Dowladda Mareykanka Oo Malaayiin Doollar Ku Bixinaysa Gargaarka Soomaaliya

0
Friday October 16, 2020 - 19:17:41 in Wararka by
  • Visits: 343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka Oo Malaayiin Doollar Ku Bixinaysa Gargaarka Soomaaliya

    Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay ku dhawaad saddax boqol malyuun oo doolar ay ku bixiyeen sanadkan u gargaaridda dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed. Deeqdan oo ay fulisay hay'adda USAID ee Mareykanku leeyahay waxaa ay gaareys

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay ku dhawaad saddax boqol malyuun oo doolar ay ku bixiyeen sanadkan u gargaaridda dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed. Deeqdan oo ay fulisay hay'adda USAID ee Mareykanku leeyahay waxaa ay gaareysay 275 malyuun, taas oo lagu iibiyay raashiin iyo agabka wax lagu cuno. Dadkan ayaa ah kuwo aad ugu baahnaa raashiinka waqtigan oo Soomaaliya ay xaalad adag oo dhanka beni'aadannimada ka jirto. Fatahaadaha, Ayaxa iyo COVID -19 ayaa sii murjiyay xaalada dadka tabaaleysan In ka badan shan malyuun ayaa lagu qiyaasaa dadka Soomaaliyeed ee u baahan gar gaarka deg deg ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip