Muqdisho:– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalbaday in la sii wado taageerada militari ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya.

0
Friday October 16, 2020 - 18:53:28 in Wararka by
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalbaday in la sii wado taageerada militari ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka digay in saaxiibtinimada Mareykanka iyo Soomaaliya, loogu guuleysan karaa sii wadista iskaashiga amni ee ka dhaxeeya labada dal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka digay in saaxiibtinimada Mareykanka iyo Soomaaliya, loogu guuleysan karaa sii wadista iskaashiga amni ee ka dhaxeeya labada dal.


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan la-taliyayaashiisa sare u sheegay inuu doonayo in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen warbaahinta Bloomberg.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiia twitter-ka ayuu madaxweyne Farmaajo ku yiri "Taageerada militari ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya waxay noo ogolaatay inaan si wax ku ool ah ula dagaalanno Al-Shabaab, oo aan sugno Geeska Afrika.”



"Guul laga gaaro safarkan, saaxiibtinimada Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaa loogu guuleysan karaa sii wadista iskaashiga amni, iyo taageerada awood dhisidda,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Ka soo saarista ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Trump u ogolaaneysa inuu ka dhabeeyo mid ka mid ah ballan-qaadyadii u u ku galay ololaha doorashada oo ahayd, inuu ciidamada Mareykanka ee dagaallada kala duwan u jooga caalamka uu kusoo celin doona dalkooda.

Damaca madaxweynaha ee ah inuu Soomaaliya ka soo saaro ciidamada, ayaa si kastaba noqday mid aan sahlaneyn, ayada oo saraakiisha ay ka digeen inay tani horseedi karto inay soo baxaan dal-daloolo ay buuxiyaan Al-Shabaab.

"Haddii ciidamada Mareykanka ay kasoo baxaan Soomaaliya, waxaa sii daciifi doono xakameynta amniga Soomaaliya ee markii horeba ku adkeyd dowladda federaalka,” waxaa sidaas yiri Colin Thomas Jensen, oo la-taliye sare oo siyaasadda Africa u ahaa safiirkii hore ee Mareykanka ee QM Samantha Power.


 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip