Akhriso:-Taariikh Nololeedkii Sh Cali Maxamuud Oo Ku Geeriyooday Holland
Sannadki 1955-tii asagoo weli askari ah ayuu imtaxaan u galay Qaalinimo, waana ku guuleystay, sidaas darteed ayuuna uga tegay askarinimadi oo uu garsoore ku noqday. Bishii Jennayo 1956dii wuxuu qaali ka noqday degmada Hobyo, halkaasoo uu ka shaqenaayay ilaa bishi Juunyo 1958dii oo loo soo bedelay degmada Marka, oo uu ka shaqeynaayay ilaa iyo sannadkii 1960dii. Bishi maajo 1960kii waxaa loo soo bedelay Xamar maxkamadda gobolka Benaadir. Isla sannadkaas asagoo shaqeynaaya ayuu haddana wuxuu waxbarasho ka bilaabay iskoolki culuumta Islaamka (Diciplina Islamico) oo uu dhiganaayay afar sano oo waxbarasho caadi ah iyo laba sano oo takhasus ah. 1964tii waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka gobolka Benaadir kaddib marki uu ku guuleystay imtaxaanki qiimeynta garsoorayasha. Isla sannadkaas wuxuu ka qeyb galay Doorashadi Xildhibaannadi barlamaanka,oo uu iska soo sharaxay degmada Jowhar, kumase guuleysan.
Sannadki 1967dii wuxuu bilaabay kulliyadda sharciga, asagoo weli kulliyaddii dhigta ayuu haddana sannadki 1969kii ka qeyb galay mar labaad doorashooyinki xildhibaannada barlamaanka ee degmada Jowhar. waana ku soo guuleystay, nasiib darrase waxaa barlamaankaas kala diray Kacaankii Maxamed Siyaad.
Sannadki 1972di wuxuu ka qalin jebiyay kulliyadda sharciga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Kaddib wuxuu noqday qareen u dooda dadweynaha, ilaa iyo sannadki 1976dii
1983dii wuxuu ku soo laabtay Xamar, asagoo weli ganacsiga sii wata ayuu haddana ku laabtay 1986di qarennimadi ilaa dagaalki 1990ki uu ka bilowdo.
1991di wuxuu ku biiray ururki USC, waxaana loo magacaabay Xoghayaha arrimaha gudaha ee ururka.
1993di wuxuu ka qeyb galay shirki dib u heshiisiinta Soomaaliyeed e lagu qabtay magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya, kana qaatay door weyn oo lama ilaawaan ah.
Bishii Febbaraayo 1995ti wuxuu u soo wareegay degaan ahaan waddanka Holland Wuxuuna laba mar ka qeybgalay shirki dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay dalka Keenya ,bilowgi marki Eldoret lagu qabtay iyo gebagebadi marki loo soo wareejiyay Magaalada Nairobi, asagoo qeyb weyn kaqaatay ololaha lagu raadinaayay dib u heshiisiinta ummadda Soomaliyeed iyo dib u soo celinta Qaranki Soomaaliyeed ee burburay, nasiib wanaag taas hadda waxbaa ka bilaaban.
Akhriso:-Taariikh Nololeedkii Sh Cali Maxamuud Oo Ku Geeriyooday Holland
Allaha u naxariistee Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Tuure),Wuxuu ku dhashay Tuulada Jameeco Fiddo oo 25km bari ka xigta magaalada Jowhar ee gobolka shabeellaha dhexe sanadka markuu ahaa 1925ti. Isla tuuladaas ayuu ku bartay, kuna xafiday qu