Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM oo ku dagaalamay deegaanka tirsan G/Jubbada Hoose.

0
Friday October 16, 2020 - 19:14:59 in Wararka by
  • Visits: 362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM oo ku dagaalamay deegaanka tirsan G/Jubbada Hoose.

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Kenya ee ka midka ah Howlgalka Midowga Afrika AMISOM iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Taabta ee duleedka degmada Dhoobleey Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa lagu soo waramayaa in dagaalka uu yimid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Kenya ee ka midka ah Howlgalka Midowga Afrika AMISOM iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Taabta ee duleedka degmada Dhoobleey Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa lagu soo waramayaa in dagaalka uu yimid, kaddib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Kenya ee degaanka Taabta, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaro kala duwan. Dadka degaanka Taabta ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaroa ka dhashay dagaalka, hayeeshee aysan weli si rasmi ah u cadeyn Karin. Weerarka, kaddib ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Kenya ay howlgal ka sameeyeen hareeraha degaanka taabta ee degmada Dhoobleey, iyaga oo baadi goobayay maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka ku soo qaaday. Dagaalkaan ka dhacay degaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa wuxuu ku soo aadayaa xilli habeen ka hor Al-Shabaab ay weerareen degaanka Hoosingoow oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland & Ciidamada Kenya.




 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip