HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGETYSKA MOGADISHU8 TIMES DALY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN1 6-KA NOVEMBAR 2020-KA

0
Monday November 16, 2020 - 10:36:58 in Wararka by
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGETYSKA MOGADISHU8 TIMES DALY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN1 6-KA NOVEMBAR 2020-KA

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 


Guddoomiyaha Aqalka Sare oo cabasho ka dhan ah Farmaajo iyo Rooble u gudbiyay Q/M

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarla maanka FS Md.Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qoraal ka kooban laba bog a u kala diray Wak iilka Qaram ada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee James Swan ,qaar ka mid ah dal alka reer Yur ub iyo Midowga Afrika.

Qoraalka ayuu Md.Cabdi Xaashi waxa uu ku dalbaday inay soo fara-geliyaan arrimaha Doorashada dal ka ka dhacaya 2020/2021.

Guddoomiye Xaashi ayaa Madaxw eyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuum adda ku eedeeyay inay ku tunteen shaciga u ya alla dalka, isla markaana ay nidaam sharci darro ah ku magacaabeen guddiyada Doorashooyinka Soomaaliya.

Cabdi Xaashi guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa hore uga soo horjeestay Guddiyada Doora shada heer Federaal iyo kuwa Doorashooyinka Xildhibaa nada ee kasoo jeeda Gobolada Waqo oyi ee Som aliland ee uu soo magacaabay Ra’I isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Amb, Daahir Geelle” 2 sano ka hor ayaan D/Farmaajo ka diiday in mucaaradka aan ku tilm aamo

Musharax Madaxweyne Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaayinta Soomaaliya Amb Daa hir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Dowl adda Ma daxweyne Farmaajo ay mar waliba si aan wanaag saneyn ula dhaqanto Siyaasiyinta mucaaradka ah

Amb, Daahir Geelle ayaa Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in markii uu ahaa Wasiirka Warfa afinta taageera yaasha Madaxweyne Farmaajo ula yim aadeen in siyaas iyiinta mucaaradka uu ku tilmaamo ku wo xanaaqsan uuna ka diiday, balse haatan farriintaas iyo mid ka xun ay u dhiibeen Wasiirka Cusub ee Wasaar adda Warfaafinta Cismaan Dubbe.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AMB DAAHIR GEELLE

Laba (2) sano ka hor, Madaxweyne Moham ed Abdullahi Farmaajo ayaa mucaaradka ku sif eeyay "siyaasiyiinta xanaaqsan”. Anigoo was iirka warfaa finta ah ayaa taageerayaashiisu iigu yimaaddeen inaan hadalkaas faafiyo, Waan ka diiday. Hadda, wasiirka cusub ee warfaafinta, Md. Cismaan Du bbe, ayaa loo soo dhiibay nuq ulkii labaad, wuxuu na hadalkiisii ugu horreeyay ee uu fagaare ka yiraahdo ku sifeeyay mucaar adka siyaasiyiin waa lan. Tolow, nuqulka sadde xaad muxuu noqon do onaa, yaase loo soo dhiibi doonaa?! Udub dhex aadka madaxweyne nimadu waa dhaqan iyo dha waq suubban. وقولوا للناس حسنا

Xigasho:Radiorisaala.com

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO XAFIISKIISA KU QAA BILAY SAFIIRKA TURKIGA EE SOOMAALIYA.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Fede raal ka Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa Sha lay xa fiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fa dhiya Soomaaliya Mehmet Yalmiz iyo ku xig eenkiisa Imra.Wasiirka oo war qoraal ah soo dhi gay bartiisa Facebook ayaa sheegay inuu Danj iraha Turkiga uga warbixiyay dardargelinta Horumarinta ay Was aaraddu ka waddo Waaxy aha Warbaahinta, Dhaq anka iyo Dalxiiska Soo maaliya.Danjiraha Turkiga ayaa ballanqaaday inuu dalkiisa Soomaaliya ka ta ageeri doono Horumarinta qeybaha Warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

"Shalay waxaan xafiisk ayga ku qaabilay Safi irka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Dalke enna Soomaaliya; Ambassador Me hmet Yalmiz iyo Ku xigeenkiisa Imra. Safiirku ma addaama dalkiisu horumar badan ka sameeyey dhinaca Warbaahin ta wuxuu noo ballanqaaday in uu annagana nag ala shaqaynayo dardar-gelinta waaxyaha Warbaa hinta, dhaqanka iyo dalxiis ka, isaga oo noo shee gay in usbuucyadan had da lagu jiro waxqabad koo da la’ arki doono” ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe.

Dowladda Turkiga oo ah saaxiibka ugu dhow dowladda ayaa Soomaaliya Ka caawisa dhinacy ada Dhismaha Ciidamada, dhismaha kaabayaa sha dhaqaalaha iyo Horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

KHASAARE KA DHASHAY DAGAAL KA DHACAY DULEEDKA DEGMADA WARSHEEKH.

Dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaa wac ah ayaa Shalayy laba maleeshiyo beeleed wuxuu ku dhex-maray Tuulada Xawaale Odaya aal oo 25-KM dhinaca Waqooyi kaga beegan deg mada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhe xe.Labada maleeshiyo Beeleed ayaa dag aalkooda wuxuu salka ku hayaa arrimo la xiriira dhul daaq simeed, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday dagaalka Nin lagu Magacaabi jiray shariif Xaseey dhabiil, halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in labada maleeshiyo beelood dagaalkooda uu si is kiis ah u joogsaday, waxaana dadka ku nool tuu lada Xawaale Odayaaal ay sheegeen inay cabsi soo wajahday.

Xoghayaha maamulka degmada Warsheekh Cabdullaahi Raage Coloow ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay dadaal ku bixin doonaan sidii looga hortegi lahaa colaad beeleedyada soo laab laabtay.

Saacadaha soo socda ayuu sheegay in Maa mulka degmada Warsheekh uu Ciidamo u diri do ono degaanka lagu dagaalamay si xaalada degaanka loo dejiyo loona xaliyo wixii dhacay.

Dhanka kale sanadihii la soo dhaafay degm ada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe waxaa kusoo batay Colaad beeleedyada, waxa ana 8-dii Bishaan lagu dilay Hooyo & laba Car ruur ah oo ay dhashay degaanka Xaluule oo ka mid ah degaan nada hoostaga degmada Wars heekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

BARNAAMIJKA BILIC SOO-CELINTA WADDOOYI NKA MUQDISHO OO WAJIGII LABAAD GALAY

Maamulka gobalka Banaadir ayaa bilaabay waj igii 2aad ee bilic soocelinta waddooyi nka caasi madda, wajiga hore aya a ah nadiifinta carrada ay keneen biy aha roobka si magaalada Muqdi sho ay u noqoto magaalo bilicsan,gaasimaha waaxda Nadaafada goba lka Banaadir shar’ma’arke caddow oo warb aahinta la hadalay ayaa shaca bka caasimadda Muqdi sho ugu baaqay ka qayb qaadashada bilic soo celinta waddooyinka oo uu samayn ku yee shay roobkii dhawaan ka da’ay magaalada

"waxan u gudubnay qaybtii labaad ee ah in car arda an ka nadiifinno waddooyinka oo ay keeneyn Roobaka waxana intaa u sameyney naa in bilicdii caasimada dib u soo laabato ayuu yiri agaasimaha waaxda Nadaafada gobalka Banaadir

Agaasimaha waxa uu sido kale digniin u diray ganacasatada iyo dhammaan shacabka gaar ahaa dadka qashinka ku shuba wadooyin ka muqdisho waxa uu tilmaamay in an la aqbali dooni arintaa cidii lagu arkaana ay ka qaadi do onaa Tilaabooyin isugu jiray xarig iyo ganaax lacageed.

Maamuka gobalka Banaadir aya wadada daallo uu dib ugu soo celinayo bilicdii waddooy inka caa simadda Muqdisho oo samayn Taban ku yeeshay roobabkii da’ay

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa Xalay M/ Muqdisho waxa uu ka bilaabay wajiga Labaad ee bilic soo celinta caasimada iyada oo shaqa da Markan Laga qabanayo carada wadooyinka magaalada ay biyaha Roobka Keenaan si magalada Muqdisho ay u noqoto magaalo bilic san Xagga nadaafada.

SAFAARADDA SOMALIYA EE KENYA OO DIB LOO FURAY

Waxaa Shalay dib loo furay Safaaradda So maliya ee Magaalada Nairobi ee Xarunta Wa danka Kenya, ka dib markii dayactir iyo dib u ha bayn ballaaran lagu sameeyay.

Safaaradda ayaan dayactir dha meystiran la gu samayn soddonkii sano ee ugu dambeysay, taa oo ka garan kartay dayaca muddooyinkii u gu dambe ysay ka muuqday dhismahaasi.

Dhismahan ayay maxkamad ku taala Maga alada Nairobi dib u soo celisay 7-dii bishii Dece mber ee sanadkii 2010, ka dib markii sifo aan sharci ahayn looga iibiyay ganacsade Kenyan ahaa.

Ganacsadaha ayaa si aan sharci ahayn wax aa dhismaha Safaaradda uga iibiyay xubno xill igaa ka tirsanaa Safaaradda, waana sanado ka dib markii ay dhacday Dowladdii Dhexe.

Safiirkii hore ee Somaliya, Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo) iyo jaaliyadda Soomaaliye ed ee dalkaasi ayaa gacan weyn ka gaystay dib u soo celinta dhismaha Safaaradda.

Munaasabad Shalay lagu qabtay Xarunta Safaaradda oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin, di blomaasiyiin iyo marti sharaf kaloo ballaaran ay aa xariga looga jaray dib u furista Safaaradda.

Dib furista Safaaradda ayaa waxay ku soo bee gmaysaa, xilli uu ka soo reynayo xiriirkii lab ada dal, oo muddooyinkii ugu dambeysay uu xu maa.

WASIIRKII ARRIMAHA DIBADDA SYRIA OO GEERIYOODAY

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Syria oo Geer iyooday Wasiirkii Arrimaha Dibadda Syria oo Geeriyooday XS: online Wakaaladda wararka Suuriya iyo telifishinka qaranka dalkaas ayaa saaka sheegay in uu geeriyooday wasiirkii arri maha dibadda dalkaas Walid Muallem.

Wasaaradda arrimaha dibadda Suuriya ayaa ka tacsiyeeysay geerida Almucallim inkastoo aanay wax faahfaahin ah ka bixinin sababta kee ntay geerida wasiirka.

Diblomaasigan geeriyooday ayaa lagu xasuustaa in uu ka mid ahaa tiirar hor-boodayay siyaasadda madaxweyne Ba shaar al-Asad.

Almucallim oo ahaa 79 jir ay aa xilal kala duwan ka soo qabtay wasaarad da arrimaha dibadda Suuriya tan iyo 1964-kii oo ahayd markii u uku biiray wasaaradda.

Wuxuu ka soo shaqeeyay dalalka Tanzania, Sacuudiga, Spain , Mareykanka iyo Britain.

2006-dii ayuu qabtay xilka wasiirka arrimaha dib adda Suuriya isaga oo kaalin mug leh ka soo qa atay hagaajinta xariirka dibadeed ee Suuriya iyo qaar badan oo ka mid ah dalalka reer galbeed ka.

GOLAHA SHACABKA OO MAANTA KULAN KA YEELA NAYA MAAL-MARINTA IYO KA DOODISTA AJAND AYAAL DHOWR AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Ba arlamaanka Soomaaliya ayaa ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya kulankoodii caadiga iyaga oo ka uga dooddi doona ajandayaal dhowr ah.

Xildhibaannada ayaa loo diray qoraal lagu oge eysiinayo in uu jiro kulanka Golaha, iyaga oo la ga dalbaday inay soo xaadiraan sidoo kal ena waqtiga ilaaliyaan.

Xildhibaannada ayaa kulankooda uga hadli doona maal-marinta xubnaha guddiga Adeega Garsoorka, guddiga la dagaalanka Musuqma asuqa iyo Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeed ka Nootaayooyinka Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ku howlan sidii loo dardar-galin lahaa meelmarinta sharciyo dhowr ah oo horyaala iyadoo muddo xileedka Goluhu yahay mid sii dhamaanaya.

BEELAHA HAWIYE OO QODOBO XASAASI AH HORDHI GAY ROOBLE KANA DIGAY QORSHE SOCDA

Waxaa Shalay M/Muqdisho ka dhacay kulan ay odaysha dhaqanka beelaha Hawiye la yeeshe en R/ wasaaraha Soomaal iya Maxamed Xuseen Ro oble. Kulan kaas waxay oda yaashu ugu gudbiye en R/wasaa raha tabasho oyinka ay be elaha Haw iye ka qabaan siyaasadda dalka, sida ay waxgaradku warbaahinta la wa daageen.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad guddoomi ya ha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo kulan kaas ka hadlay ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha ay kala hadleen arrimo badan.

Sidoo kale Nabadoon Xaad ayaa sheegay in ay ra’iisul wasaaraha la wadaageen warqad ay ku qoranyihii waxyaabaha ay tabanayaan beela ha Hawiye ee dowladda looga baahanyahay in ay wax ka qabato.Odayaashaan ayaa dalbaday in dib loogu laa bto guddiyada doorashada oo ay sheegeen in ay ka buuxaan ciidamo iyo sha qaale dowladeed oo aan dhax-dhexaad noqon Karin.

Sidoo kale waxay dalbadeen in la joojiyo cad aadiska lagu haayo siyaasiinta Hawiye iyo bul shadaba lagana fogaado qorshaha ay Villa Som alia ku dooneyso in ay ku fujiso boorarka musha raxiinta Hawiye, xili dhowaan laga fujiyay Cabdi raxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wararka aan helnay ayaa sheegeysa in oda yaa sha ay sidoo kale walaac ka muujiyeen cii damo la ga keenay Eritrea oo Soomaali ah iyo ciidan kale oo ajnabi ah, kuwaas oo ay ka qab aan cabsi ah in dalka lagu geliyo dagaalo soke eye iyo in lagu sa meesto dano gaar ah.

"Kulan dheer iyo falanqeyn kadib, waxaan ku balanay in gogoshan aysan xirmi doonin ilaa inta laga xalinayo cabashada aan u gudbinay do wlad da, oo u badan rasida taalla gobolka Bana adir iyo wal-walka aan ka qabno doorashada dalku gel ayo,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

"Xaqiiqdii hadaan nahay odayaasha beelaha Hawiye cabashadii aan qabnay waan la wadaag nay ra’iisul wasaaraha, isaguna waa nala had lay, walaac badan oo aan qabnayna waa uu da aweeyey, erayadiisii waxaa ka mid ahaa ‘war an iga wax kale meesha uma joogee, adinkaan qo wsaar idiin ahaye, miyaadnaan igu kalsooneyn ayuu nagu yiri’ marka xaqiiqdii meeshu ma marna oo ragbaan noogu jira, hadana beelahan waxa ay ka baqay aan waa wax jira oo meesha siyaasadbaa lagu jir aa,” waxaa sidaas yiri mid ka mid ah odayaashii goobta ka hadlay.

Xigasho:Caasimadda.Net

AMB, JAMES SWAN "AL-SHABAAB WAA HALIS AMNI OO WELI KA JIRTA SOOMAALIYA..”

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha So omaaliya Amb, James Swan ayaa ka hadlay da gaalka mudada dheeraa day oo ay dowladda Soo maaliya kula jirto Ururka Al-Shabaab oo weli ku sugan degaa no ka tirsan Koonfurta iyo Barta maha dalka Soomaaliya.

Amb, James Swan wu xuu she egay in Al-Sha baab ay yihiin ku wo kh atar amni iyo mid horum arineed ku ah dal ka Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in la sii wado dagaalka lagula jiro.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soo ma aliya Amb, James Swan oo la hadlay Warg eyska Daily Xayaat ee ka soo baxa dalka Turki ga ayaa wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray in we li ay Al-Shabaab yihiin kuwo xoogan oo weeraro fulin kara, hayeeshee u baahan in laga hortago.

"Al-Shabaab waa halis amni oo weli ka jirta So omaaliya, waxaa muhiim ah in si wadajir ah loo ga wada hortaggo maadaama ay yihiin kuwo jira oo xiriir la leh al-qaacida, waxaana rajeynayaa inay noqdaan kuwo aan sii jiri karin oo taageero ka waaya Soomaalida ayuu yiri” Amb, James Swan. Ugu dambeyn Wakiilka Q/Midoobay ee Arr imaha Soomaaliya Amb, James Swan wax aa uu carab ka ku adkeeyay in dadka Soomaal iyeed iyo dowl adooda ay iska kaashaan sidii looga hortegi lahaa weerarada Al-Shabaab, iya da oo aan lag eegeyn kaliya qaab Millateri.

QM ayaa waxay ka mid tahay Hay’adaha Soo maaliya ka taageera dhinacyo badan oo uu amn iga kamid yahay, waxaana jira Hay’addo iyo do wlado kale oo Soomaaliya ka taageera dagaal ka la gula jiro Al-Shabaab.

XUKUN LAGU RIDDAY NIN LAGU SOO EEDEEY AY IN UU AL-SHABAAB LA SHAQEYNAYEY.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 60a-ad ayaa Shalay xukun ku riday shakhsi la gu soo eedeeyay la shaqeynta Urur ka Al-Shabaab oo ku sugan degaan no ka tir san Koonfur Galbeed.

Eedeysanahan oo magaciisa lagu shee gay Xasan Cali Ga as, ayay Xeer ilaalinta Maxkamad da Ciid amada ku ee deysay inuu la Shaqeynay ay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Tuulada Ceelga ras.

Xeerilaalinta ayaa intaas ku dartay in eede ysane Xasan Cali Gaas lagu qabtay, isaga oo waday 218 Xabo oo rasaasta Qoriga AK47 oo uu u waday Tuulada Ceel-garas oo ay maamu laan Al-Shabaab,

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 60-aad ayaa Eedeysane Xassan Cali ku xukunt ay Shan sano oo xabsi Ciidan ah. Guddoomiya ha Ma xkamadda ayaa sheegay in xukun sane Xasan Cali Gaas Cali uu u furan yahay racfaan ku siman muddo 30 Cisho ah.

Maxkamadda CQS qeybta 60-aad ayaa horay waxaa ay xukuno kala duwan ugu riday Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo Ciidamo kamid ah ku wa dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dil al geystay.

PUNTLAND OO HOWLGALLO KA DHAN AH DAACISH IYO AL-SHABAB KA FULISAY GOBOLKA BARI

Ciidamada Amniga Puntland ayaa hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay tuulooyin katirsan Caalmadow oo ah degaano ay si dhuu maalaysi ku yimaadaan dagaalamaayasha koox da Alshabaab ee farriisinka ku leh aaggaas.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii laamaha amniga ka digeen suurtagalnimada falal argigixi so oo ay maleegayaan kooxaha Shabaab iyo Daacish oo bilihii ugu dambeeyay ciidamadu gu ulo ka gaa reen howlgalo ka dhacay Bosaso iyo buuraha ku teedsan.

M/Bosaso oo ay markii ugu horeysay ka dhac ayaan doorashada qaar kamid ah xildhibaanada Puntland u matalaya barlamaanka Soomaaliya, ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay, iyadoo la geeyay ciidamo tababar loogusoo xiray Qar dho.

Bosaso waxay bilihii ugu dambeeyay ka na bad gashay dilalkii iyo qaraxyadii ka dhici jiray, iyadoo Puntland ay sheegtay inay burburisay shabakado qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada.

Dhawaaan, maxkamada ciidamada qalabka si da ee Puntland ayaa lasoo taagay xubno ka tirs an kooxda Daacish oo uu ku jiray madaxii dilal ka iyo farsameynta qaraxyada Daacish

ee Bos aso

WIIL BAJAAJLE AHAA OO LAGU TOOGTAY MUQDISHO

Ciidan ka tirsan Nabad Suggida Somaliya ayaa Shalay waxa ay dil ugu gaysteen M Muq disho, wiil dhalinyaro ahaa oo ku shaqeysto Mooto Bajaaj.

Dilkan ayaa wuxuu ka dhac ay Degmada Warta Nabad da, gaar ahaan inta u dhax eysa Isgoyska Siinaay & Foloransa.

Marxuumka la dilay ayaa wax aa lagu magic aabi jiray Max amed Cabdi Warsame, waxaa na dilkiisa gaystay Ciidan ka tirsan Dharcadda Nabad Suggida.

Ciidanka dilka gaystay oo watay gaari yar oo nooca raaxadda ah ayaa ka baxsaday goob tii, wax aana la haayaa macluumaad ku saabs an Ciidankii baxsaday.

Maydka Marxuumka ayaa waxaa la geeyay Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska Som aliyed, halkaasi oo nidaamka maydadka la mar siiyo la mariyay.

Dhalinyarada ku shaqeysta Mooto Bajaajta ay aa waxaa dilal kala duwan loogu gaystaa M/ Mu qdisho. Xigasho:-dhacdo.com

AL-SHABAAB OO BEENISAY IN XUBNO KAMID AH DA GAALAMAYAASHEEDA LAGU XIRAY DALKA ETHIOPIA

Al-Shabaab ayaa beenisay sheegashada Itoobiya ee ah in ay xireen xubno ka tirsan ko oxd ooda, sida lagu sheegay warbixin lagu daa bacay wakaaladda wararka Ethiopia ee ENA.

Bayaan kasoo baxay Alshabab, ayaa lagu sheegay in sheega sha da Ethiopia uga dan lee dahay in ay indhaha ca alamka ka jeediso qa lalaasaha ka taagan gobol ka Tigreega.

"Hadalka Ethiopia ee ku saabsan in ay qabte en xubno ka tirsan Alshabaab waa arrin aan sal iyo raad lahayn, waa sheegasho siyaas adaysan oo uu Abiy Axmad ku doonayo inuu in dhaha caa lamka uga leexiyo dhibaatada iyo col aadda ka taa gan gudaha Itoobiya" ayuu yiri Cabdi Casiis Abu Muscab, afhayeenkii how lgallada Al-Shabaab.

Alshabaab waxay iska fogeeyeen in ay wax lug ah ku leeyihiin qalaalasaha ka socda dalka Ethiopia. Sirdoonka Itoobiya (NISS) ayaa she egay inay gacanta ku dhigeen 14 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish oo qorsheyn ayay inay weeraro ka fuliyaan goobo kala duw an oo dalkaas ka mid ah.

Wakaaladda wararka ee Itoobiya ee loo soo gaabiyo (ENA) oo soo xiganeysa NISS ayaa sheegtay in Al-Shabaab iyo Daacish ay xubnah ooda u direen magaalada caasimada ah ee Add is Ababa iyo meelo kala duwan oo dalka ka mid ah si loo fuliyo falal argagixiso oo wax u dhima ya nafta iyo hantida dadka sidoo kalena sumac dda dalka wax u dhimaya.

ABU MUHAMMAD AL-MASRI – HOGAAMIYIHII AL-QACIDA ‘EE CAAWIYEY CAYDIID OO LA DILAY’

Hoggaamiye ku-xigeenkii Al-Qacida, oo la gu eedeeyey inuu ka dambe eyey weeraradii saf aaradaha Mareyk anka ee Nairobi iyo Darussalam, sidoo kalena Jen eral Maxamed Faarax Caydiid ka caawiyey dagaalkii uu la galay Mareykanka, ayaa lagu dilay dalka Iran. Wargeyska New York Times oo soo xiganaya ilo-wareedyo sirdoon ayaa weri yey in Abdullah Ahmed Abdullah oo loo yaaq aan Abu Muha mmad al-Masri ay dileen wakiilo ka tirsan sirdoonka Israel, oo fulinaya codsi ka yimid Mareyaknka.

Weerarkan oo ay fuliyeen laba nin oo hueb ys an oo ku socday mooto ayaa 7-dii August ka dha cay waddo ku taalla magaalada Tehran ee caasim adda Iran, sida lagu sheegay warbixinta New York Times. Waxaa la socday oo lala dilay gabar uu dhalay.

Dilka Al-Masri, oo loo arkayey inuu ahaa ninka beddeli lahaa hoggaamiyaha Al-Qacida Ayman Al-Zawahi ayaa tan iyo markaas la qar inayey, sida ay sheegtay warbixinta New York Times.

Al-Masri iyo Jeneral Caydiid

Abu Muhammad al-Masri waxa uu 1963-kii ku dhashay degmada Al Gharbiya ee waqooyiga dalka Masar. Yaraantiisa waxa uu ahaa xirfadla kubadda cagta ah oo ka cayaara horyaalka heer ka koowaad ee Masar.

Kadib markii Midowga Soviet ay qabsadeen Afghanistan 1979-kii, waxa uu ku biiray dhaq-dha qaaqii Jihaadiyiinta ee caawinayey ciidam ada Afghanistan.

10 sano kadib markii Soviet-ka ay ka baxeen Afghanistan, Masar ayaa diiday inay Al-Masri u og olaato inuu dalka kusoo laabto, wuxuuna sii joogay Afghanistan, halkaasi oo uu kula biiray Osama Bin Laden, kuna aas-aaseen Al-Qacida. Waxa uu lam barka 7-aad kaga jiraa liiska aas-aasayaasha Al-Qacida ee ka kooban 170-ka qof.

Horraantii sagaashamaadkii, waxa uu Bin La den ula safray magaalada Khartoum ee dalka Sudan, halkaasi oo uu ka billaabay aas-aaska unu gyada Militari ee Al-Qacida.

Sida lagu sheegay warbixinta New York Tim es, waxa uu sidoo kale xilligaas u safray Soo maaliya, gaar ahaan Muqdisho, isaga oo caa wiyey oo taba bar siiyey maleeshiyadii daacad da u aheyd Jen eral Maxamed Faarax Caydiid.

Tababarka uu siiyey waxaa ka mid ahaa sida loo rido gantaalaha laga tuuray garabka loolana be egsado diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopt er-ka. Tababrkaas ayaa ka caawiyey ciidankii Je neral Caydiid dagaalkii ay la galeen ciidamada Mareykanka, halkaasi oo ay kusoo rideen laba diy aaradeood oo Helicopter ah, dha cdadaas oo loo yaqaan Weerarkii Black Hawk Down.

Al-Masri iyo Weeraradii Safaaradaha Waxyar ka dib dagaalkii Muqdisho, Osama Bin Laden ayaa Al-Masri madax uga dhigay qorsheynta howlgalla da ka dhanka ah bartilmaameedyada Mareykanka ee Afrika.

Ayaga oo qorsheynaya weerar weyn oo caalam ka ka yaabiya, ayey go’aansadeeen inay si isku mid ah u weerareen labada safaa radood ee Mare ykanka ee Nairobi, Kenya iyo Darussalam, Tanz ania.

Waxyar kadib 10:30 am 7-dii August 1998-kii wa xaa laba baabuur oo xamuul ah oo qaraxyo laga soo buuxiyey ay isku mar weerareen lab ada saa faraood, waxaana halkaas lagu dilay bo qolaal qof.

Sanaddii 2000, Abu Muhammad Al-Masri ayaa ka mid noqday sagaalka xubnood ee go laha maamula Al-Qacida, waxaana madax lo oga dhigay tababarka militariga Al-Qacida. Waxa uu sidoo kale sii waday inuu mas’uul ka ahaa howl-gallada afrika, sida ay sheegeen ilo-sirdoon, wuxuuna amray weerarkii 2002 ka dha cay magaalada Mombasa, oo lagu dilay saddex dalx iise oo Israeli ah iyo 13 qof oo Kenyan ah.

Jawaabta Iran ee dilka

New York Times waxay werisay in Iran ay isku dayday inay qariso dilka Al-Masri, ayada oo u bed deshay sheeko kale.

Kadib markii dilka laga war helay, warbaahinta dowladda Iran ayaa dhibanayaasha ku sheegay inay ahaayeen Habib Daoud, oo ahaa macallin taa riikhda ka dhiga Jaamacad iyo gabadhiisa 27- jirka aheyd ee Maryam.

Iran ayaa sidoo kale Shalay beenisay warbix in ta, waxayna sheegtay in aysan jiri "argagixiso” Al-Qacida ah oo ku sugan ciiddeeda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran Saeed Khatibzadeh ayaa bayaan uu soo saa ray ku yiri "Mareykanka iyo Israel waxay mararka qaar Iran la xiriiriyaan kooxaha noocan ah ayaga oo been sheegaya islamarkaana war baahinta u du sinaya akhbaaraad been abuur ah, si ay isaga fo geeyaan dhaq-dhaaqayada da mbiyeed ee kooxd an iyo kooxaha kale ee arga gixisada ee gobolka.”

Xigasho:-caasimadda.net

TPLF OO SOO BANDHIGTAY MAXAABIIS CIIDAN OO ERATARIYAAN AH

TPLF ayaa soo bandhigtay Maxaabiis Ciidan oo u dhashay Dalka Eriteria, kuwaas oo ay sheeg een Sarakiisha Tigreeygu in ay kusoo qab-qabteen

dagaal, waxaana warbaahinta la hadlay qaar ka mid ah Askarta lasoo qabtay.

qaar ka mid ah Maxaabii sta Ciid anka ee lasoo bandhigay oo la ha dlayay warbaahinta TPLF ayaa sheegay in dagaalka lagu soo qa sbay, aysana doonayn in la dagaalamaan Tigr eega oo duqymo xooggan ka gaystay gudaha Eri teria. Waxaa sidoo kale ay intaas ku dareen ma xaabiistaas lasoo bandhigay in Nabad la wada qaato oo dagaalka la joojiyo. Hoggaamiyaha Gobolka Tigreega Debretsion Gebremichael ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Ismaam ulka Tigree-ga ay ka dambeeyeen Gantaalladii la gu weeraray Garoonka Asmara iyo Xarunta Was aaradda Warfaafinta dowladda Eratariya.

Hogaamiyaha Tigree-ga ayaa sidoo kale shee gay in ciidamadiisu ay maalmihii lasoo dhaafay la dagaalamayeen Ciidamada Eratariya, iyagoona ku eedeeyay dowladdaas inay ka qeyb qaadaneyso dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Milateriga Itoob iya.dagaalka u dhexeeya Ciidanka Milateriga dowl adda Federaalka Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Tigree-ga ayaa galay maalintii 11-aad, waxaana ka dhashay khasaaro aad u xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana muuqata in dagaalka ay qayb ka noqon doonto Erateria oo haatan Maxabiis Ciidan laga haayo.

ARDAY KENYAN AH OO SOO SAARAY HUB CUSUB OO LAGU QALABAYNDOONO CIIDAMADA KENYA

Koox dhalinyaro ah oo reer Kenya ah oo ka tir san ardayda jaamacadaha ayaa loo xilsaaray sam eynta hub cusub iyada oo lagu fulinayo hawlgal qarsoodi ah oo loogu magac daray Mashruuca Warshadeynta Amniga Qaranka.

Ardaydan oo ku jira da'da 20-meeyada wa xaa la soo xiriiray Adeegga Sirdoonka Qaranka sida uu shaaca ka qaa day Afhayeenka Dowl adda Col (Rtd) Cyrus Oguna.

Ardaydan dhalinyarada ah ayaa lagu ama anay sameynta hub magaciisa lagu sheegay CMZ 4 Assault Rifle, oo ah aalad yareyneysa sa ameynta waxyaabaha qarxa ee la farsameey ay iyo hubka kale ee wax dila.

Bishii hore, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay aa booqday akadeemiyada lagu sameynayay hub kaan, isagoo ammaanay waxqabadka arda yda fuli naysa mashruucaan.

Kenya ayaa sheegtay inay hubkaan ugu talo gashay Ciidamada Difaaca Kenya si ay u ya reyso ku tiirsanaanta hubka shisheeye.

Qeyb kamid ah hubkaan ayaa la sheegay in ay dowladda Kenya u adeegsandoonto ka hortaga kooxda Al-Shabaab.

AYAX KU HABSADAY DEGAANO KA TIRSAN GOBOLKA JUBBADA HOOSE

Wararka laga helayo degmada dhoobleey ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ay shee gayaan in saacadihii la soo dhaafay uu Ayax far abadan ku habsaday degaano hoostaga degm adaas.

Ayaxa oo la sheegay in uu u socdo si arxan raxan ah ayaa baabi’iyay dalagyada Beero iyo dhul daaqsimeed ku yaalla duleedka degmada Dhoobleey, isla markaana uu ku faafayo degaano kale.

Mid kamid ah Beeraleyda ku nool degaanna da hoostaga degmada Dhoobley ayaa sheegay in Ayaxa uu degaannada Gobolka Jubbada Ho ose uga yimid dhinaca Gobolka Shabeellaha Ho ose, isla markaana dhibaato xoogan uu ku ha ayo.

Guddoomiyaha Dhoobley Siyaad Maxamed Xas an oo dhankiisa Warbaahinta la hadlay ayaa wax aa uu sheegay in Ayaxa uu waxyeelo farabadan u geystay dhul daaqsimeed ay xoolaha ku tiirsanaayeen.

Dhawaan ayaa degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa lagu arkay Ayax farabadan oo ku habsaday, waxaana sidoo kale Wasaaradda Beeraha Dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay bilaabi doonto dagaal ka dhan ah Ayaxa.

DAD QABAY COVID-19 OO KU LE’DAY DAB XOOGAN OO KA KACAY ISBITAAL

Dabka ayaa ka kacay sida saraakiisha caaf imaadka sheegeen qeybta deg de ga ee Isbit aalka Magaalada Piatra Neamt halkaas oo ay ku jireen bukaano badan oo xaaladooda ay liid atay. Irina Popa oo afhayeen u ah kooxaha gur madka deg dega ee magaalada ayaa sheegtay in 7 qof oo kale ay ku dhaawacmeen dabka, ku waasi oo marka hore la isku dayay in la bad baadiyo, bal se dabka ay ku dhaceen.

Irina Popa waxay til Shalay in dadka dhint ay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen bukaa no karo ona u jiifay marka laga reebo hal qof.

Dabka ayaa basbeeliyay labo qol oo ay ku jire en 16 bukaan oo xaalad deg deg ah ahaa ku waas oo la liitay Cudurka halista ah ee Coron avirus oo muddooyinkii dambe haayay.

HOGGAAMIYAHA TIGRAY OO KA HADLAY WEER ARKII GANTAALADA EE M/ASMARA

Hoggaamiyaha gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia ayaa Axadda Shalay ah xaqiijiyay in cii damadiisu ay gantaalo ku garaaceen caas imada Eritrea ee Asmara, wuxuuna ku hanjabay we er aro dheeri ah, isaga oo yiri "waxaan qaadi doonaa bar tilmaameed kasta oo militari oo sharci ah, waa nna duqeyn doon naa.”

Madaxweynaha gobolka Tigray Debretsion Gebre michael ayaan sheegin in ta gantaal ee Sabtidii lagu duqeeyey Asmara, la akiin waxa uu sheegay in ay tahay magaalada kaliya ee Erit rea ee ay beegsadeen.

Hadalkiisa ayaa xaqiij inaya in uu sii kordhayo khilaafka u dhaxeeya lab adan dal ee deriska ah ee Africa maadaama dagaal kii gobolka Tigray uu ka tallaabayo xuduudda.

Saddex gantaal ayaa Sabtidii lagu tuuray As mara, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyade ed, saa cado kaddib markii uu maamulka gobol ka Tigray uu ka digay weerar ka dhan ah Eritra.

Madaxa Ismaamulka Tigray, Debretsion Ge br emichael, ayaa ku eedeeyay dowladda Eri trea in ay xadka Itoobiya u dirtay ciidamo si ay u taa geerto Ra’isulwasaare Abiy Ahmed, hase yeeshee eedeyntaasi waxaa beenisay Eritrea.

Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Osman Sa leh Mohammed oo la hadlay wakaaladda wa rarka ee Reuters ayaa sheegay in aysan qeyb ka aheyn colaadda Ethiopia.

Lama oga khasaraha ka dhasay saddexda gantaal ee lagu weeraray caasimadda Eritrea ee Asmara. Goor hore oo Sabtidi Dorraad ahe ydna, xoogaga TPLF ee gobolka Tigray ayaa sheegay in ay madaafiic ku garaaceen laba era boor oo ku yaalla gobolka Amxaarada ee Ethio pia.Ilaa iyo hadda ma cadda tirada ku dhima tay da gaallada ka socda Ethiopia, balse QM ayaa she egtay in dad ka badan 14 kun oo ka cararay dag aalka ka socda gobolka Tigray ay ka tallaabeen xadka Itoobiya la wadaagto Sudan.

ERETREA OO KA HADASHAY DUQEYMIHII LALA BEEGSADAY ASMARA

Dowladda Eretrea ayaa xaqiijisay in weerar gantaallo loo adeegsaday oo laga soo tuuray dhanka dalka Itoobiya ay ku habsadeen maga alada Asmara.

Danjiraha Eretrea u fadhiya dalka Jabbaan oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa yiri "May 1998 jabahadda TPLF ayaa daga al ku soo qaadday Eretrea, saddex weerar ayay kusoo qaadday intii u dhexeysay 1998-2000, hal milyan oo ruux ayaa barakacay, 76.000 oo qof oo ka soo jeeda Eretrea ayaa laga soo ceyriyay Itoobiya”

Waxa uu intaa ku daray "Jabhadda Tigreega ayaa mar kale falal fuleynimo ah kusoo we erartay Eretrea 14-kii November 2020”

Diblomaasiyiin ku sugan gobolka ayaa waka aladda wararka Reuters u sheegay in saddex gantaal oo laga soo tuuray dhanka dalka Itoobi ya ay ku dhaceen caasimadda Eretrea ee Asma ra gaar aha an gegida dayuuradaha.

TPLF ayaa horay u sheegatay in ay ka jawa abi doonto weerarro ciidamada Eretrea ay ku soo qaa deen soohdinta ay la wadaagaan gobo lka Tigree waxayna jabhaddu sheegtay in ay du qeyn doonto magaalooyinka Asmara iyo Musa wa ee dalka Eretrea.

Jabhadda ayaa sidoo kale sheegtay in ciida mada Eretrea ay Jimcihii soo weerareen deega anna da Zalambessa , Rama iyo Sorona ee dha ca waqooyi galbeed gobolka Tigreega.

Wasiirka arrimaha dibadda Eretrea, Cusmaan Saalax Maxamed ayaa gabi ahaanba beeniyay eedeynta jabhadda iyo in dalkiisu dhinac ka ya hay dagaalka ka socda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

TIRADA ASKARTA ARMENIA LOOGA DILAY DAGAALKA AZERBAIJAN OO LA SHAACIYAY

Armenia ayaa Sabtidii sheegtay in, in ka bad an laba kun oo askari looga dilay dagaalkii so cday lix da toddobaad ee ay la gashay Azerba ijan, ee ka dhashay gobolka lagu muransan yah ay ee Nag orno Karabakh.

"Illaa iminka, waxaan xaqiijinay geeriday 2,317 oo askari, oo ay ku jiraan kuwa aan weli la aqoon san,” waxaa sidaas qoraal ay soo dhigtay faceb ook ku tiri Alina Nikoghosyan oo ah afhayeenka wasaaradda caafimaadka Armenia.

Dagaalka oo socday ku dhowaad laba bil ayaa soo geba-geboobay toddobaadkan kadib markii labada dal ay gaareen heshiis xabad jo ojin oo Ruushka uu ka soo shaqeeyey, kaasi oo Arm enia oo ay ku dhiibtay dhul bad an oo ay qa bsadeen Azerbaijan.

Ciidamada Azerbaijan marnaba shaaca kama qaadin khasaaraha kasoo gaaray dagaalka, ha se yeeshee tirada guud ee khasaaraha dagaal ka ay aa la rumeysan yahay inay aad uga bad an tahay inta la shaaciyey. Madaxweynaha Vla dimir Putin ayaa Jimcihii sheegay in tirada dhim ashada dagaalka ay ka badan tahay 4,000 oo qof, islamarkaana lagu dhaawacay 8,000 oo ka le. Ugu yaraan 143 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalka.

MADAXWEYNE GUUDLAAWE MA KU GUULEYSAN DOONAA XALINTA AFARTAN ARRIN? (FAALLO)

Maamulka HirShabeelle ayaa yeeshay hog aan iyo baarlamaan cusub waxaana muuqan aya in ay taageereen Mucaarad iyo Muxaafad iyo inta badan bulshada degaanka, waxaase jira su’aalo badan oo ka taagan sida uu sii ahaan doono maamulkaan.

Shacabka HirShabeelle ayaa wajahaya dhib aatooyin badan oo isugu jira kuwa ay la wadaag aan bulshada kale ee So omaaliyeed iyo mid u ga ar ah, waxaana leys wey diinayaa Cali Guudlaawe ma ku guuleysan doonaa xal u helida Arintaan?

Afarta dhib ee ugu waa-weyn ee degaa nkaan heesto islamarkaana u baahan xalka deg dega ah ayaa kala ah.

1) Amni darro: HirShabeelle waxay wajahey saa amni darro xoogle waxaana go’doon ku jiro magaalooyin badan oo ay kamid tahay Jowhar oo hadda maamulku ku shaqeeyo. Arinta ugu muhiimsan ayaa ah in xal loo helo wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo amni darro looga go’ay, xal u helida dagaalada beelaha oo meel xun gaaray iyo mashaakilaad kale oo dhanka amaanka ah.

2) Shaqa la’aanta: HirShabeelle waxaa ka jiro shaqa la’aan baahsan oo camimtay degaan ka waxaana laga faa’ideysan waayay fursado badan oo shaqa abuur ah oo laga helay World Bank iyo hay’ado kale. Dhalinyaro badan ayaa qaba rajo ah in haddii la shaqaaleysiiyo dhalin yarada in xal loo heli karo dhibaatooyinka shaqa la’aanta islamarkaana ay soo noqon doonto rajadii degaanka.

3) Fatahaadaha: HirShabeelle gaar ahaan magaalooyinka Beladweyne iyo Jowhar lix bil ka sta waxaa fatahaad xoog leh ka sameeya wabi ga Shabeelle kaas oo sababay barakac, bur bur iyo in dalag badan ku baaba’aan. Dhibaatada oo saameen dhaqaalo iyo mid bulsho degaan ada maamulkaas ku yeelatay ayey dad badan xiiseynayaan in wax laga qabto.

4) Garoomada Diyaaradaha: HirShabeelle malahan garoomo diyaaradeed oo u qalma ku wa ay ka soo dagto diyaarad sababtoo ah, gar oonada Jowhar iyo Beladweyne haddii uu roob da’o ma jirto wax diyaarad ah oo ka dagi kara ama ka duuli kara. Dad badan oo xanuunsan islamarkaana la marsiin waayay dhulka ayaa maalmo garoonka Beladweyne biyo fadhiyeen waxaa safar dhulka ah lagu geeyay Guriceel ka dibna looga sii qaaday diyaarad waana sababta baahi weyn loogu qabo in la helo garoomo wan aagsan oo bad-qaba.

Inkastoo qodobadaan qaarkood ku jireen bal anqaadyadiisa Madaxweyne Guudlaawe hada ne waxaa jirto baahi weyn oo deg deg ah wax eyna dad badan ku rajo weyn yihiin in muhiima da 1-aad laga dhigo afartaan qodob oo baahi weyn loo qabo arimahaan iyo kuwa kale.

HirShabeelle oo ah maamulkii ugu dambeey ay ee laga dhiso Soomaaliya ayaa hadane ka mid ah kuwa kheyraadka wanaagsan islamar kaana u dhow Muqdisho, taas oo haddii loo helo maamul iyo hogaamin wanaaagsan sababi kar ta in laga baxo dhibaatooyinka Jira.

XARUN LA HABAARI JIREY OO HAATAN LOO DUCEYNAYO!!!

Dhuunta ayay na qabteen, maxaa halkaan loo soo dajiyay, go’doon ayay na galiyeen, in kaar ha ku dhacdo, jidkii na loo soo mari jirey ayay naga gooyeen iyo ereyo kale oo habaar ah ayaa farqaha loogu shubi jirey xarunta cusub ee Agaasinka Waxbarashada G/Banaadir, taasi oo dhawaan laga hirgaliyay degmada Xamar-weyne.

Ganacsatada yar-yarka ah ee ka xoogsada agagaarka xaruntaas iyo wadayaasha Moto Baj aajleydii isticmaali jirey wadada hor-marta xaru ntaasi ayaa si weyn u dhibsadey markii agtooda la keenay xaruntaasi, khaylo dhaan ayay ka sa meeyeen laakiin cidna dhag jalaq uma siinin, ila ahaa joogo ayay isaga gaabsadeen markii ay waayeen cid cabashadooda ka hoos qaada!!!.

Dhawr bilood ayaa ka soo wareegtay tan iyo intii uu Agaasinka cusub ee Waxbarashada G/ Banaadir uu ka shaqo bilaabay xaruntiisa cusub ee magaalada Muqdisho, ayaanba waa ayaan, maanta ayaa markii iigu horeysay booqday xaruntaasi oo aan ogaa sidii loo habaari jirey markii ay halkaasi soo degaysay.

Abaarihii 12:00 duhurnimo ayaa u dhaqaaqay xaruntaasi, waa markii koowaad ee aan muraad ka yeesho, su’aalo badan ayaa si hoose isu we ydiinayay, ka hor intii aan gaarin halkaasi, wal-wal ayaa dareemayay, cabsi waxa aan ka qab ay in la igu adkeeyo, berri soo noqo, laaluush ma haysaa iyo xujooyin kale in la iga horkeeno ayaa ka walaacsanaa.

Intii aan nafsadayda la sii sheekaysnayay ay aa arkay Aniga oo gaaray ilinkii xaruntaasi, "Jo ogso” ayuu igu yiri askari taagnaa albaabka ho re ee dhismahaasi, "Intee u socotaa” ayuu ii raa ciyay? magaca Xafiiskiii aan u socday ayaa si kooban ula wadaagay.

Baaritaan kadib, gudaha ayaa u galay xar untii, qof aan u mooday inuu ka tirsanaa hawl-wadeenada goobtaasi ayaa weydiiyay inuu ii tilmaamo Xafiiska Imtixaanaadka ee qaabilsan qaadashada Shahaadooyinka, si fudud ayuu farta iigu fiiqay qol aan sidaasi iiga fogeyn, dha wr talaabo kadib, gudaha ayaa u galay Xafiiskii, nin dhallinyaro ah ayaa ugu tagay, salaan kadib, waxa aan u sheegay ujeedada socodkayga.

"Soo dhawoow” ayuu igu yiri, "Keen warqad da” ayuu ii raaciyay, si fara fudeyd ka muuqato ayaa warqadi gacanta uga galiyay, baaritaan uu ku raadinayo shahaadadii aan baadi goobayay ayuu bilaabay, daqiiqado kooban kadib, waxaa la ii soo taagay shahaadadii aan saakay u soo muraaday.

Aniga oo la dhacsan sida fudud ee wax la ii gu qabtay ayaa wiilkii ila socday ee lahaa sha haadada, waxa aan ku wareejiyay shahaadadi isa, mahadnaq kadib, waxa aan dibadda uga soo baxnay Xafiiskii aan ku jirnay.

Waa rumaysan waayay sida sahlan ee la iigu ad eegay, la yaab ayay arintaasi igu noqotay, hub aashii Agaasinka Waxbarashada G/Banaadir waa meel aan Musuq ka jirin , waa xarun aan laga aqoon lugooyo, berri soo noqo, afgarasho ma haysaa Iwm.

Duco iyo hambalyo ayaa u hibeeyay shaqa alaha xaruntaasi oo ku sifoobay maamul wan aag iyo inay ummaddooda ugu adeegaan daac adnimo, hufnaan iyo khibrad shaqo.

Inkasta oo aan shalay ka mid ahaa dadkii habaari jirey xaruntaasi maadaama ay ciriiri ba dan keentay ayaa haatan waxa aan ka mid ah ay akhyaarta u Duceynaysa xaruntaasi oo aam insan in la mahadiyay, faa’iido ka badan caba shadii la qabay ayaa xaruntaasi laga helay, bac damaa ay hayso hawl ummaddeed oo mar wal ba baahi weyn loo qabo.

WQ:C/Laahi Shiiqaalow

TIRADA DHIMASHADA DUUFAANNADA FILIBIIN OO SARE U KACDAY

Tirada dhimashada duufaannada Filibiin oo sare u kacday

Sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Filibiin mid ka mid ah duuf aannadii ugu xu maa afartankii sa no ee la soo dhaa fay ayaa ku dhufatay dalka Filibiin iyada oo tir ada dhi mashada ay ilaa iyo hadda sare u kac day 67, hal ka magaalooyinka qaar ee ku yaalla waqooyiga dalkaasi ay weli biyuhu ka korreey aan.

Madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte ayaa u duulay gobolka Tuguegarao oo kamid ah meelaha ay sida ba’an u saameeyeen duufaanna da si uu u soo qiimeeyo xaaladaha dadka ay ku barakacay duufaannada. Jasiira dda Luzon iyo magaalada caasimadda ah ee Manila ayaa kamid ah meelaha ay aadka u saa meysay duufaantan oo magaceeda lagu shee gay Vamco.

Afhayeenka Hay’adda Maareynta Musiib ooyin ka Mark Timbal ayaa sheegay in 22 dhim asho ah laga diiwaan geliyay gobolka Cagayan, halka 17 dhimasho laga diiwaan geliyay Jasiiradda Koon fureed ee Luzon, Sideed dhim asho magaalada Manila, halka 20 kalena laga diiwaan galiyay laba gobol oo kale.

"Waa duufaantii ugu xumeyd 45-kii sano ee la soo dhaafay, sanad ba sanadka ka sii da nbeeyay waa ay ka sii dareysaa” ayuu yiri Gudd oomiyaha Gobolka Cagayan, Manuel Mamba oo la hadlayay Warbaahinta.

Biyo aad u badan oo ka soo fatahay biyo xareen ayaa saameynta ugu weyn ku reebay dad ka degan gobolka Cagayan, dad badan ay aa fuul ay guryaha korkooda si ay uga bad baadaan duufa antan daadadka wadata.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip