HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 17-OCT-2020

0
Saturday October 17, 2020 - 10:31:15 in Wararka by
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 17-OCT-2020

    Madxweyne Farmaajo "Taageerada Militari ee Mareykanka waxay noo Oggolaatay inaan si wax ku ool ah ula dagaalanno Al-Shabaab.." Madaxweynaha Soomaaliya Md. Maxamed C/hi Farmaajo ayaa dalbaday in la sii wado ta ageerada militari ee Marey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madxweyne Farmaajo "Taageerada Militari ee Mareykanka waxay noo Oggolaatay inaan si wax ku ool ah ula dagaalanno Al-Shabaab.." Madaxweynaha Soomaaliya Md. Maxamed C/hi Farmaajo ayaa dalbaday in la sii wado ta ageerada militari ee Mareykan ka uu siiyo Soomaali ya. Mada xweynaha ayaa sidoo kale ka di gay in saaxiibtinimada Marey ka nka iyo Soomaaliya, loogu guul eysan karaa sii wadista iskaa shiga amni ee ka dhaxeeya labada dal. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay aa dhowaan la-taliyayaashiisa sare u sheegay inuu doonayo in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen warbaahinta Bloomberg. Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jo oga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Dhammaan ciidamad an ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiia twi tter-ka ayuu madaxweyne Farmaajo ku yiri "Ta ageerada militari ee Mareykanka uu siiyo Soo maaliya waxay noo ogolaatay inaan si wax ku ool ah ula dagaalanno Al-Shabaab, oo aan su gno Geeska Afrika." "Guul laga gaaro safarkan, saaxiibtinimada Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaa loogu guu leysan karaa sii wadista iskaashiga amni, iyo taageerada awood dhisidda," ayuu yiri mada xweynaha Soomaaliya. Ka soo saarista ciidamada Mareykanka ee So omaaliya ayaa Trump u ogolaaneysa inuu ka dhabeeyo mid ka mid ah ballan-qaadyadii u u ku galay ololaha doorashada oo ahayd, inuu cii damada Mareykanka ee dagaallada kala du wan u jooga caalamka uu kusoo celin doona dalkooda. Damaca madaxweynaha ee ah inuu Soo maaliya ka soo saaro ciidamada, ayaa si kasta ba noqday mid aan sahlaneyn, ayada oo sara akiisha ay ka digeen inay tani horseedi karto in ay soo baxaan dal-daloolo ay buuxiyaan Al-Shabaab. "Haddii ciidamada Mareykanka ay kasoo ba xaan Soomaaliya, waxaa sii daciifi doono xa k ameynta amniga Soomaaliya ee markii hore ba ku adkeyd dowladda federaalka," waxaa sid aas yiri Colin Thomas Jensen, oo la-taliye sare oo siyaasadda Africa u ahaa safiirkii hore ee Mareykanka ee QM Samantha Power


Ra’iisul Wasaare Rooble Oo La Filayo Inuu Ku Dhawaaqo Golihiisa Wasiirada

    Waxaa xalay mar kale Xarunta Madaxtoo yada dalka kulan gaar ah ku yeeshay Madax wey naha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdul laahi Farmaajo, R/WasaarahaFS Md. Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

     Kulankaas oo saacado dhowr ah qaatay ay aa waxaa looga hadlay soo magacaabista Gol aha Wasiirada cusub ee Xukuumadda oo weli aan la magacaabin tan iyo markii Xildhibaana da Golaha Shacabka Codka kalsoonida ah siiye en Maxamed Rooble.

     Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa she eg aya inay u badan tahay in Maanta oo Sabti ah lagu dhawaaqo xubnaha Golaha Wasiirad da ee R/Wasaare Rooble, isla markaana ay so cdaan qorshayaashii ugu dambeeyay ee loogu dhawaaqayo Golaha.

     Wararka ayaa intaas kusii daraya in suura-gal ay tahay in 50% xubnaha qaar ee Xukuu maddii R/Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ay soo laaban doonaan, in kastoo aan si rasmi ah ah loo ogeyn xubnaha soo laaba naya.

    Waxaa 2dii maalmood ee la soo dhaafay taa gnaa dood ka taagneyd xubnaha ka soo jeeda K/Galbeed ee ka mid noqonaya G/Wasiiradda Cusub, waxaana si gaar ah arrintaas isugu hayay Guddoomiye Mursal iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed.

R/Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Ro oble ayaa wada latashiyadii ugu dambeeyay ee uu kusoo magacaabayo Golihiisa Wasiirada cusub, isagoona horey u balan qaaday inuu soo dhisi doono Xukuumad ka qeyb qaatada hanaanka Doorashada dalka.

Md.Xasan Shiikh "Doorashada dalka ka dha cay sa 2020-2021-ka, isla markaana ay rajo wanaagsan ka qabaan in la qabto doorashada..”

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la hadlay Tv-ga Saab ay aa sheegay in ka mucaarad  ahaan ay mar hor e u diyaar-garoobeen doora shada dalka ka dhacaysa 2020-2021-ka, isla markaana ay rajo wanaagsan ka qabaan in la qa bto doorashada  ."Markii la eego mucaaradka diyaar garowgi isa, annagu afartii sano ee lasoo dhaafay wax kaleba kama aan an shaqeyneyn, waxaan u diyaar garownay do ora sho weyn oo qof iyo cod ah inay dal ka ka dhacdo, balse hadii loo noqon ayo tii 2016-kii, waaba ka fududah ay taan fileynay inay dhici doonto, marka wararka dhahaya mucaaradku diyaar uma ahan doorasho, waxba kama jira an” ayuu yiri Xasan Shiikh Maxamuud.

    Dhanka kale Madaxweyne Xasan Shiikh ay aa si kulul waxaa uu uga hadlay magacaa bis la’aanta xukuumadda Soma lia, isagoona ka digay in arrintaasi ay dhibaato hor leh ay abuu rto.

     "In la dhiso xukuumad cusub waa sax, bal se wasaaradaha qaar kood oo shaqo ku leh ho wsha socota, dhismahooda waa in la fudeeyo, si doorashadu dhib la’aan ugu dhacdo, oo dad ka xasaasiyaadkooda loo ilaalyo, amniga loo sugo, dhaqaalaha ku baxayana loo fududeyn lahaa, laakiin heshiiska doorashadu waa mid siyaasadeed oo la sharciyeeyay, isla markaa na meel yaalla.” Ayuu yiri madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.

Gedo oo lagu soo bandhigay 3 Dagaalyah an oo isaga baxay Kooxda Al-Shabaab

     Taliska Ciidanka Miltariga Soomaaliya ee           G/Gedo oo kaashanaya maamulka dagmada Beled-Xaawo ayaa soo bandhigay 3 ruux oo ay sheegeen iney kasoo baxeen dagaalyah anada Al-Shaba ab.  Ra ggaan la sheegay iney isi soo dhii been waxaa magacyadooda lagu shee gay Maxamed Qani Shide Ibraah in oo watay Qori AK47 ah, Cabdiqadir Ibraah im Cabdullaahi oo wa tay  Qori AK47 & Cabdi casiis Maxamed Koosaar.

     Masuuliyiin ka tirsan gobolka Gedo, tali ya ha Ciidamada Sirdoonka Degmada  Beled-Xaawo Cabdiqadir Xuseen Ibraahin iyo taliy aha Ciidamada xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa kusoo dhaweeyay degmada Bel ed-Xaawo.

        3aan shaqsi waxey Al-Shabaab u qaabil sanaayeen iney uga shaqeeyaan deegaanno ka tirsan goobollada Jubbooyinka iyo Gedo, balse haatan waxey ku jiraan gacanta ciidanka dowladda.

      Dhawr jeer ayey horay u dhacday in dagaa lyahanno kasoo baxay Al-Shabaab ay kusoo biiraan ciidanka Dowladda, sidoo kalana wax aa mar dhacday in kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay qudhooda soo bandhigeen rag ay sheegeen iney kasoo baxeen ciidanka Dowl adda.

      Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo dheer aad ah geystay gobolka Gedo, waxaana jiray maalmahii ugu dambeeyay xiisado u dhaxeeya ciidamada Kenya ee aan ka mid aheyn kuwa nabad ilaalinta AMISOM iyo dadka deegaana da xadka labada dal.

Gabar Dorraad laga afduubtay MUQDISHO iyo kooxdii gaysatay oo lasoo qabtay

      Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ay aa Dorraad magaalada Muqdisho ku qabtay ga ari iyo kooxdii saarneyd oo qof dumar ah ka af duubtay degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir.

     Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ay aa sheegaya in ciidamada Boolis ka ee degmada Dharkeynley ay qabteen gaariga oo nuuca raax ada ah, islamarkaana ay saarnaayeen 3 nin. Gaariga ayaa Dorraad aroortii hore gabar ka afduubtay degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir.

     "Gaarigan waxa uu xoog ku jiiray Kontarool ciidan kadib booliska ayaa gaari kale ku ceyr saday waxaana markii dambe lagu qabtay Dha rkeynley, waxaana gudaha gaariga ku jirtay ga bar lugaha, gacmaha iyo afkaba ka xiran, had da waxaan gaariga iyo dadkii saarnaa ku war eejinay CID halka gabadhiina ku wareejinay qoyskeeda,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidam ada ammaanka Muqdisho.

     Gabadha la afduubtay oo xubna ka mid ah qoyskeeda aan la hadalnay ayaa sheegay in ay Dorraad aroortii hore iyadoo adeeg doona tay laga qabtay agagaarka Suuqa Beerta, gaar ahaan meel u dhaw xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni, waxaana lagu ritay gaarigii ay kooxda wadatay.

      "Gabadha maro cad oo qoyan ayaa afka loo saaray waana dagaashay ilaa maradii ay dhac do kadib iyadoo xoogaa miir la’ ayey wat een balse Allah ayaa booliska daba dhigay,” ayey tiri qof katirsan haweenka degmada Xa mar Jaj ab.Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay aad looga cabanayaa afduubka dum arka iyo carru urta lamana oga sida xal loogu heli karo. Waal idiin badan ayaa wajahaya xa alad cabsi ah oo ku saabsan afduubka kusoo kordhaya

 M/Muqdisho.

Aqriso Magacyada: DF oo ku dhowaaqday guddi ay xubin ka tahay Somaliland

     Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa mar kii ugu horreysay yeelatay guddi sare oo kala metali doona dowladda  dhexe ee federalka, dowlad goboleedyada dal ka iyo gobolka Banaadir, kaas oo ah 7 xubnood.

Guddigan oo ay ku dhowaaqday ha y’adda Batroolka Soomaaliya (SPA) ayaa wa xaa loo xil-saaray inay ka shaqeeyaan kor u qa adida warshadaha saliida iyo gaaska.

     Sidoo kale waxa ay hubin doonaan sharci yadda horumarinta maaliyaddeed ee la soo saaray, mabaadi’da sinnaanta, furfurnaanta, la xisaabtanka, daah furnaanta iyo takoor la’a anta danaha dadka Soomaaliyeed oo dhan.

     ”Guddigan wuxuu hubin doonaa in dha maan maamulada xubnaha ka ah ay awood aan inay gacan ka geystaan qaabeynta hour marka warshadaha ayna soo jiitaan maalgashi caalami ah si loo kordhiyo soo kabashada dha qaalaha keydka saliida iyo gaaska Soomaalia.” ayuu yiri maareeyaha hay’adda Batrolka Soo maaliya Ibraahim Cali Xuseen.

     Somaliland ayaa sidoo kale guddigan xubin ku yeelatay, waxaana ku metalaya, Cabdixaaf id Cali Dirir, halka dowladda dhexana uu meta layo Mahad Maxamed Xasan.

     Waxaa sidoo kale guddiga qeyb ka ah Caa sho Cismaan Axmed oo metaleysa gobolka Banaadir, Ibraahim Axmed Layte oo ka socda HirShabelle, Cabdulqaadir Aadan Maxamuud oo isna metalaya Galmudug, Ibraahim Cabdu lqaadir Maxamed oo metalaya Koonfur Galb eed, iyo Axmed Xaaji Cabdi oo metalaya dow lad goboleedka Jubbaland.

     Dhanka kale waxaa xubinimada guddigan ka maqan dowlad goboleedka Puntland oo hor ey u qaadacday habka maareynta ee kheyraad ka dalka.   Dhanka kale madaxweynaha Soom aaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farm aajo) iyo ra’iisul wasaarihiisa Maxamed Xuse en Rooble ayaa ansixiyey guddigaasi oo haa tan wixii ka dambeeyo la wareegi doono sha qada iyo maamulka hay’adda Batrolka Sooma aliyeed.

    Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa inay ka faa’iideysato kheyraadka faraha badan ee uu Ale ku maneystay oo ugu horreeyo shidaalka dabiiciga ah, waxaana hore u billowday qor shaha sahminta shidaalka, iyadoo ay ku tarta rmi doonaan shirkado waa weynoo caalamiah. Xigasho:Caasimadda.Net

Mas’uul Ka Tirsan Puntland Oo Qarax Loogu Xiray Gaarigiisa

      Wararka ka imaanaya M/Gaalkacyo ee Xar unta G/Mudug ayaa ku warramaya in Shal ayeyd uu qarax ka dhacay Magaalasaasi, wax aana jugta qarax si weyn looga maqlay Xa afadaha ay ka Kooban tahay Gaa lkacyo.

    Qaraxa oo ahaa Miino ayaa wax aa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray Gudoomiyaha maxkamada racfaanka G/Mudug ee Puntland Maxamuud Cismaan Aadan, waxaana la sheegay inuu ka bad-ba a day guddoomiyuhu qaraxa la doonayay in lagu dilo, kaasi oo gaarigiisa loogu xiray.       Qarax ka dib ayaa waxaa Ciidaanka ammaanka waxa ay sameeyeen Howlgal iyo baaritaan ku aad dan qaraxa Miinada ah ee lagu xiray gaariga Guddoomiyaha.  Lama soo warin khasaarena feed oo ka dhashay qaraxaas, waxaana burbur xooggani uu soo gaaray gaariga qaraxa lagu xiray iyo go obta uu yaallay.

Ciidanka Xoogga oo Dilay madaxi howl-gali nta Al-Shabaab ee Shabeellada Dhexe & maleeshiyaad kale.

     Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in saraakiisha milateriga Soomaaliya ay sheegt een in dagaalkii gabaldhicii Arbacadii ka dhac ay duleedka degmada Afgooye ay ku dileen in ka badan 50 dagaala me oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidanka ku maandooska Danab ee xoogga dalka ayaa we risay in dagaal Arbacadii ka dhacay tuulada Bulullow oo hoos tagta Afgooye lagu dilay in ka badan 50 dagaalame oo Al-Shabaab ahaa.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warkan in xub naha lagu dilay dagaalkaas uu ku jiray madaxii howlgallada Al-Shabaab ee gobolka Shabee llada Dhexe, kaas oo ay magaciisa ku sheeg een Cismaan Ciil Fiidow.

     Major Maxamed Cali  oo ah sarkaal ka tir san Militariga Soomaaliya ayaa Shalay waka aladda wararka ee Reuters u sheegay weerar kii Habeen hore ka dhacay duleedka degmada Afgooye oo lagu dilay 13 askari.

      "Waxaan dilnay afar mintidiin ah, waxaana ceyrsanay Al-Shabaab. Kadib inta badan ciid ankii waa ay soo laabteen waxaana halkaas u ga soo tagnay dhowr iyo labaatan askari. Ka dibna fiidkii ayey Al-Shabaab soo weerareen ciidankii aan kasoo tagnay waxayna dileen 13 askari,” ayuu yiri Major Maxamed Cali.

     Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas ’uuli yadda weerarkaas, iyo dhimashada ciidan ka badan kan ay dowladdu qiratay.

"Waxaan dilnay 24 askari, intii kasoo hartayna waa ay baxsadeen,” waxaa sidaas yiri Cabdic asiis Abu Muscab oo ah afhayeenka howl-gal lada ee Al-Shabaab, oo sidoo kale la hadlay Reuters.

      Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegay in ciidanku ay ku jireen rondo ay ka sameynaye en nawaaxiga tuulada Bullalow markii weerar ka lagu soo qaaday.

Gaashaanle Dhexe Cabdalle Cali Mire oo watay ciidanka uu weerarkaas qabsaday ayaa ka mid ah xubnaha milateriga Soomaaliya loo ga dilay duleedka Afgooye. Xigasho:-geesgu ud.com

Madaxweyne Qoor Qoor ” M/GalMudug uus an aqbali doono colaad iyo khal al aaso ka dhaca degaannada Galmudug..”.

      Madaxweynaha D/G/Galmudug ayaa shee gay in Maamulka Galmudug uusan aqbali doo no colaad iyo khalalaaso ka dhaca degaa nnada Galmudug.

     Mr. Qoor Qoor wuxuu sheegay in dadka Re er Galmudug lagu xanto inay degaannadooda ka jiraan Colaad, balse Madaxda Galmudug ay diyaar u tahay inay ka hortagto wax kasta oo keeni kara Colaadaha. Madaxweyne qoor Qo or oo hadal ka jeedinayay Munaasabad Jaamacad cusub lagu furayay oo ka dhacday Guriceel ayaa sheegay in Galmudug ay ka hort egi doonto waxkasta oo dib u dhigi kara hour marada Galmudug sida weerarada ay geyst aan Ururka Al-Shabaab.

      Hadalka Madaxweynaha Galmudug Ax med Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaa fay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dhaq dhaq aaqyo Ciidan ka wadeen degaano ku yaalla duleedka Caasimadda Galmudug ee magaa lada Dhuusamareeb.

Wargeys shaaca ka qaaday musharaxa ay Turkiga ‘ka Taageerayaan’ Soomaaliya

      Wargeyksa Africa Intelligence ayaa qoray in dowladda Turkiga ay doorashada Soomaal iya ka dhaceysa taageereyso madaxweynaha iminka talada haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Wargeyks ayaa qoray in madaxweyne Re cep Tayyip Erdogan oo saa meyn xooggan ku leh Sooma aliya uu si joogto ah taageero u siiyo madaxweyne Farmaa jo. Sida warbixinta lagu she egay, Turkiga ayaa waxaa ta ageerada Farmaajo ku wehliya dowladda Qa tar oo markii horeba mas’uul ka ahayd doora shada Farmaajo, islamarkaana taageereysay wixii ka dambeeyey guushiisii 2016.

     Turkiga iyo Qatar ayaa xulufo weyn ku ah siyaasadaha dalal badan, sida Libya, Yemen, Falastiin, iyo Soomaaliya.

    Wargeyska ayaa intaas ku daray in dhowr ta ageero oo dhowaanahan ay Turkiga siinayeen dowladda Soomaaliya ay ahayd muujin awoodeed oo sare loogu qaadayo magaca do wladda, taasi oo si dadban u ah olole doo rasho.

    Waxaa ka mid ah baabuurta dagaalka oo bishii Augusta ay siiyeen ciidamada Soomaal iya, ciidamo badan oo dhowaan ku qalin jebi yey xerada Turksom ee Muqdisho, iyo dib u cusboneysinta heshiiska shirkadda Turkiga ee Albayrak ay ku maamusho Dekeda Muqdisho.

     Si kastaba, inkasta oo warbixinta wargeysk a ay sidaas tiri, haddana Caasimada Online ay aa rumeysan in Turkiga aysan faraha la gelin siyaasadda gudaha Soomaaliya, ayna la sha qeeyaan dowlad kasta oo dalka timaadaa, ay ada oo la ogyahay inay si wanaagsan ula shaq eeyeen madaxweyne Xasan Sheekh, muddadii uu xukunka hayey. Xigasho-Caasimadda.Net


Xog: Ciidamada NISA oo xiray Xaaji Abuukar Cumar Cadaan

     Ciidamada Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Si rdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa xalay gurigiisa magaalada Muqdisho kasoo xi ray ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu taajirsan Soomaaliya.

    Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa waxaa lagu eedeeyey taageero Al-Shab aab iyo dhiiri-gelinta rabshadaha iyo qar ax yada.

      Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa war ey si uu Jimcihii siiyey Idaacadda Kulmiye ee M/Muqdisho, waxa uu si cad ugu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la baabi’iyo "gaalada” Xalane ku jirta.

"Weligey nin siyaasi ah wax gaar ah lama qab san, dan gaar ahna kama lihi, Shabaab mab da’a ay ku taagan yihiin, oo ay jidka ugu jiraan waan teegeersanahay, been sheege nacallaaa ku yaalla, in gaaladan gaafuurada weyn leh ee Xalane ku jirta la baaba’sho waan rabaa, iyo waxa la socda, aniga been kuu sheegi maa, cidna ka baqi maa,” ayuu yiri.

     Mar la weydiiyey su’aal ay ahayd qaraxya da ma ku taageersan tahay, waxa uu yiri "qar axyada waxay ula jeedaan ayagaa og he, waa la weydiihaa qof kasta camalka ay sameyso.”

Abuukar Cumar Cadaan ayaa sidoo kale shee gay in dalka ay haystaan "nimanka Xalane fa dhiya,” balse waxa uu yiri "sii haysan maayaan Insha Allah.”

     Wareysiga Idaacadda Kulmiye oo ahaa go os-goos ah ayaa la filayaa in si rasmi ah loo sii daayo maanta oo Sabti ah.

     Xarigan ayaa imanaya ayada oo sidoo kale ciidamada NISA ay ku dhowaan saddex todd obaad ka hor xireen tobaneeyo ganacsato oo uu ku jiro Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan oo la dashay ganacsade Abuukar Cumar Cadaan.

Sababta loo xiray ganacsatadan ayaa lagu she egay inay la xariirto macaamil dhex maray iy aga iyo Al-Shabaab, waxaana weli ay ku jiraan xabsiga, ayaga oo cadaalad u doonta maxk amad Al-Shabaab.

Al-Shabaab iyo Ciidamada Kenya ee ka tirs an AMISOM oo ku dagaalamay deegaanka tirsan G/Jubbada Hoose.

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Kenya ee ka midka ah Howlgalka Midowga Afrika AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Taabta ee duleedka de gmada Dhoobleey Go bolka Jubbada Hoose.

     Waxaa lagu soo waramayaa in dagaalka uu yi mid, kaddib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhiga Ciida mada Kenya ee degaan ka Taabta, waxaana hal kaasi ka dhacay dagaal geystay khasaro kala duwan.

     Dadka degaanka Taabta ayaa waxay Wa rbaahinta u sheegeen inay maqlayeen dhawa qa rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac, is la markaana uu jiro khasaaroa ka dhashay dag aalka, hayeeshee aysan weli si rasmi ah u cad eyn Karin. Weerarka, ka dib ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Kenya ay howlgal ka sameeyeen hareeraha degaanka taabta ee degmada Dhoobleey, iyaga oo ba adi goobayay maleeshiyada Al-Shabaab ee we erarka ku soo qaaday.

     Dagaalkaan ka dhacay degaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa wuxuu ku soo aadayaa xilli habeen ka hor Al-Shabaab ay weerareen degaanka Hoosingoow oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland & Ciidamada Kenya.

Md.Cali Cosoble oo facebook kusoo qoray qoraal xiisad ka abuuraya HirShabeelle

       Madaxweynahii hore Hirshabelle Cali Cab dullahi Cosoble ayaa bulshada reer Hiiraan ugu baaqay iney dhistaan maa mul u gaar ah oo ay ku gor-gor tamaan kadib qoraal uu kusoo qo ray bartiisa Facebook.

Masuulkaan siyaasadeed wuxuu ku baaqay in Beledweyn laga bilaabo howlaha ka socda magaalada Jowhar, wuxuuna si gaar ah ula hadlay beesha Xawa adle uu ku dhiirigali yay iney ka hor tagaan waxa uu ugu yeeray fowd ada.

      Wuxuu aaminsan yahay in D/FS-ka, urur goboleedka IGAD iyo midowga afrikaba ay soo faragalin doonaan xaaladda marka ay qaataan go’aan ku aadan iney iskood wax u qabsa daan.

Hoos ka akhriso qoraalka cali cosoble:

"Waxaan ku talinayaa howsha Jowhar ka soc ota mid la mid ah in Baladweyne laga bilaabo. Baarlamaanka Hirshabeelle ha la xulo, madaxweyne iyo ku xigeenna ha la doorto Bal adweyne ha ku shaqeey aan. Xaq baad u leedihiin, cid idinka hor istaagi karta ma jirto. Intaa markaad sa meysaan ayey DFS, IGAD, AU iyo bulshda ca alamka idin dhageysan doonaan. Abgaal reer Baladweyne ah waa idinla joogaan ee ka dhi gta madaxweyne ku xigeen, beelaha kale dha maantoodna waa reer Hiiraan. Xawaadlow oga ada waa la idin riix riixayaa si la idiin tijaabiyo. Ha ku dhicina imtixaanka. Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa. Fowdana waa laga hortagaa ee la ma sugo. Ma jecleyn inaan sidaan ku taliyo bal se waxaa ii muuqata talo kale oo idiin furan ineysan jirin. Dhista Hirshabeelle la mid ah midda ay reer Jowhar dhisanayaan.

Heerka Saboolnimo ee dalka Mareykanka oo sare u kacday.

Heerka saboolnimada dalka Mareykanka ayaa sare u kacday sababo la xiriira cudurka Covid-19, xilli ay sii yaraaneyso kaalmada dhaqaale ee dowladda ay siiso shacabka ay cudurkani dhibaatada dhaqaale ka soo gaartay.

Ku dhawaad s8 milyan oo qof oo Ameerikaan ah oo u badan carruur iyo dadka laga tirada badan yahay ayay saboolnimadu la degtay laga soo billaabo bishii Maajo ee sanadkan, sida lagu sheegay daraasad ay sameeyeen cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Columbia ee dalkaasi.Usbuucii la soo dhaafay oo kaliya, qiyaastii 900,000 oo qof ayaa dowl adda weydiistay kaa lmo dhaqaale maadaama ay shaqo la’aan la soo deristay, waana tiradii ugu badnayd ee la diiwaan geliyo tan iyo bishii Agosto. Khubara da dhanka dhaqaalaha ayaa ku talinaya in kaalmo dhaqaale lala soo gaaro dalkaasi si looga baaqs ado dhaqaale kuduud si.

Haseyeeshee, siyaasi inta Mareykanka ayaa bi lihii la soo dhaafay ku muransanaa sidii he shiis looga gaari lahaa in la barataaro dhaqa alaha dalka oo la caa wiyo dadka ay cudurkan ka soo gaartay dhibaa tada dhaqaale. Waxaa se arrintan lagu illaa way doorashada dalka ku soo wajahan iyo mur ankii ka dhashay arrinta maxkamadda sare ee dalkaasi.

Biriq dad ku waxyeeleysay Mudug

October 15, 2020

      Wararka inaga soo gaaraya gobolka Mu dug ayaa waxa ay sheegayaan saacadihii la soo dhaafay Roobab mahiigaan ah oo wata Biriq ka Da’ay degaano hoostaga degmada Ho byo ay waxyeeleeyeen  dad iyo xoolo.

    Inta la ogyahay laba ruux ayaa waxyeelo ay ka soo gaartay Biriq Roobaad oo ku soo dhac day degaan u dhow Magaalada Hobyo, waxa ana labada qof oo ahaa carruur midna dhintay midka kalena uu dhaawac kasoo gaaray.

     Qaar ka mid ah dadka ku sugan Hobyo ay aa Risaala u xaqiijiyay in gabar 10 sano jir ah biriqdaasi ku geeriyooday.

2da Carruurta ayaa ah kuwo walaalo ah.

    Saacadihii lasoo dhaafay roobab ayaa ka da’ayay degaano ka tirsan gobolka Mudug

Madaxweynaha Galmudug oo diray fariin ka dhan ah kooxda Al-Shabaab

     Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmu dug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ka dhawaajiyay in xukuumadiisa aysan aqbali doonin colaad iyo qalalaase ka dhaca deegaa nada Galmudug.

     Madaxweynaha oo qudbad laga siiyay furi taanka Jaamacad laga hirgaliyay magaalada Guriceel ayuu sheegay iney diirada saari doonaan sidii ay uga hortagi lahaayeen wax walba oo ka imaanaya Al-Shabaab.

      Md.Axmed Qoorqoor wuxuu sidoo kale sheegay in dadka reer Galmudug lagu xanto iney colaad ka jirto deegaanadooda, balse ays an taasi aqbali doonin, waxeyna arintaan ku soo aadeysaa xilli mudooyinkii dambe ay qal alaaso ka dhaceen deeganaadaas.

Al-Shabaab ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ay ka sameeyaan Galmudug, sidaas darteed maamulka uu hogaamiyo Axmed Qoor-Qoor waxey isha ku hayaan iney taxadar u yeeshaan halista ka imaan karta koo xdaan.

     Dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida waxey ku xoogan yahiin Koon furta iyo Baramaha Soomaaliya, waxeyna mud ooyinkii dambe kordhiyeen hawlgallada ay ka sameeyaan Soomaaliya maadaama lagu sii dhawaanayo wakhtigii doorashooyinka.


QM 'oo bad-baadineysa' 300,000 oo Sooma ali ah

    Q/Midoobay ayaa soo bandhigtay lacag gaa reysa 9.26 milyan oo dollar oo wax looga qa banayo fatahaadaha ku soo laa-laabtay gu daha dalka.

      Sanduuqa gargaarka ee Q/Midoobay u qaa bilsan Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtaasi lagu bad-baadin doono nolosha illaa 300,000 oo ruux oo Soomaali ah oo ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay fatahaado ku dhuftay qe ybo ka mid ah Soomaaliya. Lacagtaasi $8.18 milyan oo ka mid ah waxaa loo isticmaali do onaa raashiin gargaar ah, meelo ay barakac ayaashu ka dhigtaan hoy, faya dhowrka nada afadda, daryeelka caruurta iyo xad-gudubyada dhinaca jinsiga. Sidoo kale hal milyan oo qeyb ka ah lacagtaasi ayaa loo weecin doonaa dhin acyada caafimaadka, quudinta waxbarashada iyo dhowrista caruurta Soomaaliyeed.

     Sida lagu sheegay warbixinta lacagahan ay aa waxaa la marsiin doonaa hay’adaha caala miga ah ee ka shaqeeya samafalka, si ay gar gaar u gaarsiiyaan dhammaan dadka ay saam eeyeen fatahaadaha ay geysteen webiyada Jubba iyo Shabelle ee dalka.

     "Lacagtaasi oo uu soo uruuriyey sanduuqa gargaarka Q/Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa ururada samafalka ay deeqo ku gaar siin doonaan dadka aadka u nugul ee ku waxy eeloobay fatahaadaha ku dhuftay Sooma aliya,” ayuu yiri xiriiriyaha arrimaha gargaarka Q/Midoobay ee Soomaaliya, Md. Adam Abd elmoula.

     Meelaha deeqahaasi gargaar la gaasiin do ono waxaa ka mid ah goballada Banaadir, Hii raan, Jubbadda Hoose, Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha Hoose oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay saameynta xoogan ku yeesheen fatahaadaha ka jira dalka.

     Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey la daala dhaceysay dhibaato xoogan oo ka dhal atay fatahaado soo laa-laabtay oo ku dhuftay dalka, waxaana QM ay horey u sheegtay in sa ddex milyan oo Soomaali ah ay u baahan yih iin gargaar bani’aadanimo oo deg-deg ah.

Turkiga oo awooddiisa milatari si lama fila an ah ugu hormariyay qalab uu ka helay UK

     Dowladda Turkiga ayey u suuragashay inay qaab kale ku hesho diyaaradaha uusan duuli yaha saarneyn ee duqeyma ha fuliya, kuwaa soo uu hor ay Mareykanka uga mamnu ucay in uu ka iibiyo.

     Qaabka ay Ankara ku sameysatay diyaarad ahan ayaa ah mid lama filaan ah kaddib markii ay ka faa'iideysteen tiknoolojiyad lagu farsam eeyay waddanka UK, taasoo ujeeddo kale laga lahaa.

      Gantaallo markii ugu horreysay lagu hind isay Ingiriiska ayaa Turkiga u sahlay inay sare u qaadaan awooddooda dhinaca tiknoolojiyad da, iyadoo hadda khubarada ay ka digayaan khatarta ka dhalan karta arrintaas.

     Caawinaaddaas muhiimka ah oo ka timid warshad hubka lagu sameeyo oo ku taalla ma gaalada Brigton ayaa horseedday in Turkiga uu noqdo waddanka Labaad ee ugu weyn add uunka dhinaca adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida uu shaaciyay warge yska The Guardian.Ankara waxay sidoo kale iskeed ugu biirtay waddamo uu Mareykanka siiyay diyaaradaha noocaas ah oo loogu talagalay "dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada".

      Diyaaradahan uusan duuliyaha saarneyd - oo Turkiga uu ku magacaabay Bayraktar TB2 – waxaa ilaa hadda loo adeegsaday howlgallo waaweyn oo ka dhan ah kooxaha ay Kurdiyi inta hoggaamiyaan ee ku sugan Suuriya. How lgalladaas mid ka mid ah waxaa ku dhintay 449 ruux.

     Dowladda Azerbaijan, ayaa Turkiga ka iibs atay  diyaaradaha loo yaqaanno UAV, wax aana la tuhunsan yahay inay u adeegsatay da gaalka ay kula jirto Armenia ee ka dhacay gob olka lagu muransan yahay ee Nagorno-Kar abakh.

     Hase yeeshee inta uusan dagaalkaas dhi cin ka hor, Turkiga ayaa si rasmi ah ugu soo bi iray suuqa milatariga ee lagu iibiyo diyaarada drones-ka, kaasoo ay horay ugu jireen dalal faro ku tiris ah.

     Dadka falanqeeya arrimaha milatariga ayaa sheegaya in Turkiga uu si deg deg ah sare ugu qaaday awooddiisa.

Daniel Gettinger, oo ah khabiir ka faallooda arrimaha milatariga ayaa BBC-da u sheegay "in Turkiga uu helay tiknoolojiyad uu waxyaabo badan ku farsameyn karo, haddana uu soo ci dhiidhsaday suuqa kala iibsiga saanadda mil atariga".

     Qoraaga wargeyska Haberturk, sidoo kale na falanqeeya arrimaha duulista hawada, Gün tay Lightning, ayaa yidhi: "Turkiga wuxuu ka soo kabanayaa dib u dhacii sannadaha badan uu uga habsaamay suuqa kala iibsiga diyaar adaha."

     Güntay ayaa intaas ku daray in Turkiga uu sanadkii 1940-kii iyo wixii ka horreeyay xubin muhiim ah ka ahaa suuqaasi, maadaama uu soo saari jiray diyaarado, laakiin sannado ba dan uu xoogga saarayay sidii uu ku gaadhi la haa tiknoolojiyadda wax soo saarka diyaarada ha uusan duuliyaha saarneyn.

Maamulka madaxweyne Racep Tayyib Erdogan ayaa hadda la kulmaya dhaleeceyn badan oo ku aaddan in weerarrada uu diyaara daha drones-ka u adeegsado ay galaaftaan no losha dad badan oo rayid ah.

Kenya oo ka hor timid in Maraykanka uu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya

    Dowladda Kenya ayaa ka hor timid tallaab ada Mareykanka uu ciidamadiisa ugala baxayo Soomaaliya.

            Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa waxay sheegtay in tallaabada noocan oo kale ah ay u badan tahay inay khatar gelinayso qorshaha amni ee lag ula dagaallamayo arga gixisada iyo horumarin ta ujeeddada guud ee bulshada caalamka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip