Maxaad ka taqaanaa 'eelaboorka ugu fiican dunida'? Maxayse tahay farriinta uu soo diray?

0
Monday October 05, 2020 - 15:18:58 in Wararka by
  • Visits: 1406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka taqaanaa 'eelaboorka ugu fiican dunida'? Maxayse tahay farriinta uu soo diray?

    Gegida diyaaradaha ee Changi ee dalka Singapore ayaa soo diray digniin rajo beel ah iyadoo aysan muuqan ifafaalo ah in xanuunka Covid-19 dhammaanaya. Eelaboorkan ku yaalla qaaradda Aasiya ayaa si joogta ah loogu codeeyaa inuu yahay elaboorka ugu fii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gegida diyaaradaha ee Changi ee dalka Singapore ayaa soo diray digniin rajo beel ah iyadoo aysan muuqan ifafaalo ah in xanuunka Covid-19 dhammaanaya. Eelaboorkan ku yaalla qaaradda Aasiya ayaa si joogta ah loogu codeeyaa inuu yahay elaboorka ugu fiican dunida, kaas oo ay ka duulaan amaba ka soo degaan 60-70 milyan oo rakaab ah.

Eelaboorkan ku yaalla qaaradda Aasiya ayaa si joogta ah loogu codeeyaa inuu yahay elaboorka ugu fiican dunida, kaas oo ay ka duulaan amaba ka soo degaan 60-70 milyan oo rakaab ah.

Eelaboorka Changi ayaa hakiyay shaqada laba qeybood ka dib markii ay duullimaadyada aad hoos ugu dheceen markii ugu horreeysay abid.

Waxaa sidoo kale la joojiyay dhismihii qeybta shanaad ee labadii sannadood ee la soo dhaafay ka socday eelaboorka.

"Dagaalka lagula jiro Covid-19 haatan ayuu un bilowday,” sidaasi waxaa warbixintooda sannadlaha ah ku yiri kooxda Eelaboorka Changi. ” Mustaqbalka waa mid aanay rajadiisu wanaagsanayn.”

Singapore ayaa 23-kii bishii Maarso joojisay soo gelidda iyo sii marista dalkeeda, waxayna taasi horseedday iney gabi ahaanba joogsadaan rakaabkii eelaboorka.

Hase yeeshee saameeyntii bilihii uu xirnaa Elaboorka Changi ayuu weli ka soo kabsan la’yahay oo waxa uu khasaaray lacag dhan 435 milyan oo doolar.

Elaboorka Changi ayaa sannadka 2020-ka loogu codeeyay inuu yahay elaboorka ugu fiican dunida, taasi oo ka dhigan in sannadkii 8-aad oo xiriir uu noqday eelaboorka ugu wanaagsan caalamka, sida laga soo xigtay shirkadda Skytrax oo fadhigeedu yahay UK.

Xarunta Jewel

Sannadkii la soo dhaafay Elaboorka Changi ayaa xarigga ka jaray xarun laga dukaameysto oo aad u weyn oo uu fadhigeedu yahay 14 hektar oo isku wareeg ah.

Kooxda Gagida diyaaradaha ee Changi ayaa sheegay in rajada dib usoo noqoshada shaqada eelaboorka ay ku xirantahay sida dalalka caalamka ay u maareeyaan xaduudaha iyo khafiifinta shuruudaha duulimaadyada.

Xigasho:BBCSomali




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip