HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 15-NOV-2020

0
Sunday November 15, 2020 - 09:30:34 in Wararka by
  • Visits: 924
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 15-NOV-2020

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Md.Farmaajo oo Xilalka ku qaaday guddoom iye ku-Xigeennada Gobolka, Magacaabay kuwa Cusub

    Md.Farmaajo oo xilalka ku qaaday guddoom iye ku-xigeenada gobolka, magacaabay kuwa cusub Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo ayaa is-beddel ku sameeyey ma amulka G/Banaadir, isaga oo xilalka ka qaaday qaar ka mid ah guddoomiye ku-xigeenada ma amulka, isaga oo magacaabay kuwa cusub.

Madaxweynaha ayaa u maga caabay C/dir Maxamed Max amuud guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gob olka Banaadir, ahna ku-xig eenka 1-aad ee Gud doomiyaha Gobolka iyo Du qa M/Muqdisho. Xilk an ayaa waxaa laga qaad ay Axmed Xasan Iim an. Madaxweynaha ayaa Cali Cabdi Wardheere u magacaabay ku-xigeen ka Amniga iyo Siyaasa dda. Xilkan ayaa waxaa laga qaaday Maxamed C/hi Maxamed.

     Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale u magacaabay Faarax Cabdi Diini Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee G/Banaadir, isa ga oo xilkan ka qaaday Cumar Cali Cabdi.

      Madaxweynaha ayaa dhanka kale u magic aabay Xiireey Axmed Rooble loo magic aabay Xoghayaha Guud ee G/Banaadir, waxaana xilka as laga qaaday Cumar C/risaaq oo ahaan jiray    Xoghayihii gaarka ee R/Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

     Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey dhamm aan masuuliyiintan uu magacaabay in ay degd eg u hirgeliyaan qorshaha hormarineed ee laga sugayo, uguna adeegaan shacabka Soomaaliy eed ee G/Banaadir si daacadnimo iyo waddaniy ad leh, wuxuuna ku ammaanay gudo omiyeyaa shii hore ee xilalkan soo hayey wakhtiga ay u hu reen u adeegidda shacab kooda iyo dalkooda.

DFS Oo Mar Kale Ka Hadashay Mowqifkeeda Madax-Bannaanida Taiwan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Axmed Ciise Cawad ayaa mar kale ka hadlay mowqifka D/FS ku aaddan Madax-banaanida Taiwan ee bariga Qaaradda aasiya Wasiir Cawad oo wareysi sii yay Wakaladda Wararka Turkiga Anadolu News Agency  ayaa waxaa uu sheegay in D/Somaliya ay kasoo horjeedo Madax-bannaanida ay shee gato Taiwan, isla markaana u aqoosan yihiin Ja siirad ka tirsan dalka Shiinaha.

 Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda

 Xukuumadda ayaa tilma amay in DFS ay xoojiney so xiriirka ay la lee dahay D/Shiinaha, ayna muhiim ad weyn u leedahay talla abadaas.

  Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Cawad ayuu tilma amay in DFS ay mar kasta diya ar u tahay inay fuliso heshiisyadii horey u dhex maray dowlad da iyo Shiinaha, kaasi oo ku saley san dhinacyo kala duwan.

      Si kastaba DFS ayaa horey Taiwan ugu dig tay inay ku xadgudubto Madaxbanaanida iyo mi dnimada Soomaaliya, kadib markii Taiwan ay heshiis toos ah la gashay Somaliland,una aqoon satay dal Madax banaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Kulan Yeeshay Iyo Sharci Lagu

      Waxaa Shalay Xarunta Villa Hrageysa ee M/Muqdisho kulan ku yeeshay Xilhibaanada G/ Shacabka,waxaana Ajendihiisu ahaa Akhrinta 3-aad Hindise-Sharciyeedka adeegyada baarita anka beeraha Soomaaliyeed.G/G/Shacabka Ma xamed Mursal Sh. Cabdira xmaan ayaa shir gud doomiyay kulanka iyo 2di isa ku-xig een, isla markaana waxaa goobjoog ahaa in ka badan 140 Xildhibaan.

     Ugu dambeyn Guddoomiye Max amed Mursal Sheekh ayaa ku dhawaaqay in shi rciga la an sixiyay, waxaana intaas kadib Xildhib aanada Go laha Shacabka loo qeybiyay Ajend ayaal dhowr ah oo kala ahaa:

1-Qaybinta Xubnaha Adeega Gar soorka

2-Qaybinta Xubnaha Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa

3-Qaybinta Hindise-sharciyeedka Hay%adda Dhiiri-Galinta Maalgashiga Soomaliyeed

4-Qaybinta Akhrinta 2aad ee Hindise-Shar ciy eedka Ilaalinta Xuquuqda Maalgashiga Iyo Maa lgashatada.

Wasiirka G.ndhigga Somalia Oo Kulan La Qaatay Safiirka Itoobiya

    Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Md.Xasan Xuseen Xaaji ayaa Shalay M/Muqdis ho kulan kula qaatay Safiirka dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya ee Jamaalu-diin.

    Kulanka dhexmaray Wasiir Xasan Xuseen iyo Safiir Jamaalu-diin ayaa waxaa uu ahaa mid ku saabsan Is-barasho, isla markaana looga hadl ay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.   2da Mas’uul ayaa isla gartay in la sii wado wadashqeynta ka dhexeeysa 2da dowl adooda ee ku saleysan dhinacyo kala duwan, waxaana Wasiirka G/dhigga XFS uu Safiirka ugu mahad celiyay booqashii uu ugu yimid.

     Kulanka dhexmaray Was iir Xasan iyo Safiirka D/Itoo biya u jooga Soomaaliya Amb. Jamaalu-diin ay aa waxaa ka qeyb ahaa Mas’uu liyiin ka tirsan WG/dhigga XFS.

     Si kastaba kulanka 2da Mas’uul ayaa kusoo aadayaa, iyadoo D/Itoobiya inay dalka Soomaa liya kala baxeyso 3 kun oo Askari oo qeyb ahaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.Itoobiya ayaa sheegtay in Ciidankan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhan ah Gobolka Tigree-ga ee ka socda Waqooyiga dalkaas oo galay maalintii 10-aad, waxaana dagaalkaas ka dhac ay khasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Mahdi Guuleed "Guddigii doorashada 2016, waxaa ku jiray La Taliyihii gaarka ahaa ee Xasan Sheekh”

    R/W/e kuxigeenka Somaliya Mahdi Maxam ed Giileed ayaa difaacay Guddiyada doorasha da heer Federaal ee dowladdu magacawday, ka asoo qeyla dhaan ay ka timid in xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka dowladda iyo Nabadsugida ka qeyb ka yihiin Gu ddiyada.

 Md.Mahdi Guuleed oo la hadlayay warbaahin ta dowladda ayaa sheegay in aysan jirin cid ka ti rsan Ciidamada amniga oo ka tir san Guddiyada doorasho he er Federaal iyo Gu ddiga xalinta khi laafaadka. Waxaa uu she egay in Guddigoo door ashada e sanadkii 2016 ay ku jireen La Taliyeya al ka ti rsanaa Xafiiska Madax weynaha iyo Ra’I isul Wasaaraha.  Mr Guuleed ayaa xusay in Guddi yada ay magacaabeen kaliya ku jiraan labo xub nood oo ka tirsan Mad axtooyada iyo Ra’iisul Wasaaraha.

"2016 Guddigii Doorashooyinka maamulaysey waxaa ka mid ahaa Cumar Dhagey oo ahaa la-taliyihii gaarka ahaa ee Sharciga Madaxweyne Xasan Sheekh, kadibna noqday guddoomiyaha Guddiga.. Maxamed Keynaan oo la-taliye sare ka ahaa xafiiska Madaxweynaha, Nafiso Geedi, ka shaqeyneysay xafiiska Madaxweynaha…, C/raxmaan Sheekh Mucaawiye oo ahaa ku xige enkii xoghayaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha.. Waxaa ka mid ahaa Mustaqiim oo ahaa la-tali yaha siyaasada wasaaradda arrimaha gudaha. Guddiga iminka waxaan ka garanayaa C/nuur iyo iyo Inan ka tirsan la-taliyeyaasha xafiiska R/ wasaaraha..” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo is-bar bardhig ku sameeyay Guddiyada Doorashada ee Doorashadii 2016 iyo 2020-ka.

       Mahdi Guuleed ayaa ku dooday in dowlad da siyaasadeeda ka mid tahay in dhalinyarada fursad la siiyo, sidaasna loo magacaabay xubno u badan dhalinyarada.

      Musharaxiinta Madaxweynayaasha oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore iyo Ra’iisul Was aarihii ayaa waxay cabasho ka keeneen Guddi yada doorashada la magacaabay inay ku jiraan xubno ka tirsan Nabadsugida, iyagoo ka digay xubnaha guddigaas dhex dhexaadnimadooda iyo inay qalalaase amni keento.

Guddoomiye Mursal oo magacaabay Guddi soo diyaara saameynta Covid19 ku yeeshay dalka

     Guddoomiyaha G/Shacabka ee BFS Md. Max amed Mursal Sh.C/raxmaan ay aa magacaab ay Guddi KMG ah oo soo diyaariya sameynta cu dur ka Covid19 ku  yeeshay dal ka, iya doo magacaabida Guddi gan ku soo aaday xilli xasaasi ah oo dalka u socdo doorasho.

      Guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa loo xil saaray inay xog uruurin ka soo samee yaan saam eynta cudurkaas, isla markaana natiija da ka soo baxda xog ururintaas ay keenaan G/ Shacabka.

    Soomaaliya ayaa ka mid aheyd dalalka uu same ey ay cudurka Coronavirus oo ay jireen kiisas fara badan la helay oo gaarayay kumanaan ruux, wax aana u dhintay dad boqol ku dhow.

HALKAN KA AKHRISO MAGACYADA GUDIGA

1. Xil Farxiya Mumin Ali

2.Xil Dr Cabdi Ali Hassan

3. Xil Idris Abdi Taktar

4.Xil maxamud Abdirahman Sheikh Farah (Beene Bcene)

5.Xil Ahmed Sheikh Mohamoud (Dhaga Weyne)

6. Xil Ikran Yusuf Xirsi

7.Xil Sharif Maxamed Cabdalla.

8Xil Cabdiasis Abdullahi Yusuf        

9 Xil.Zakariya Xaji Abdi


Wasiir Dubbe '' Dalka wuxuu soo maray waqti Odayga xildhibaanka soo xulaya dowladda soo magacaawdo

    Wasiirka W/Warfaafinta XFS Md. Cismaan Abuu kar Dubbe ayaa si adag uga jawaabay eedeyn maalmihii ugu danbeeyay dowladda uga imaneysa xubnaha mucaaradka ah gaar ahaan musharixiinta doorashada 2020-21.

     Wasiirka ayaa sheegay inay  tahay dowladda in lagu ixtiraamo sida uu ha dalka u dhigay mas'uuliyadeeda isaga oo yiri'' "dadku xilka markay hayaan waxay jecelyihiin in lagu ixtiraamo laakiin marka aaney hayn buuqoodu mayara"

     Wasiir Dubba ayaa sheegay in maalmihii ugu danbeeyay ay aad u badneyd sida uu hadalka u dhigay eedeyta loo jeedinayo dowladda ee la xiriir ta Guddiyada doorashada isaga oo tusaale u soo qaatay in dalka uu soo maray xil Oday  dhaqame edka uu kaligii soo xuli jiray xildhibaanka ka mid noqonaya Golaha Shacabka.

      ''Waxaa wax lala yaabo in hadda laga qeylina yo hannaanka doorashada loo maamulayo, waxa an xasuusta sanadkii 2012kii waqtigii Shariif Sh.Ax med in odayaal ay dowladdu gacanteeda ku soo qortay la dhihi jiray xildhibaanka adiga soo qoro, Shalayna xildhibaanka waxaa soo dooranaya 101 xubnood oo  Ergada beesha kursiga is  leh ka koo ban, yaa laaluushi kara''' ayuu yiri Wasiirka.

       Wuxuu ku tilmaamay Siyaasiyiinta mucaarad ka sida dad riyoonaya oo kale isaga oo yiri'' Dad kan la yaabi meyno waxey ku riyoodeen iyaga oo kuraastii ku fadhiya, Guddiyada magacaabaya, Do orashada agaasimaya laakiin sax ma'aha dalka dowlad ayaa ka jirta waa in lagu ixtiraamaa mas'uu liyadeeda, dadka oo dhan wax ma wada maamuli karaan, haddii cid kasta ay awood u leedahay in ay guddiyo soo qorto haanta meeqo guddi ayaan yeelan laheyn, maxey tahay marka dowladda mas' uuliyadeeda haddii qof walba oo suuqa iska socda uu wax magacaabi karo'' ayuu yiri Wasiir Dubbe.

      Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa warbaahin ta siweyn ugu badnaa eedeymaha iyo jawaabaha ay hawada isku marinayaan siyaasiyiinta mucaar adka iyo mas'uuliyiinta  DFS kuwaa oo salka ku ha ya dhamaantood hannaanka loo maamulayo doora shada iyo guddiyada arintan loo saaray oo ay sal uug ka mujiyen musharixiinta dorashada 2020-21.

Faah Faahin:-Sarkaal Ciidan Oo La Dilay Iyo Al-Shabaab Oo Ka Hadlay

     Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa Shalay deegaan hoostega M/ Mandheera ee G/W aqooyi barri ee Kenya waxaa ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladdaas.

      Dilkaas ayaa ka dhacay deegaanka Caliyaale ee hoostaga Mandheera, waxaana looga geystay sarkaalkaas xili uu ku sugnaa halka as, isagoo lagu dhuftay rasaas dho wr ah oo markii dambe u geriyoday.

Al-shabaab warar ay ku qoreen bar ahooda qadka ayay ku sheegteen mas’uuliyada dilka Sarkaalka ka tirsnaa Ciidanka Kenya, iyagoo na sheegay in Sarkaalkaas dhawaan loo madax looga dhigay Ciidamo ka tirsan Kenya.

  Magaca Sarkaalka la dilay ayay Shabaab ku she egtay Cabdi Nuur Cumar, isla markaana dhawaan loo magacaabay inuu madax u noqdo Ciidamo Ke nyaanti oo la tilmaamay in loo tababaray la-dagaa lanka Al-shabaab. Al-shabaab ayaa horey dilal qorsheysan iyo we eraro geystay khasaaro kala duwan uga fulisay de egaano iyo degmooyinka hoostega M/ Mandheera ee G/Waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana 2da dhinac dhexmaray dagaallo.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay shaq aaqadii ka dhacday Garoonka

      Madaxweynaha Somaliland, Md.Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shalay kormeer shaqo ku tegay ga roonka kubbadda cagta ee Ha rgeysa Istaadiyam oo ay si hab msi leh uga socdaan ciyaaraha gobollada Somaliland iyo xaru mo kale oo ay dawladdu leeda hay, kuwaas oo uu u kuur-galay hannnaanka ay shaqada qaranka ee  maalinlaha ahi uga socoto.

       Madaxweynaha Somaliland, Md. Biixi, ayaa sheegay in ciyaaraha gobollada ee haatan ka soc daa ay  Somaliland usoo jiideen sumcad, islamark aana ay muujisay awoodda xirfadeed ee ciyaary ahannada Somaliland leeyihiin.

      Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay ciya aruhu si nabad ah u socdaan, isagoo ammaanay ciidamada ammaanka ee amniga dhawraya, "Qar anka, dadweynaha Hargeysa deggen, ciyaartowda  iyo madaxda ciidamada waxan leeyahay waa nab ad ciyaaruhuna nabad bay ku soconayaan, waynu ku filanahay, ciidamadana waan ku ammaanayaa dulqaadka iyo siday u shaqeeyeen,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

      Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu u duceeyey dhammaanba ciidama dii iyo  taageerayaashii kala duwanaa ee ku waxye elloobay shaqaaqadii ka dhacday ciyaartii Dorraad dhexmartay gobollada Hawd iyo Daad-madheedh, waxana uu dhallinyarada ku waaniyey inay shucuu rtooda kaantaroolaan xilliyada ciyaaruhu socdaan, isaga oo warbaahintana uga digay inay baahiyaan inay warar fidno iyo amni-darro abuuri kara gaadhs iiyaan dhegaha dadweynaha.

 2 Qarax oo ka kala dhacay labo magaalo oo ka tirsan gobolka Amharada ee dalka Itoobiya

     2 qarax ayaa laga soo sheegayaan in ay ka kala dhaceen labo magaalo oo ka tirsan gobolka Amxaarada Itoobiya, kuwaas oo deris la ah gobol ka waqooyiga ee Tigreey halkaas oo ay ciidama da federaalku kula dagaalamayaan xoog agga deegaanka ee Tigrayga..

Qaraxyadan ayaa laga soo sheegay Bahir Dar iyo Gonder, sida laga soo xigtay xafiiska isgaarsiinta ee Amxaarada iyo waaxda wararka ee gobolka.

Waxaa soconaya baaritaanno la xiriira qaraxyadan iyo in ay xiriir la leeyihiin dagaalka ka socda Tigray, lamana sheegin wali wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxyadan.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay isku dhacyada tan iyo markii Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed uu u diray ciidanka difaaca qaranka duullaan ka dhan ah ciidamada maxalliga ah ee sida wanaagsan loo tababaray ee gobolka Tigrayga., kaddib markii uu ku eedeeyay in ay weerareen saldhig milatari oo federaal ah oo ku yaal aagga.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika ayaa ka walaacsan in dagaalladu ay ku faafaan qaybaha kale ee waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika ayna xasilooni darro ka abuuraan gobolka ballaadhan ee Geeska Afrika.Puntland oo siidaysay 6 dhalinyaro ah oo u xirnaa dilkii guddoomiyihii gobolka Nugaal

     Puntland ayaa Shalay sii daysay 6 dhalinyaro oo qeyb ka ahaa dad loo haystay inay ku lug lah aayeen dilkii guddoomiyihii G/Nugaal, Cabdisal aan Xasan Gujir, oo qarax ismiidaamin ah lagu di lay 29 bishii March ee sanadkaan.

    Dhalinyarada Shalay xoriyadooda helay ayaa intuba waxay yihiin dhalinyarada ka shaqeysata dhaqida baabuurta, kuwaas oo muddo ka badan 8 bilood ku xirnaa xabsiga dhexe ee M/Garowe.

    Maxkamada gobolka Nugaal ayaa ku weyday wax dambi ah, waxayna go’aamisay in xoriyadoo da loosoo celiyo sida uu HOL, u sheegay sarkaal katirsan laamaha amniga.

       sidoo kale la filayaa inay Puntland sii dayso labo qof oo kale oo iyagana la gu waayay wax da mbi ah. Madaxweynaha Puntland ayaa 7baadyo ka hor hay’addaha garsoorka u sheegay in aan xa bsiyada lagu hayn karin cid aan dambi lahayn.

     Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale la siidaayay 7 qof oo iyagana kiiskaan u xirnaa, kuwa as oo ay ku jireen macalimiin dugsi Qur'aan.

Guddoonka Baarlamaanka HirShabelle oo arrin lama filaan ah ballan qaaday Shalay

      Guddoomiyaha B/HirShabeelle Md. Cabdixa kiin Luqmaan ayaa ballan qaaday in xukuumadda hadda loo dhisay maamulkaas ay muddo 4 sano ah wada shaqeyn doonaan. Gudoomiya ha wuxuu sheegay iney 4-ta sa no ee soo socota ku wada shaqeyn doonaan is qabqabsi la’aan, xasilloni iyo mooshin la’aan.

      Sidoo kale wuxuu bulshada rayidka ah uga ma had celiyay sidii ay qeyb weyn uga qaateen in la sugo amniga goobta doorashada iyadoo lagu jiro xilli xasaasi ah, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Hirshabeelle ay gali doonto marxalad cusub.

      Isagoo bulshada reer Hirshabeelle la dar-da armaaya wuxuu sheegay ineysan wada shaqeynta ku ekaanin maalmahii doorashada oo ay sii wada an si loo gaaro guulo kale oo wax ku ool ah.

       Gudoomiyaha Baarlamaanka wuxuu sidoo ka le sheegay in qorshahooda yahay iney maamulka ka dhigaan mid ka duwan sidii hore, isla markaana ay sameeyaan wada shaqeyn buuxda oo dhexmar ta dadka ay talada ka dhaxeyso iyo bulshada si loo gaaro hiigsigooda ah in lagu wada noolaado xas ilooni.

Golaha Wasiirada Puntland Oo Xalay Ansix iyay Miisaaniyadda Sanadka 2021

  Golaha W/D/G/Puntland ayaa Xalay shir aan ca adi aheyn ku yeeshay M/Garoowe ee Xarunta G/ Nugaal. Ku-simaha  Madaxweynaha Maamulka Pu ntland, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyay, isla markaana waxaa lagu ansixiyay Miisaaniyad da Maamulka ee sanadka 2021 taasi oo dhan $341,861,037.

     "Miisaaniyadda ayaa waxaa ka muuqda koror dhinaca dakhliga gudaha ah oo kordhay 5%, G/Wa siirada ayaa dood ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey iya doo lagu amaanay Wasaarad da Maaliyadda hufnaanta maa liyadeed iyo tashiilka oo sabab u ah in horumar laga gaaro arrimaha maaliyadda, xili uu adduunka oo dhan saameeyay Covid19” Qo raal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

     "Puntland ayaa sidoo kale ku howlan hirgelinta qorshaha khasnada mideysan oo loo mudeeyay in ay howlgasho sanadka 2021,  waxayna taasi qeyb ka tahay horumarinta hab maamulka maaliyadda” ayaa la sii raacsiiyay Qoraalka.

Tirada Dadkii Ku Barakacay Dagaalka Ka Socda Itoobiya Oo La Shaaciyay

     Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaalka tan iyo 4-tii November oo uu R/wasaare Abiy Axmed u di ray cii danka difaaca qaranka in ay howlgallo ka ful iyaan go bolka Tigray, ka dib markii uu ku eedeeyay ciidama da gobolkaasi in ay weerareen saldhig militari.

    Dad ka badan 14,500 oo qof oo Itoobiyaan  ah ayaa u qaxay dalka Sudan, wa xayna hay’ada qaxooti ga u qaabilsan QM sheeg tay in dad badan oo kale ay ku sii socdaan dal kaasi.

      Jimcihii, Wakiilka Sare ee QM ee xuquuqul ins aanka, Michelle Bachelet, ayaa muujisay qeylo dhaan ku aadan xaaladda sida degdegga ah uga sii daraysa ee gobolka Tigray.

      Afhayeenkeeda, Rupert Colville, ayaa sheegay in Bachelet ay si gaar ah uga xanuunsatay warbi xin ay soo saartay Amnesty International oo la xiriir ta dilal wadareedyo la sheegay in ay ka dheceen deegaanka Mai-Kadra ee koonfur-galbeed gobolka Tigray.    

     Amnesty ayaa sheegtay in sawirada iyo muuq aallada laga helay goobtaasi ay muujinayaan bo qolaal qof oo si xun loo dilay. Waxa ay sheegay saa in dhibbaneyaashu ay u muuqdeen in ay aha ayeen xoogsato aan lug ku lahayn howlgallada militariga.

Gantaaallo lagu weeraray magaalada Asmara

      Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Gantaa llo lagu weeraray M/Asmara ee dalka Eritrea fiidnima dii xalay wax yar uu kaddib markii saraakiisha TPLF ku hanjbeen weerarka Asmara.

       Horey waxey sidan oo kale xoo gagga TPLF u weerarreen magaal ooyinka Bahar Dar iyo Gonder oo ka wada tirsan gobolka Amhara ee dalka Itoobiya.  Weerarka xalay lagu qaaday M/As mara ayaa sab abay cabsi weyn oo soo food saartay dadka rayidka ah oo intooda badan isaga cararay guryihiin ay ku noolaayeen. Madaafiicdan qaarkood ayaa ku dhacay xarunta Wasaarradda Warfaafinta iyo Garoonka diyaaradaha dalkaasi Eritrea lamana khasaaraha ka dhashay.

      Dagaalka ka soconaya gobolka Tigrayga ayaa u muuqda hadda mid saameyntiisa laga dareemayo deegaanno ka baxsan halka lagu dirirayo iyadoo ay jiraan baaqyo kala duwan  oo loo jeedinayo dhinacy ada dagaalamaya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip