Arsenal oo muddo dheer kadib ku badisay garoonka Old Trafford.

0
Monday November 02, 2020 - 19:12:33 in Wararka by
  • Visits: 1652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal oo muddo dheer kadib ku badisay garoonka Old Trafford.

    Kooxda Arsenal ayaa 14 sano ka dib xalay guul ka gaartay garoonka Old Trafford ee kooxda Manchester United kadib markii ay 1-0 kaga badisay kooxda Manchester United ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Premier League oo xalay dhex martay labada kooxda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Arsenal ayaa 14 sano ka dib xalay guul ka gaartay garoonka Old Trafford ee kooxda Manchester United kadib markii ay 1-0 kaga badisay kooxda Manchester United ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Premier League oo xalay dhex martay labada kooxda. Ciyaarta oo aheyd mid aad uu xiisa badan ayaa qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay bareejo goolal la'aan ah. Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee koox ba waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u heersareeya waxaana kooxda Arsenal ay muujineysay sida ay uga go'an tahay jabinta iskoorka badis la'aanta ee yaalla garoonka Old Trafford. Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadii 69-aad heshay rigoore waxaana fursaddaasi gool u badelay ciyaariyahanka lagu magacaabo Aubameyang waxayna natiijada ciyaarta noqotay 1-0 oo ay ku hoggaamineysay kooxda Arsenal. Ciyaartii xalay dhex martay kooxaha Manchester iyo Arsenal ayaa ku soo dhammaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Arsenal waxayna halkaas ku soo gabagabeysay badis iskoor yaaallay 14 sano oo aanay Kooxda Arsenal guul kaga gaarin kooxda Manchester United ciyaar ka tirsan Horyaalka Premier League oo ka dhacday garoonka Old Trafford.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip