Dowladda Kenya oo walaac ka muujisay in Ciidamada Mareykanka ka baxaan Soomaaliya.

0
Saturday October 17, 2020 - 19:08:25 in Wararka by
  • Visits: 338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo walaac ka muujisay in Ciidamada Mareykanka ka baxaan Soomaaliya.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Kenya ayaa sheegtay in tallaabada dowladda Mareykanka ay Ciidankeeda ugala baxayso Somaaliya inay khatar gelinayso abaabullada amniga ee lagula dagaallamayo argagixisada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Kenya ayaa sheegtay in tallaabada dowladda Mareykanka ay Ciidankeeda ugala baxayso Somaaliya inay khatar gelinayso abaabullada amniga ee lagula dagaallamayo argagixisada


Dowladda Kenya ayaa xustay in ciidanka Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ay qeyb weyn ka geysteen hakinta weerarada Al-Shabaab ee Kenya.

 

Xoghayaha guud ee wasaaaradda Arrimaha dibada Kenya Kamau Macharia ayaa sheegay in Kenya ay mudooyinkii la soo dhaafay la kulantay dib u dhac xoog leh oo dhanka maalgashiga ah iyo dib u dhac dhaqaale kadib weeraradii argagaxisada ee xiriirka la lahaa Al-Qaacida, oo ay ku jiraan qaraxii safaarada Mareykanka ee 1998 iyo weerarkii Westgate Mall iyo Dusit 2 Hotel iyo kuwo kale.

Ciidanka Mareykanka ayaa qeyb weyn ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, dhanka kale warka Macharia ayaa imanaya kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in madaxweyne Donald Trump uu ku wargaliyay la taliyayaashiisa sare inuu doonayo inuu ciidamada Mareykanka kala baxo Soomaaliya.

 

Previous articleMacallin ardeydiisa tusay sawir laga sameeyay Nabi Muxammad (NNKH) oo la gawracay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip