in la sameeyo Urur ey ku midoobaan Muslimiinta Caalamku, taa oo kadambeysay Markii Md. Adan Cabdule AUN uu tagay Dalka Sucuudiga Sannadkii 1966dii uuna la kulamay Boqor Faysal, kadibna Arrinka uu sii waday Mdaxeyne Cabdirashiid Cali Sharmaake AUN oo Boqor Faysal ku Casuumay Somaliya oo uuna Boqotku ku yimid Mogadishu booqasho Rasmi ah Sannadkii 1967dii.
 
Markii Magaca Masjidkaa nalaku Sharfay Shirkii Rabaad, 30 Cisho oo kaliya kadib waxaa Dalka ka dhacay Kacaan la bahoobay wadamadii shuuciga, Kadibana waxaa xigay in aan magac Diineed isku dilno, Midnimadii iyo sharfkiina uu dhumo, Xirigii Alle ee nala yiri: ‘Wada qabsada dhamaantiin hana kala tagina waan deeynay.
 
waxaa xigay , Masjidka Reer Hebel iyo Masjidka kooxdaa. Masjidu Somal kadib yaa ii sheegi karo Masjid Lagu sharfay Somaida oo loogu magac daray? sideen ku soo cesha karnaa sharfkii aan ku leheyn Islaamka dhaxdiisa iyo Walaaltinimadii dhaxdeena?.
 
Qore :-Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip